Home Qoraallo WAHAABIYADA. Qore : Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan

WAHAABIYADA. Qore : Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan

0
SHARE

wahabi

بسم الله الرحمن الرحيم

 

الحمد لله، والثناء لله و وصلى الله على سيدنا ومولانا محمد النبي الأمي  وعلى آله الطيبين الطاهرين وسلم تسليما كثيرا كلما ذكره الذاكرون وغفل عن ذكره الغافلون، أما بعد

 

Wahaabiyada

 

Intaan danjiraha soomaaliyeed ee Jarmanka Galbeed ahaa (1981-1986) waxaa maalin safaaradda yimid nin aan jaamacadda Bologna ee dalka talyaaniga wax ku wada barannay, uuna la socdo nin labaad oo aanan anigu aqoon.

 

Hooyaday iyo Saaxiibkay

 

Markaasaan saaxiibkay iyo ninka la socday waxaan qado ugu marti qaaday gurigayga. Intaan qadanaynayna, ayuu saxiibkay wuxuu yiri:

“Ma bannaana  xuska Nabi Mummad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam iyo xuska waalidiintuba.”

 

Waxaa meel ay naga maqli karto fadhida hooyaday Xaliimo Ciise Faarax “Ciise Qadanle” Allaha الله labadoodaba u naxariistee, markaasay waxay tiri:

“Maandhow maxaad tiri? Bal kussoo celi.”

Markaasuu saaxiibkay hadalkiisii hore kusoo celiyay. Markaasay hooyaday waxay tiri:

“Maandhow waa diinteena?”

Wuxuu yiri:

“Waa diinta islaamka.”

 

Aabahay, Allaha الله u naxariistee wuxuu ahaan jiray qaalli, kutubbadana gala, marka hooyaday cilmi dhegood ayay leedahay, gurigeedana Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam ayaa lagu xusi jiray. Wayse iska aamustay.

 

Aniguna markaas wahaabiyada waa maqlay, aqoon fiicanse uma lihi. Sidaasaan saaxiibkay iyo saaxibkiis markaan qadaynnay ku kala tagnay. Saaxiibkiis waxaa la oran jiray Cabdu Al Qaadir, gacan ayaa go’nayd, waa dambena waxaan maqlay inuu noqday shiikha ururka la oran jiray “SODAF” oo Addis Ababa, arliga amxaarada, xaruntiisu ahayd.

 

Waxaa ayaantaas aniga marti ii ahaa laba wadaad oo Ilaahay الله cilmiga diinta siiyay, oo gurigayga deggan, maalintaas-se ay labadooduba isbitaal ku jiraan, waxayna kala ahaayeen Sheekh Cali Suufi oo Ogaadeen u dhashay  oo soomaalida casrigaani taqaanno iyo Sheekh Xasan Cabdu Allaahi oo Isaqq u dhashay, kana sii ahaa Habar Yoonis, kana sii ahaa Isxaaq, kana soo baxay Jaamacadda Al Azharجامعة الأزهر ee Al Qaahiraالقاهرة\ arliga Masarمصر\, ahaana Wasiirka Diinta iyo Caddaalladda Soomaaliya. Allow الله labadoodaba u naxariiso.

 

 

Sheekh Xasan Cabdu Allaahi

 

Waxaan ku hormaray Sheekh Xasan, oo lugi kasoo jabtay, oo aan isbitaalka ugu tegay, aanna ku iri:

“Sheekow wahaabiyah maxay tahay?”

Wuxuu yiri:

“Madaxweyne Maxammad Siyaad Barre ayaa wuxuu dhanbaal iigu dhiibay boqorka Sucuudiga, markaasaan dayuurad raacay oo aan boqorka hor fariistay, dhanbaalkana aan gacanta ka saaray. Anigu waxa dhanbaalak ku dhigan waa ogahay oo nuqul ayaan ka haystaa, waxaana ku dhigan:

“Jalaalatu Al Malikجلالة الملك\, Boqorow, soomaalidu waa shacbi boqolkiiba boqol wada muslin ah, haysatana math-habka shaaficiyada. Diinta islaamkuna waxay Soomaaliya soo gaartay sideed sano ka hor intayan Madiinaالمدينة المنورة gaarin oo uusan Nabi Muxammad Sallaa Allaa Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam u haajirin. Waligeenna nama soo marin khilaaf math-habi ah. Ayaamahaan dambe ayaa waxaa nasoo galay dhallinyaro masjidyada dhexdooda muslimiinta khilaaf ka dhex dhaliyay oo quluubtii dadka kala jeediyay.

Markaan baarnay dhallinyaradaas, waxaa noo soo baxday in la yiraahdo Wahaabiyiin ayna adiga kuu shaqeeyaan. Marka, hadduu warkaasu run yahay naga cesho.”

 

Boqorku markuu warqadda wada akhriyay ayuu ii soo jeestay, uuna igu yiri:

“Madaxweynaha qoraalkiisa waxa ku dhigan waa run oo aniga ii shaqeeyaan, aniguse wax kama qaban karo, oo waxay hoos yimaadaan Aala Sheekhأل الشيخ\. Madaxweynaha salaam iga gaarsii, qoraalna waa ugu soo jawaabi doonaa.”

 

Marka, waxaa halkaas ku caddaatay oo uu boqorka sucuudigu afkiisa ka qirtay inay wahaabiyiintu yihiin ciidan isaga u shaqeeya.

 

Sheekh Cali Suufi

 

Kaddib waxaan isbitaalkuu ku jiray ugu tegay Sheekh Cali Suufi, isagana aan waydiiyay waxay wahaabiyadu tahay, wuxuuna igu yiri:

“Waxaan jiraa boqol iyo saddex sano oo been kuu sheegi mayo oo Ilaahay الله ayaan ka baqayaa. Waxaan degganaa magaalada Harare ee arliga Ethiopia, markaasaan waxaan kasoo mid noqday wafdiga dawladda Ethiopia ee Xajka.

Markaan xajka dhammaysannay, ayaan waxaan goostay inaan dhowr maalmod Kacbada la darso – mujaawarahمجاورة\ -. Markaasaa maalin markaan saladda casar Kacbada agteeda ku tukannay, ayaan iska sii fadhiyay, anigoo Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam ku sallinaya.

 

Markasaan waxaan ku baraarugay ayadoo ay laba nini midkoodba cudud igu dhegay oo i kiciyay. Way i wadeen oo ay xabsi i dhigeen. In yar kaddib waxaa la i hor geeyey qaalli.

 

Nasiib ayaan lahaa oo wuxuu ahaa qaalli fiican, wuxuuna igu yiri:

“Ma taqaannaa sababta laguu soo xiray?”

Waxaan ugu jawaabay:

“Maya qaalliyow.”

Wuxuu yiri:

“Waxaa laguu soo xabbisay inaad Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam ku sallinaysay.”

 

Waxaan iri:

“Qaalliyow, in Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam lagu salliyo waa waajib oo waaba tuu Ilaahay الله Quraanka ku yiri:

}إِنَّ اللَّهَ وَمَلائِكَتَهُ يُصَلُّونَ عَلَى النَّبِيِّ يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا صَلُّوا عَلَيْهِ وَسَلِّمُوا تَسْلِيمًا(56){

Diinta islaamka waxaa lagu gala shadataynka, oo haddaan Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam lagu sallin ayan sax ahayn.

Aathaanka salaadda salligu waa qayb ka mid ah, iyo iqaamadaba. Ataxyaatka salligu waa qayb ka mid ah marka la tukanayo.”

 

Qaalligu wuxuu yiri:

“Xabis kugu xukumi mayo, waanse ku tarxiilayaa.”

Waxaan ku iri:

“Qaalliyow, haddaad i tarxiilaysid, ha igu celin Ethiopia, maxaa yeelay halkaasna waa la igu xirayaa.”

 

Markaasaa waxaa la i saaray Markab xamuul sida oo Barbara iga dejiyay anigoo aan qofna ka aqoon. Sidaasaan Soomaaliya ku imid. Wahaabiyadu waa taas.”

Allow الله u naxariisto Sheekh Cali Suufi.

 

Markaan labadaas wadaad cilmigaas ka helay, ayaan saaxiibkay waxaan ku iri:

“Walaalow inaad sidaas tiraahdo ma lacag ayaa lagugu siiyaa?”

Wuxuu yiri:

“Haa, oo safaaradda sucuudiga ee Muqdisho ayaa bil walba kun dollar la iga siiyaa.”

 

Anigoo danjire ahna mushaarkaygu waa kun dollar bishiiba. Saxiibkaygaas waa danbe marka lasoo qaxay kaddib wuxuu i isheegay inuu wahaabiyada ka baxay oo uu tabliighi noqday.

 

 

 

 

 

Sababta

 

Awoowaha labaatnaad ee Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam waa Cadnaanعدنان\. Cadnaanعدنان wuxuu dhalay Macaddمعد\. Macaddمعد wuxuu dhalay Nizaarنزار\. Nizaarنزار wuxuu dhalay afar nin oo kala ah:

Kow. Mudarمضر\.

Laba. Iyaadإياد\.

Saddex. Anmaarأنمار\.

Afar. Rabiicahربيعة\.

 

Afartoodaas waxay wada degganaayeen Makkah Al Mukarramahمكة المكرمة\. Zamankoodaas hawsha ugu sarraysa oo la qabto waxay ahayd maamulidda Kacbada iyo fureheeda iyo haynta talada Makkahمكة\.

 

Xilka Iyaad إياد\

 

Waxaa marka hore xilalkaas qabtay Iyaadإياد\, markaasuu Makkahمكة\ fisqi ka riday, markaasaa reer Iyaadإياد\ oo dhan Makkah Al Mukarramahمكة المكرمة laga saaray.

 

Xilka Anmaar أنمار\

 

Waxaa ku xigay oo xilalkaas qabtay Anmaarأنمار\, oo ayaguna dariiqa walaalohood ilmo Iyaad إياد maray, oo markaas ayagana Makkahمكة  xoog looga saaray.

 

Nabinnimo

 

Shaqada ugu sarraysa oo nini qabto waa Nabinnimo iyo Rasuulnimo, shaqadaas waxaa qaatay oo la tegay Mudarمضر\, oo uu ku abtirsado Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, taasoo ayan Rabiicahربيعة\ waligeed gaari karin.

 

Ilmo adeerrada meel kasta iyo zaman kastaba waxaa ka dhexeeya tartan oo mid walba wuxuu doonayaa inuu qabiilka u taliyo, ugu cilmi bato, ugu maal bato, iwm. Waxaa ka dhexeeya xaasidnimo ama kala masayr, oo ah yaan lagaa fiicnaan, siduu Imaam Abuu Xaamid Al Ghazaaliiالإمام أبو حامد الغزالي\ ugu  sugay kitaabkiisaاحياء علوم الدين\ .

 

Waad taqaanna hadalka Abuu Jahalأبوجهل\ oo ahaa:

“Reer Banii Cabda Manaafعبد مناف\ way nafaqeeyeen, markaasaan annagu nafaqaynnay, masaakiintay caawinayn markaasaan annaguna caawinnay..markaasaan markaan sinnaannay waxay yiraahdeen “Annaga Samadaa nala soo hadasha”. Goormaan annagu taas gaaraynnaa? Waan ogahay inuu Muxammad Nabi Mursal ah yahay, laakiin wa Allaahiالله\ inaanan waligay rumaynayn oo raacayn!” Waa u quuri waa!!! Ama hadal sidaasoo kale ah ayuu yiri.

 

Rabiicahربيعة\ markay xukunka Makkahمكة\ iyo Al Madiinahالمدينة\ gacanta ku dhigtay, waxay isla markiiba bilowday inay tirtirto raadka Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, ha ahaato guri uu dego, ha ahaato masjid aan laba Xaram ahayn, ha ahaato meeluhu duullannada ku tegay, ha ahaato yaan lagu sallin oo la xusin: waxay doonayaan inay qariyaan oo la halmaamo, si ay xukunkooda ugu waaraan, oo aan Ashraafta lagu soo celin.

 

Makkahمكة\ waxaa ku yaalla Guriga Ilaahayالله Boqorka Runta ah, marka ninna ma oran karo waxaan ahay boqorka Makkah مكة\, markaasay la baeen “Khaadimu Al Xaramayniخادم الحرمين\”.

Boqorka sucuudigu hadduu doonayo inuu Kacbada galo waxaa loo yeeraa ninka Quraysheed oo furaha haysta, o gurigiisa ku haysta, uguna jira sanduuq yar oo uu gacanta ku sito, markaasuu u furaa, kaddibna xirtaa. Culummada sucuudiguعلماء السلطان\ waxay hadda bilaabeen inay Xadiithka aan kor ku xusay oo ah inuusan ka qaadayn furaha daallin mooyee ku tilmaamaan daciifضعيف\. Malaha waxay u bias bisoonayaan inay ka qaataan.

 

Markaasay hindiseen yaan Nabiga la xusin! Waana arrin siyaasadeed oo diin shaqo kuma laha.

 

Dardaaranka Nizaarنزار ee wiilashiisa

 

Markay geeridu u timid, Nizzar bin Macaddنزار بن معد oo ah awoowaha sideed iyo tobnad ee Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, wuxuu isugu yeeray wiilashiisa Mudar مضر\ iyo Rabiicahربيعة\ iyo Iyaadإياد\ iyo Anmaarأنمار\, wuxuuna ku yiri:

 

“Maamulka Kacbada waxaa iska leh Iyaadإياد\, Jurhamnaجرهم\ Makkahمكة\ ka saara ayadoo uu dulligoodu batay. Khaymaddaan guduudanna oo saanta ka sameysan iyo inta la midka ah ee maalka waxaa iska leh Mudarمضر\. Tobankaan kun oo Dirham (haathihi al badratiهذا البدرة\) iyo majliskaan-na waxaa iska leh Anmaarأنمار\. Faraskaan madow iyo khaymadda madawna iyo inta la midka ahba ee maalka waxaa iska leh Rabiicahربيعة\. Khaadimaddaan (haweeney u adeegi jirtay) midabkeedu boorka u egyahay iyo inta la midka ah ee maalkeygana waxaa iska leh Iyaadإياد\. Hadduu idiin caddaan waayo oo uu shaki idinka galo sidaad maalka u qaybsan lahaydeenna waxaad u tagtaan faaliyaha Al Jurhamiiالجرهمي\ oo Najraanنجران\ deggan.

 

Markuu Nizaarنزار dhintay ayay wiilashiisii dhaxalka sida loo qaybsan lahaa ku heshiin waayeen. Markaasey waxay aadeen faaliyaha aabohood u tilmaamay oo Yamanيمن\ degganaa, ahaana xaakinka iyo qaalliga Carabta.

 

Intay dariiqa ku sii jireen ayuu Mudarمضر wuxuu arkay rati raadkiisa halkaas daaqay, markaasuu wuxuu yiri:

“Halkaan waxaa daaqay rati cawar ah, oo il kaliya leh”.

Markaasuu Rabiicahربيعة\ wuxuu yiri:

“Waa Rati dhutiya”.

Markaasuu Iyaadإياد\ wuxuu yiri:

“Waa rati sayn go’an.”

Markaasuu Anmaarأنمار\ wuxuu yiri:

“Waa rati baadi ah.”

 

Markay cabbaar socdeen, ayaa waxaa ka hor yimid nin oo weydiiyay:

“Miyaad aragteen rati iga soo baadiyoobay?”

Markaasuu Mudarمضر wuxuu yiri:

“Ma cawar baa?”

Ninkii wuxuu yiri:

“Haa”.

Rabiicahnaربيعة\ wuxuu yiri:

“Ma rati dhutinayaa?”

Wuxuu yiri:

“Haa”.

Iyaadnaإياد\ wuxuu yiri:

“Ma rati sayn go’an baa?”

Wuxuu yiri:

“Haa”.

Anmaarnaأنمار\ wuxuu yiri:

“Ma rati baadi ah baa?”

Wuxuu yiri:

“Haa”.

Markaasuu ninkii intuu farxay ayuu wuxuu yiri:

“Tilmaamahaasi waa tilmaamaha ratigeyga ee mee?”

Markaasey kulligood waxay yiraahdeen:

“Ma aanan arag”.

 

Ninkii ragga wuu ka shakiyay, wuxuuna yiri:

“Sideebeydnaan u arag adinkoo tilmaamihiisa iigu tilmaamay?”

Waxay yiraahdeen:

“Waxaan ku niri ma aanan arag”.

 

Markaasey xagga faaliyihii Al Jurhamiiالجرهمي\ sii aadeen, isagoo ninkiina uu raadkooda ku joogo. Markay Najraanنجران\ galeen oo ay guriga Al Jurhamiiالجرهمي\ galeen, ayuu ninkiina guriga ka daba galay, oo uu qaalligaas uga dacwooday raggaas ratigiisa u tilmaamay, kaddibna indhohoodu waxay arkeen oo ay tilmaameen beeniyay, wuxuuna yiri:

“Raggaan waxay qaateen ratigeyga, oo intay tilmaamihiisa iigu tilmaameen ayay hadana yiraahdeen ma aanan arag.”

 

Markaasuu qaaligu  xagga Mudarمضر u jeestay oo uu indhihiisa indhaha u saaray oo uu yiri: “Sidee baad u ogaatay inuu cawar yahay?”

Mudarمضر wuxuu yiri:

“Wuxuu daaqay dhinac, dhinaca kalena wuu ka tegey, markaasaan ogaaday inuu cawar yahay.” Markaasuu Rabiicahربيعة\ u jeestay oo uu ku yiri:

“Sidee baad ku ogaatay inuu dhutinayo?”

Rabiicahربيعة\ wuxuu yiri:

“Waxaan arkay in raadka labada jeeni uu midna dhulka ku sugan yahay, kan kalena uusan raadkiisu si fiican u muuqan, markaasaan ogaaday inay sababta uu la muuqan waayey ay tahay xoogga uu dhulka ugu dhuftay.”

Markaasuu wuxuu Iyaadإياد\ ku yiri:

“Sidee baad ku ogaatay inuu ratigu sayn go’an yahay?”

Iyaadإياد\ wuxuu yiri:

“Waxaan ka ogaaday siday saaladiisu isu haysato, oo hadduu sayn lahaan lahaa wuu dhaqdhaqaajin lahaa oo uu saalada kala firdhin lahaa.”

Markaasuu Anmaarأنمار\ wuxuu ku yiri:

“Sidee baad ku ogaatay inuu baadi yahay?”

Wuxuu yiri:

“Wuxuu daaqay meesha baadka iyo dhirta yar, umana uusan gudbin meesha ka daaq badan.”

 

Markaasuu qaalligii wuxuu ujeestay ninkii ratiga lahaa, wuxuuna ku yiri:

“Raggaani ma ayan qaadan ratigaaga, ee raadso”, ninkiina waa iska tegey isagoo la yaaban inayan ratigiisa arkin, ayna isla markaas siduu ahaa u tilmaameen.

 

Ilmo Nizaarنزار\ iyo Al Jurhamiiالجرهمي\

 

Markaas kaddib ayuu faaliyihii intuu ragga u jeestay ayuu wuxuu yiri:

“Yaad tihiin?”

Waxay yiraahdeen:

“Waxaan nahay wiilasha Nizaar bin Macadd bin Cadnaanنزار بن معد بن عدنان\.”

 

Markaasuu faaliyihii soo dhoweeyey oo uu yiri:

“Soo dhowaada oo ehelkiin ayaad u timaaddeen, maxaana noo kiin keenay oo aad dooneysaan?”

Waxay yiraahdeen:

“Aabeheen ayaa markuu dhimanayey wuxuu na yiri:

“hadduu shaki idinka galo sidaad maalkeyga u qaybsan lahaydeen, oo aad isku khilaaftaan, u taga faaliyaha Al Jurhamiiالجرهمي\.”

 

Marka waan isku khilaafnay dhaxalkii, markaasaan kuugu nimid inaad noo kala xukuntid.” Markaasuu isagoo yaaban wuxuu yiri:

“Ma anigaabad ii baahan tihiin, anigoo waxaan idinka arkayba idinka arkay?”

 

Markaasuu faaliyihii kacay oo uu ri u qalay, cunnana u sameeyey, khamro ay cabbaanna u keenay. Kaddibna wuxuu fariistay meel aan ayaga ka fogayn oo uu hadalkooda ka maqli karo, ayaguse ayan isaga u jeedin. Markaasey cunnadiina cuneen, khamradiina cabbeen.

 

Markaasuu Rabiicahربيعة\ wuxuu yiri:

“Hilibka maanta mid ka fiican hore uma arag, haddayan ahaan lahayn in rida caano ey lagu koriyay”.

 

Kaddibna Mudarمضر\ ayaa wuxuu yiri:

“Khamradaan oo kale hore uma arag, hadayan ahaan lahayn in geedka canabka oo laga soo miiray uusan qabri ka kor bixi lahayn.”

 

Markaasuu faaliyihii isla hadlay oo uu yiri:

“Kuwaani waxaan shayaadhiin ahayn ma aha.”

 

Markaasuu wuxuu u tegey haweeneydii khamrada sameysay, wuxuuna ku yiri:

“Khabarka khamradaan ii sheeg”.

Waxay tiri:

“Geedkeedu wuxuu ka baxay qabriga aabahaa dushiisa”.

 

Kaddib faaliyihii wuxuu u tegey ari jirkii uu rida kasoo gatay, markuu arrinka ridaas weydiiyayna wuxuu ku yiri:

“Waxay ahayd waxar aan caano ey ku koriyay, ayadoo ayan waxaro kale ariga ku jirin (oo ay hooyadeeda la nuugto), ayada hooyadeedna ay dhimatay.”

 

Faaliyihii wuxuu usoo noqday ilmo Nizaar نزار\, wuxuuna Rabiicahربيعة\ ku yiri:

“Sideebaad hilibka ku ogaatay?”

Rabiicahربيعة\ wuxuu yiri:

“Hilibka eygu baruurtiisa waa ka korreeyaa, taasoo ka duwan hilibka ri’da oo ay baruurteedu hilibkeeda ka korreyso.”

 

Faaliyihii wuxuu Mudarمضر\ ku yiri:

“Sideebaad khamrada ku ogaatay?”

Mudarna نزار\ wuxuu yiri:

“Geedka canabku hadduu qabri dushiisa ka baxo khamradiisu waa ka khafiifsan tahay kuwa kale, oo siday khamrada kale qofka u saameyso tani uma saameyso.”

 

Markaasuu faaliyihii, intuu si fiican u fariistay, ayuu wuxuu ku yiri:

“Dantaad iigu timaaaddeen ii sheega.”

 

Markaasey dardaaranka aabohood Nizaar bin Macaddنزار بن معد\ uga warrameen. Markuu maqlay arrinkooda ayuu faaliyihii wuxuu yiri:

“Maalka intiisa khaymadda guduudan la midka ah waxaa leh Mudarمضر\. Ninka khaymadda madow la siiyay wuxuu leeyahay inta madow oo maalka ka mid ah. Lacagta iyo dhulkana waxaa iska leh Anmaarأنمار\.”

 

Markaasey ilmo Nizaarنزار\ ka gaddoomeen oo ay Makkahمكة\ usoo noqdeen, maalkiina ay u qaybsadeen sidatan: Mudarمضر wuxuu qaatay lacagtii Diinaarka ahayd oo dahabka guduudan ka samaysnayd iyo geela, markaasaa qabiilka Mudarمضر ka farcamay waxaa loo bixiyay Mudar Al Xamraa’مضر الحمراء\, oo ah Mudarمضر tii guduudnayd.

 

Rabiicahربيعة\ wuxuu qaatay faraskii iyo inta la midka ahayd, markaasaa qabiilka ka farcamay loo bixiyay Rabiicah Al Farasربيعة الفرس\.

 

Anmaarأنمار\ wuxuu qaatay arigii, markaasaa qabiilka ka farcamay waxaa loo bixiyay Anmaar Al Shaataأنمار الشاة\, oo ah Anmaarأنمار\ riyoole.

 

Iyaadإياد\ wuxuu qaatay ariga midabkiisu cad yahay baro madowna leh iyo fardaha midabkoodu caddaanka iyo madawga isku jira yahay, markaasaa qabiilka ka farcamay waxaa loo bixiyay Iyaad Al Barqaa’aإياد البرقاء\ oo ah Iyaadإياد\ caddaan iyo madow isku jira.

 

Afartaas nin oo ilmo Nizaarنزار\ ah, mid walba markiisuu maamulka Kacbada iyo Makkah مكة\ gacanta ku dhigay. Waxaa ugu horreeyey Iyaad bin Nizaarإياد بن نزار\ .

 

Anmaarأنمار\ dabadiisna waxaa qabtay Mudarمضر\

 

Anmaarأنمار\ dabadiisna waxaa qabtay Mudarمضر\ oo ilaa maanta furaha Kacbada haya, hayn doonana ilaa maalinta qiyaame, oo wuxuu Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam furaha Kacbad gacanta u geliyay Cutmaan bin Dhalxahعثمان بن طلحة\ oo u dhashay qabiilka Cabdu Al Ddaar bin Qusayy bin Kilaabعبد الدار بن قصي بن كلاب\ oo Qurayshقريش\ ka mid ah, una sheegay inuusan ka qaadayn axad aan daalin ahayn:

 

“خُذُوهَا يَا بَنِى أَبِى طَلْحَةَ تَالِدَةً خَالِدَةً لا يَنْزِعُهَا إلاّ ظَالِمٌ، يَا عُثْمَانُ إنّ اللّهَ اسْتَأْمَنَكُمْ عَلَى بَيْتِهِ، فَكُلُوا بِالْمَعْرُوفِ”.

 

Xadiithkana waxaa wariyay Al Waaqidiiالواقدي\ iyo ghayrkiisba, kuna wariyay kitaabkiisa “Kitaabu Al Maghaaziiكتاب المغازي\.”

 

Waxaa isaguna qabtay Mudarمضر\, oo waxaa xilkaas xoog iyo dagaal ku qabsaday Qusayy قصي\ awoowaha afaraad ee Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, oo ilaa maanta furaha Kacbada haya, o waxaa haya nin Al Shaybiyyiinaالشيبيين\ ka tirsan oo u dhashay qabiilka Quraysheedقريش\ ee Banii Cabda Al Ddaarعبد الدار بن قصي\, kuna abtirsada ninkuu Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam furaha siiyay oo gacanta u geliyay ninka hore u hayn jiray, una celiyay kaddib markay kasoo degatay Aayadda sideed iyo dontonaad ee Suuratu Al Nisaa’iسورة النساء\, lagamana qaadi karo siduu Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam u yiri, oo kama qaadanayo nin aan daallin ahayn, siduu u yiri.

 

 

Culummada sucuudiga zamankaan qaarkood waxay leeyihiin inuu Xadiithkaas tag daran yahay, aadna moodid inay u gogol xaaranayaan una marmarsiyoonayaan inay furaha Kacbada ninkaas ka fara maroorsadaan, siday Ashraafta ubadka Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam xukunka Makkah Al Mukarramahمكة المكرمة\ iyo Al Madiinah Al Munawwarahالمدينة المنورة\ uga fara maroorsadeen oo kale.

 

Rabiicah bin Nizaar ربيعة بن نزار\

 

Waxaan xilaka talada Makkahمكة\ aan tan iyo qarnigii labaatanaad qaban Rabiicah bin Nizaar ربيعة بن نزار\ “Rabiicah Al Farasربيعة الفرس\.” Waxaa Rabiicah ربيعة ku abtirsada boqorka sucuudiga oo qabiilkiisa la yiraahdo Canzah bin Waa’ilعنزة بن وائل\ oo Rabiicahربيعة\ gala, ayaga iyo boqorka Kuwaytكويت\ iyo boqorka Baxrayunبحرين\ oo waa isku wada qabiil.

 

Boqor Cabdu Al Caziizعبد العزيز\ xoog ayuu ku qabsaday xukunka Al Xijaazالحجاز\, oo wuxuu ka fara maroorsaday dhasha Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calyhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, oo waxaa xukunka hayay Shariif Xusayn bin Caliiالشريف حسين بن علي\ oo ah awoowaha labaad ee boqorka Urdun ee maanta.

 

Rabiicahربيعة بن نزار\ ayaa ugu dambeeya mid maamulka Makkah Al Mukarramhمكة المكرمة\ gacanta ku dhiga, oo hadda boqol sano ka hor xoog ku qabsaday, xaramkana dhiig badan ku daadiyay, kana fara maroorsaday Ashraaftii xukunka haysay.

Rabiicahربيعة\ waxaa ka dhashay boqorka sucuudiga hadda jooga kuna abtirsada Cabdu Al Caziiz Aala Sacuudعبد العزيز آل سعود\, oo qabiilkooda la yiraahdo Canzah bin Waa’ilعنزة بن وائل\ oo Rabiicahربيعة\ gala.

 

Qarniga Hijriga ah lasoo dhaafay ahna kan saddex iyo tobnaad waxaa gobolka Al Xijaazالحجاز\ oo ay Makkah Al Mukarramahمكة المكرمة\ iyo Al Madiinah Al Munawwarahالمدينة المنورة\ ku yaallaan ka dhisnayd boqortootyo la yiraahdo “Mamlaku Al Xajaazمملكة الحجاز\ uuna boqor u yahay Al Shariif Xusayn bin Caliiالشريف حسين بن علي\.

 

Markaasaa waxaa gobolka Najdنجد\ uga soo duulay gaashaanbuurta Aali Sacuudأل سعود\ iyo reerka Muxammad bin Cabdu Al Wahhaabمحمد بن عبد الوهاب\, dawrkiisuna ahaa inuu xukunka Ala Sacuud u xalaaleeyo oo fatwo ku bixiyo inay xukunka ku qabsadeen si sharciga islaamka waafaqsan oo ay tahay in loo hoggaansamo oo uu “Waliyyu Al Amriولي الأمر\ yahay, oo dhaqdhaqaaqa wahaabiyiintu ku abtirsadaan, waana reerka tan iyo maanta la yiraahdo Aala Al Shaykhآل الشيخ\, oo wahaabiyiinta hoggaankooda haya.

 

Dagaal kharaar ayaa dhex maray gaashaanbuurtaas soo duushay iyo ciidanka Shariif Xusayn bin Caliiالشريف حيسن بن علي\. Ciidanka shariifka waa laga adkaaday, markaasuu boqor Cabdu Al Caziiz Aali Sacuudعبد العزيز بن عبد الرحمن آل سعود\ Makkah Al Mukarramahمكة المكرمة\ galay maalintay ahayd toddoba iyo toban bisha Rabiicu Al Awwalربيع الأول\ ee sanadka kun saddex boqol saddex iyo afartan, una dhiganta lix iyo tobanka Oktoobar kun sagaal boqol afar iyo labaatan.

 

Shariifku wuxuu aaday oo tegey Al Madiinah Al Munawwarahالمدينة المنورة\, halkaasoo ay hadana ciidammada Aali Sacuudآل سعود\ ku weerareen, ayna magaalada ka qabsadeen.

 

Markaasaa waxaa Al Madiinah Al Munawwarahالمدينة المنورة\ galay oo la wareegay Al Amiir Muxammad bin Cabdu Al Caziiz Aala Sacuudمحمد بن عبد العزيز آل سعود\ maalinta toddoba iyo tobnaad ee bisha Jamaadu Al Uulaaجماد الآولى\ ee sanadka kun saddex boqol afar iyo afartan Hijriga una dhiganta kun sagaal boqol shan iyo labaatan.

 

Macluumaadkaasna waxaan kasoo qaadannay kitaabka “Al Madiinah Al Munawwarahالمدينة المنورة\ ayna dhigtay dawladda sucuudiga: Al Mamlakatu Al Carabiyah Al Sacuudiyahالمملكة العربية السعودية\ – Markazu buxuuth wa daraasaat Al Madinnah Al Munawwarahمركز بحوث ودراسات المدينة المنورة tirsigiis shan iyo tobnaad bogagga 21-24 lana daabacay sanadka kun afar boqol lix iyo labaatan Hijriga.

 

Afar qolo ayaa ka qayb qaadatay qabsashada Aala Sucuudآل سعود\ ee Al Xijaazالحجاز\, waana kuwa soo socda.

 

Bin Ladinبن لادن\

 

Xarbi wuxuu u baahan yahay maal fara badan, hub iyo askar, boqorka sucuudiguna maal ma lahayn, oo waxaa maal geliyay nin ganacsade ahaa oo Yamanاليمن\ u dhashay oo magaciisu ahaa Bin Ladin بن لادن\. Markaasuu boqorka ka dardaarmay in marka dawlad la noqdo wixii qandaraas ah isagaas la siiyo. Sidaas Bin ladin Group ku yihiin shirakadda ugu wayn oo la siiyo qandaraasyada dawladda sucuudiga, oo ayagaaba gacanta ku haya fidinta iyo dhisidda labada Xaramالحرمين\ ee Makkhمكة\ iyo Al Madiinahالمدينة\. Bin Ladin بن لادن\ waxaa la dhacday dayuurad, wuxuuna ifka kaga tegay 54 caruur oo uu isagu dhalay.

 

Soomaalida

 

Qayb wayn ee askarta uu boqor Cabdu Al Caziiz Al Xijaazعبد العزيز\ ku qabsaday Al Xijaaz الحجاز\ waxay ahaayeen rag soomaali ah. Ninka cunnada u kariya oo uu naftiisa ku aaminayna wuxuu ahaa nin soomaali ah. Markaasuu wuxuu boqorku ku dardaarmay in soomaalida dalka la dejiyo oo iqaamooyin la siiyo.

 

Ingiriiska

 

Qorshaha dagaalkuu sucuudigu Shariif Xusayn bin Caliالشريف حسين بن علي\ boqortooyada Al Xijaazالحجاز\ uga qabsaday waxaa wax ku lahaa dawladda ingiriiska, oo siisay hub iyo dahab uu dagaalka ku galo. Heshiisyana way kala saxiixdeen, siduu u wariyay kitaabkaan “Ifaadatu Al Anaami bi Thikri Akhbaari Al Baladi Al Xaraami كتاب إفادت الأنام بذكر أخبار البلد الحرام oo uu allifay Al Callaamah Al Muxaddith Cabdu Allaahi Al Ghaazii Al Makkii Al Xanafii العلامة المحدث عبد الله الغازي المكي الحنفيwaxaana hubiyay oo darsay oo faallo ku daray Professor Doktoor Cabdu Al Malik bin Cabdu Allaahu bin Dahiish معالي أ-د- عبد الملك بن عبد الله بن دهيش oo ah qaalliga waqtigaan hadda la joogo ah guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Shareecada ee Makkah Al Mukarramahمكة المكرمة\, daraasaddaas iyo faalladaas oo la yiraahdo Itmaami Al Kalaami مع تعليقه المسمى بإتمام الكلامlagana helo maktabada Maktabatu Al Asadii مكتبة الأسدي بمكة المكرمة ee ku taalla Makkah Al Mukarramahمكة المكرمة taleefan: 0096625570506 dabacadda koowaad 1430 Hijriga, una dhiganta 2009 Miilaadiga. Al Ghaaziiالغازي\ wuxuu kitaabkiisaan isugu keenay warka ay taariikhda Makkah Al Mukarramahمكة المكرمة\ hore uga dhigeen kutubbada ugu waawayn ee taariikhdeeda, uuna kitaab kasta kasoo guuriyay wuxuu wariyay. (Kitaabkaan waxaad ka heleysaa website-kayga (siirah.com).

الحمد لله، والثناء لله و وصلى الله على سيدنا ومولانا محمد النبي الأمي  وعلى آله الطيبين الطاهرين وسلم تسليما كثيرا كلما ذكره الذاكرون وغفل عن ذكره الغافلون

QORE: Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan

 

 

 

 

 

SHARE