Home Qoraallo Dhallinta Soomaaliyeed iyo Kaalintooda Bulsho W/Q Drs Farax Sheekh Cabdirisaaq(Drs Zedra)

Dhallinta Soomaaliyeed iyo Kaalintooda Bulsho W/Q Drs Farax Sheekh Cabdirisaaq(Drs Zedra)

1
SHARE

13595723_1615744915403260_1950018162_n

Dhallinta Soomaaliyeed iyo Kaalintooda Bulsho.

Arrar.

Adduunkan aynu ku noolyahay aaddanuhu waa kala ayni, waana meerto la soo wada maro da’da iyo koritaanka jireed iyo midka maskaxeedba, waxaa hubaal ah in   dal kastaa leeyahay dhallinyaro kaasoo dalkaasi u arko laf dhabarta bulsheed, geed weliba waa dhacaa balse waxaa looga maarmaa in dhigiisu soo baxo, qof weliba waa dhintaa balse, waxaa looga maarmaa in qof kale dhasho oo kaalintiisii buuxiyo.

Dhallinyarada iyo saamayntooda.

Inta aanan guda gelin saamaynta ay dhallinyaradu ku leedahay Bulshada iyo heerka ay ka joogto bulshada bal aan is weydiino dhawr su’aalood oo aan u arkay lama huraan.

  1. Dhallinyarada soomaaliyeed kaalintee  ayey kaga jiraan Bulshada?
  2. Haddase awood intee le’eg bay ku leeyihiin bulshada dhexdeeda?
  3. Dhallinyaradu wax maka bedili kartaa xaaladda qalafsan ee dalku ku jiro?

Waa weydiimo qof kasta oo Soomaali ah ku ah waajib inuu helo warcelintooda, waa dhab   waxaa jirtey waqtiyo xaaladda dalku sidan ka liitey, In kastoo yididiilo fiicanni muuqato maanta marka loo eego siday awal aheed.

Haddana waxaad is weydiinaysaa dalku miyuusan lahayn jiilal cusub iyo dhallin u kacday markaad aragto meel walba inuu weli joogo ninkii 1960-70   joogay, waa maxay sababta u diidaysa inay dhallinyarada Soomaaliyeed ka soo muuqdaan shaashada kana hortaagan inay la wareegaan horumarinta iyo horseedka bulshadooda.

  Warcelinta waydiimaha

Haddaan ka falceliyo weydiinta koobaad, Kaalinta dhallinyaradu ku leedahay bulshada waa mid sida cadceeda u muuqata waxaana wada ognahay inay tahay dhallinyaradu awooda ay ummadi leedahay oo ay ku faanto kuna xisaabtanto.

Dhallinyaradu dhinaca muuqaalka bulshada waxay ku leeyihiin saamayn awoodeed ballaaran, balse, looma adeegsan dhankii wanaagsanaa ee inta badan waxaa awoodooda loo adeegsaday dhinacyo bulshada iyo iyaga dhib u keenaya.

Waa hubaal inuusan jirin ama dhicin isbeddel aan awoodda dhallintu ku jirin oo aysan kaabeynin, taasi waxay caddeyn u tahay inay wax kasta oo is beddel ah qayb ku leeyihiin, sidoo kalena karti iyo kasmo u leeyihiin inay wax weyn ka beddelaan marxalada maanta geyiga geeska afrika ku sugan yahay.

Waxaa marag inoogu filan in waddamada uu isbedelku ka dhacay ay tahay cida wax ka beddeshay dhalinyaradii u dhalatey waddamadaas kuna noolayd, ka dib markay adeegsadeen cudud caqli iyo aqoon ku dhisan, iyagoon noqon hub dadkooda lagu burburiyo ee noqday hayin dadkoodu ku guuro guri barwaaqona lagu dego.

Isbedelka dhalinyaradu waa dhankey u adeegsadaan dhinaca xun iyo kan fiicanba, wuxuuna isbadalku ku xiran yahay hadba inta ayn tayada iyo tarbiyada aqooneed le’egtahay, iyo sida ay isugu xiran yihiin una wada shaqeeyaan, iney   jirto hal u jeedo oo mideysa, haddii la helo arrimahan waa habka iyo hannaanka lagu gaari karo, isbedel dhab ah. Waana awooda aan cidina hor joogsan karin haddey isku duuban yihiin, waana qaybta bulshada ugu firfircoon uguna dhiifoon haddey aqoon ku filan leeyihiin..

Sidaa daraadeed Dhallinyarada soomaaliyeed waa sida kuwa caalamka oo kale, waxaanse haysta Caqabado dhawr ah oo ka hortaagan in ay keenaan isbedel dhab ah oo ay u raadiyaan ummadooda..

Caqabadaha dhallinyarada hortaagan

A- Waxaa intooda badan haysta dhibaato xaga waxbarashada ah, mana laha aqoon waxbarasho oo ku filan caqabad ku noqotey in ay la yimaadaan feker mideysan oo ay ku bad baadiyaan Ummaddooda.

B- iyaga oo aan lahayn dalad kulmisa oo midaysa taas iyo wada shaqayn ka dhaxaysa Heer qaran, heer gobol ilaa heer degmo, arrintan oo wax wayn ka tari lahayd isku xirnaantooda, waxaanay u suurta gelin lahayd inay helaan wacyigelin joogta ah iyo in ay daboolaan wax badan oo aan iminka la dabooli karin wacyigelintuna waa qaybta ugu wanaagsan oo bulshada lagu haggo , qofkana tusta wadadii uu ku hormari lahaa.

Dhallinyaradu bulshada dhexdeeda waxaay ku leeyihiin Awood ballaaran oo muuqataa oo aan la qarin karin, in kastoo aanay jirin is ku xirnaaan baaxadle way ka dhex muuqdaan, taas oo ay keeneyso iyagoo ah kuwa uugu badan bulshada laakiin sidii larabay ugama muuqdaan, arrimaha adeega bulshada dhan dowladeed iyo dhan kaleba waxaa jirta ineysan saamayn ballaaran ku lahayn dowladda dhexe iyo maamullada dalka ka jira.

Anigu waxaan arrintaa u arkaa inay tahay laba arrimood oo kala ah:

  1. Ineysan bulshadu u diyaarin dhallinyarada hoggaamiyayaasha beri iyo kaaliyayaasha siiyaalka ama timaadada.
  2. Ineysan waalidka laftoodu tusin iney dhallinyaradu yihiin waalidkii beri lagana rabo iney qoys ilaa qaran haggaan oo hoggaamiyaan.

Aan tusaale yar kula wadaago, qof kasta oo hantiile ah markuu dhinto waxaad maqlaysaa labbo sannadood ka dib inuu maalqabeenkii xoolihiisii baa’ ba een! Sababtu maxay tahay?

Waa isaga oo aan carruurtiisa u tababarin ogeysiina habkii iyo qaabkii uu maareyn jirey hantida iyaguna ay dibad joog ka ahaayeen, maaha inay carruurtaasi hanan waayeen xoolaha aabbahood ee waxaysan haysan ishii iyo hannaankii maamul iyo maareyn oo aabbahood, markay ku wareeraan ayay keentaa inuu nin weliba la yimaado qorshe siyaasadeed cusub taasina waxay horseedaa qasaaro iyo kala guur.

Tusaalaha labaad, qof walba oo xirfadle ah markuu dhinto waa la tebaa, sababtuna waxay tahay inuusan sii diyaarin dhallinyaro hawsha kala wareegta isagoo iska ilaalinaya iney ku ciriiryaan fursadiisa shaqo iyo xileed.

Qofka dhallinyarada ahi xitaa hadduu waxbarto waxaa suuroowda inuusan helin booskii iyo bartii uu ku wanaagsanaa ee uu meel kale oo dani kugu qabatey ah madaxa la galo sidaana hankiisii iyo hamigiisuu ku baa’abo, maadaama  laga aan la siinin fursadii uu lahaa  naftiisa iyo bulshadana  wax ugu kordhin lahaa.

Gunaanad:

Qoys weliba ubadkiisa haw diyaariyo inuu noqdo beri kan xilku ka saaranyahay qoys ilaa qaran. Dhallinyaraduna ha adeegsadeen awoodooda dahsoon waana inay si dhab ah oo iskaashi leh ula jaanqaadaan isbedellada dalka ka dhacaya, waa inay xil iska saaraan horumarinta iyo adeega bulshada.

W/Q: Drs:Farax Sheekh Cabdirisaaq(Drs Zedra)

 

SHARE

1 COMMENT

  1. Maasha allaah illaah haku xifdiyo drz zedra
    Runtii maanta dalka somaliya 80%waa dhalinyaro marka door intee Le eg ayay kaga leyihin dalkooda waa su aal qiimo badan
    Runtii dhalinyarada waxay ubaahan yihiin wacyi galin badan iyo faham

Comments are closed.