Home Curis Gaso, ganuun, Gasiin (Q.4aad) W/Q: Prof. Cali Jimcaale Axmed

Gaso, ganuun, Gasiin (Q.4aad) W/Q: Prof. Cali Jimcaale Axmed

0
SHARE

pizap-com14733349429952

Gaso, ganuun, Gasiin (Q.4aad)

“Sheeko, sheeko! Sheeka Xariir!”

Waa duub dadku u sinnaayeen, duub ka damqada xumaha oo dhan. Xasuusaa xusuus keenta; sheekaa sheeko dhalisee, waxaan beri aan saas u fogayn fiirsaday filim Iiraaniya oo Af Faarsi ku hadlaaya. Waa sheeko lafaguraysa nin caniid ah oo dadki oo dhan ka maageen. Waa Janan ciidan oo madax ka ahaa gobol ka mida gobollada Iiraan. Maalintii dambe waa tii la arkay Jananki oo meyd ah. Waxaa la isku raacay in dhunkaal loo qasay. Waxaa magaalamadaxda laga soo diray dembi-baare ruugcaddaa ah. (Sida aad ogtahay, filimadaan waxaa AF Ingiriiska lagu yiraa “detective ama mystery”.

Inta badan, sheekooyinkaani waxay ka koobanyihiin labo sheeko: tan hore oo ah dilka ama dembiga la falay, iyo tan labaad oo lagu qaadaabdhigo wixi dembiga geystay. Sheekada koobaad wax sidaas u buuran ma aragtid, marmar waxay sheekadu ku bilaabataa meyd meel yaal oon la aqoon wixi malkaday. Waa sheekada labaad waxa salka ama hooyada u ah filimka oo dhan. Waa sababtaas waxa sheekooyinka noocaanihi loogu magacaabo “Who dunit” oo loola jeedo “yaa maleegay?”)

Dembi baarihi ayaa maalinti ugu horreysayba wax uu ka yaabo ku arkay magaaladii lagu dilay Jananka. Wuxuu arkay nin miskiin ah oo meel hortiisa ah lagu dilay oo, waa yaab ka yaabkiisee, meydkiisiina lagu riday mool aan ka fogeyn Maanyada Madow. Yaab kayaabkiisee, yaayaaleyda la sheego matanaa! Labo Cali isma weydiin. Maqalaay warlaay, ma lguu warramay/ in Cali la dilay, oo Cumar la dilay. Baarihi ayaa ciyoonba arkay in maalqabeenka magaalada iyo kuwo dawladda ku jiraa gacansaar hoose leeyihiin. Waase nin arrin gooniya loo soo diray. Hawshiisi ayuu sii qunsaday ama watay.

Baaritaanki ayaa ku biyoshubtay nin uu dhalay oday qabijiray Jananka hooyadiis. Waxaa loo sheegay in uu deganyahay Jaziiradda Hormuuz. Mirmohanna iyo Jananka waxay isku ahayeen dhagax iyo dab. Dhagaxiyo dab leyskuma dhuftee kala dhowraay… Dhagax iyo dab leyskuma dhiftee kala dhowraay. Mirmohanna waa aqoonyahan wax ku soo bartay, muddana ka soo xoogsaday Jarmalka. Muddo kadib waxaa saaqay hilow iyo hammuun uu u qabay dalki hooyo. Hilow oo keliyase mahayn. Waxuu u soo noqday in uu kal kaaliyo dadkiisa. Waa run iyaduna jirta in uu ka soo cararay Jarmanka marki uu arkay in saansaanti faashiistanimadu ku soo badaneysay ama kordheysay meeshi ow joogay.

Markaad yaabto, waxaad ubaxsataa xagga hooyo. Hooyoy la’aantaa. Mise waa halaqgaleen meeshuu maciinka soo biday.Mirmohanna waxay madaxa isdareen Jananki. Waakii asoo careysan ku yiri, “isma dooriyaan oo isuma keydhaamaan kaan ka soo orday iyo kaan u imid.” Meel lagu okorto maleh! Kala qabta, waatey ka dhacday. Si loo kala badbaadiyo waa tii la yiri kala guura.

Mirmohanna ayaa ka dhaartay in uu wax lug ah ku lahaa dilki Jananka. Baarihi ayaase gurigiisa ku arkay daawo loo qaato wadne xanuunka. Waxaa baarihi wareystay nin adeege ka ah guriga Mirmohanna, oo u sheegay in Mirmohanna dhaladaan kala soo laabtay socdaal uu ku soo booqday Jananka hooyadii. Ushi waxay ku dhacday hooyadi Jananka. Baarihi ayaa cagtacagta u saaray islaanti. Waa tii markii dambe qiratay in ay iyadu ka dambeysay dilki wiilkeeda. Waxay tiri, “Waxaan u gegsanwaayay sida arxandarroda ah ee uu ula dhaqmijiray dadka saboolka ah. Waxaan goostay in aan ka celsho uunka uu legday, lurkana baday, mar haddii aan anigu markii horeba adduunka keenay. Waxay aheyd xil i saaran.” Baarihi ayaa amankaagay. Wey sii wadatay hadalkeedi: “Isagaa ka dambeeyay geeridi xaaskiisa, isaga oo weliba ku takrifalay xoolaheedi. Saas oo ay tahay, ujeedadeydu maaheyn in aan dilo, ee waxaan rabay in aan xasiliyo oon dhulka soo dhigo. Waxaan rabay in uu ku dhaco qallal aan dhammaan. Qadderkaase wax kasta ka weyn.” Denbi baarihi ayaa ka yaabay oo anfariir iyo fajac ka qaaday sheekada hooyo wiilkeedi dishay. Ulakac ugu qastay sun! Heenso, hooyo, heenso, kutiri. (Oraahdaa dambe islaantu kuma dhawaaqin; anigeey nafteydu muhatay in aan faallo yar dul dhigo qisada filimka. Waa talaxtag. Maka yaabtaa sida, adiga oon xumaan udanlaheyn haddana, sheekadi laguu sheegaba aad u goosaarato. Waxaa isdhexgala wixi aad aragtay

amaad maqashay iyo waxa ay laabtaadu gocaneyso. Waxa Keliya oon ku darilahaa, oon kaa ilaabay—denbibaaraha waxaa la yiraahdaa Alavi, laakin magaciisa runtaahi waa Axmed Najavi. Ma hubo in uu weli noolyahay, laakin hadaad doonto Google-garee. Aan ku laabto sheekadi filimka.) Inti ay suntu saaqeysayna, hooyadi ayaa tusbaxeedi la soo baxday oo guryan waxkutiri oo haddana hoosta ka hiqlaysay. Jananku waxuu ahaa madi.Baarihi ayaa warbixintiisi ku soo koobay: Jananku waxuu u dhintay wadnexanuun ku soo booday.

Yameey yam/Yam!/Yaxaas ku qaadyey/ Yam!.

Gobeey ina Biyow Yerow ayaa tiri:

  • Dilaaygii dilaay dilow
  • Dilaa kuu dambeeyo
  • Dad nool lee ku dilyaa
  • Ama dool yaxaas ku qaadyaa.

 

Tuuladii Saciid Maxaad Raage ee Wabarku ka talinjiray ayaa beri aheyd dhul dihin ah oo biyuhu agteeda gabranaayeen, si fududna looga soo dhurto.Waxey tuuladu aheyd meel loo soo hirto marka goobaha kale gacmoodisku ku bato. Waxay tuuladu deris la aheyd Raqayle oo ah meeshi ay asal ahaan ka soo jeeday Gobeey ina Biyow Yerow, balse degaanka oo dhan ka aheyd afmaal iyo aftahanad caan baxday. Mar dambe ayay tuuladii bilowday in ay jabad noqoto, dadkeediina asaaggood ka haraan. Gobeey ayaa ka yaabtay is-rifka iyo is-jallaafida dadki ay dhaqan wadaag, dhiig wadaag, dhareer wadaag, iyo dhul wadaaggaba ahaayeen. Intaad jirtay maalintey istiri u caqli celi, oo ay ku maansootay:

  • I sii iyo i sii
  • kuu suuroobimeysee
  • Subeentaan bireeya/
  • Ee sinnaan noogu qaybsha.

 

Gobey waxay soo martay arladi oo dhan, degmo ka degmo, buulo ka buulo. Waxay goosatay in ay ka qaybqaadato maanso lagu demiyo colaadaha markaa oognaa, min bari ilaa iyo galbeed, min waqooyi ilaa iyo koonfur. Waar tolow colka jooja! Maansadii Gobeey iyo miirfiyoobidi wabarki wabarada ayaa muddo lagu soo caanomaalay, shiffana lagu helay.

Reer Jabaq ayaase ku soo aaday milay ay tuuladu aafooyin isdabajoogihi la soo derseen. Waa marag madoonto in noloshu ku xirantahay, marnana ka maarmin biyo; ilbaxnimaduna waxay ka jirtaa meel biyo leh. Waa kii Eebe yiri, “Wa jacalnaa min al maa’i kulli shayin xayyin,” oo macnaheedu yahay, Uunkastaa oo jira waxaa laga abuuray biyo. Korka aadmiga ayaa biyo ka sameysan boqolkiiba wax ka badan 90. Sidoo kale dhulka ayaa ah biyo boqolkiiba waxka badan 70. Biyo. Biya’ ceel. Biyo xareeda. Biyo gaaggax. Biya’cadde. Biyo xaraar. Biyo dhanaan. Biyo calaw ah. Biyo fadhiya. Biyo socda. Biya’xir. Biyo booliya. Biyo dhiiqo iyo dhoob ah. Biyo dhaamis. Biyo macaan. Biyooleey.

  • Ciyoon biyaha keen
  • Ciddaa oomanee
  • Caweys iyo cayaar dhaafee
  • Ceelka soo jiid.

Waa adduun iyo xaalkiisee, waxaa guray balligi beri dadka ka haqabtiray biyo macaan oo ay ka wabaxsadeen. Haddana waa adduun iyo waayihiisee, nafleydu waa qiirootaa, oo dadaal ugashaa in meel gursatay oo la yiri ciniq kuma harin isku daydo in ay wax ka tuujiso. Waxaad ka orodaa in aad noqoto maalin-tacab cantuuga ku nool. Waa kii awgi gabyijiray ka deyrshay ruuxaan ka dhiidhiyin in lagu digto. Nimaan muraadyo maseyr laheynoo/ Maalin intow cuno doonta waa meel. Waa kaas oo kale kan oggolaada in loo jooxaarsho.

Reer Jabaq waxay diideen in lagu digto. Ruunki oo laga wada qaxay oo dadki qaarkii gacan hoorsi u jahaysteen ayay iyagu ka biyo diideen in sixun oo silloon wax ku doontaan. Waxay muddo ku noolaayeen nolol adag. Waxaa u soo haray qaalin irmaan oo xig kasta la liso, iyo hebed-ri oo inti ay nuujisay oo dhan iyada oo keliya ka soo hartay. Waxaa la yiri waxaa qaalintaa aan gurin iyo rida arigi oo dhan ka soo hartay astaan u ahaayeen sida isku kalsoonidu u badbaadiso uumiyaha. Ma fahmin waxaa taa loola jeedo. Laakin waxaan isleeyahay in mataaneynta gegsi ama adkaysi qasad leh iyo shiffeysi xijaaban dadku ku samatobixikaraan. Waxaa la yiri reer Jabaq waxay kaga badbaadeen ku digasho in ay asturteen sharafkooda. Odayga reerka, oo aan waxna qorin akhrinna, ayaa haddana suugaan iyo taariikh yaqaanba ahaa. Inta badan waxaa halqabsi u ahayd murtidaan: Lama gaarinaa kudishee, lama geed xaadan ugoyn.

 

W/Q. Prof.Cali Jimcaale Axmed

 

SHARE