Home Curis Sheeko Taxan: Xero Shaydaan Q2AAD W/Q: Cabdullaahi M.(Siyaasi)

Sheeko Taxan: Xero Shaydaan Q2AAD W/Q: Cabdullaahi M.(Siyaasi)

0
SHARE

Sheeko Taxan: Xero Shaydaan Q2AAD

Saadiq uu Daahir soo dhexjoojiyay Salaadda Casir keddib  wadda ay Soomaalida kor iyo bari isu dhaafayaan,wuxuuna ku yiri. “Walaal cinwaanki aad ii soo sheegtay waa kan,walaal halkan waa Kilo-Sabca ,waadna degan kartaa adiga oo aanan wax welwel ah qabin ,Soomaalida halkaa isdhaafaysana ruux alla ruuxa aad weydiiso guriga aad ku socoto waa ku geynayaa, haddii uunan aqooninna wuxuu kuu geynayaa ruux kaga war roon cinwaanka aad ku socoto”.Waxaa kale oo uu ku yiri “Barasha wanaagsan Daahir  iyo ilaahey ha ku fududeeyo danaha aad u timid dalkaan” .

Daahir waa ka degay gaariga, wuxuuna la soo degay boorsa yar oo uu watay, wuxuu isagana  macasalaameeyay Saadiq kuna yiri “Walaal aad iyo aad ayaad u mahadsantahay”.

Daahir halkuu Saadiq  dhigay inta uunan cid kale ka wareysan cinwaanki uu doonayay wuxuu arkayay Soomaali taagtaagan, dhinac walbana isu dhaafayso waddada dhaxdeeda ,kuwa wato gawaari yar yar iyo kuwa lugeynayo, oo galaayo kana soo baxayo goobaha wax kala gadasho ee waddadaas ku soo jeeday, Daahir uma muuqanayn ruux aan Soomali ahayn dadka dhinaca walba u dhaafayay ,Daahir wuxuu dareemay in ay tahay marki ugu horreysay oo uu arko Soomali tiradaas leh oo meel fagaaraa isugu timid, gaar ahaan qaabka wadajirkaa oo hortiisa ka muuqanayay, walow uu marar naftiisa weydiinayay halkan ma Barduuradi Xamarweynaa? misa waa Ceelgaab halka ay ku soo xirtaan badanaa baabuurta isaga gooshto waddooyinka magaalada Muqdisho ee kala aada xaafaddaha ay ka kooban tahay caasimadda dalka Soomaaliya ,weliba  isaga oo og in uu saakay Barduuradi Afar-irdood iyo Ceelgaab kaga soo tegay waddanki hooyo.

Laakin wuxuu waayay sifa kale oo uu siiyo qaabka ay isu dhaafayeen Soomaalidi dhoobnayd hareeraha waddada ka leexato kilo-Sabco, dadka Sacuudiga-ahna ay ula baxeen Shaaric Al-Soomaal.Daahir wuxuu u dhaqaaqay hortiisa , in yar kolkuu socdayna wuxuu joojiyay nin Soomali ah oo si toos ah uga hor yimid, wuxuuna ku yiri salaan keddib “Walaal in aad i tilmaanto ayaan kaa rabaa” .Ninki Soomaaliga ahaa, waxuu ugu jawaabay “Walaal xaggee ka timid?xaggeesa kuu tilmaamaa oo aad doonaysaa?”.

Daahir ayaa ninki ku yiri “Walaal waddanki ayaan ka imid waxaana doonayaa haddii aad garanaeyso Xasan  Qaboobe oo la igu yiri, badanaa dadka Kilo-Sabca joogo waa yaqaanaan, waana nin kooko ah oo ka shaqeeyo maqaayadaha Kilo-Sabca mid ka mid ah”Ninki ayaa ku yiri “Ma maqlin magacaas maanta ka hor, laakin waxaan ku weydiiyay yaa tahay adiga ,yuusa yahay Ninka aad raadineyso si ay noogu sahlanaato in aan kula raadiyo ama kuu tilmaamo“

Daahir waaga ayaa ku baryay, waxaana ku adkaatay in uu sheego qabiilki ninki uu raadinayay oo ay xidid ahaayeen dhinacna ay deris ka ahaayeen xaafaddi uu ka deganaa magaalada Xamar labadi sano ee uu xamar ka dhiganayay jaamacadda iyo labadi sano oo uu ku howlanaa in uu u shaqo tago dalalka Khaliijka oo qani ku ah soo saarka Betroolka ,balse wuxuu ninki u sheegay qabiilkiisa  iyo reerka uu yahay halka ay  oo ah degaan Jalalaqsi baadiyeheeda ah.

Ninki baa ku yiri “ Ziya ,waa garanayaa wiilashiina ciyaal maamada ah oo aan xitaa garnayn qabiilki ninki ay doonayeen” Wuxuuna hadalkaa u raaciyay in uu isaga dadaalay kol haddii uu yaqaan qabiilkiisa iyo in uu gaynayo dukaan ay kilo_Sabca ku leeyihiin reerkoodu, wuxuuna ku yiri ”walaal ma u jeedaa dukaankaas leh albaabka cagaaran ee horteena ku aadan, waxaa iska leh qabiilka aad ka soo jeedo ee u tag, weydiina ninka aad raadinayso ,haddii ay garan waayaana waxaan filayaa in ay iyaga ku meelayn doonaan inta aad ka heleyso ruuxa aad magaciisa ii sheegtay”

Daahir ninki ayuu u mahadnaqay ,wuxuuna u dhaqaaqay dhanka dukaanki loo tilmaamay ku yiilay,wuxuuna in yar keddib dhaxgalay dukaanki, wuxuuna dadki ku dhax jiray dukaanka iyo ninka iska lahaaba ku yiri “Walaalayaal maalin wanaagsan”. Daahir waxaa u jawaabay gadihi dukaanka, wuxuuna ku yiri “Walaal waa kaa qaadnay salaanta ee xageed naga salaantay”.Daahir oo isaga sidiisaba aan hadal badnayn ayaa ninki weydiiyay xagee naga salaantay  ku yiri “Walaal haddaan garoonka diyaaradaha Sacuudiga ka soo degay ,waxaana ka imid dalki”.

 Gadihi dukaanka ayaa ku yiri “Haa waa gartay, waxaad la socotay diyaaradi maanta imaanaysay ,walaal diyaarada dadka la yimid ma waxay u badnaayeen dad ku yimid fisaha Cimrada misa waxay ahaayeen dad halkan ka shaqeeyo oo dalki siyaaro gaaban u tegay”.

 Daahir waa soo gaabiyay hadalki wuxuuna gadihi ku yiri “Walaal ma kala aqaano yey u badnaayen rakaabki la socday diyaarada,laakin waxaan idinka codsanayaa, waa haddii aad taqaanaan in aad ii tilmaantaan Xasan Qaboobe oo ka shaqeeyo maqaayadaha kilo sabca ku yaallo mid ka mid ah.

 Gadihi wuu gartay Xasan qaboobe wuxuuna u yeeray wiil dhallin yar oo taagnaa iridka hore ee dukaanka, wuxuuna ku yiri “Waryaa Axmed, orad wiilkan u geey xasan qaboobe, kookaha Maqaayada Cali dhiif”.Wiilki yaraa wuxuu Daahir ku yiri: Inna keen walaal aan ku geeyee maqaayada Qaboobe ka shaqeeyo”.

 Daahir waxaa ka soo fuqay neef ,wuxuuna dareemay nasasho kolki lagu yiri soo bax aan ku geeyee maqaayada uu ka shaqeeyo Qaboobe,wuxuuna daba kacay wiilki oo waqti yar keddibna Daahir la soo galay maqaayad aanan khontan Meter ka fogayn dukaanki ay ka soo tageen. kolki ay maqaayadi soo dhaxgaleena, wiilki ayaa ku yiri “Walaal, waa kaa Qaboobe kushiinka ku jiro”.

  Wiilki iridka maqaayada ayuu ka sii baxayay kolki uu Daahir ku yiri, “Waa kaa qaboobe”. Daahirna wuu la gaari-waayay wiilkaa mahadnaq, wanaagga uu u sameeyay awgiis. Daahir wuxuu istaagay shubaakada kushiinka wuxuuna Qaboobe ku yiri “Walaal Xasan iska warran?”.

 Xasan Qaboobe oo ku sii jeeday Karinta cuntadi ay maqaayada casha ahaan caawa ugu talagashay rukunkeeda iyo dadka kalaba ayaa u soo jeestay dhanka lagala hadlay, wuxuuna arkay Daahir oo taagan shubaakada ,wuxuuna u soo baxay bannaanka kushiinka ,si fiican ayuuna u salaamay Daahir ,waayo wuu ogaa in uu Daahir imaanayo,waana sugayay laakin tabartiisa iyo waqtigaba uma ogolaan in uu garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyo.

Xasan, salaanta Daahir kuma dheeraan, wuxuuna u yeeray wiil dhallinyara ah oo isna maqaayada Shaqaale ka ahaa wuxuuna ku yiri “Walaal wiilkan orad geey gurigeena”.Daahirna wuxuu ku yiri “Daahir kolki aad qubaysato dharkana aad iska bedesho,cashada halkan u soo doono haddii ilaahey idmana caawa ayaan kala war-bogaynaa ogowna waxba ha ka baqin in aad maqaayada ka dhunto, waayo gurigeena wuxuu ku yaalaa maqaayada gadaasheeda”.

Daahir waa arkayay in Qaboobe uunan iswareysi waqti u haynin ,wuxuuna daba galay ninki lagu daray ee lagu yiri “Orad gurigeyga geey”. Daahir waxaa la geeyay guriga Qaboobe iyo asxaabti uu la deganaa.Daahir ma ahayn nin ay ku cusub tahay nolasha qurbo joognimo iyo ka fogaanshaha reerkiisa, Hooyadii ama degmadi uu yaraantiisa ku soo barbaaray ,Daahir isaga oo yar ayuu aabbihiis ku dhintay magaalada Beledweyne wuxuuna madi ku ahaa Aabbihi iyo Hooyadii.

Daahir Aabbihiis wuxuu ahaa nin ay aad u jecel yihiin dadki uu la deggana xaafad ka mid ah xaafaddaha Degmada Baladweyne ama dadka ay suuqa ka wada shaqaysan jireen  wuxuuna nin cibaadda iyo alle ka cabsi badan, wuxuuna si gaar ah ugu dadaali jiray in uu xagga diinta wax ka kororsado Cullimada joogtay degmada Beledweyne, isaga oo aanan ka gaabin shaqadiisa oo ahayd in uu suuqa degmada ku iibiyo Galey,messago iyo delega beeraha ka soo go’o, hadba wixi gacantiisa soo galo. 

Daahir hooyadiisna marki uu odageeda dhintay waxay sii waday tijaaradi aabbihii gacanta ku haayay, iyadana waxba kama duwanayn odaga xagga dad la dhaqanka iyo dabeecad wacnaanta  qof ahaan , waxayna ahayd qof ay aad iyo aad suuqlayda la shaqaynayay ugu ixtiraamaan  dadaalkeeda iyo kartida ay la soo baxday geeridi odageeda ku timid keddib ,waxayna ninkeeda ka dhaxashay tujaaradi gediska delega Beeraha waxay lafteedu ahayd qof diin jecel oo alle ka cabsi badan,waxayna ku dadaashay wiilkooda ilaa uu ka dhammeystay  waxbarashada Dusiga Sare ,sidoo kale kama aynan gaabin in ay dhaqaalo wixi ay heli karayso u dirto wiilkeeda oo ay waxbarashadiisa u wareegtay magaalada Muqdisho. Daahir  Aabbihiis iyo Hooyadiis waxay jiilkooda inta badan si aad ah uga duwanaayeen ku dadaalista barashada  diintooda si aynan ugu dhicin qaladaad xagga gudashada cibaadada uu ilaahey na faray iyo marida waddadi ay ku gaari lahaayeen janada ilaahey u balanqaaday adoomkiisa suuban.

Daahir kolkuu dhameystay waxbarashada dugsiga sare, una soo wareegay dhigashada Jaamacadda Gahayr waxaa xilkiisa nolol maalmeed iyo in uu waxbarashadiisa sii wato la wareegay aayadiis(habaryartiis) oo iyada aad u jeclayd Daahir hooyadiis, oo iyada ugu soo dadaashay gabadh ay dhashay oo kale kolki ay yarayd,waxayna degganayd magaalada Muqdisho oo Daahir loogu soo diray in uu ku dhammaysto waxbarashada ilaa heer jaamacadeed.Aayadiis ninka qaba wuxuu ahaa laba Alifle ka tirsan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed,wuxuuna Daahir aayadiis ka soo guursaday magaalada Baladweyne oo uu mar ka shaqeyn jiray,waxayna qaraabo ahaayeen Xasan Qaboobe oo ah ninka uu ku soo degay Daahir magaalaa Jeddah, islamaarkaana ay xaafad ka wada degganaayeen magaalada  Xamar.

Daahir kolki uu gurigi Qaboobe tegay,qubeys iyo nasasho gaaban keddib wuxuu iska bedalay dharki uu xirnaa ,waxa uuna u soo baxay bannaanka isaga oo soo raacay wiil kale oo la da’ ah, gurigana wax ka joogay oo la yiraahdo Axmed Gare ,Daahirna  laba usbuuc kaga soo horreeyay magaalada Jeddah,waxayna isla yimaadeen qaxwa laga shiisheeyo (Shiishada waa qoray dhererkiisa yahay hal miter ,dhexdana ka daloola ,biyana ay kaga jiraan caloosha oo ka sameysan dhalo ay ka dhax muuqdaan biyaha ku jiro shiishada,afka korana ku leh jika yar oo uu ku shidan yahay dab ,gudaheedana ay ku jirto tubaaka shiidan,una duleesho qeybta ay biyaha kaga jiraan usha shiishada) lagana cabo shaahi lagu soo shubo kirli yar oo dukaankaa qaxwada looga yaqaan Baraad Shaahi ,oo ay la socdaan laba fiijaan oo yar yar. Daahir waxay isaga iyo yarki la socday tan iyo inti laga gaarayo aathaanka salaada Cishaha fadhiyeen qaxwada Kilo-Sabca ,wuxuuna Daahir fadhigaa ka helay warar aan badnayn oo ku saabsan qaabka uu u dhaqmo ruuxa dalka Sacuudiga ku soo galo fisaha Cimrada iyo qaabka uu shaqo u helo iyo dhaqamo kale oo ku saabsan sida loo joogo dalkaa sacuudiga, tan iyo inti laga gaarayo hadafki Shaqo oo loo tegay halkaa iyo sida uu ruuxa ku gaari karo in uu ku negaado dalkaa,helana sharciga degganaashada iyo shaqada. cishihi keddib isaga iyo willki la socday waxay casha u doonteen maqaayada uu Qaboobe ka shaqaynayay.

Cashadii markii la cuney kaddib ayaa waxaa isa soo raacay Daahir,Qaboobe iyo Axmed Gare saacada marki ay ahayd tobanki iyo barki fiidnimo ayey guriga Qaboobe wada aadeen ,inti ay guriga ku sii socdeena, Qaboobe ayaa Daahir geeyay sawir qaade ku yiil isla waddadaas, si uu Daahir ugu sameeyo bidhaaqad la forger gareeyay (warqad aqoonsi oo la been abuuray)oo u eg bidhaaqada sida sharciga ah ay dowladda sacuudiga u siiso dadka iska leh sharciga degganaanta iyo ka shaqaysiga waddankaas. Keddib marki la sawiray Daahir ,waxaa sawir qaadihi uu iyagga ku yiri, “habeendanbe ,fiidki hore,naga  soo doonto  Sawirka habeen dambe marka la soo caddeeyo, kaddibna waxay isu wada raaceen dhankii guriga Qaboobe.

 

W/Q: Cabdullaahi Macalin Maxamuud(Siyaasi)

SHARE