Home Qoraallo Haddaan WERIN iyo WERIYE la helin la ma ka la WARQAADEEN. W/Q:...

Haddaan WERIN iyo WERIYE la helin la ma ka la WARQAADEEN. W/Q: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

0
SHARE

15820135_739946256160131_2013781092_n Haddaan WERIN iyo WERIYE la helin la ma ka la WARQAADEEN. W/Q: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

 Inta aynaan u galin faa’qiddaadda werin iyo weriyannimo, aan baranno macnahooda: Waa maxaay Werin iyo Weriye? Weriye waxaa loo qaybiyaa labo qayb; (1) Weriye socda (yacni nool ruux leh) (2)Weriye hurda laakin hawlgala (yacni aan ruux lahyen, KUTUB, AMA BUUG)   WERIYE SOCDA (yacni ruux leh, nool) QOF.

2-Laba ayaa loo sii kala qaada. “MID WAAGSAN, MID XUN.” (1) Midka wanaagsan, waa seef af leh, oo wanaagga goysa iyo wax kastoo ummadi ku hormarto, macnahiisu waa Ehlu-kheyr, ama sharfanne! Loo aayo. (2) Midka xun waa seef af-leh, oo dhanka xun wax u goysa. (Yacni been, barabagaando, isku dir, u kala warramid, been abuur ah, deb hurrin, qof, qolo u xaglin ku caanbaxay) Bulshada iyo ummadahana kala geeya, Macnahiisu waa Ahlu-shar, lagama faa’iide aan asaguna faa’iidin!’

Werin haddaan la heli laheyn weriyuhuna sooma warrameen, sidaa darteed weriye socda, nool, waa kan la wada yaqaan ee soo tebiya, sheega, weriya, dhacda kasta iyo dhihitaan kasta oo wanaag iyo xummaanba leh meel kastoo dunida ka mid ah. Waa kan bulshadu inta badan ku xirantahay oo dhega iyo indhaba u ah. Ilaa heer adduunkii gaaray in akhbaar uun la sugo ama dhegta iyo indhaha uun loo raariciyo “tv, radio, wargeys, iyo website” warside kasta noocoow doonaba ha ahaadee.

“Weriye socda waa kan hor seeda horu mar bulsheed, ummadeed, ee hoggaamiya hore u socod loo aayo. Waa kan bulshada ku xiran ey u hayso ixtiraam, qaddarin, iyo agaasin sharafeed, lagu qiimeeyo, laguna maamuuso, jaceyl guud! “war” news”  war waa dhacdo maalinle ah, ama isbuucle, ama bille ah iwm. waana midda bulsho, nabad u horseedda ama naceyb. Waxaa la isku raacsanyahay bulsho, aan laheyn “war qumman” iyo weriye qumman, waa bulsho aan laheyn afhayeen, qumman, sidaa darteed weriye waa lagama maarmaanka bulsho leedahay, kuna dhaafto asaaggeed.

(2) weriye hurda laakin hawlgala:

waa kan ay ku tiirsantahay nolosha Aadanuhu ilaa oomistii adduunyada, iyo abuuristii abuunaa Aadam, maxaa yeelay waa (kutub iyo buug) qoran, daabacan, oo facba fac, jiilba jiil u dhiibayo la kala dhaxlayo la sii qorayo, la sii cusbooneeysiinayo habiin iyo maalin; marka laga reebo kitaabka qur’aanka oo ah qowlkii “Eebbe” sunnaha iyo mabaadii’da kale ee Islaamka iyo kuwa aan xitaa Islaamka qusayn waxay soo hoosgelayaan weriyaha hurda laakin hawlgala. Waa dhaxal laga reebay “rusushii “Eebbe” ama halgamaa hal abuur sare lahaa iyo hoggaamiye loo aayay, tusaale ahaan, haddaan Soomaali nahay waxaan aad u siticmaalnaa “mahmaahda iyo suugaanta” mahmaada iyo suugaantu waa wax ka dhashay dhacdo iyo waayo la soo maray, sida dagaal dhacay, isku darmid dhacday, sheshiis dhacay, is af-garad guud ama mid gaara oo dhacay, ha ahaadaan, waqtiga la joogo, ama rubuc qarni, nus qarni ama qarni dhanba: (macnaha wax boqol sano ka hor dhacay) laakin is la waqtigaan la joogo nool oo la adeegsadu. Ku darsoo waqtiga iyo waayuhu waa isku mid laakin noolaha  ayaa kala duwan mar kasta. “tusaale kale” kutubta lagu dhaqmo ee Diiniga ah, 1400 oo sano ka hor ayey ahaayeen, soo degeen, lana soo saaray la soo amray, leesna faray ilaa maanta waa nool yihiin, waa cadyihiin, waa dhigan yihiin, waa xafidan yihiin waana la xifdisanyahay, faracba faraca ka dambeeya ayayna sii gaarayaan siina gaari doonaan haddii adduunyadu sii taagnaato, sii jirto. Haddaanay qornaa laheyn ama aanuu jiri laheyn weriye hurda laakin hawlgala (yacni kutub ama buug) wax badan ayaa la wareeri lahaa, aadanahana jaha dhumi lahaa, sidaa darteed, werin iyo weriye waa labadaas macno, oo ah weriye  socda (Nool) iyo weriye hurda laakin hawlgala (kutub ama buug).

Maxaa kala geeyay weriyayaasha Soomaaliyeed?”

Mar haddaan is la garannay macnaha werin iyo weriye, annaga ku wayna Soomaaliyeed, maxaa ka dhigay seef af leh laakin dhanka xun wax u goysa?  Maxaa ka dhigay weriye la haysto maskax ahaan iyo maamul ahaanba? Maxaa ka dhigay weriye qabiil, qolo ama qoys leeyahay? Maxaa ka dhigay kuwa ku tartama been abuurka iyo kala gaynta gayaankood iyo gacalkood? Maxaa ka dhigay bartilmaameed qolo kastaahe beegsato, beecsato ama baayacato? Su’aalahaas iyo kuwa kale oo maskaxda dadka soomaaliyeed ka guuxayaba aqristayaasha ayaan u daynayaa maadaama aan u waayay jawaab waafi ah oo i qancisa ama aan ku qaboobo.

Ma ahan inaan u la jeedo dhammaan weriyayaasha Soomaaliyeed ee fara kutiriska ah ee wanaagsan, wax qabadka muuqdana leh iyo tayada sare, kuwaa oo qaybo badan sii kala ah. Kuwa madax bannaan runtana aan ka cabsan, la gamban, iyo xaqiiqdo waxay tahay dhiraandhiriya. Iyo kuwa aan madax bannaanayn laakin si sharaf iyo ixtiraam leh u guta shaqadooda annaan ka been sheegin, haddii sheeg lagu qasbana aan u dheg raaricin xitaa hadday shaqadooda ku weynayaan! Waana 10% boqolkiiba, laakin 90% kasoo hartay waaye kuwa aan jawaabahaan u rabo ama aan ka rabo!’ Annagu ka ummad ahaan ka Soomaali ahaan waan u nugul nahay wax u sheegidda, maxaa yeelay ummad dhibaato daashatay ayaan nahay, weriye la’aanuna nama haysee wax tarid la’aan ayuumbaa nahaysa. Tabar yari ama tigaad yari iyo tira yariba nama haysato’e, tala xumo, takoorid ayaa na haysata. Hadday labadaa ka gudbi lahaayeen werinta aan haysanna ku dhaqmi lahaayeen, hubaal geedka harkiisa ayay noo jiidi lahaayeen, laakin hadda; “Waa la mood se noqon weyday”

Weriyoow ma is ogtahay inaad tahay awood dhexe oo xoog wayn xilna saaranyahay? Weriye qarax iyo qarbudaad la fac ah miyaad tahay? Mase jadwal dhigmaaleed, dhihideed, ama dhaxal kaydineed ayaa kuu diyaarsan? maxaadse ka faa’iidday waayahaagii dhibaato ama dhaqan gaddoonka ahaa? Ma ogtahay in dhaxalka iyo kaydka yaal ay reebeen weriyayaal sidaada ah? Ha ahaado “Diin” ha ahaado “taariikh ummadeed” ha ahaado “xaddaarrad” bulsho, ama qoomiyadeed.

W/Q: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

SHARE