Home Qoraallo Maxaad ka taqaannaa Xalwo dhul?” W/Q: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Maxaad ka taqaannaa Xalwo dhul?” W/Q: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

0
SHARE

Maxaad ka taqaannaa Xalwo dhul?”

Waxaa jira waxyaabaha aynu cunno quudanno ama adeegsanno, kuwana waa dalag aan innagu beeranno oo innoo baxa xoogna la geliyo iyo xoolo, kuwa kalena waa kuwo dabiici ah, kuwa aynu beeranno ee innoo baxa, ee xoogga iyo xoolaha la geliyo waxaa ka mid ah: Digirta (Diirta) Ganleeyda, Meseggada (Haruurka) Sisinta, Waanbaha, Sareenka (Qamadiga) Bariiska iwm.

Dhammaan dalagyada aan kor ku soo sheegay waa kuwo la limmo lagu na abuuro beeraha, la sugto la na yaqaan, habka ay u baxaan iyo amminta ay ku baxaan laga dhawro wax walba oo dhib gaarsiin kara, lagu la dedaalo wax walba oo dheef u leh.

Haddaba waxaan rabaa inaan maanta is barno mid ka duwan taas oo ah, mid la mid ah dalagyadaas oo la cunno, aadna u macaan inta kuwaas la beerto laga helo na leh, balse aan isagu beer gaar ah lahayn, ilaa haddana aysan jirin cid isu xilsaartay sidii loo beeri lahaa waa na Gocosada, Gacatada ama Goonka wuxuu leeyahay saddexdan magac.

Maxaad ka taqaanna Gocosada/Gacatada?”

Gacatada ama Gocosadu waa qeyb ka mid ah badarka la cuno sidaan hore u soo sheegay, Gocosada lama beero, balse iyada ayaa iskeed u baxda sida geedaha kale ee dhalanka ah (Dabiici). Laakin mar mar waxaa jirta meelaha laga qodo, lagu firdhiyo si ay xilliga xiga ay usoo dhalato, loo na manaaficiidsado.

Gacatadu/Gocosadu waxay ka baxdaa, Barrimada ama Ruumanka waa degellada oodanka guriga miyigu ku yaal ee ku hareereysan xerada iyo aqalka agagaarkiisa, waxay ka baxdaa geed loo yaqaanno CISAL, gobollada qaar na ay dhici karto in magacyo kale looga yaqaan sida DIXI, waxay baxdaa xilli roobaadka weliba billowga roobka. Muddada ay ku baxdo waxaa qiyaas ahaan laysku raacsan yahay inay ilaa 90 maalmood (Saddex bilood) milley u dhigma ku baxdo. Ammintaas ayaa ka billaabmaysa marka roobku dhibicdiisa hore da’ado ilaa laga gaarayo muddadaas. Geedka ama cawska cisalka loo yaqaan ayaa soo dhalanaya ka dib wuu korayaa haddii roobku usii noqnoqdo ama xiliyo kala duwan ku da’o waxaa dhacda inuu hanaqaado laga na yaabo in gu’gaas iyo dayrtaas cisalka laga helo miro wanaagsan inuu dhaliyo.

Fiiro gaar ah: goballada qaar sida goballada dhexe “CISAL” waxaa loo yaqaannaa Eray caay ah, haddii aan si kale u dhigo, waxaa loo yaqaan dhalfada dibiga ama sumaayda Saca iyo candhada lo’da. Laakin gobalka Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan, waxaa looga yaqaan “Cisal” halka goballada bari iyo waqooyi looga yaqaan “Dixi” iyo “Xeendha-Xeendho” ama “Xeena’Xeeno” waa na afguriga darteed oo in badan lagu kala duwan yahay.

Ka dib bixitaanka geedka cisalka ah waxaa daaqa afkiisa hore xoolaha waxaana soo hara qayb ka mid ah, qaybtaasi markay caddaado xagaaga ka hor ayaa la ogaadaa inay diyaarsantahay gocosadii, markaas ayaana laga hawl gala oo la qodaa laga na soo saara mirihii gocosada meeshaas. Gacatada dadka oodhami ma wada qotaan, laba arrimoodba, reerka dalag badan oo ay kaga maarmaan haystaa ama hawsheeda aan awood u haynine ma qotaan. Reerka aan aqoon u lahayn adeegsigeeda iyo habka loo la soo baxo na ma qotaan. Waxaa jira dad jecel oo ku xisaabtama waa kuwo bartey dhadhankeeda hawsheedana si fiican u yaqaana iyo la soo bixitaankeeda.

Caynta am noocyada Gocosada

Caynta koowaad: Waxaa la yiraa Dabagaab ama Dabajaraf, cayntana ma badna oo inta badan lama arko in kastoo barrimada qaar ay dhacdo in laga helo, waa mid dhib badan hawsheeda oo badan awgeed dadku ma jecla, waayo waxay wadataa daba dheer oo ku dhegan oo qodista ka dib hawsheeda wadata iyo in la kala saaro.

Caynta labaad: Waxaa la yiraa Sulux, waa mid siman oo aan lahayn faraqyo iyo dabadheer midna ma na dhib badna sida Dabagaabta, waana tan ugu badan oo inta badan la la soo baxo.

Qaabka loo soo saaro gocosada.

Gabar Baarrin buubineysa

Gocosada waxaa jira qaab aad u farsameysan oo dadka soo saaraa yaqaanniin, qaabkan ayaa ah midka ugu fudud ee loo la soo bixi karo, waxaa la sameeyaa wax la yiraa “Baarin” oo ah seddex ama Afar mitir oo isku wareeg ah (Qaab Afar gees ah) ayaa dhulka la qodaa iyadoon aad loogu fogaaneyn, ilaa faraha dhirirkooda (faro qarir) Intaas ka dib cowska Cisalka ama Dixida ayaa “Yaambo” looga qodaa ciidda korena laga qaadaa ilaa hoos ayaa loo qodaa in dhan hal “Far” Fiiri Sawirka (koobaad (1).

 

Gocosadii oo bannaanka la keenay, ka dib markii la qoday ee baarin lagu sameeyey.

Marka hawshaas dhammaato, ee la soo saaro ayaa gocosadii bannaanka la keena iyadoo wadata weli haraagii cawska cisalka ciid guntan iyo dhagaxba, markaas ayaa haadin iyo hufid loogu dhaqaaqaa si looga reebo dhammaan qashinka la socda Fiiri Sawirka Labaad (2).

Markii intaas la sameeyo Ciiddina laga baxshay qashinkii waaweynaayna laga soocay ama laga saaray waxaa lagu shubaa Xaarin ama weel kale oo munaasib u ah haddii aad haysato, halkaas ayaa na looga dhigaa gacato nadiif ah oo kaligeed ah wax ku daranna aanay jirin: Fiiri Sawirka (Seddexaad 3).

Qaabka loo diyaariyo

Marka la dhammeeyo shaqadii hufkeeda iyo saxartirkeeda, ayaa waxaa la sameeya in la dubo.

Hawsha dubititaanka inta aan la gudagelin waxaa la diyaariyaa ciid la kuusay, ka dibna korkeeda ayaa oog dab ah laga shidaa oo xaabo door ah iyo qoryo culus lagu shidaa, markuu dabku muddo shidnaado ee hagaaso/habaaso ayaa laga dulguraa dhuxusha iyo dambaska iyo haraadiga qoryaha kale. Waxaa la guraa ciiddii oo aad u kululaatey waxaana lagu shubaa weel loo diyaarshay, Qaraf iyo qaloondub, waa na weel u eg qabaalka xoolaha lagu waraabiyo wuu ka yaryahay, dhexda ayuu u godan yahay labada dhinacna waa u dheeryahay sida huuriyada ayuu u samaysan yahay laba gees oo la qabsadana waa leeyahay.

Gocosada oo la diyaariyey oo nadiif ah.

Marka ciidda la diyaariyo waxaa lagu dhex shubaa gocosadii oo keligeed ah, waana lagu dubaa oo ciidaa kulul ayaa lagu rarmiyaa, ka dib ayaa laga soo af rogaa, waxaa na lagu shubaa weel kale oo u diyaarsan xaarin ama Seref. Ka dib waxaa la sameeyaa in la tumo, qaabka loo tumaa waa ka duwanyahay sida kuwa kale oo iyada mooye iyo kal laguma tumo, waxaa lagu shubaa, Qandi ama Xashin kaasoo dusha ulyar oo fudud lagala dhaco si ay qolofta ama qobku uga dhaco. Markaa hawshaas oodhan la qabto ayaa dib mar kale loo haadiyaa, waxaana ka baxa dhammaan wixii qashin iyo gufar ku haray, halkaasna waxaa ka soo baxda Gocoso qayaxan oo nadiif ah

Gocasadii oo la dubay una diyaarsan in la cuno ama la kariyo mar kale

Qaabka loo cuno ama loo adeegsado.

  1. In sideeda loo daayo oo laga dhigto, qaloon, sida qaloonka diirta oo kale, iyadoon la karin.
  2. In la qallajiyo ka dibna lagu daro, Digir ama mesego oo qaab cambuulo ahaan ah loo kariyo.
  3. In la waro oo la qallajiyo ka dibna la shiido oo laga dhigo budo sida soortana loo kariyo.

Saddexdan qaab ayaa loo adeegsadaa cunitaankeeda ka dib marka la la soo baxo. Waxaan dhihi karaa haddii dhirta iyo geedaha dalkeenna ku yaal mid walba la adeegsado la na barto waxtarkiisa inaysan dadkeennu baahi iyo gaajo midna arkayn, haddii qofka saboolka ahi, sii diyaarsado kayd cunto aan lacag ku joogin, mid uu beertay iyo mid Eebbe u beerayba miraha dalkeenna waxaan hubaa inaan qofna baahi iyo gaajo helayn.

Inta berriga taal ee deeq Eebbe innoo siiyey in le’eg ayaa badda iyo webigana dhex ceegaagta, haddii qofku sannadka saddexda billood ee ugu horraysa uu kayd dhigto waxa ay ku filan tahay in ka badan 9-ka bilood ee sannadka ka harey. Tusaale: Waxaa noogu filan quraanyada ama quraanjada oo marka ay tahay dhammaadka gu’ga diyaarsata oo kaydsata waxay kaga bixi lahayd jiilaalka xiga.

 

W/Q: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Guriga xariirka:

Cuute23@hotmail.com Shiribmaal@gmail.com

SHARE