Home Curis Tuugsigii dadbanaa Q6AAD W/Q: Cabdul Cabdikariin(Jalaato)

Tuugsigii dadbanaa Q6AAD W/Q: Cabdul Cabdikariin(Jalaato)

0
SHARE

Tuugsigii dadbanaa Q6AAD 

Waxaan ku dhahay, bal waxa faahfaahin ma iga siin kartaa, arrintii maanta iyo masaajiidka aan kulanay? Waxa uu yiri haa, balse waxaan ka jeclaa inaan qoraal ahaan aad u aqrisato, maxaa yeelay waan qoray billawgeedii waxaana maraayay meel aad u sarreysa maantase waa soo af jarantay. Anigoo fahansaneyn waxna fahamsan ujeedadda, ayaan ku iri daahoroow adiga oo asn qalad ii fahmin, su’aal ma ku weydiin karaa? Haa ayuu yiri haddii ay macquul tahay. Waxaan ku iri waxaad tahay nin aqoon diin iyo mid kalaba heer sare ka gaaray, waxaan oo tijaabooyin aad sameysay adduunka qofka nuucaaga oo kale magac iyo maamuus ayuu ks leeyahay, maxey kula tahay haddii aan raadiso mashruuc dadka iyo dalka wax u taraya oo wax soo saar leh.

Waxa uu yiri ninyahoow waa wax aad aan ugu hanweynaa inaan wax uun aan sameeyo, hase ahaatee mar walba waxaa caqabad i hor taagan ah, dadka oo ii arko inaan ahay FATAAL riyo ku nool, haddii aan lahaan laheyn dowlad dhexe oo hurumarka iyo wax soo saarka maal galin ku sameysa, waxaan la tartami laheyn dunidda hurumartay. Waligaa ma ia weydiisay sababta adduunka aan uga dib dhacnay? Waxaan ugu jawaabay maya, haddaba anigaa kuu sharaxaaya aad ii dhageyso fikirkasgana xor ayaad u tahay waad igu diidi kartaa ana waad igu raaci kartaa. Haye ayaan ku iri ee ii sheeg.

Waxa uu yiri asal ahaan, soomaalida waa QODATO iyo RAACATO (beeraleey iyo xoola dhaqato) waxaa soo raaca DABATO (kaluumeysi) waddankeena waa dal barwaaqo oo baaxad weyn oo u baahan in laga faa’iideysto laakiin nasiibdaro dadkeena waa dad hal il wax ku arka hal dhagna wax ku maqla, waxaan nahay dad aragti gaaban jeebkooduna yar yahay.
Tusaale haddaan kuu soo qaaddo nin baa maqaayad furanaayo, asxaabtiisi qaar ka mid ah ayaa ka soo hor jeedkiisa maqaayad ka furaayo, mid baa dukaan furanaayo mid kalaa ka soo horjeedkiisa ama dhinacyadiisa ka furaayo. Meeshaas waxaa ka bilaabanaaya is naceyb labadii ruux ee shalay is jeclaa, suuq xumo ayaa ka dhaceysa, markaas ayuu ku leeyahay kii danbeeyay, nin walba calafkiisa ayuu cunaa, dukaamadu waa isku gadmaan, maadaama suuqa looga soo horreeyay beeca ayuu hoos u dhigaa, waa dhaqan aad u qaab daran, haddii kan maqaayad lahaa dukaan laga ag furto labadaas waa isku baahan yihiin oo waa isku gadmaayaan laakiin? Jahawareerka waa mid salka ku haaya aqoon la’aan.

War yaan kuugu daalin waxaa dib noo dhigay oo nala haray, dadkeenu uma bisla hurumarka iyo la tartanka dunida waxa ayna aad ugu mashquulssn yihiin, oo ay ammaanaan waxyaabaha dhoofka lagu keenay, balse maanta waxaan hubaa dhallinyaro badan oo aqoon leh oo kaliya maal galin uma baahan haddii ay heiaan qalabkii ay wax ku baari lahaayeen, in ruux walba oo soomaali ah uu noqon lahaa millionaire. Balse waxaa naga hortaagan AQOOL XUMO iyo AQOON LA’AAN waana nasiib darro nala koowsatay, waxaase is weydiin mudan sidee looga gudbi karaa?

Marrarka qaar anigaa isku qosla kaligeey, waayo dadkeenu dhaqankii baadiyahana waa ay ka soo tageen kii baladkana qalad ayey ka fahmeen. Waxaad arkeeysaa qof waalid kuu ah oo ku leh duco iyo habaar mid qaaddo, markaad weydiiso maxaa dhacay? Waxa uu ku haleeyay dhaqan gaaleedka iyo waxaad sameyneyso waa kufrinimo illaaheey ayaad ku caasiday, bal ii sheeg maxaad ugu jawaabeysaa ileen macquul ma aha inuu ku fahmo, waa in aad haye dhahdo, oo aad la dhuumato hade waxaad kala dhuumaneyso waa cilmigii aad soo baratay oo aad rabto inaad ka gun gaarto.

Waxyaabaha qaar aad ayaan ula yaabaa, war yaan kugu daalin ee haddii alle idmo waxaa i horyaal howlo badan aan rabo inaan qabto haddii dhaqaalaha ii saamaxo inkastoo waqtigaan uu yahay mid aad iigu adag inaan sameeyo, ee bal afkeenu waa isku amaano habeen wanaagsan.

Intii uu hadalka waday aad ayaan u dhageysanayay waana ugu garaabay waayo waa wax aan ka simanahay haddaan soomaali nahay, aniga ahaan markaan qiimeeyay waxaan u arkay in aysan xaasidnimo iyo xiqdi midna aheyn, balse ay tahay ogaaldarro iyo maahsanaan aan maahsanahay, haddaba waxaa muhiim ah in caqligu shaqeeyo haddii ruux asaagaa ah uu wax manaafacaad leh sameeyo in la gaaleysiiyo waa aqoon daro waxaa habboon in laga faa’iideysto.

Waxaan ku iri daahiroow marka hore aad ayaan kaaga mahad celinayaa Alle ka sokoow, waxaan hubaa maanta kulankeenii inuu qeyr ahaa maxaa yeelay inta aan kaa kororsaday maanta kaliya ayaa u dhiganta sanaddo, si walbo ay ahaato dadkeenu waa dad dhib badan laakiin haddii wax loo sheego oo lagu celceliyo u badan dad garaawsada xaqiiqda in yar oo dhag weyn ah maahine, een runtii markale ayaan kugu bogaadinayaa inaad ii ogolaatay sirta noloshaada inaan dhax mushaaxo, waxaan alla kaaga rajeynayaa in caqligu kuu barakoobo hana ka daalin dadaalka dhankiisa wanaagsan. Sidii ayaan ku soo kala tagnay.

Maalintii ku xigtay casir gaabkii ayaan bilaabay inaan dib u aqriyo tijaabaddii sadaxaad waxa ayna u qorneyd.

Tuugsigii dadbanaa;

Waxaa jiray dhulka loo yaqaan SHAAM waxaa ka talin jiray boqortooyo, Qani ah oo dhaqaalaheeddu heer sare gaaray, ruux walba io dagaankaa ka tirsan waxa uu ahaa maalqabeen, iyadoo ay sidaa tahay xukuumadii waxa ku soo kordhay caqabad maaro loo waayay, oo magaalooyinka oo dhan ku fiday, dhulku waa dhul barwaaqo, baahi ma jirto nabad ayaa taal, haddana dadka tuugsada oo jidadka fadhiya, ayaa tirada ka batay.

Xukuumada waxa ay isku dayday in ay xeryo u sameyso, lagu xannaaneeyo waa socon weyday, markii la geeyo xeradii oo waliba waardiye leh waa kasoo kala dhuuntaan. Waa la masaafuriyaa oo meel dheer ayaa lagu soo daadiyaa, askartii masaafurisay ayeyba ka soo hor maraan, arrintii cirka ayey isku sharertay xukuumadii boqorka ayaa shir dag dag ah qabatay si xal loogu helo.

La soco qeybaha danbo

CABDI KARIIM ABDULLE ( jallaato)

SHARE