Home Qoraallo Garashada fog iyo gabbaannimada Q1AAD W/Q: Cabdiraxiin H. Galayr

Garashada fog iyo gabbaannimada Q1AAD W/Q: Cabdiraxiin H. Galayr

0
SHARE

Garashada fog iyo gabbaannimada

Garashadu waa deeq Eebbe bixiyo waxaana dadka loogu qaybiyey sida loogu qaybiyey deeqaha kale ee Eebbe baxsho; ubadka, xoolaha, quruxda iwm. Garashadu maaha wax qofku isagu keensado, oo uu la yimaado, ee waa dhalan Waaqa weyni isagu siiyo midka uu la doono.Garaadku waa saldhiga garashadu ka soo fusho, maskaxduna waa weelka dhiteysa jaadadka kala duwan ee garashada. Garashadu waa kortaa,hadba  waaga u baryaa  waxbuu u kordhiyaa  way baxdaa sida geedka ayay leedahay “Xidid, Jirid, Laan, Caleen, Faraq iyo Fiid” waxaa bacrimiya oo waraabiya waxbarashada, waayoragnimoda.

Garaadku wax walba oo uu waxbarto, arko, ogyahay  waxay sii labanlaabta awooddiisii hore ee cufka iyo culeyska lahayd aqool iyo ogaal.Garashada waxaa lid ku ah gabbaannimo.Gabbaannimadu waa maangaabnimo, maaha cudur dadka ku dhaca waase qaybta qofku ka helay garashada oo aan awood u lahayn maareynta waxyaabo badan,taasoo keentay inay ku adkaato lafa gurkeeda,inta badanna gabbaannimadu waa mid abuurta madax adeyg, maxaa yeelay, kama dhaadhacsana waxay kari weydey garashada gabbaannimada la wehelka ahi inay cid kale awooddo.Haddaba bal aan is barbardhigo garashada iyo gabbaanida kala duwanaanshaha u dhaxeeya.

Garasho Togan.

Laban nin ayaa socdaal ahaa, waxayna wateen rati raran oo agab iyo alaabi uga buuxdo. Labadii nin ayaa awrkoodii ama ratigoodii iyagoon dabirn waxay ku xidheen geed, dabadeedna waana seexdeen.

Ratigii oo geedka lagu sakaley ee hoggaanka loogu xidhay laftiisa laacaya oo tiigsanaya ayaa arkay xadhigii hoggaankau ahaa oo dhulka yaalla taasoo u fududeysay inuu  si madax bannaan hadba gees ula wareego geedka ilaa uu markii dambe dhaqaajiyey, ratiga wuxuu helay  kansho ah in keenada hoggaanka ku xidhan maahine aysan cidina geedka ku giijinin ama dhuujinin, ka dibna rarkiisii ayuu la tooreeyey, wuxuuna galay daaqis iyo inuu hadba keynta dhinac u raaco.

Kolka uu awrkii in doora sii maqan yahay ayaa waxaa ka kacay hurdadii oo tebay in awrkoodii tegay labadii nin ee awrka watey, ayaandarrose waa ta haleeshaye labadii nin ma aysan helin awrkoodii, waxayna hadba dhan u carareen kayntii, bidhaan iyo bilig midna ma helin, iyagoo heedadow ah ayaa waxaa ka hor yimid nin kale oo socota, is bariidin iyo is warsi ka dib waxay weydiiyeen inuu arkay awrkoodii, ma aysan u sheegin wax tibaax ah ama sawrac gooni ah oo uu ku garan karo, ninkii ayaa ugu warceliyey sidan:

Waxaan idin weydiiyey: awrkiinu ma il la’aa?

Nimankii ayaa la soo booday: haa, waa il la’aa

Ninkii ayaa mar kale warsaday: awrkiinnu ma heeryeysanaa oo ma rarnaa?

Ninkii ayaa weydiiyey: awrkiinnu ma daba go’naa? 

Nimankii oo yaabban haddase garowsan inuu awrkoodii arkay ayaa yidhi: Haayoo waa daba go’naaye, xaggeed ku aragtey walaalow?.

Ninkii ayaa ku yidhi: Maan arag awrkiinnii!

Labadii nin arrinkaasi waa u cuntami waayey, waxaana dhexmartey dood adag, midkoodnase ma weydiin haddaanu arag,sidee buu ku ogaaday arrinkan, iyagoo madaxa is ku la jira ninkiina aanu u caddeyn qaabka uu u gartey, ayaa waxaa is la waddadii soo marey rag kale oo oday waayeel ah ku jiro oo socota ah. Markay ku soo baxeen raggan arrintu ka xuntahayna waa la joogsadeen oo weydiiyeen sida wax u jiraan, markii looga warrameyna, ninkii socotada ahaa ayaa odaygii yiri: Adeeroow nin hal ka maqan tahay haan gorofana gacantuu geliyaa baa la yidhi, warkaaguna waa mid dareen leh oo haddii aad wada sheegtey  baadida maqan saddexdii astaamood ee lagu baadisooci lahaa cidi kaaga ma dhawa haddey raggani ku doodeen waa gartoode sideed ku ogaatey bal nimanka jid bixi, annaguna aannu marag iyo goobjoog ka noqono.

Ninkii ayaa yidhi: Waxaan arkay neefka raadkiisa oo cagta si weyn dhulka ugu ballaadhinaya, taasina waxay ii caddeysay inuu raranyahay, waxaan kale oo arkay inuu dhinac qudha wax ka daaqayey, oo uu dhirta iska taagayey, taasina waxay ii caddeysay inuu il la’ yahay, midda saddexaadna waxaan ku ogaaday inuu dabago’an yahay geelu sida lagu yaqaan markuu saaloonayo saynta ayuu ku ka la firdhiyaa oo sida lo’da meel ma wada dhigo, marka saaladiisu meel qudha ayuu tuurayey oo toomminayey.

Labadii nin ayaa is eegay, waxayna is weydiiyey intaasoo astaamood ineysan weligood u fiirsan, haddaba ninkaas socotada ahi muxuu dheeraa raggan? Maxaadse ka la dhexbixi kartaa labadaa maan iyo maskaxood fogaanta u dhaxaysa?.

 GABAANNIMADA

Gabaannimadu waa garasho xumo aan lahayn gudasho arrin, waana taloguracan, oo mar walba keenta gunnimo iyo gebi ka dhac weyn iyo guuldaro aan laga soo waaqsan, talo kasta oo garasho xumo keenta waa mida lagu hungoobo oo hataq iyo haadaan kala dhaqda himmilo iyo han kasta oo la higsanayey, bal si aan arrinkan u garano ila dhugo oo dheeho  gabbaanimada iyo garashada  taban ee sheekadan hoose inoo soo gudbinayso.

Garasho taban

Ninbaa wuxuu ahaa  horseed beeleed, waxaana loo igmaday inuu reerkaas u arrimiyo oo wixii ay u taag waayaan uu isagu keeno maareynteeda iyo weliba maaninteeda. Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa waxaa dhacdey ninkii horseedka ahaa oo geedka fadhiya in loo keenay ri’ madaxa la gashay dheri dhoob ka samaysan. Reerkii ri’da iyo dheriga lahaa ayaa ka codsaday horseedkooda inuu maareeyo oo maaniyo sidii ri’daas looga saari lahaa dheriga madaxeeda ku jira.

Horseedkii intuu gaadada sare u taagay, ushiisiina cuskaday isagoo fadhiya rakadii dheereyd ee geedka hoostiisa looga waabey, ayuu cod dheer oo tannaago ah ku yidhi: ri’da madaxa ka gooya!Dadkii lahaa ri’da iyo kuwii goob joogayaasha ahaaba waa loo guuxay arrinkaas, waxaana madaxa laga jaray ri’dii, kolkii halkaa madaxa looga jaray ri’dii ayaa arrintii ma dhammaane waxaa ku hadhay dheriga gudihiisa kurkii ri’da, markaasaa mar kale reerkii codsadeen oo dhaheen: horseedoow weli madaxii ayaa ku jira ee bal maaree sidee looga soo saaraa?Horseedkii oo hawshiisii hore sida ay u dhacday la muusoonaya iyo hirgelinta taladiisa meel martay ayaa yidhi: dherigana jebiya!

Durtadiiba waxaa loo dhaqaaqay in la jebiyo dherigii, waana la jebiyey, qaabkan ayuu horseedkii u maareeyey hawshii loo keenay, isagoo isu bogsan oo foolkiisa raynrayni ka muuqato ayuu yidhi: bal eega sidaan ri’dii iyo dherigii u ka la saaray, caawa haddaan dhinto ma nin iga talo wanaagsan baad helaysaan?.

Hadda garo oo ninkaasi reerkiina waa dhaafiyey ri’doodii ay caanaha ka maali jireen oo u tarmi jirtey, dherigii ay wax ku karsan jireena waa ka jebiyey. Talo xumaale tabaalo ayuu ku badaa.Haddaba ninkaasi miyuu gefsanaa? Maya, ee waa gabaannimada iyo saboolnimada dhinaca garashada ka haysatay, oo heerkaa gaadhsiisnayd.Marka haddaad aragto qof ku faanaya ama ragannimo u arka wax uu dhallaanka yari ka hamrado ha la yaabin waa heerkiisa garasho iyo maan oo intaas aan dhaafsiisnayn.

 

La soco qaybta labaad.

Cabdiraxiin Hilowle Galayr.

SHARE