Home Qoraallo Doorashada, xilka iyo casilidda Madaxwaynaha Shacbi Muslim ah. Waxaa dhigay ...

Doorashada, xilka iyo casilidda Madaxwaynaha Shacbi Muslim ah. Waxaa dhigay Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

0
SHARE

doorashada

Doorashada, xilka iyo casilidda

Madaxwaynaha Shacbi Muslin ah Iyo Magacaabidda Wasiirka Koo

 

 

بسم الله الرحمن الرحيم

 

الحمد لله رب العالمين والثناء لله وصلى الله على سيدنا ومولانا محمد النبي الأمي الذي بعثه الله رحمة للعالمين وعلى آله الطيبين الطاهرين وسلم تسليما كثيرا كلما ذكره الذاكرون وغفل عن ذكر الغافلون وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له وأشهد أن محمدا  صلى الله عليه وعلى آله وسلم تسليما كثيرا عبده ورسوله، أما بعد،

 

Adduunkaan Ilaahayالله ayaa iska leh

 

Adduunkaan Ilaahay Tacaalaaالله تعالى\ ayaa abuuray iskana leh, dadkana wuxuu u abuuray inay cammiraan oo degaan oo sharcigiisa uu u dejiyay ku noolaadaan, siduu noogu sheegay Aayadda soddonaad ee Suuratu Al Baqarahسورة البقرة\:

 

}وَإِذْ قَالَ رَبُّكَ لِلْمَلَائِكَةِ إِنِّي جَاعِلٌ فِي الْأَرْضِ خَلِيفَةً{

 

Aayadda macneheedu waxaa weeye:

 

“Xus markuu Rabbigaaربك\ malaa’igta ku yiri:

Anigu waxaan abuurayaa Aadanآدم\ oo ay ubadkiisu arliga cammiraan أنه خليفة الله في أرضه لإقامة أحكامه وتنفيذ وصاياه si uu axkaamtiisa ugu meel mariyo iyo awaamirtiisa.”

 

Markaasuu ubadka Aadanآدم\ wuxuu Cazza wa Jallaعزوجل\ marka muddo la joogaba usoo diraa Nabi ayaga ka dhashay oo ay yaqaannaan, uguna soo dhiibaa shareecaday ku dhaqmi lahaayeen.

 

Ummadda ugu dambaysana oo aan annagu ka mid nahay wuxuu usoo diray Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, wuxuuna noogu soo dhiibay Kitaabka Quraanka ah iyo Sunnada Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam.

 

Dastuurka muslinku wuxuu ka kooban yahay labadaas oo sharci khilaafsan wuxuu kasoo horejeedaa diinta islaamka, laguma dhaqi karo ummad muslin ah.

 

Madaxwaynaha shacbigiisa labadaas ku dhaqa wuxuu shacbigiisa ku leeyahay inay adeecaan oo ay xukunkiisa u hoggaansamaan. Hadduusanse labadaas ku dhiqin adeeci mayaan, xilkana way ka xayuubinayaan.

 

 

 

Islaamku kali tashi ma oggola

 

Madaxwaynuhu waa inuu dadkiisa la tashadaa, sida ku xusan Aayadda sideed iyo sddonaad ee Suuratu Al Shuuraaسورة الشورى\:

 

}وَأَمْرُهُمْ شُورَى بَيْنَهُمْ{

 

Aayadda macneheedu waxaa weeye:

 

“Arrimohoodana waa ka tashadaan oo ka shawraan.”

 

Ilaahay Tacaalaaالله تعالى\ wuxuu kaloo Aayadda boqol sagaal iyo konton ee Suuratu Aali Cimraanaسوورة آل عمران\ Nabigiisa Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam ku amrayaa inuu asxaabtiisa kala tashado waxaan waxyi kasoo degin, gaar ahaan dagaallada iyo waxa la xiriira. Amarkaasna wuxuu ku saabsan yahay cid kasta oo ummadda silaamka madax u noqota ilaa maalinta qiyaame.

Ilaahay Tacaalaaالله تعالى wuxuu yiri:

 

}وَشَاوِرْهُمْ فِي الْأَمْرِ(159){

 

Aayadda macneheedu waxaa weeye:

 

“Umuurahana kala tasho(159).”

Al Baghawiiالبغوي\ wuxuu tafsiirka Aayaddaan Caa’ishah Ummu Al Mu’miniinaأم المؤمنين عائشة\ Calayhassalaamu ka wariyay inay tiri

 

عن عائشة رضي الله عنها قالت :

 “ما رأيت رجلا أكثر استشارة للرجال من رسول الله صلى الله عليه وسلم”

 

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

 

“Ma aanan arag nin ragga kala shawrid badan Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam.”

 

 

 

La tashi kaddib

 

La tashi kaddib, madaxwaynaha waxaa la doonayaa inuu arrinka uu kala tashaday si adag u meel mariyo, waxaana u daliil ah qaybta dambe ee isla Aayadda sideed iyo sddonaad ee Suuratu Al Shuuraaسورة آل عمران\:

}فَإِذَا عَزَمْتَ فَتَوَكَّلْ عَلَى اللَّهِ إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ الْمُتَوَكِّلِينَ (159){

 

Aayadda macneheedu waxaa weeye:

 

“Tashi kaddib, markay ku caddaato waxaad arrinka ku hor yaalla ka yeeli lahayd, markaas u qun oo ku dhaqaaq amarka Ilaahayالله, Isgana talo saaro oo ku kalsoonow”. Sidaasaa Ilaahay Cazza Wa Jallaالله عزوجل\ Rasuulkiisa Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam  ku amray, iyo ummaddiisaba isaga dabadiis(159).”

 

Adeecidda Madaxda

 

Ilaahay Subxaanahu Wa Tacaalaaالله سبحانه وتعالى\ wuxuu muslimiinta amrayaa inay madaxdooda mu’miniinta ah oo Quraanka Kariimka ah iyo Sunnada Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam ku dhaqa adeecaan oo u hoggaansamaan.

 

}يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آَمَنُوا أَطِيعُوا اللَّهَ وَأَطِيعُوا الرَّسُولَ وَأُولِي الْأَمْرِ مِنْكُمْ فَإِنْ تَنَازَعْتُمْ فِي شَيْءٍ فَرُدُّوهُ إِلَى اللَّهِ وَالرَّسُولِ إِنْ كُنْتُمْ تُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآَخِرِ ذَلِكَ خَيْرٌ وَأَحْسَنُ تَأْوِيلًا (59)

{

Aayadda macneheedu waxaa weeye:

 

“Kuwiinna iimaanka laga helay o muslimiinta ahow, adeeca Ilaahayالله, adeecana Rasuulka – Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam – iyo kuwa adinka taladiinna haya. Haddaad arrin isku khilaaftaanna waxaad runta iyo xaqqa ka raadsataan Kitaabka Ilaahayالله iyo Sunnada Rasuulka – Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam – haddaad tihiin kuwa rumaysan Ilaahayالله iyo maalinta aakhiro. Taasaana idiin khayr badan oo cirib fiican(59).”

 

 

 

 

 

 

 

 

Al Baghawiiالبغوي\ wuxuu tafsiirka Aayaddaan ka yiri waxay ka mid yihiin:

 

عن أنس رضي الله عنه أن النبي صلى الله عليه وسلم قال لأبي ذر:

“اسمع وأطع ولو عبد حبشي كأن رأسه زبيبة.”

 

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

 

“Maqal oo adeec, haba ahaado hadduu doonee xabashi timo jareera leh sida zabiibka oo kale.”

 

Wuxuu kaloo Caliiعلي\ Calayhissalaamu ka wariyay inuu yiri:

 

“حق على الإمام أن يحكم بما أنزل الله ويؤدي الأمانة فإذا فعل ذلك فحق على الرعية أن يسمعوا ويطيعوا.”

 

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

 

“Imaamka waxaa xaq ku ah inuu wax ku xukumo wuxuu Ilaahayالله soo dejiyay, oo ah Quraanka iyo Sunnada, amaanadana uu oofiyo, oo ah in hoggaanka ummadda lagu amaanaystay. Hadduu sidaas yeelana waxaa raaciyada waajib ku ah inay maqlaan wuxuu leeyahay oo ay adeecaan.”

 

وروى هشام بن عروة عن أبي صالح عن أبي هريرة أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال:

 

“سيليكم بعدي ولاة فيليكم البر ببره ويليكم الفاجر بفجوره، فاسمعوا لهم واطيعوا في كل ما وافق الحق، فإن أحسنوا فلكم ولهم، وإن أساءوا فلكم وعليهم.”

 

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

 

“Aniga dabaday waxaa taladiinna qabanaya madax, markaasuu midka fiicanna wuxuu idiinku talinayaa wax fiican, midka xun oo xad gudbana wuxuu idiinku talinayaa si xun.

Marka, warkooda maqla oo ku adeeca inta xaqqa waafaqsan. Hadday si diinta waafaqsan idiinku taliyaanna adinka iyo ayaguba ajar ayaad ka heleysaan, haddayse xumaan ku taliyaanna adinka ajar ayaad ka heleysaan, ayaguna dambi.”

 

Sida Madaxwaynaha Muslinka loo doorto

 

Waagi hore iyo islaamka bilowgiisa khaliifka, oo ahaa madaxwaynaha, waxaa dooran jiray ragga la yiraahdo “Ahlu Al Caqdi wa Al Xalliأهل العقد والحل\” oo macneheedu yahay “Kuwa Gunta oo Fura”, waana kuwa magacaabi kara kana qaadi kara xilka, kaddibna ninkay doortaan wuxuu imaan jiray masjidka, halkaasoo uu shacbigu dooran jiray, oo intay madaxdoodu hor istaagaan kula heshiin jireen inay adeecayaan hadduu isaguna Kitaabka Ilaahayالله iyo Sunnada Nabigiisa Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam ku dhaqo, isaguna uu ku dhawaaqayaa oo ballan qaadayaa inuu labadaas ku dhaqayo.

 

Culummada maanta qaarkood waxay yiraahdeen inuu baarlamaanka maanta jira, markuu ka kooban yahay rag muslin ah oo dhawrsan, u dhigmo “Ahlu Al Caqdi wa Al Xalliأهل العقد والحل\”.

 

Tusaale ahaan bal arag khudbaduu jeediyay Madaxwaynaha ugu horreeyey ee Dawladda islaamka, Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam dabadiis, waana Abuu Bakr Al Ssiddiiqu أبوبكر الصديق\ Allahaالله raalli ka ahaadee, jeediyay markay Ahlu “Al Caqdi wa Al Xilliأهل العقد والحل\” oo shan nin ka koobnaa, kalana ahaa Abuu Xafs Cumar bin Al Khadh-dhaabأبوحفص عمر بن الخطاب\, Abuu Cubaydah Caamir bin Al Jarraaxأبوعبيدة عامر بن الجراح\, iyo Usayd bin Xudayrأسيد بن حضير\, iyo Bishr bin Sacdبشر بن سعد\ iyo Saalim Mawlaa Abii Xuthayfahسالم مولى أبي حذيفة\ Allahaالله raalli ka wada ahaadee soo doorteen, kaddibna masjidka dhexdiisa ayaa waxaa ka dhacday doorashada guud oo ay dadku ku doorteen,  wuxuuna yiri:

 

Khudbada Abuu Bakrأبوبكر

 

Markaasuu Abuu Bakarأبوبكر hadlay, oo uu Ilaahayالله ku xamdiyay, una ammaanay siduu u mudan yahay, kaddibna uu yiri:

 

“أما بعد إيها الناس! فإني قد وليت عليكم ولست بخيركم، فإن أحسنت فأعينوني، وإن أسأت فقوموني، الصدق أمانة، والكذب خيانة، والضعيف فيكم قوي عندي حتى أريح عليه حقه إن شاء الله، والقوي فيكم ضعيف عندي حتى آخذ الحق منه إن شاء الله، لا يدع قوم الجهاد في سبيل الله إلا ضربهم الله بالذل، ولا تشيع الفاحشة في قوم قط إلا عمهم الله بالبلاء، أطيعوني ما أطعت الله ورسوله، فإذا عصيت الله ورسوله فلا طاعة عليكم. قوموا إلى صلاتكم يرحمكم الله.”                                                                                                                                            

 

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

 

“Intaas kaddibna, dadow, madax ayaa la iiga kiin dhigay, mana ihi kiinna idiinku fiican. Marka, haddaan fiicnaado i caawina, haddaan xumaadana i toosiya. Runtu waa ammaano, beentuna waa khayaano. Kiinna taagta daran aniga agteyda xoog ayuu ku leeyahay, jeer aan xaqqiisa u sugo inshaa’a Allaahuإن شاء الله. Midka xoogga lehna agtayda waa taag daran yahay jeer aan xaqqa lagu leeyahay ka qaado, inshaa’a Allaahuإن شاء الله\. Qawmقوم\, waa dadee, kama tago oo iskama daayo jihaadka loo galo jidka Ilaahayالله ee waa kan uu Ilaahay الله illaa dulli ku rido, faaxishanaالفاحشة\ (waana zinada iyo wixii xun oo idil) dad kuma dhex faafto ee waa illaa kuwuu Ilaahay اللهcudurro iyo balaayo ku rido (Sida AIDS maanta jira oo kale). I adeeca intaan anigu Ilaahay الله iyo Rasuulkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, adeecayo. Haddaan caasiyo Ilaahay الله iyo Rasuulkiisana, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, adeecid idinkuma lihi. Salaaddiinna u kaca, Allaha الله idiin naxariistee.”

 

Ragga “Ahlu Al Caqdi wa Al Xalliأهل العقد والحل\” waxaa ayagana la doonayaa in laga helo shuruudaha ay tahay in laga wada helo madaxwaynaha ay dooranayaan oo hoos ku xusan.

 

Siday gaaladu madaxdooda u doortaan waxay kasoo horjeeddaa shareecada islaamka, waxaana ka dhashay inuu shacbigu kala jabo oo ay murashaxiinta kala raacaan, taasoo midnimada ummadda kala dhanbalaysa.

 

Tan kale, waxaa tartankaas ka dhalanaysa colaad iyo is cay, iyo is nacayb iyo quluubta oo kala jeesta, taasoo uusan islaamku oggolayn.

 

Waxaa intaas u dheer in tartammadaas lagu bixiyo maal xoog leh oo ummadda si fiican waxtar ugu lahaan lahaa, waana maal khasaaray oo xumaanna keenay.

 

Markay murashaxiintu mid ka badan yihiin

 

Markay in mid ka badani u tartamayaan madaxwayne nimada, keebay “Ahlu Al Caqdi wa Al Xalliأهل العقد والحل” dooranayaan?

 

Waxay ku xiran tahay xaaladda uu dalku markaas ku sugan yahay. Hadduu dalku xaalad cabsi iyo dagaal cadw ku sugan yahay iyo xuduudda oo cadwgu soo dhoobtay lagana baqayo inuu dalka soo galo, ama ay dalka gudihiisa ka dhashaan kooxo fallaga ah waxaa la dooranayaa ninka ugu geesi san.

 

Hadduu dalku nabad yahay ayna bidco ka dhalatay dalka gudihiisa waxaa la dooranayaa ninka ugu cilmi badan.

 

Mudada madaxwayne nimadu

 

Shareecadu ma xadidayso intuu ninka la doorto madaxwayne ahaanayo. Waxaana u daliil ah:

*Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam waxaa doortay Ilaahay الله, wuxuuna madaxwayne ahaa ilaa laga oofsado.

*Abuu Bakr Al Ssiddiiqأبوبكر الصديق\ Allaha الله raalli ka noqdee ayaa ku xigay, waxaana doortay muslimiinta, wuxuuna xilkaas hayay ilaa isagana laga oofsado.

 

*Cumar bin Al Khadh-dhaabعمر بن الخطاب\ Allaha الله raalli ka noqdee waxaa doortay oo magacaabay inuu xilka uga dambeeyo Abuu Bakr Al Ssiddiiأبوبكر الصديق Allaha الله raalli ka wada noqdee, wuxuuna xilka hayay in ka badan toban sano ilaa isagoo xilkaas haya xaq darro looga dilay.

 

*Cuthmaan bin Caffaanعثمان بن عفان\ Allaha الله raalli ka noqdee ayaa ku xigay, ayna muslimiintu doorteen wuxuuna xilka hayay in ka badan toban sano, ilaa isagoo xilka haya xaq darro looga dilay.

 

*Calii bin Abii Dhaalibعلي بن أبي طالب\ Calayhisssalaamu ayaa ku xigay, muslimiinta ayaana doortay, wuxuuna xilkaas hayay shan sano iyo xoogaa ilaa isagoo xilkaas haya xaq darro looga dilay.

 

*Al Xasan bin Faadhimahالحسن إبن فاطمة\ ina Calii bin Abii Dhaalib علي بن أبي طالب\  Calayhimussalaamu ayaa ku xigay, waxaana doortay muslinka, wuxuuna xilkaas hayay in hal sano ka yar ilaa uu isagu xilkaas iska cazilay.

 

*Mucaawiyah bin Abii Sufyaanمعاوية بن أبي سفيان\ ayaa ku xigay, wuxuuna xilkaas hayay in ka badan labaatan sano, wuxuuna dhintay isagoo xilka haya.

 

Xikmada taas ku jirta waxay tahay inay muslimiintu marka horeba dooranayaan ninkooda ugu mudan xilkaas. Marka haddayan imaan sabab sharci ah oo xilka looga qaado, sida isagoo diinta ka baxay, ama fusuq iyo waxyaaloo diinta khilaafsan lagu arkay isagoo samaynaya, loogana digay oo laga waaniyay, kase hari waaya, xilkaas waa loo daynayaa.

 

Maaraynta umuuraha shacabka muslinka ah

 

Bulshada islaamka ma jirto fawdo iyo is dhexyaac, waxaase jirta nidaam iyo kala dambayn. Nidaamkaas waxaa dejiyay Ilaahay Cazza wa Jallaالله عزوجل\ oo Quraankuu ku dhigan yahay, Nabi Muxammadna Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam waa meel mariyay oo uu bulshada muslimiinta ku dhaqay.

 

Culummada muslimiinta ayaana diiwaan geliyay oo sharxay oo noo jilciyay siduu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam ugu dhaqmay dhisidda dawladda islaamka. Culummadaas waxaa ka mid ahaa Al Imaam Al Maawardiiالإمام الماوردي, oo ahaan jiray qaalliga iyo muftiga Al Makkah Al Mukarramahمكة المكرمة\, allifayna kutubbo badan oo ay tafsiir ka mid yihiin, wuxuuna dejiyay math-habمذهب\ uu isagu bilaabay, kaddibna markuu kiisu kici waayay wuxuu galay Al Shaaficiyah الشافعية\.

 

Shurrudaha madaxda muslimiinta ay tahay in laga helo

 

Caalinka Shaaficiga ahaa ee Qaalliga Dawladda Cabbaasiyiintaالعباسيين\ Al Maawardiiالإمام القاضي الماوردي\ (364-450Hijrii/974-1058 Miilaadii) wuxuu kitaabkiisa caanka ah ee “Al Axkaamu Al Suldhaaniyahالأحكام السلطانية\” ku wariyay shuruudaha laga doonayo inuu leeyahay ninka ummadda muslinka ah hoggaankeeda qabanaya oo aan hoos ku xusayaa ayadoo kooban.

 

Al Maawardiiالإمام الماوردي\ wuxuu kitaabkiisa Al Axkaamu Al Suldhaaniyahالأحكام السلطانية\ bogga shan iyo tobnaad ku yiri:

 

فصل في الشروط المعتبرة في أهل الإمامة

 

وأما أهل الإمامة فالشروط المعتبرة فيهم سبعة:

 (1)أحدها: العدالة على شروطها الجامعة.

 (2)والثاني: العلم المؤدي إلى الإجتهاد في النوازل والأحكام.

 (3)والثالث: سللامة الحواس من السمع والبصر واللسان ليصح معها مباشرة ما يدرك بها.

 (4)والرابع: سلامة الأعضاء من نقص يمنع عن إستيفاء الحركة وسرعة النهوض.

 (5)والخامس: الرأي المفضي إلى سياسة الرعية وتدبير المصالح.

 (6)والسادس: الشجاعة والنجدة إلى حماية البيضة وجهاد العدو.

(7)والسابع: النسب وهو أن يكون من قريش لورود النص فيه وانعقاد الإجماع عليه، ولا إعتبار لضرار حين شذ فجوزها في جميع الناس، لأن أبا بكر الصديق رضي الله عنه احتج يوم السقيفة على الأنصار في دفعهم عن الخلافة لما بايعوا سعد بن عبادة عليها بقول النبي صلى الله عليه وسلم: “الأئمة من قريش”، فاقلعوا عن التفرد بها ورجعوا عن المشاركة فيها حين قالوا: “منا أمير ومنكم أمير” لروايته وتصديقا لخبره ورضوا بقوله: “نحن الأمراء وأنتم الوزراء”، وقال النبي صلى الله عليه وسلم: “قدموا قريشا ولا تقدموها.”

Toddobadaas qodob macnohoodu waxaa weeye:

 

Shuruudaha laga doonayo inuu leeyahay qofka Madaxwayne noqonaya

 

Shuruudaha laga doonayo qofka madaxwayne noqonaya waa toddoba:

 

(Kow) Cadaaladda, lagana wada helaa shuruudeheeda koobaya. Shuruudahaas hoos ayaan ku sheegeynnaa.

 

(Laba) Inuu leeyahay cilmiga diiniga ah oo uu Kitaabka Quraanka iyo Sunnada ugala soo bixi karo axkaamta iyo sida looga bixi karo markay dhibaato ummadda kusoo degato.

(Saddex) Waa inuu lixdiisa lixaad qabo, sida maqalka, araggga, carrabka si uu kuwaas ula kaashado inuu u qumo oo ku dhaqaaqo waxay dareensiiyaan.

 

(Afar) Inay xubnihiisu wada fiyowyihiin, naaqusnimana ka fogyihiin ka hor istaagta inuu si buuxda u dhaqaaqo, dhakhsana u kici karo una qumi karo hawlihiisa.

 

(Shan) Inuu caqli leeyahay u suurta geliya siyaasadda raaciyada, iyo inuu umuurtoodana uu si suuban u mareeyn karo, una agaasimi karo.

 

(Lix) Inuu geesi yahay, gargaarna iyo gurmadna leeyahay uu fidin karo, uu ku ilaaliyo midnimada dalka, dadka iyo caruurta iyo dumarka, cadawgana uu la jihaado.

 

(Toddoba) Waa inuu nasabkiisu Qurayshقريش\ yahay oo uu u dhashay.

 

Waxaana ka jira “nasنص\” oo ah sharci uu dejiyay Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, culummaduna ay isku wada raacday inay sidaas tahay.

Kasoo qaadna ma laha kuwa wax taas ka duwan ku aftooday oo dadka ka leexday, oo Abuu Bakr Al Ssiddiiqu أبو بكر الصديق Allahaالله\ raalli ka ahaadee, maalinta lagu dhex jiray beerta “Saqiifatu Banii Saacidahسقيفة بني ساعدة\” wuxuu xujjo ka dhigtay oo uu Ansaartaالأنصار\ oo u dooratay Sacd bin Cubaadahسعد بن عبادة\ inuu madaxwayne noqdo, warka Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam oo ah:

“Madaxwaynayaashu waa inay Qurayshقريش\ u dhasheen.”

Markaasay Ansaartuالأنصار doorashadoodii Sacd bin Cubaadah سعد بن عبادة\ ka hareen, ayna yiraahdeen:

“Annaguna waxaan leenahay amiirأمير\, Qurayshnaقريش\ amiirأمير” oo ay sidaas laba madaxwayne halkaas ku ahaanayaan. Ansaartunaالأنصار\ waxay ogaayeen oo rumeeyeen oo ay yeeleen warkaas Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam laga wariyay

Markaasuu Abuu Bakr Al Ssiddiiqu أبو بكر الصديق Allahaالله raalli ka noqdee wuxuu yiri:

“Amiirraduna waxay ahaanayaan kuwa annaga naga dhashay, oo Qurayshقريش\ ah, adinkuna waxaad ahaanaysaan wasiirrada.”

Markaasay Ansaartuالأنصار\ taas raalli ku noqdeen.

Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu kaloo yiri:

“Qurayshقريش\ hormariya oo ha ka hor marina.”

 

 

 

 

 

 

Cadaaladda: waana suubanaanta xagga diinta

 

Al Maawardiiالماوردي\ wuxuuna bogga boqol iyo sideed ku yiri:

 

العدالة: وهي معتبرة في كل ولاية، والعدالة أن يكون:

 

1.صادق اللهجة.

2.ظاهر الأمانة.

3.عفيفا عن المحارم.

4.متوقيا المآثم.

5.بعيدا عن الريب.

6.مأمونا في الرضا.

7.مستعملا لمروءة مثله في دينه ودنياه.

 

Cadaaladda laga doonayo qof xil loo dhiibayo: Madaxweyne, guddoomiye gobol, Wasiir iyo inta kaleba

 

Toddobadaan qodoba macnohooduna waxaa weeye:

(Kow) Inuu runlow yahay.

(Laba) Inuu amaano xambaar yahay.

(Saddex) Inuu yahay qof xaaraanta ka dhawrsan.

(Afar) Inuu yahay nin dambiyada iska dhawra.

(Shan) Nin shakiga ka fog.

(Lix) Markuu raalli yahayna aamin ah.

(Toddoba) Diintiisa iyo adduunkiisa ku dhawrsan oo ku dhaqma, oo leh muruu’adaالمروءة\ kuwa la midka ah ee xagga diintiisa iyo adduunkiisaba.

 

Al Muruu’ahالمروءة\

 

Al Imaam Al Nawawiiالإمام النووي\ wuxuu hordhaca kitaabkiisa “Al Majmuucالمجموع\” markuu ka warbixinayo Al Imaam Al Shaaficiiالإمام الشافعي\ wuxuu yiri waxay ka mid yihiin:

“Al Shaaficii الإمام الشافعي\  wuxuu yiri:

 

“للمروءة أربعة أركان:

 

1.حسن الخلق.

2.السخاء.

3.التواضع.

4.النسك.

وقال:

 

“المروءة عفة الجوارح عما لا يعنيها.”

 

وقال:

 

 “أصحاب المروءة في جهد.”

 

 

Warkaas macnihiisu waxaa weeye:

Waxa “muruu’ah المروءة” la yiraahdo waxay leedahay afar tiir:

Kow.Akhlaaq wanaagsan.

Laba. Deeqsinnimo.

Saddex. Isjejebin oo ah kibir iyo islawayni la’aan.

Afar. Wixii waajib ah oo cibaadaat ah la guto oo la meel mariyo.

 

Wuxuu kaloo yiri:

“Al Muruu’ah المروءة waa in xubnaha laga dhawro waxaan khusayn.”

Wuxuu kaloo yiri:

“Dadka al muruua’ah المروءة leh waxay ku sugan yihiin dadaal ay ku tabar dhigaan.”

 

Hawlaha Guud oo Madaxwaynaha Waajibka Ku Ah

 

Al Maawardiiالماوردي\ wuxuu tilmaamay hawlaha laga doonayo inuu madaxweynuhu u qumo oo xil ka saaran yahay, wuxuuna yiri:

ما يلزم الإمام من الأمور العامة

والذي يلزمه من الأمور العامة عشرة أشياء

أحدهما: حفظ الدين على أصوله المستقرة وما أجمع عليه سلف الأمة، فإن نجم  مبتدع أو زاغ ذو شبهة عنه أوضح له الحجة وبين له الصواب وأخذه بما يلزمه من الحقوق والحدود، ليكون الدين محروسا من خلل، والأمة ممنوعة من زلل.

الثاني: تنفيذ الأحكام بين المتشاجرين قطع الخصام بين المتنازعين حتى تعم النصفة، فلا يتعدى ظالم ولا يضعف مظلوم.

الثالث: حماية البيضة والذب عن الحريم ليتصرف الناس في المعايش وينتشروا في الأسفار آمنين من تغرير بنفس أو مال.

والرابع: إقامة الحدود لتصان محارم الله تعالى عن الإنتهاك وتحفظ حقوق عباده من إتلاف واستهلاك.

والخامس: تحصين الثغور بالعدة المانعة والقوة الدافعة حتى لا تظفر الأعداء بغرة ينتهكون فيها محرما أو يسفكون فيها لمسلم أو معاهدا دما.

والسادس: جهاد من عاند الإسلام بعد الدعوة حتى يسلم أو يدخل في الذمة ليقام بحق الله تعالى في إظهاره على الدين كله.

والسابع: جباية الفيء والصدقات على ما أوجبه الشرع نصا واجتهادا من غير خوف ولا عسف.

والثامن: تقدير العطايا وما يستحق في بيت المال من غير سرف ولا تقتير ودفعه في وقت لا تقديم فيه ولا تأخير.

التاسع: استكفاء الأمناء وتقليد النصحاء فيما يفرض إليهم من الأموال، لتكون الأعمال بالطفاءة مضبوطة والأموال بالأمناء محفوظة.

العاشر: أن يباشر بنفسه مشارفة الأمور وتصفح الأحوال؛ لينهض بسياسة الأمة وحراسة الملة، ولا يعول على التفويض تشاغلا بلذة أوعبادة، فقد يخون الأمين ويغش الناصح، وقد قال الله تعالى:

}يَا دَاوُودُ إِنَّا جَعَلْنَاكَ خَلِيفَةً فِي الْأَرْضِ فَاحْكُمْ بَيْنَ النَّاسِ بِالْحَقِّ وَلَا تَتَّبِعِ الْهَوَى فَيُضِلَّكَ عَنْ سَبِيلِ اللَّهِ{

فلم يقصر الله  سبحانه على التفويض دون المباشرة ولاعذره في الاتباع حتى وصفه بالضلال، وهذا وإن كان مستحقا عليه بحكم الدين ومنصب الخلافة فهو من حقوق السياسة لكل مسترع قال النبي عليه الصلاة السلام:

 

“كلكم راع وكلكم مسؤول عن رعيته: فالإمام راع وهو مسؤول عن رعيته، والرجل راع على أهله وهو مسؤول عن رعيته، والمرأة راعية على بيت زوجها وهي ومسؤولة عن رعيتها، والخادم راع في مال سيده وهو مسئول عن رعيته، والرجل راع في مال أبيه وهو مسئول عن رعيته، فكلكم راع وكلكم مسؤول عن رعيته.”

 

Warkaas macnihiisu waxaa weeye:

“Hawlaha guud oo ay lagama maarmaan ay tahay inuu madaxwaynuhu u qumo waa toban, oo kala ah:

Kow. Ilaalinta diinta, uuna ku ilaaliyo asalkeeda sugan oo ay isku raaceen inta horreysay ee ummadda. Hadduu soo if baxo oo uu mid la yimaado waxaan diinta ka mid ahayn oo la hindisayna oo “bidcoبدع\” ahna, ama diinta ama laga arko ka leexasho diinta shaki gelinaysa, madaxwaynuhu wuxuu u caddaynayaa inay taasu qalad tahay, uuna horkeenayaa daliillada loo baahan yahay, wuxuuna marinayaa mudankiisa iyo waxa xaq waajib ku noqday in lagu falo, si ay diintu u ahaato mid ka ilaalsan kala furfurasho, ummaddana looga ilaaliyo inay diinta ka leexato.

 

Laba. Inuu kuwa is dacwaynaya oo is haysta ku kala saaro axkaamta shareecada si cadaalad ku dhisan, oo uusan mid daallin ah dadka ku xad gudbin oo dulmin, kan la dulmiyayna ayan tag darro ku dhicin.

 

Saddex. Ilaalinta ukunta, oo ah caruurta iyo haweenka, si aan loogu xad gudbin, oo uusan cadawgu xalaalaysan, kalana daadin. Marka taas la helo ayay dadka u suurtoobaysaa inay danohooda nolosha si deggan oo amni leh ugu qumaan, ayna safarradooda ganacsi u galaan ayagoo nabad gelyo ku sugan, kana baqayn inay naftooda iyo xoolohooda wax gaaraan.

 

Afar. Meel marinta “xuduuddaالحدود\” si loo ilaaliyo oo aan loogu xad gudbin wuxuu Ilaahay Tacaalaaالله تعالى\ xaaraan ka dhigay, xuquuqda addoommadiisana looga ilaaliyo ku xad gudub iyo xalaalaysasho.

(Xuduudda Ilaahay Tacaalaaالله تعالى waxaa ka mid ah qisaasta in qofka si ula kac ah qof kale u dila loo dilo, in qofka diinta ka baxa oo wax ka sheega la dilo; in qofka Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wax ka sheega ama Anbiyada kaleba la dilo; in kan zinaysta isagoo guur sad hore ugu soo qaatay dhagax lala dhaco ilaa uu ka dhinto, kaan hore usoo guursanna boqol ulood lagu dhufto, hal sanana la musaafiriyo; in tuugga gacanta midig laga gooyo marka lagu caddeeyo; kan khamro cabba in toban ulood lagu dhufto ama wax la mid ah, iyo xuduud kaleba)

 

Shan. Ilaalinta xuduudda dalka cadawga laga ilaaliyo, laguna ilaaliyo ciidan iyo hub iyo xoog uusan cadawgu loodin karin, kana ilaalisa inuu cadawgu kusoo xadgubin ama ay dhiig muslin daadiyaan, ama inay xaaraan ku kacaan ama ay dhiigga krishtaanka iyo yuhuudda dalka ku nool daadiyaan.

 

Lix. Inuu ku jihaado gaalada diinta islaamka diidda oo cinaadda marka loogu yeero kaddib ilaa uu ka islaamo, ama uu jizyo bixiyo, si ay diinta Ilaahay Tacaalaaالله تعالى\ diimaha oo dhan uga kor marto.

 

Toddoba. Soo uruurinta “Faygaالفيء\” iyo zakada ay shareecadu waajib ka dhigtay oo nasنص\ ka yaallo, ama ijtihaadأجتهاد\ lagu gaaray ayadoo ayan cabsi iyo dulmi toona jirin.

 

Sideed. Muslimiinta in la siiyo mid walba maalkuu xaq u leeyahay oo uu miisaaniyadda dawladda ku leeyahay, si xad gudub la’aan ah oo aan qofka la siin wuxuusan xaq u lahayn, wuxuu xaqqa u leeyahayna aan laga dhimin, lana siiyo waqtigeeda oo aan lasoo hormarin lana dib dhigin.

 

Sagaal. Hubinta inay ragguu xilal u dhiibay ay hawshooda sidii la doonayay u qabtaan, kaddib markuu siiyo xoolahay hawshaas ku qabaan lahaayeen oo uu kormeero; iyo magacaabidda “La taliyaalka” iyo siintooda wuxuu u gooyo oo xoolo ah si hawlaha loo qabto, umanadaالأمناء\ xoola xilkooda loo dhiibayna ay xoolahaasu ilaalsanadaan.

 

Toban. Inuu isaga laftiisu hawlaha kormeero, uuna baaro oo waraysto, si uu ugu kaco maaraynta umuuraha ummadda iyo ilaalinta diinta.

Mana aha inuu hawshaas cid kale u wakiisho, si isagu raaxaysi ugu mashquulo, ama cibaadaysiba, oo hadduu sidaas yeelo wuxuu khayaanay wixii lagu amaanaystay, qofka u naseexeeyana wuu khayaanay, oo waaba ayaduu uu Ilaahay Tacaalaaالله تعالى\ yiri:

“Daa’uudowداود\! Annagu waxaan kaa dhignay mid axkaamteenna arliga ku meel mariya ee dadka si xaq ah u kala xukun, hana raacin hawada ay naftu jeceshay oo aad markaas ka baadiyowdid jidka Ilaahayالله.”

Oo sidaasuusan Ilaahay Subxaanahuالله سبحانه\ xilka Daa’uudداود\ ugu oggolaan inuu axad kale shaqadiisa u wakiisho, balse lagu amray inuu isaga laftiisu u qumo, umana cudur daarin inuu hawadiisa raaco uuna ku tilmaamay baadiyow.

In kastoo ay taasuu tahay mid xaq loogu leeyahay xagga xukunka diinta iyo darajada khilaafadaba, hadana waxay ka mid tahay xuquuqda siyaasadda oo ah maaraynta iyo agaasimidda nolosha bulshada madaxda looga dhigay, ayadooba uu Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri:

 

Al Bukhaariiالبخاري\ (Waana Xadiithkiisa sideed boqol saddex iyo sagaashan) iyo Muslimمسلم\ (Waana Xadiithkiisa kun sideed boqol sagaal iyo labaatan) (Oo uu Muslimi مسلم\  ziyaado ku daray intay Al Bukhaarii البخاري\  iyo Muslim مسلم isku waafaqeen juzka labaad bogga saddex boqol iyo laba), kana wariyeen ibnu Cumarإبن عمر\ Allahaالله labadoodaba raalli ka ahaadee inuu Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam yiri:

 

“Kulligiin xil ayaa idin saran, kulligiinna waa la idinka waydiinayaa raaciyadiinna: madaxweynaha (Waana qof kastoo xil dawladeed haya, darajo kasta ha ka hayee) xil ayaa saran waana la waydiinayaa siduu xilkaas u gutay. Ninkana xil ayaa ka saran haweentiisa iyo caruurtiisa, waana la waydiinayaa siduu xilkaas u gutay. Haweentana xil ayaa ka saran guriga ninkeeda, waana la waydiinayaa raaciyada uu xilkoodu saarnaa. Khaadimkana  waxaa xil ka saran yahay maamulidda maalka ninka iska leh, waana la waydiinayaa siduu xilkaas u gutay. Ninkana waxaa xil ka saran yahay maalka aabihiis, waana la waydiinayaa siduu xilkaas u gutay. War hoy kulligiin xil ayaa idin saran, kulligiinna waa la idin waydiinayaa sidaad xilkaas u gudateen.”

 

Ka qaadidda xilka madaxwaynaha

 

Ayadoo marka horeba la doortay ninka ugu habboonaa inuu madaxwayne noqdo, ma jirto sabab afartii ama shanti ama dhawrkii sanaba doorasho kale hadana loo sameeyo, oo sidaas maal badanbi ku khasaaro, usha ummaddana loo sii kala dhanbalo, siday dawladaha aan muslinka ahayn yeelaan oo kale.

 

Cazilaadda madaxwaynuhu waa arrin culus oo keenaya kala jabka ummadda iyo inuu dhiig daato, caruur agoomoobaan, haweeni ay assay saartaan, xoolo bandanna baa’ba’aan.

 

Haddiise ay ummaaddo aragto inay lagama maarmaan tahay in madaxwaynaha la cazilo, waa la cazili karaa, marka shuruudaha soo socda laga helo.

 

Ilaahay Tacaalaaالله تعالى\ oo nooga warramaya waxa dhex maray Nabi Muuse iyo walaalkiis Nabi Haaruun Calayhihimassalaamu wuxuu Aayadaha laba iyo sagaashan, saddex iyo sagaashan iyo afar iyo sagaashan ee Suuratu Dhaahaaسورة طه\ ku yiri

 

}قَالَ يَا هَارُونُ مَا مَنَعَكَ إِذْ رَأَيْتَهُمْ ضَلُّوا (92) أَلَّا تَتَّبِعَنِ أَفَعَصَيْتَ أَمْرِي (93) قَالَ يَا ابْنَ أُمَّ لَا تَأْخُذْ بِلِحْيَتِي وَلَا بِرَأْسِي إِنِّي خَشِيتُ أَنْ تَقُولَ فَرَّقْتَ بَيْنَ بَنِي إِسْرَائِيلَ وَلَمْ تَرْقُبْ قَوْلِي (94){

 

Aayadaha macnohoodu waxaa weeye:

 

“Muuseموسى\ wuxuu yiri:

“Haaruunowهارون\ maxaa kuu diiday in markaad aragtay inay baadiyoobeen oo gaaloobeen aad dardaarankayga iyo amarkaan ku siiyay aad raacdid oo la dagaashid adigoo ogsoon in haddaan anigu arki lahaa inay gaaloobeen aan la dagaallami lahaa?(92) Maxaad amarkayga u raaci wayday ee ma amarkayga ayaad diiday?(93) Wuxuu Haaruunهارون yiri:

“Ina hooyow timaha madaxa iyo garka ha igu dhegin oo iga jiidin, oo haddaan markaan gaalnimada ku arkay wax ku oran lahaa waxay u kala jabi lahaayeen laba qaybood – qayb isaga raacda iyo qayb kasoo horjeesata oo markaasay labadoodu dagaallami lahaayeen – oo waxaan ka baqay oo aanan ula dagaallamin inaad igu tiraahdo reer Banii Israa’iilبني إسرائيل\ ayaad kala jebisay, hadalkaygana ma aadan yeelin, markaad igu tiri: “Tolkay iiga dambee intaan maqanahay, umuurtoodana suubi, una tur”(94).”

 

Haddiise ay ummaaddo aragto inay lagama maarmaan tahay in madaxwaynaha la cazilo, waa la cazili karaa, marka shuruudaha soo socda laga helo.

 

Qaalli Al Maawardii Allahaالماوردي\ u naxariistee, wuxuu yiri:

 

“وإذا قام الإمام بما ذكرناه من حقوق الأمة فقد أدى حق الله تعالى فيما لهم وعليهم، ووجب له عليهم حقان: الطاعة والنصرة ما لم يتغير حاله.

والذي يتغير به حاله فيخرج به عن الإمامة شيئان:

أحدهما: جرح في عدالته.

والثاني: نقص في بدنه.

 

فأما الجرح في عدالته وهو الفسق فهو على ضربين:

 أحدهما: ما تابع فيه الشهوة.

والثاني: ما تعلق فيه شبهة.

فأما الأول منهما: فمتعلق بأفعال الجوارح وهو ارتكابه للمحظورات، وإقدامه على المنكرات تحكيما للشهوة وانقيادا للهوى، فهذا فسق يمنع من انعقاد الإمامة ومن استدامها، فإذا طرأ على من انعقدت إمامته خرج منها، فلو عاد إلى العدالة لم يعد إلى الإمامة إلا بعقد جديد.

 

وأما الثاني منهما: فمتعلق بالإعتقاد المتأول بشبهة تعترض فيتأول لها خلاف الحق.

 

Warkaas macnihiisu waxaa weeye:

“Hadduu Madaxwaynuhu u qumo oo meel mariyo intaan soo sheegnay oo ku saabsan xuquuqda ay ummaddu ku leedahay, wuu oofiyay xaqqa Ilaahay Tacaalaaالله تعالى\ waxa ayagaas ay leeyihiin iyo waxa lagu leeyahayba. Markaas waxaa ummadda waajib ku noqonaysa laba waxyaalood::

Kow. Inay adeecaan oo u hoggaansamaan.

Laba. Inay u gargaaraan oo u hiilliyaan hadduusan xaalakiisu is bedelin.

 

Waxa xaaladdiisa is beddeleysa oo madaxwaynenimada ka saaraysa waa laba arrimood:

Kow. Cadaaladdiisa oo xumaata.

Laba. Naaqusnimo jirkiisa ku timaadda.

 

Xumaanta caddaaladdiis waa inuu faasiqفاسق\ noqdaa, taasoo ah laba nooc:

Kow. Inuu hawadiisa iyo wuxuu jecel yahay raaco, waana wax jirka ku saabsan, sida isagoo xaaraanta ku dhex dhaca isagoo hawadiisa raaca iyo waxay naftu jeceshahay.

Taasna waa fisqi, ka hor istaagaysa inuu ummad muslin ah madaxwayne u noqdo, hadduu noqdana inuu sii ahaado.

Hadday dhacdo oo taas lagu arko ninka madaxwayninnimada loo doortay, shuruudaha xilkaas lagu qaado lagama helayo oo wuu ka dhex baxay oo xilka waa laga qaadayaa.

 

Hadduu suubanaanta dib ugu laabtana xilka dib loogu dhiibi mayo, doorasho cusub kaddib mooyee.

 

Laba. Wax la xiriira in isaga diintiisa laga shakiyo.  Middaanna waxay ku saabsan tahay caqiidada, oo markay arrinu lasoo gudboonaato uu u fasiro wax xaqqa khilaafsan.

 

Laba. Inuu Xubnaha jirkiisa qaar beelo, ka hor istaagaya inuu xilkiisa si habboon u guto, sida isagoo caqligu ka tago oo waasha, iyo isagoo aragga beela oo wax arki waaya. Cudurka indha habeennada la yiraahdo oo uu maalintiina wax arkayo, habeenkiina uusan wax arkayn xilka loogama qaadayo, maxaa yeelay waa cudur la filayo in laga bogsoodo. Sidoo kale xilka looma dhiibi karo hadday mid ama labada gacnood go’an yihiin, ama ay lug go’antahay ama labadaba, ama ay ka go’aan intuu xilka hayo hadday ka go’aan intuu xilka hayana waa looga qaadayaa.

 

Waziirka Koowaad

 

Madaxwaynuhu hadduu doono isagaa si toos ah uu agaasimaya umuuraha ummadda, hadduu doonana wuxuu magacaabayaa Wasiir Koowaad oo maareeya oo maamula umuuraha maalin walba ah ee ummadda.

Erayga “Waziirوزير\” wuxuu ka yimid “Al Wizrالوزر\” oo ah culayska, oo waziirku wuxuu culayska hawsha qaarkeed ka qaadayaa madaxwaynaha, isagoo uusan madaxwaynuhu hawlaha ummadda kaligiis wada qaban karin.

 

Waxaana u daliil ah Aayadda sagaal iyo labaatanaad iyo laba iyo soddon ee Suuratu Dhahaaسورة طه\:

 

}وَاجْعَلْ لِي وَزِيرًا مِنْ أَهْلِي (29) هَارُونَ أَخِي (30) اشْدُدْ بِهِ أَزْرِي (31) وَأَشْرِكْهُ فِي أَمْرِي (32){

 

Aayadaha macnohoodu waxaa weeye:

 

“Waxaadna ii yeeshaa waziir ehelkayga ka mid ah oo culayska hawsha ila qaybsada(29)Kana dhig waziirkaas walaalkay Haaruunهارون\ – Waxaa la yiri in nin walaalkiis waxa ugu wayn tara uu Muuseموسى\ ahaa isagoo Ilaahayالله\ usoo jeediyay inuu Nabi ka dhigo, lagana yeelay oo uu walaalkiis Nabi noqday – (30)Kuna xooji dhabarkayga(31)Ilana wadaaji Nabinnimada iyo gaarsiinta Risaalada(32).”

 

Marka hadday waziirnimo ku bannaan tahay Nabinnimada, way ku bannaan tahay madaxwaynaha iyo maamulidda dawladda.

 

Waxaa jirta laba nooc oo Ra’iisul Wazaare:

 

Wazaaratu Al Tafwiidiوزارة التفويض\

 

Kow. Wazaaratu Al Tafwiidiوزارة التفويض\. Madaxwaynuhu wuxuu wasiirka koowaad oo noocaan ah u xilsaarayaa inuu arrimaha ummadda ku dabiro kuna maamulo siduu isagu – waana Wasiirka Koowaad – u arko iyo ra’yigiisa. Sidaasuu hawshiisa ugu madax bannaan yahay.

 

Shuruudaha laga doonayo inuu leeyahay ninka xilka wasiirnimada noocaan ah loo magacaabayo waa isla shuruudaha laga doonayo inuu madaxweynuhu leeyahay intaan nasab Qurayshقريش\ ahayn.

 

Wazaaratu Al Tanfiithiوزارة التنفيذ\

 

Laba. Wazaaratu Al Tanfiithiوزارة التنفيذ\. Noocaan labaad ee wasiirka koowaad waa ka tag daran yahay midka hore, oo markaan ra’iisul wazaaruhu wuxuu ku shaqaynayaa oo fulinayaa awaamirta uu Madaxwaynuhu isaga si toos ah u siiyo, oo isaga laftiisu umuuraha dawladda uma madax bannaana oo kuma agaasimayo aragtidiisa iyo siday isaga wax ula muuqdaan.

Wasiirka koowaad oo noocaan ahi wuxuu u dhexeeyaa Madaxwaynaha oo talada iska leh iyo shacbiga oo taladaas lagu fulinayo.

 

Magacaabidda Wasiirka Koowaad ee noocaan ah uma baahna in baarlamaanka la geeyo oo kalsooni la siiyo ama laga qaado, waxayse ku egtahay madaxweynaha oo kali ah.

 

Labada nooc oo wasiirka koowaad oo aan soo sheegnay wuxuu mid walba leeyahay shuruudo ku saabsan isaga laftiisa iyo shuruudo hawshiisa ku saabsan, oo intaan soo sheegnay ka kala farcamaya.

Qofka shuruudahaas doonaya ha ka raadsao kitaaba Al Maawardiiالماوردي\ Allahaالله\ u naxariistee ama kuwa u dhigmaba, oo in kastoo zamanku is beddelay, hadana agaasinka ummaddu waa isla midkii oo ah in ummadda lagu agaasimo caddaalad iyo waxay danteedu ku jirto.

 

Guddoomiyayaasha gobollada, degmooyinka iyo qaalliyada

 

Madaxwaynaha ayaa magacaabaya guddoomiyayaasha gobollada iyo degmooyinka iyo qaalliyadaba oo dhammaantood isagay maamulkooda wakiil uga yihiin, oo waxay xumeeyaan isagaa ka mas’uul ah oo u qoollan.

Sidoo kale madaxwaynaha ayaa magacaabaya taliyayaasha ciidammada qalabka sida iyo taliyayaasha qaybaha kala duwan ee cidammadaas iyo booliskaba.

 

Habka Federaaliga ah

 

Habka federaaliga ahi kama mid ah hab dawladeedka islaanka, kumana dhisna shareecada islaamka, waana hab dawlado yar oo aan muslin ahayn ku dhaqmaan.

 

Dawladda adduunka ugu ballaarnayd, uguna xoog badnayd waxay ahayd dawladda islaamka ee zamankii hore oo ku fidsanayd laga soo bilaabo arliga Hindiya iyo galbeedka Shiinaha dhanka qorrax kasoo bax ilaa Spaanya ee qaaradda yurub dhanka qorrax u dhac, waxayna lahayd hal madaxweyne.

Waa dawladda uu madaxweyneheeda Banii Umayyahبني أمية\ ahaa qarniga koowaad ee hijrada yiri:

“Dawladdayda qorraxdu kama dhacdo, canshuurta intaasoo gobol laga soo qaadana halkaan ayaa aniga la iigu keenayaa.” Fadhigiisa iyo caasimaddiisuna wuxuu ahaa Dimashqدمشق\ ee arliga Suuriyahسورية\.

 

Madaxwaynahaas ayaana magacaabi jiray guddoomiyayaasha gobollada oo idil, mana ayan hayn waxa lagu magacaabo “Dawlada Federaali ah” bal waxay ahayd dawlad midaysan.

Maantana ma jirto dawlad carbeed oo federaali ah, horena uma jiri jirin.

 

Shacbiga soomaalidu waa shacbi mid ah, isku wada diin ah, isku wada af ah, isku wada taariikh ah, isku wada ilmo abti iyo ilmo eeddo isku wada ah. Maxaa hadaba loo kala gaynayaa oo loo kala qoqollobayaa? Taasu waxay keeneysaa inay tabartoodu wiiqanto, tiradoodu yaraato, oo ay kala tagaan, oo cadawgoodu si sahlan u kala dafo.

Dawlada federaali ah taasay keeneysaa.

 

Amarka Ilaahayالله oo ah “Midaysnaada”

 

Ilaahay Tacaalaaالله تعالى\ wuxuu Aayadda boqol iyo saddex ee Suuratu Aali Cimraanaسورة آل عمران nagu amrayaa inaaan xariggiisa ku dhegno annago wada jirna oo aanan kala tegin oo qaybsamin:

 

}وَاعْتَصِمُوا بِحَبْلِ اللَّهِ جَمِيعًا وَلَا تَفَرَّقُوا(103){

 

Aayadda macneheedu waxaa weeye:

 

“Isku ilaaliya, oo xumaanta iyo halaagga iyo kala tagga diinta isaga ilaaliya xarigga Ilaahayالله dhammaantiin, hana kala tegina(103).”

 

Cabdu Allaahi bin Mascuudعبد الله بن مسعود\ Allahaالله raalli ka noqdee wuxuu yiri:

 

وقال ابن مسعود هو الجماعة ، وقال : عليكم بالجماعة فإنها حبل الله الذي أمر الله به ، وإن ما تكرهون في الجماعة والطاعة خيرٌ مما تحبون في الفرقة

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

“Isku duubnaada oo wada jira oo meeshay muslimiintu u badan yihiin raaca, oo taas ayaa ah xarigga uu Ilaahay الله amray in la la qabsado. Waxaad ku kahanaysaan meeshay muslimiintu u badan yihiin iyo wadajirka ayaana ka khayr badan waxaad firqooyinka iyo kooxo kooxaha ku jeceshihiin.”

 

 

 

 

 

Abuu Hurayrahأبوهريرة\ Allaha الله raalli ka noqdee wuxuu wariyay inuu Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri:

 

عن أبي هريرة رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال :

 

“إن الله تعالى يرضى لكم ثلاثا ، ويسخط لكم ثلاثا يرضى لكم أن تعبدوه ولا تُشركوا به شيئا وأن تعتصموا بحبل الله جميعا وأن تُناصِحوُا من وَلَّى اللهُ أمرَكم ، ويسخط لكم : قِيْلَ وقال ، وإضاعةَ المال وكثرةَ السؤال”

أخرجه مسلم

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

 

“Ilaahay الله saddex ayuu raalli idiinka yahay, saddexna wuu idiinku caroodaa. Wuxuu raalli idiinka yahay:

(Kow)  Inaad Isaga caabudaan, oo aydnaan shariik u yeelin.

(Laba) Inaad dhammaantiin xarigga Ilaahay الله isku wada ilaalisaan.

(Saddex) Inaad la talisaan ninka uu Ilaahay الله taladiinna gacanta ka saaray.

Wuxuuna idiinku caroodaa saddex:

(Kow) Qiilaقيل\ wa Qaalaقال\ oo ah warsheegidda la yiraahdo “Waxaa la yiri..” iyo “Wuxuu yiri..”.

(Labad) Maalka oo la lumiyo, laguna bixiyo meel uusan Ilaahay الله raalli ka ahayn.

(Saddex) Su’aasha badan.”

Waxaa wariyay Muslimمسلم\.

 

Xukunka qofka amarka muslimiinta kala geeya ayagoo midaysan

 

Imaam Al Nawawiiالإمام النووي\ Allahaالله\ raalli ka ahaadee, wuxuu sharixiisa Saxiix Muslim صحيح مسلم\ ku wariyay uuna sharxay Xadiithkaan oo ku saabsan xukunka qofka muslimiintoo wada jirta arrinkooda iyo ushooda kala dhanbala oo kala geeya, wuxuuna yiri:

 

  1. باب حكم من فرق أمر المسلمين وهو مجتمع

 

59-(1852) حدثني أبوبكر ابن نافع ومحمد ابن بشار (قال ابن نافع: حدثنا غندر، وقال ابن بشار: حدثنا محمد ابن جعفر) حدثنا شعبة، عن زياد ابن علافة، قال: سمعت عرفجة، فال: سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول:

 

“إنه ستكون هنات و هنات، فمن أراد أن يفرق أمر هذه الأمة وهي جميع، فاضربوه بالسيف، كائنا من كان.”

 

الهنات هنا الفتن و الأمور الحدثة.

…بالسيف: فيه الأمر بقتال  من خرج على الإمام أو أراد تفريق كلمة المسلمين و نحو ذلك وينهى عن ذلك فإن لم ينته قوتل وإن لم يندفع شره إلا بقتله فقتل كان هدرا، فقوله صلى الله عليه وسلم “فاضربوه بالسيف” و في الرواية الأخرى: “فاقتلوه” معناه إذا لم يندفع إلا بذلك.

 

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

 

“Ziyaad bin Culaafahزياد بن علافة\ wuxuu yiri: waxaan maqlay Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam oo leh:

 

“Waxaa dhici doona oo ahaan doona fitnooyin iyo dhacdooyin aan hore u dhici jirin, marka midka raba inuu amarka ummaddaan kala geeyo ayadoo midaysan, seef ku dhufta cidduu doono ha ahaadee.”

 

Al Nawawiiالنووي\ wuxuu yiri:

“Amarka “Seef ku dhuffta” waxaa ku sugan amar in lala dagaallamo qofka daacadda madaxweynaha muslinka si xaq darro ah uga baxa, ama doonaya inuu ummadda musliminka oo midaysan kala geeyo, iyo waxa intaasba la midka ah. Marka hore waa la waaninayaa oo laga reebayaa inuu waxaas ku kaco, hadduu ka hari waayana, oo sharta uu wado ka hari waayana, waa la dilayaa, dhiiggiisuna qiimo ma laha oo waa xalaal, diyana laga bixin mayo, qisaasna ma laha. Riwaayadda kalena waxay warisay “Dila”, oo macnihiisu yahay hadduu ka hari waayo shartuu wado oo la waayo si kaloo looga celin karo waa la dilayaa.”

Waxaa wariyay Muslimمسلم\.

 

Adduun iyo Aakhiro

 

Adduunkaan waxaa jira laba diimood o kala ah muslin iyo gaal, aakhirana waxaa jira laba daarood oo kala ah janno iyo naar.

 

Qofka adduunkaan muslin ku ah shareecadiisu waa tan islaamka, ayaduuna ku dhaqmaa oo uu Ilaahayالله\ ugu hoggansamaa, markaasuu Ilaahay الله\ aakhiro jannada geliya.

 

Gaalkuna adduunkaan isagaa sharci samaysta oo kan Ilaahay الله\ waa diida, markaasuu Ilaahay الله\  aakhiro naarta geliyaa.

 

Diin saddexaadna ma jirto, daar saddexaadna ma jirto. Qof walbana isagaa adduunkaan lagu kala doorsiiyay dariiquu marayo, oo dariiqu maro daarteeduu gelayaa, oo qofna ma eedeyn karo.

Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

Columbus, Ohio, USA

Maalin khamiis oo ay taariikhdu tahay lixda bisha Jamaadu Al Aakhirجماد الآخر\ ee sanadka kun afar boqol lix iyo soddon hijriga, una dhiganta lix iyo labaatanka bisha Maarso ee sanadka laba kun shan iyo toban miilaadiga.

 

Sidaasay daraasaddaanu noogu dhammaatay, waxaanna ku gunaanadaynnaa annago leh:

الحمد لله رب العالمين و صلى الله على سيدنا ومولانا محمد و على آله الطيبين الطاهرين و سلم تسليما كثيرا كلما ذكره الذاكرون وغفل عن ذكره الغافلون.

 

 

 

 

SHARE