Home Qoraallo Xikmad waayeel iyo Xammaasad dhallinyaro. W/Q: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Xikmad waayeel iyo Xammaasad dhallinyaro. W/Q: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

0
SHARE

Xikmad waayeel iyo Xammaasad dhallinyaro. W/Q: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

  • Soomaaliyeey is maqalaa
  • Ijaabadu ku sugan tahay
  • intaad wada jirtaanaa
  • Udubkiinnu ku mudan yahay.
  • Waayeelkoo arrimiyiyo
  • Dhallinyara adeegtaa
  • Is kaashigu ku wacanyahay
  • Cabdulle Raage (Taraawiil)

Xikmad, hadal, maslaxo iyo maan waayeel haddaan ku socon laheyn heeryo naguma dul habsateene. Laba qodob ayaan u kala qaadi doonaa qormadeeydan xikmad waayeel iyo xamaasad dhallinyaro!’

  • Qodob ku saabsan waayeelka
  • Qodob ku saabsan xamaasadda dhallinyarada.

         Xigmad Waayeel

Hadal waayeel haddii la yeeli lahaa hal waraabe ma cuneen, waa mahmaah Soomaaliyeed oo facweyn sidaa awgeed waayeelku Xikmad ahaan iyo garaad ahaan-ba ma jiraan wax loo dhigo, maxaa yeelay waaya badan ayuu usoo joogay hab nololeedka wadciga, waayaha, wareerka, wanaagga iyo waqtiga san! sida aan mahmaahda ba ka garan karno xikmadda ama hadalka waayeelku waa meesha kaliya ee ku habboon in turxaanbixinta tusmeynta, tarbiyada, toosnaanta iyo talada ba laga qaato, loo na noqdo haddii lasy maandhaafo, waa na waddada kaliya ee hagta Xamaasada dhallinyarada iyo guud ahaan waaqica ummadeed!

  • Wanaag kama dhexdhaco reer haddaan,Ururin waayeele,
  • Iyadoo is wada wayday baa, Wiida loo ridiye
  • Isma waafaqaan wiil yar iyo, Waalidkii dhalaye
  • Waayahay haddaan lays lahayn waa, Wax kuma taale.

                                 Cabdullaahi Suldaan(Tima-cade).

Ma hubo inuu jiro Suugaanyahan iyo Aftahan aan wax ka dhihin, oran xikmadda iyo hufnaanta waayeelka. Sida ku cad tuducyadaan gabayga ah haddaan reerka waayeelku u hagin waayahooda nololeed ama u aruurin dhinaca toosan ku na hoggaamin halloodka suubban ma dhacdo inay asaagood tiigsadaan, gaaraan. Ha ahaadaan Qoys, qolo, Qabiil, ama Qaran dhan oo wada jira.

Mahmaah kale ayaa dhaheysa  “Hadal waayeel waa guudmar” Maahmaahdu waa hadal murtiyeed inta badan ka hadasha waayo aragnimo ama dhacdo qof soo martay ka dibna uu ka reebo erayo xikmadaysan oo cabbiraya dhacdadiisa saamayna ku leh nolol maalmeedka bulsho waynta uu af ahaan iyo dhaqan ahaan ba ka tirsan yahay. Hadda ba waayeelku waxay ku jirtaan dadka aad loogu tilmaamo inay leeyihiin Aragti Suubban oo u suurto galisay inay reebi karaan Murti, iyo oraahyo nuxur leh oo xambaarsan macna xeel dheer, jiri-na karta inta ay jiraan dad isticmaala luuqdooda!.

Haddaba waayeelku waa kuma? Waayeel waa aniga iyo adiga annaga iyo innaga oon is yeel-yeelayn ayaa la yiriye, waayeel wuxuu yahay qof waliba waa ogyahay maxaa yeelay waa kala garan karnaa waxa saxan iyo waxa khaladan. laakiin waxa loo bareeraa xumaan ka talinta, waa na tan uu ka dardaarmayo waayeelka ugu weyn reerka si guud iyo si gaara ba waayeelku waa kan aragtiga togan ku cabbira guud ahaan golaha loo dhanyahay ee umnadeed!

Waayeelku waa ka fiira iyo fahma dheeryahay waa na ka ildheergaradsanyahay waa na ka welwel badanyahay guud ahaan dadka intiisa kale sida aan heestaan ka baran karno!

  • Ninka ugu ildheerbaa
  • Dadka ugu ayaan daran
  • Waxaan lala arkeynbaa
  • Asiga uun muuqda” 

Waayeelku wuxuu dareemayaa wax aan u muuqan bulshada qeybeheeda kala gedisan; hadda ba Xikmadda waayeelku ma ahan wax lagu soo koobi karo hal Qodob iyo hal Qormo sidaa aawgeed tusaale noogu filan intaan kasoo taataabannay!

           Xammaasad dhalinyaro,

  • DhaLlinyaraya waayeel dad ways, Wada dhex joogyaahe
  • Ma dhammaato xaajadu haddaan, Dhinac la saareyne
  • Haddii dhoonta kii rari lahaa, Dheelli ka ilaalsho
  • Oo dhaanka kii fuli lahaa, Dhabbi san qaadsiiyo
  • Dhacda waliba werinteed hadii, Laga dhabeeynaayo
  • Dhibku naguma gaareen halkeey, Dhabaqday dhowr jeere
  • DhalLinyaradu waa tiir dhexaad, Dheeman iyo luule
  • Uga udug  dhir iyo foox dadkiyo, Waalidkii dhalaye
  • Waa dhumuc haddii dhaawac galo, Qaran dhantaalmaaye
  • Waayeel ma dhiibteen-ba talo haddaan, Ciddi ka dhuuxeyne
  • Dhallinyarada dheef weeye  guud, Lagu na dhaataaye
  • Dhaqsa muuga gudubnaa dhibkaan nalanku dheereeyay?

         Xasan Kaamil Cuute (Shiribmaal)

Dhallinyarado waa laf dhabarta bulshada iyo awoodda jiritaan ummadeed sida aan ognahay, annagu haddaan Soomaali nahay waxaa lagu qiyaasaa dhallinyartayna boqolkii ba Toddobaatan, 70%) waa Afar u qeyb bulshadeenna Seddex qeyb oo wax yar la’ haddaba awoodda intaa la’eg haddaan looga faa’iideysan dhanka xagasha quman aannaan la helin garraad waayeel oo haga maxaad u maleyn?

Waxaa la yiri: “Labaatan jir intuu geed ka boodu ayuu talo ka boodaa” Sida aan ka fahmeyno mahmaahdaan faca weyn waxay tilmaame dhallinyarado inay leedahay xoog iyo orod macnaha awood laakin haddii aan tala hufan lagu kaabin aan hillinka toosan ku taagsaneyn oo dhinac maraya waa meesha laga yiri: “Markaan tabar haayay talo maheyn. Haddaanoon tala haayana tabar mahaayo” xamaasadda dhalinyaranimadu waa waaya ku soo mara iyo wacaal awoodeed laakin aan umaddeynu uga macaashin sidii ku habbooneyd!

 Mahmaah kale ayaa dhaheysa: “Dhib soo socda nin dhagxeeyay iyo nin u dhoola cadeeyay, midna ma dhaafyo” Maadaama la isu baahanyahay la is na kaabayo labada dhinac ee dhallinyaro, iyo waayeel: haddii aan Xikmadddii iyo xistii waayeelka iyo xooggii iyo xamaasaddii Dhallinyarada la isku kabin meeshaas waxa ka dhalanaya bulsho kala haadsan sida tunno annagoon dhihin waa kuma?  Maxuu noo wadaa? Maxaa ku hoos duugan? ma nagu daneeysaa mase waa noo danaynayaa? Ratiga manoo raraa mase asaa kaligiis raranaya? Ma qowsaar qaydinka noo qaban karaayabaaa?” Ma ahan inaan markasto aan ahaanno xoolaha oo kale ee la iska hoggaansado, Siyaasi ku sheegu na ahaado “Shilin”

Shilin, waxaa la yiraa cayayaan Xoolaha dhiigga ka jaqa markuu ka dharga na ka dhaca asoo waliba dhaawac  weyn u geysta jirkooda iyo muuqaalkooda ba. mahmaah ayaa dheheysa. “Nacasku harraad ayuu dareemaa.” Macnuhu waxa waaye qofka caqliga iyo garashada u saaxiibka ahi, mar na sacabbadiisa ayuu biyaha uga dhergaa, mar na wuxuu keyd u dhigtaa marka la waayo. Laakiin, ma daawado qul-qulka halalacda iyo haraha  rogrogmanaya xiliga barwaaqadda ah ee waa usii diyaar garoobaa berita na ma welwelo. Illeyn waa hubaal in aad mar uun rafaad la kulmi doontid’e!

Ugama jeedo in dhallinyaradu nacasiin yihiin laakin waxaan uga socdaa aan xamaasaddeenna xeerino. Macnaha ka dhigno mid joogto ah ee aan aheyn mid isbuucle ah ama laab lakac uun, waxaan ku soo afxirayaa qormadaan aan labadaa qodob ee muhiimka ah uga soo hadlay ee xikmad waayeel iyo xamaasad dhalinyaro Maasadaan: 

  • Xushmaddiyo aqoontiyo
  • Xilkasnimada waayeel
  • Xikmadihii ku jiri jiray
  • Xeerar lagu lifaaqaya
  • Xurmobey lahaayeen.
  • Xamaasada is diidaya
  • Xiisa gaara mey jirin
  • Xummaantaa la tiri jirey
  • Xanaftaa la bi’in jiray
  • Xilbaa leysku geyn jiray
  • Xeerba nalagu dhiqi jiray
  • Xaqiraad-na may jirin!
  • Xoolaa layska dhici jiray
  • Xinjir-baa la qubi jiray
  • Xandhaa layska xadi jiray
  • Xisaaba la tirin jiray.
  • Xili baa na soo maray
  • Xarkihii la wada jaray
  • Xaydaabka laga baxay
  • Xisaab li’ina ay timid
  • Cid-na xanafta dhawreyn
  • Xilkasnimada laga tegay
  • Xukun lagu dhaqmaa jirin.
  • Xeyn meel ku qaraxdiyo
  • Xabbad la isku rida iyo 
  • Xinjiruhu qubnaayeen
  • Xasillooni iyo nabad
  • Marbaa xeebta loo direy
  • Xili waxaa na soo maray
  • Xisbi nagu dangaariyo
  • Xuurta laysku haystoo
  • Dadku xero ku oodnaa.
  • Dhallintu xis gaabiyo
  • Xaaba lagu metelaayo
  • Xaasid aan la garaneyn
  • Xabsi lacag ku gala iyo
  • Xeera qaad ka buuxiyo
  • Xamakoow na dila iyo
  • Xil ma gude na daashaday.
  • Xaaraan ku naax iyo
  • Xaqaad been ku jerisiyo
  • Nin-la xulay nimuu xulay
  • Iyo nimanoow sii xulay
  • Xeer lagu dabaqa iyo
  • Xulashaan dhammaaneyn
  • Soow xaalki nama geyn?
  • Xamaasadaha dhallinyaro
  • Haddii xanafta laga jiro
  • Xis waayeel-na lagu kabo
  • Xoog waaye dihanoo
  • Xamar iyo Baraawiyo
  • Xaafuunya Baydhabo
  • Xagasha Raaskambooniyo
  • Xigtada Raas caseyr iyo
  • Beledweyn Xeraaliyo
  • Xarardheere iyo Hawd
  • Xeebaha badda casiyo
  • Xeeliga badweyntiyo
  • Xeendaabka guud iyo
  • Dhulka xididdaddiisiyo
  • Xaafad iyo magaaliyo
  • Xeryahaa miyiga iyo
  • Xag kastoon ku noolnahay
  • Iyagaa xureyn kara!

       

W/Q: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

SHARE