Home Qoraallo Sooyaalka Cawaale iyo sifadiisa maanta W/Q: Anfac Cabdullaahi Maxamad

Sooyaalka Cawaale iyo sifadiisa maanta W/Q: Anfac Cabdullaahi Maxamad

0
SHARE

img_0914

Sooyaalka Cawaale iyo sifadiisa maanta

 

Ummad waliba jiritaankeeda waxaa asal u ah, in ay leedahay summad ka soocda bulshada kale, ee dunida ku la nool, summaddaasina waxa ay tahay calan ay ku midaysanyihiin dhammaan bulshada dalkaasi ku nool oo meel walba oo ay dunida ka jogaan ka wada dhaxaysa. Dal aan calan lahayne ma aha dal jiri kara.

 

Sooyaalka calankeenna Soomaaliya

 

Calanka jamuuriyadda Soomaaliyeed oo sidoo kale loo yaqaan Kulmiye waxaa la sameeayay 12 octoper 1954 waxaana sameeyay Alle ha u naxariiste Mudane Maxamad Cawaale Liiban waqtigii ay Soomaalidu ka la qaybsaneed ee maamulkii gumaystaha xukumayay.

Umadda Soomaaliyeed waxay halgankii xurnima doonka u soo martay labo waji oo ka la duwan oo ahaa waji dagaal ku salaysan iyo mid siyaasaded o ay hormuud u ahaayeen dhallinyaradi xurnima doonka SYL, waxaana dhacday, in qayladhaantii umadda ee ku aaddaneed baahidii ay u qabeen xurnimada, in ay gaartay jimciyada quruumaha ka dhaxaysa ayna go’amiyeen, in sooamalida la siiyo muddo ku siman 10 sano o xurnimo gaarsiin ah, si ay soomaalidu ugu sii diyaargarowdo hannaanka dowladnimo, muddadaasna ay sii maamuli doonan dowladdii Talyaniga, Soomaalida qaar iyo dad aan Soomaali ahayn iyo guddi ka kooban 3 dowladood oo kor joogayaal ka ahaan doona, waxaana markii ugu horresay la magacaabay golihii baarlamaanka oo ka koobnaa 60 xubnood o isagu jiray 50 Soomaali ah 4 Caraba 4 Talyani ah 1 Hindi ah iyo hal Pakistani ah, ayago ka wada hadlayay waddada umadda Soomaaliyeed loogu diyaarin karo hannaanka dowladnimo.

Waxy xubninii Soomaalida soo hadal qaadeen, in la sameeyo astaan calan, si markii waddanku helo xurnimo uu calankodu u sii diyrsanaado, waxa ayna ku doodeen soomaalidii markaa golaha joogtay, in arrintan ay ka hadli karaan Soomaalida oo kaliya waxaana cod loo qaaday arrintaa laguna guulaystay, ayado guddi loo saaray madaxna looga dhigay nin la oran jiray Sh. Cumar waxa uuna soo jeediyay, in arrintan laga doodo si loo meelmariyo.

Maxamad Cawaale Liiban oo ka mid ahaa xubnihii barlamaanka, ayaa is la habeenkii sameeyay astaan calan, is nala subixii xigay waxaa dib la isagu soo laabtay kalfadhigii xigay, waxuuna billaabmay 10:30 subaxnimo waxuuna Maxamad Cawaale Liiban ka codsaday guddomiyaha, in hadalka la siiyo wuuna ka aqbalay.

Mdane Maxamad Cawaale Liiban Alle ha u raxmadee waxuu jeebka ka la soo baxay astaanta calanka maanta aan haysanno ah, waxa uuna saaray xabadka, asago boggiisa ku salaxaaya, si kalsooni leh.

Xaalkii xarunta waa isbadaly, waxaana halmaray kacay shucuurtii oo waxaa isqabsaday sacab iyo mashxarad markii ay arkeen astaanta buluugga ah ee xiddigta cadi dhexdada kaga taal, ayadoo dhammaan xubnihii Soomaalida ay is ku raceen astaantan.

Waxay noqotay markii sawaxankii iyo qiiradii istaagi waayeen, in xubnihii kale ee Talyaaniga, Carabta iyo Hindidu ku raaceen Soomaalidii in baluugle yahay calanka rasmiga ah ee Soomaaliya.

Cawaale waxaa la waydiiyay waxa uu ka la jeedo astaan buluugga biyo biya ah, ee xiddigta cad dhexda kaga taalo. Wuxuu yiri buluugga biyaho biyaha ah waxaan kala jeeda;

* In aan ku xushmayno jimciyadda qurumaha ka dhaxaysa oo gacan nagu siiyay in aan xurnimo gaarno oo calankoodu buluuggan biyo biyo ha ah yahay

* Badwaynta Hinndiya ee soomaaliya ku galooban.

* Qayraadka Soomaalida Alle siiyay sida cirka, bada, iyo bariga

* Biyaha midabkooda o aas aas u ah nolosha bani aadamka.

Xidigta shanta gees lehna ay caddeyneso shanti qaybood ee gumaystuhu u qaybiyay dalka ee ka la ahaa Soomaalida koonfurta ee Talyaanigu xukumay, waqooyiga Soomaaliya oo Ingiriisku xukumay, gobolka NFD oo Ingiriisku raacshay Kenya, Jabuuti oo Faransiisku haystay iyo gobolka Soomaali galbeed oo gumaystuhu Itoobiya ku wareejiyay, caddanka xidigta dhexda kaga jirna uu matalayo nabadda. Waxaa markii ugu horresay calanka laga taagay magaalada Hargaysa 26 juune 1960.

 

Marxalada maanta u taaganyahay calanka

 

Hadda oo laga joogo samayntii calankeenna muddo ku siman 62 sano, waxaa muuqda isbadallo badan oo ku dhacay cisigii iyo muhiimaddii calanka, waayo, waxaa jira calallo fara badan oo lagu tilmaamo calammo maamul gobol lana sheego, inay asaga hoostagaan, balse, sida qayimka ah u muuqata, in ay ka sarreeyan, sababto ah, waxaa dhacday, in dadka calalladaa wata ay gubaan calanka iyo calamadaa ay ku dhisanyihiin hab qabiil sanadkan la joogana qabiilka ayaa qaranka ka sarreya.

Markaa u kuur gasho askarta joogto deegannada gobollada qaar waxaa dariiska ay wataan ku xardhan calan maamul goboleed ayadoo haddana askartaa lagu timaamo askar qaran waxase nasiib daro ah in ciidan lagu tilmaamayo ciidankii qaranka uu garaaddo u noqdo calan aan ahayn kii somaali lagu yaqiinnay.

Waxay halyeeyo badan dhiiggooda, maalkoda iyo naftoodaba u hureen, in maanta sidii la rabo laga yeelo, oo uu hagoog ka dhigto kan cadaawaha u dayacayo. Waxaa dhici jirtay xilligii dowladnimada, in carruurta lagu koriyo waddaninimada iyo muhiimadda uu calanku leeyahay, balse, hadda aadan arkaynin dugsi taa lagu dhigayo, ardaygana la barayo tariiqda dalal kale, oo aniga ayaaba taa u so joogay.

Dhanka kale, walidiinta ayagana taa way gabeen, oo carruurta xitaa guryaha lagu ma baro, taana waxay keentay, in dhallinyarta maanta ee la kowsaday burburkii aysan helin wax taa ku ababiyo.

 

Gunaanad

 

Wax waliba oo ku dhaca cisigii calankeenna waxaa u sabab ah waddaninimadii oo wiiqantay iyo dadkii oon xil is ka saarin arrinkaa. Waxaa nalaga doonayaa haddaan nahay dhallinyarada Soomaliyeed meel walbo oon joogno inaa xil is ka saarno taa ayna ku dhaqaaqaan waddadii ay ku soo celin

lahaayeen cisigii uu bari calankan ku lahaa dunida iyo halyaynimadiisii, waxaana taa ugu horrayn laga bilaabi karaa goobaha wax barashada si ubadkii loogu barbaariyo loona baro muhiimadda waddankoda iyo waxii laga so maray laguna abuuro dal jacayl iyo dad jacayl.

 

W/Q: Anfac Cabdullaahi Maxamad

 

SHARE