Home Qoraallo Andalustii Shalay Iyo Soomaaliyada Maanta Q4AAD W/Q: Maxamed Xaaji Xasan

Andalustii Shalay Iyo Soomaaliyada Maanta Q4AAD W/Q: Maxamed Xaaji Xasan

0
SHARE

Cartina-L'Andalusia araba

Bilowgii baaba’ii Andalus

Nimco walba nusqaanteed lehe, barwaaqadii iyo horumarkii ay Andalus dhinac walba ka gaartay waxaa ay ku dhalisay kibir, isla-weyni iyo xukun jaceyl. Dhaqanka aadanaha sidiisaba marka uu baraare galo ma xijin karo haddii uusan xikmad iyo tala wadaag la imaan.

Xukun jaceylkii baa dhexdoodii ku baahay, qof walba oo iyaga ka mid ahina waxaa uu ku hammiyay in boqor loogu yeero, is naceybkii dhexdoodii ahaa baa batay. Hammiga iyo u jeellanaanta boqornimada loo qabay waxaa ay meeshii ka saartay heykalkii dawladnimo ee horumarka iyo barwaaqada lagu gaaray.

Waqtiga ay waxaa oo masiibo ah dhacayaan, ogow Andalus dhinac walba waa ka hormartay ee MAR UN MADAXWEYNE i dhaha, tala-saarashada qabaa’ilka iyo naceybka walaalaha dhex mara baa u sabab ahaa in xukun iyo maamul sideed qarni iyo ka badan dhisnaa uu ku dumo wax sanado ka yar.

Qabiil walba dawlad yar uu ku dhawaaqday, boqorna waa caleemo saartay, lacag u gooni ahna waa sameystay. Mahadhooyinka taariikhda ah ee laga dhaxlay boqorradaa yar yar waxaa ugu xanuun badneyd in ay boqortooyadii yar-yareyd ee Masiixiyiinta ahayd ee markii ay walaalaha ahaayeen ay ayagu JIZYADA ka qaadi jireen in ay markoodii JIZYO siiyeen si uu midba kan kale dhul uga qabsado ama xoogaa deegaankiisa ugu durgo.

Qabiil walba ama boqor walba kan kale ee xiga buu cadaw u arkay si uu isaga difaacana waxaa uu boqorkii ALFONSO 6 u oggolaaday in uu waxa uu doono siiyo maal iyo dhulba laakiin uu midkaa kale uga dhawaado. Baratankii iyo isku dulleyntii ALFONSO waxaa ay noqotay wax caado ah oo aan laga xishoon. Maxaa shalay maanta uga eg!!!

Xilligaa magicii taariikheed oo loo baxshay waxaa uu ahaa CARIGII BOQORTOYOOYINKA YAR YAR, iyadoo koobanna iga hoo: meelahii ay degenaayeen, ciddii xukumaysay iyo magacyadii ay la baxeen.

Waqtigii Boqorrada Dawaa’ifta (400 – 484 H 1009 – 1091 M)

Burburkii iyo kala qeybsanaantii dawladda Andalus waxay sababtay in kala furfur hoose uu ku dhoco maamulkii iyo taliskii dawladda oo idil.

Iska daba jiitan ka dib Andalus waxaa ay u qeybsantay 7 waaxood oo waaweyn, waax kasta ay isku magacaawday Boqortooyo, boqortooya kastaana ay ka dhex yagleelmeen dawlado yar yar, oo hadii si guud la isugu daro gaarayay illaa 22 dawladood oo yar yar.

Todoba qeybood oo waaweyn bay u kala baxeen, mid walibana kan kale ay cadaw u taqaan, iska ilaalintiisana ay maul iyo dhiigba u hurto halka ay cadawgii runta ahaa gorodda u laalaadisay. Deegaannadii ay ka talinayeen iyo magacyada ay boqotooyooyinkaas lahaayeen baan si kooban u soo bandhigayaa:

1▪ Boqoryooadii Saraqusda: waxay aheyd boqortooyada ugu weyn, markii la fiiriyo awood ahaan iyo waliba dhulkii ay ka talineysay bad ahaan

Waxaa ay dhacday dhanka waqooyi, waxaana tala ahaan la wareegay reer la dhoho reer Banuu Huud.

2▪ Boqortooyadii Balansiya: waxay dhacday dhanka Bari ee Andalus, waxaa ay dhanka waqooyi xuduud kala laheyd Magaalada Saraqusda.

Waxaana ka talin jiray qolo la yiraahdo reer Banuu Caamir, waxaa ay gaashaan-buur la sameysteen gaaladii ka ag dhaweyd, si ay u ilaashadaan boqortooyadooda, isagana ilaaliyaan boqorrada kale ee jaarka la ahaa.

3▪ Boqortooyadii Gharnaada: waxaa ay dhacdaa koonfurta Andalus.

Waxaa gacan ku heynteeda la wareegay qolo la yiraaahdo Banuu Zibri, waana kuwa loo yaqaan Berberka.

4▪ Boqortooyadii Badliyoos

Waxaa la wareegay qolo la magac baxday Banul Afdas waana qeyb kamid ah Barbarka waxaa ay halkaas ka sameysteen saldhigyo waaweyn iyo qalcado.

5▪ Boqortooyadii Qurduba: waxaa ay ku tiillay bartamaha Andalus.

Waxaa taladeeda la warwwgay reer Banuu Jahwar, waxaa ayna abtirsiin sheegtaan Abul Xazmi Binu Jahwar, oo ahaa hoggaamiyihii golaha wada tashiga.

6▪ Boqortooyadii Ishbiiliya

Waxaa ay dhacdaa dhanka galbeed ee Andalus, waxaa ka talin jiray reer Banuu Cabaad

7▪ Boqortooyadii Duleydila

Waxaa taladeeda hayay reer Din-nuun, oo halkaas ka yagleelay istiraatiijiyad ay ku xukumaan boqortooyadooda, isagana riixaan dhagarta boqorrada kale ee la jaarka ah.

W/Q Maxamed  Xaaji Xasan

SHARE