Home Raadraac SOOYAALKII SULDAAN OLOL DIINLE W/Q: Prof Yaxye Sheekh Caamir

SOOYAALKII SULDAAN OLOL DIINLE W/Q: Prof Yaxye Sheekh Caamir

3
SHARE

 

14199405_1218970374811360_5930148401772163657_n14225604_1218970738144657_2529747786079489355_n

SULDAAN OLOL DIINLE.
Ujuuraanku waxa ay xakumi jireen inta badan dhulka Somalia, dhinaca somali galbeed ayaa sanadkii 1896 talyaaniga iyo amxaarada ku heshiiyeen in talyaanigu u aqoonsaday dhul amxaaro,inkastoo markii dambe ay coloobeen talyanigii iyo Amxaaradii. suldaan olol ayaa bilaabay in uu dib u soo nooleeyo baqortooyadii Ujuuraan asgoo Qalaafi xarun uga dhigay.Fiiri: sawirka 1aad.

14225604_1218970738144657_2529747786079489355_n

Suldaan Olol Diinle wuxuu ku dhashay shillaabo dabayaaqadii qarnigii 18aad. Olol diinle waxa uu xakumayay deegaanka Qalaafo, wuxuu xiriir la sameeystay talyaaniga 1930,fiiri Sawirka 2aad, waxaana loo aqoonsaday sulldaankii shabeele. Fiiri Marqaati ( FM).Buuga, Moral Communities & resource sharing ee uu qoray: Zitemann,Thomas.
Suldan Olol Dinle waxaa walwal ku hayay daraawiishtii sayidka oo u soo fidaday dhinaca baladweyn iyo sannadkii 1920 oo Amxaaradu ay bilaawday in ay qabsato deegaanadii olol xakumayay, marka laga reebo deegaan yar oo u dhaxeeya qalaafo iyo feerfeer , waxaana batay duulaanadii olol ku qaadayay xabashida . waxa uu doorbiday in uu la heshiis iskaashi la galo talyaaniga oo colaadu kala dhexeeysay Amxaarada.FM. Haile Salasse’s war ,by: Mockles,Anthony.

14237531_1218970954811302_5782154800964452468_n
Sanadkii 1931 ciidan xabashi ah oo uu wato Dejazmach oo harar ka yimid ayaa burburiyay xaruntii Suldaan Olol ku lahaa Mustaxiil , si looga hortago in olol dib u soo noqdo, xabashidu waxa ay keeneen Magaalada Qalaafo ciidankii uu watay Balambaras (“Commander of the Fortress”) Afawarq Walda Samayat kuwa oo laga keenay Jigjiga 1933 dii , Olol waxaa u haray 1000 ciidan ah oo loo yaqiin Duub cad iyo fardoolee. FM.Local History in Ethiopia by: The Nordic African Institute.

14225515_1218971964811201_1076831989769938287_n
Dagaalkii labaad ee tayaaniga iyo xabashida waxa ka qayb galay ciidamo isku dhaf ah oo ka kooban kuwuu Olol iyo kuwii talyaaniga waxana hogaaminayay, Colonel Luigi Frusci oo talyaani ahaa waxa ay ka dhaqaaqeen Hiraan waxa ayna weerar ku bilaabeen ciidamadi Amxaarada ee Dejazmach Beine Merid ee joogay Goba. Ciidamadii olol ayagu waxa ay ku guuleeysteen in ay xabashida dib uga qabsadaan illaa 350 KM oo gudaha ah, waxa ayna baabiyeey dhamaan magaalooyinkii Amxaatada laga taageerayay. FM. the Failure of Fascist, by: Aleme Eshete.
Markuu sanadku ahaa 1949,kii fiiri: sawirka suldaan Olol …..Suldaan Olol Diinle iyo toban nin oo kale oo ay isku halgan ahaayeen ayeey Amxaaradu xirtay .. markii hore waxaa la isugu keenay Qalaafe, ka dibna waxaa loo gudbiyey Harar halkaas oo looga sii gudbiyey Addis Ababa…Xabsiga “Alanbaqa”—xabsigan oo aan ka soo noqoshada lahayn. Tobankaas nin waxa ay isugu jireen qabiilo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Ajuuraan, reer shabeelle iyo Ogaadeen. Waxaana ka mid ahaa laba nin oo Suldaanku adeer u ahaa oo kala ahaa Cabdikariim Diiriye Olol Diinle iyo Cabdullaahi Diiriye Olol Diinle. Waxaa kale oo ka mid ahaa rag Suldaanka gabdhahiisa qabey. Waqtiga xabsiga lagu dhaxdilay dilay waa la isku khilaafsanyahay waxaana la sheegaa saddax waqti oo kala duwan sanadkii 1953, 1960, 1978.

 

FG: Ma ihi taariikh yaqaan, wixii iga qaldan waad sixi kartaa, wixii ka dhimanna waad ku dari kartaa.
W

SHARE

3 COMMENTS

  1. ugu horeyn bahda laashin wan salamayaa salaan kadib walaalka so qorey maqaalkaan inbadan taarikhda ayaad katagtay midna kudarso marku olole diine suldaanka ahaa qalaafe ugaas baa xukumayay oo ah lafta badbeydaan taaso qalaafe uleh magalo ahaan qalaafo dadkaas dega oo leh asaga ayaa ka ahaa ugaas suldaab olole diinle tolkiisa ayuu u ahaa suldaan wixi baadiyaha dega oo idil dhankas ayu xukumayay qalaafe shaqo kuma leheen ugaas iyo suldaan ayey kala lahaayen labadaa laf marka waxaa layaab ah suldan olol dinle waba kan sheegtaye taarikhdaas xage kuluntay ugaaskaas qalaafe xukumayay xiliga suldaan uu ahaa olole diinle ugu horeyn intaadan soo qorin maqaalada iska hubi taariikhda oo dhameystiran wax wala qaldi karaa ibna adam layahay laakiin taariikh jirtay oo idil lama inkiri karo halkaas ugu baxay asc wrwb

  2. Your comment is awaiting moderation.

    ugu horeyn bahda laashin wan salamayaa salaan kadib walaalka so qorey maqaalkaan inbadan taarikhda ayaad katagtay midna kudarso marku olole diine suldaanka ahaa qalaafe ugaas baa xukumayay oo ah lafta badbeydaan taaso qalaafe uleh magalo ahaan qalaafo dadkaas dega oo leh asaga ayaa ka ahaa ugaas suldaab olole diinle tolkiisa ayuu u ahaa suldaan wixi baadiyaha dega oo idil dhankas ayu xukumayay qalaafe shaqo kuma leheen ugaas iyo suldaan ayey kala lahaayen labadaa laf marka waxaa layaab ah suldan olol dinle waba kan sheegtaye taarikhdaas xage kuluntay ugaaskaas qalaafe xukumayay xiliga suldaan uu ahaa olole diinle ugu horeyn intaadan soo qorin maqaalada iska hubi taariikhda oo dhameystiran wax wala qaldi karaa ibna adam layahay laakiin taariikh jirtay oo idil lama inkiri karo halkaas ugu baxay asc wrwb

  3. Qoraaga Prof. Yaxya Sh. Caamir, waad ku mahadsan tahay qoraallada taariikhiga ah. Intaa ka dib, haddii ay jiraan wax qoraalkan ay tahay in lagu daro ama laga saxo qofkii haya ha noo soo gudbiyo si aan uga wada faa’iidaysanno.
    Prof. Yaxya wuxuu dhammaadka qoraalkiisa ku yiri “FG: Ma ihi taariikh yaqaan, wixii iga qaldan waad sixi kartaa, wixii ka dhimanna waad ku dari kartaa.” marka mowduuca ayuu noo furay ee ciddii wax ka dhahaysaa halkaa ha ka waddo iyada oo aan qoraaga la durin ee ay tahay xog bulshada loo gudbinayo.

Comments are closed.