Home Qoraallo Siday Qarammada Midoobay u Khayaantay Bosniya (QISO KOOBAN)

Siday Qarammada Midoobay u Khayaantay Bosniya (QISO KOOBAN)

0
SHARE

un

Siday Qarammada Midoobay u Khayaantay Bosniya

(QISO KOOBAN)

 

Sanadka kun iyo sagaal boqol iyo kow iyo sagaashanka waxaan ku noolaa magaalada Vienna, caasimadda dalka Austria, anigoo ahaa Danjiraha Dawladaha Jaamacadda Carabta ee Qarammada Midoobey iyo dawladda Austria.

Markuu dagaalka Bosniya bilowday qaxooti badan oo dalkaas kasoo bara kacay ayaa Austriya iyo Majar/Hungaria soo galay.

Dawladda Hungaria waxay u dacwootay Jaamacadda Carabta, ayna u sheegatay inay doonayso in loo soo celiyo kharajkay gelisay qaxootiga muslinka ah ee kasoo barakacay Bosnia.

Dawladda Hungaria cinwaanka ayaa ka qaldamay, oo qaxootiga dalkooda soo galay carab ma ahayn, waxayse ahaayeen muslimiin, jaamacadduna waa urur carbeed ee ma ah urur muslimiin.

Xoghayaha Jaamacadda Dawladaha Carabtu wuxuu ergay ahaan aniga iigu dirsaday inaan wada hadallo la yeesho Dawladda Majar, aanna xeryaha qaxootigaas lagu hayo tago, dadka lagu hayo oo qaxootiga ahna aan laftooda wareysto.

Waxaan ka baxay Vienna, caasimadda Austria, aanna tegay Budapest, caasimadda Hungaria. Waxaan la kulmay Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibaddda ee dalkaas oo ii sharxay siday qaxootigaas dalkooda kusoo galeen, tiradooda iyo intay lacag tan iyo maalintaas ku bixiyeen. Waxaan la yaabay siday khidmad kasta oo ay qaxootiga u qabteen ay qalacag ugu rogeen: xattaa ay xisaabeen suuftka ay haweenku caadada isaga dhigaan. Wuxuu intaas ku daray in haddayan Jaamacadda Carabtu lacagtaas bixin ay ku khasbanaanayaa inay xudoodda ay la leeyihiin Bosnia-Herzogovina ay xiraan.

Kaddib waxaan arkay ninka ha’aydda qaxootiga madaxda ka ah, oo xaruntiisu Wasaaradda Arrimaha Gudaha tahay, isaguna intii uu Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibaddu ii sheegay ayuu sii faahfaahiyay. Saraakiil kalena waa la kulmay oo dawladdaas ka tirsan.

Kaddib waa la i waday oo i geeyay xero ka mid ah xeryaha qaxootiga Bosnia_Herzogovina lagu hayo oo caasimadda aad uga fog, una dhow xuduudday labadaas dal leeyihiin.

 

Waxaa ugu horreeeyay oo aan dareemo oo aan arko waxay ahayd waxaan hore uga maqlay xeryaha qaxootiga ee Soomalidu ku noosahay Geeska Afrika, oo ah laba waxyaalood:

Kow. “Waxa ugu horreeya oo aan samaysannay waxay ahayd inaan dugsi Quraan samaysanno”, ayay ragga Bosnia ii sheegeen, ina i geeyeen dugsigii oo ardo gabdho iyo wiilalba leh Quraanka lagu barayo.

Laba. “Waxaa labaadna wuxuu ahaa waxaan samaysannay masjid.”

Waxay kaloo samaysteen skool caadi ah oo caruurtu wax barashooda kasii wataan.

Waxaan kaloo arkay kabiin taleefon laga dirsado oo saf dheer loogu jiro, waagaasna taleefoonka gacanta ma jirin oo lama hindisin.

Sidoo kale, sida xeryaha qaxootiga oo kale, meel kastaba adduunka ha uga yaallaane, waxay haysteen radio transistor ah, oo ay ka dhegeysanayaan warka dalkooda, oo la kor dhooban yahay.

Markaan raaggi madaxda u ahaa qaxootiga muslimiinta ee Bosnia wareystayna, ayaguna way ii warrameen, waxay ka sheegteenna waxaan gaarsiiyay dawladda Hungaria marka Budapest dib ugu laabtay.

Waxyaalahay ka sheegteenna waxaa ka mid ahaa biyo yaraan.

Markaan Budapest ku laabtay waa la i waday oo la i geeyey meel ahaan jirtay xeryo qaxooti oo ay Soomaali degganaan jireen, kaddibna waqooyiga Yurub uga qaxeen.

Dawladda Hungaria waxay ii sheegaty inayan doonayn qaxooti Muslin ah inuu dalkooda soo galo, oo muslinka way neceb yihiin.

Markaan Vienna kusoo laabtay, warbixinta safarkayga ayaan u gudbiyay Xogyahay Guud ee Jaamacadda Dawladaha Carabta Cismat bin Cabdu Al Majiidعصمة بن عبد المجيد\, kaasoo warbixintayda hor geeyey Shirka Wasiirradda Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta ah, kaasoo go’aan ka gaaray lacagta dawladda Hungaria la siin lahaa, inay caawinaan qaxootiga muslinka ah ee reer Bosnia-Herzogovina.

 

Ragga reer Bosnia oo aan xerada qaxootiga ku wada hadalnay, waxaan siiyay cinwaankayga, markaasey ii yimaadeen, aanna dhaqaalayn jiray. Maalintii dambay waxay ii sheegeen in ninkii u madax ahaa lagu xiray Vienna, isagoo loo haysto inuu dhaqdhaqaaqa muslimiinta oo Bosnia-Herzogovina la dagaallamaya Serbia hub u iibinayay: isagana xabsigaan ugu tegay, asxaabtiisana lacag ayaan ugu dhiibay inay garyaqaan ugu qabtaan. Kaddibna waa laga soo daayay.

Wargeysyada Yurub waxay wax badan wariyeen inay sababta dagaalkaas muslimiinta lagu laynayo ay tahay inayan dooneyn inay Yurub ka dhisnaato oo ka jirto dawlad muslin ah.

Madaxda sidaas yiri waxaa ka mid ahaa oo ugu af dheeraa, uguna af xumaa Wasiirka Koowaad ee lngiriiska iyo Papa: Madaxa Kanisadda Katoolikada ee Rooma.

Magaaladaan degganahay kama foga xuduudda Bosniya, markaasey labada dhinacda oo Bosniya ku dagaallamaya, markay u baahan yihiin inay hub soo gataan, ama daawo ama badeecado kaleba, waxay yimaadaan Austriya.

Halkaas ayaan ama Xafiiskeyga ama Masjidka waxaan kula kulmay rag ka mid ahaa madaxda dagaalyahanka Bosniya.

Waxyaalkay noo sheegeen waxaa ka mid ahaa, aanna sir ahayn oo la wada ogaa, inay dawldaha krishtaanka ahi maalin walba hubka serbiyiinta dayuurado ugu gayn jireen. Waxay kaloo yiraahdeen:

“Maalin walba waxaa timaadda ugu yaraan dayuurad weyn oo dalalka gaalada ka timaadda, ayna la socdaan wadaaddo krishtaan ah, oo cunno iyo dhar iyo kutubbadooda sita. Markaasay caruurta agoonta ah ee Muslimiinta oo aabayaaalkooda la laayey, xeryahana ku jira ayay kutubbadood u qaybiyaan, ayna ku dadaalaan inay krishtaamiyaan. Waxay caruurta baraan heeso lagu ammaanayo “Jesus”, waxayna siiyaan nacnac iyo wax macaan oo “Jesus” ku kor masawiran yahay, kuna dhigan yahay”.

Waxay kaloo yiraahdeen:

“Markay ergooyinka Qarammada Midoobay noogu yimaadaan xarumaha ay ciidammadeennu fadhiyaan, ayagoo leh waxaan abuubulaynna heshiis labada dhinac dhex mara, markay naga gaddoomaan, oo ay nus saacad naga sii maqan yihiin, waxaa na garaaca dayuuradaha serbiyiinta krishtaanka ah, waxaana xarumeheenna, oo sir ahaa, u sheega ergooyinka Qarammada Midoobay.

Kaddib waan barannay sirtooda, markaasaan markay naga gaddoomaan guurnaa oo aan degnaa meel ayan ogayn. Markaasey markay dayuuraduhu yimaadaan waxay duqeeyaan meel cidla ah.”

Waxay kaloo yiraahdeen:

“Dad qabiilka Serbia u dhashay oo krishtaanka ah, waxaa maalin walba loo keenaa dayuurad maalin walba Bosnia-Herzogovina ka qaadda oo geysa dalka Kanada, si xarbiga looga badbaadiyo.”

Arrinkaan dambena waxaa asbaabahay ku yimaadeen ka mid ahayd inay Wasiirka Koowaad ee Kanada ee waqtigaas, oo la oran jiray Malroune, oo xisbiga midigta ah ka tirsanaa, u dhaxday haweeney u dhalay Serbia, kuna dhalatay Serbia, oo qorshahaan ka dambaysay. Waxaan u malaynayaa inuu magaceedu ahaa Bianca ama Ranka.

Malroune waa ninka soo saaray, ayaamahaas, sharci aan adduunka ilaa maanta meel kale ka jirin, loona bixiyay “Guilty by Association”. Sharcigaasu wuxuu dhigayaa inaan saraakisha sare ee shan dawladood loo oggolayn inay dalka Kanada degaan, ayagoo, siduu sharcigaas u dhigay, lasoo shaqeeyey madaxwenayaal kali tasha ahaa, oo ay sidaas dambigooda la wadaagaan. Shantaas dawladood afar ka mid ah waa Muslin,  midna waa madow: Falsdhiin, Afganistaan, Bosnia, Somalia oo Muslin ah iyo Haiti, oo dad madow oo sabool ah deggan yihiin..

Arrinkaanu la yaab ma laha, maxaa yeelay Qarammada Middobay (UNO) waa urur la wada leeyahay oo waa shirka ku salaysan saamiga ay dawlad walba miisaaniyaddeeda ka bixiso, waxaana saamiga ugu weyn ee miisaaniyadda bixisa dawladda maraykaynka (USA). Marka maadaama ay saamiga ugu wayn ayagu bixiyaan, ayagaa Qarammada Midoobay u taliya.

Maantadaan aan joogno, dawldda muslinka ah ee  Bosnia-Herzogovina, waa dawlad aan xor ahayn, ee waa dawlad la haysto, waxaana dul fadhiya tan iyo waagaas ciidammada NATO, waxaana maamulo nin ay European Union soo magacawdo oo aan Bosnia kaba dhalan: waa mustacmarad NATO ay haysato. Maxayna reer Bosnia galabsadeen oo loo haystaa? Waa inay Muslimiin yihiin ee cid kale dambe kama gelin.

Danjire Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

 

SHARE