Home Curis Hawl adduun iyo Haddimo kalgacal W/Q: Abdiwahaab Abdulqadir Mahamud (Carab)

Hawl adduun iyo Haddimo kalgacal W/Q: Abdiwahaab Abdulqadir Mahamud (Carab)

0
SHARE

quotescover-JPG-39Hawl adduun iyo Haddimo kalgacal.

HORDHAC

Waa sheeko jaceyl oo dhaba, sheekadan ayaa ah mid u soo gudbinaysa aqristaha inuu oggaado kana barto dhibaatada iyo dhiillada uu leeyahay Jacaylka guuldareysta ama ku kooban qof keliyaata ee aan isu dheelitirneyn, waa dhab wax walba oo dhinaca u bataahi waxay keenaan dheeli iyo culeys badan, haddaba haddii kalgacaylku bariinsado hal dhinac wuxuu la kulmayaa hagardaamooyin iyo hiiftaan badan. Jaceylku ma ahan wax cirka ka soo daata ama dhulka ka soo baxa, ee waa silsilad ay guntin waliba mid kale haysato.

   Waa adduunyo is wada badashay, waa jaceyl middaba yeeshay, waa barasho fuddeed noqotay waa murugo maalmo xasuus badan meertada dareenka qofka oo meel ka qabsata , allow aday taada tahay. jacaylka waa midka qofka la noqda jaar iyo jaalle annu habeenna badana ka seexan werwerkiisa,walaahowgiisa iyo walbahaarkiisa iyo isla hadal aan dhammaaneen ilaa saqda dhexe uu soo jeed ku gaadho,

Naftaydu miday jaclaatay

Boggayga markaan u jeexay.

Waxii jiray aan u sheegay

Jareexo anaan sugaynin

Intay xusulka igu jiiday

Miynaan jixin jixo ka wayaay.

jaceylku malaha cugasho markuu ku soo maago qofkuu doono ayuu haleelaa, kuuma soo dirsanayo codsi aad diidi karto ama yeeli karto, malaha da’ u qorsheysan, mana kula tashanaayo, naftani waxay ubaahan tahay qofkay calmato waxaana hore loo yiri: “ “Indho waxay arkaan ayaa ilko gooyaan” kalsooniduna waa u lagama maarmaan nolosha, inaad adigu isku kalsoonaato iyo inaad dadka qofkii kaa keensada ku kalsoonaato, dhibaatooyinka kalsooni darada waxaa ka mid ah, in qof naftaadu gaclooto, dareenkaagu la dhaco, wadnahaaga uu soo jiito, indhahaagu ay ku diirsadaan aragiisa, balse aadan waxba u sheegan Karin, waa dhibaato inteeda le’eg, waana dareen culeyskiisa leh.

Sideedaba   jaceylku wuxuu leeyahay waabeeyo ka daran mida Maska dilaaga ahi dadka gaarsiiyo, wuxuuna nafta uu haleelo ku reebaa arami iyo uur ku taallo aan hadhin, qofka arrinkani la soo dersaa wuxuu galaa xaalad adag wuxuuna noqdaa qof alabkiisa iyo dabeecadiisa uu saamayn ku yeesho, waxaa qofka soo food saara arrimo badan, si kasta hadduu isu dhuubana ma qarsoomo qofka uu gacanta ku dhigo dareenka jacaylku.

Q1AAD

Waa goor galab ah, cimilladuna aad u wanaagsan tahay, goobta la joogaa waa Magaalada Mugdisho, waxaa waxoogaa ka hor qayoostay roob ka da’ayey magaalada, dhirtu waa luxmaysaa oo waxaad moodaa inay hees ay isu jiibinayaan wada qaadayaan, sidoo kale damaashaadka iyo quruxda shimbiraha u dabaaldegaya soo dhaweynta gu’ga ayaa raxanraxan u duulaya hawada marna ku deganaa dhirta, waxaa dhacaysa dabayl hoohad ah oo dhinaca badweynta hindiya ka imanaysa, guud ahaan jawiga ayaa ah mid dareen farxadeed gelinaya nafle walba oo dareemaya marxaladan.

Markii roobkii qaadey ayaa waxaa dadkii billaabeen inay dibadda soo dhoobtaan, roobka lama necba balse, guryaha iyo meheradaha ayaa laga wada galay, haddase waxaa lagu qaboowsanayaa neecawda qaboow ee roobkii ka dambeysay iyo cimillada qurxoon. Waxaad arkaysay dadkii oo koox koox isu soo taagay waddooyinka.

Cali waxa uu ka mid yahay dadka guryaha dibadda ugu soo baxay, balse Cali dadka wuxuu ugu duwan yahay, waxaa dareenkiisa aad ula dhacay hoohadka iyo jabaqda roobka ka sakoow neecawda macaan ee saaqday dhammaan naftiisa wuxuu sanka la raacayey saxansaxada udgoon ee ka dib markuu roobku qaadey bedeshay dareenkii hore ee kuleylka iyo hanfiga ahaa ee kaliisha, sidoo kale waxaa naftiisu dareentay neecaw ka macaan wax walba taasoo ka suulisay maskaxdiisa urtii qarmuuneyd ee baaruuda oo ahayd mid uu dareemo xiliyada dagaallada iyo iska hor imaadka aadna uu u necbaa.

Cali waa wiil dhallin yara da’diisuna ay tahay 21 jir wuxuu dhigtaa iskuul waana sanadkii ugu danbeyay dugsiga sare ama “FORM 4”, cali waa wiil dadaal badan jecelna waxbarashada goor walba wuxuu ku mashquulsan yahay aqrinta buuggaagtiisa kala duwan, waxbarashada aad ayuu jecel yahay, Cali wuxuu naftiisa halis u geliyaa inuu gaaro dugsiga xiliga ay colaadaha ka jiraan xaafadda uu degan yahay ama xaafadda iskuulka uu ku yaal.

Cali waxa ay saaxiibo yihiin wiil la yiraahdo Maxamed, Maxamed waa arday inkastoo aysan isku iskuul aheyn labaddoodu haddane waa saaxiibbo aad isugu kalsoon iskuna dhaw, Maxamed dabeecad ahaan aad ayuu u kulul yahay mana dulqaad badna sida Cali oo kale, balse qofkii aad u sii dhex gala oo barta Maxamed dabecadiisa wuu jeclaanayaa, xiliyada naftiisa ay la soo gudboonaato xaalad adag waxa uu si deg-dega u qaataa go’aan adag oo aan ka soo noqosho laheyn.

Cali sida aan soo sheegnay wakhtigiisa inta badan wuxuu geliyaa waxbarashada fursada ugu dhow ee Cali soo marta toddobaadkii waa maalmaha khamiista iyo jimcaha wuxuuna booqdaa guriga Abtigii oo ku yaal degmada HOWL-WADAAG aad ayuu u jecel yahay la jooga Abtigii iyo carruurtiisa, gaar ahaan waxay sheekada isugu baxdaa gabadha ugu roon gabdhaha Abtigii oo lagu magacaabo Caasha, Caasha waa gabadh fur-furan xagga dabciga iyo dad la dhaqanka.

Caasha hablaha kale waxay dheer tahay qurux uu illaah ku manaystay, Cali wax yaabaha uu Caasha kaga helay waxaa ka mida dabeecad wanaageeda iyo sheekadeeda oo uu mar walba u xiiseen jiray, markay hadlaysana wuxuu dhugan Afkeeda qurxoon isagoo aad moodo inuusan weligii hore u arag.

Wuxuu xaalku sidaa ahaadaba Cali wuxuu ku guuleystay inuu dhameeyo dugsiga sare shahaadadii uu in badan ku riyoon jiray hammigiisuna ay aheyd inuu mar uun qaato ayuu maanta gacanta ku dhigay, Cali aad ayuu u faraxsan yahay, wuxuu u soo dhaqaaqay dhinaca xaafadiisa, qofkii ka hor yimaada waxa uu arkayaa farxada ka muuqata wejigiisa maanta, Cali hooyadii, walaalihii iyo asaxaabtiis oo uu ugu horreeyo Maxamed si hagar la’aana ayey ugu qeyb qaateen damaashaadka farxada Cali.

Maxamed: Saaxiib hambalyo maanta waxaad xaqiijisay dadaalkaagii ahaa inaad mar uun ka qalin jebiso dugsiga sare Hambalyo….Hambalyo.

Cali: Mahadsanid saaxiib maanta himmiladeydii kowaad waan helay balse waxaa ii harsan oon weli xaqiijin shahaadadii jaamacada”.

Maxamed: Waa runtaa saaxiib Cali weli waxaa kuu dhiman shahaadadii jaamacada insha allaah taasna waad qaadan doontaa waayoo waxaad tahay qof dadaal badan.

Sheekadooda markay intaas mareyso ayaa qolka waxaa ugu soo gashay Cali hooyadiis waxeyna u sheegtay in taleefanka laga doonayo, si deg-dega ayuu u aaday halkii taleefoonkii yiil dhagta ayuun asaaray

Cali: Hallo, yaa idoonaya? Ayuu cod debacsan ku weydiiyay

Caasha: Hallo, Cali abboowe waa aniga CaAsha.

Cali: Abbaayo Caasha ii waran xaaladiina maalmahaan idiinma imaan oo imtixaan ayaa ii socday Abti iyo carruurta sidey yihiin?

Caasha: Aboowe wey kuu caafimaad qabaan ee waxaan rabay inaad galabta 4:00 pm ii timaado haddi aad fursad leedahay oo wax howla aadan haynin walaal.

Cali: Maya walaal wax hawla ah ma lihi, waan ku imaan insha Allah waa inoo galabta.

   Wakhtigu wuxuu is guraba waxaa la gaaray xiligii ballanta loo dhigay Cali daqiiqado ka hor ayuu diyaar ahaa wuxuuna ku soo dhacay Bas wuxuuna soo aaday xaafadii Caasha, wuxuu Basku soo luudaba Cali wuxuu yimid guriga Abtigii, Cali wuxuu rabaa inuu ugu naxsado abtigiis iyo carruurtiisa farxadiisa oo ah inuu ka qalin jebiyay dugsiga sare, balse horaa loo yidhi “Allow nimaan wax ogeen ha cadaabin” Cali maba oga waxa loogu yeeray iney tahay xaflad asiga loo dhigayo, Cali waxaa caaddo u ah markii uu gar-garaaco albaabka guriga waxaa ka furta inanka ugu yar ilmaha abtigiis oo uu aad u jecelaa markastana uu xanbaari jiray, markiiba intuu inankii yaraa xanbaaray ayuu horay u soo galay guriga wuxuuna arkay xaaska abtigii oo deyrka guriga taagan is bariidin kadib ayuu weydiiyay Caasha iyo hablihii kale halka ay joogaan, iyada oo aysan u jawaabin ayey gacanta qabatay dabadeedna ay dhex keentay qolka fadhiga ee martida loogu talo galay oo uduga ka soo baxaya aad la dhaceyso, Cali waxba ma arkayo waayoo wuxuu ka yimid cad ceed iftiin badan waxa uuna dhex joogaa qol mugdi ah isaga oo weli wax arki la’ ayey xaaska abtigii daartay nalkii qolka markaas ayaa si kadisa lagu yidhi “Hambalyo Cali” Cali wuu yaaban yahay inuu riyo ku jiro iyo in kale ayuu kala saari la’yahay waayoo wuxuu arkayaa dad wada faraxsan cunto fudud iyo cabitaano, miisaska ku taxan, sidoo kale waxaa dhooban dhallinyaradii xaafadda iyo kuwa badan   oo ehelkiisa ah, Abtiyaashii dhaleen iyo habaryarihiis, waa xaflad si weyn loo soo agaasimay looguna talogalay Kedis, Cali ayaa arrintani dareen farxadeed ku abuurtey ashqaraar dartiisna wuxuu ku hadlo ayuu waayey.

La soco qaybta labaad.

W/Q Abdiwahaab Abdulqadir Mahamud (Carab)

SHARE