Home suugaan Xeerka iyo Xigmadda Shiribka! Q14AAD W/Q: Xasan (Shiribmaal)

Xeerka iyo Xigmadda Shiribka! Q14AAD W/Q: Xasan (Shiribmaal)

0
SHARE

Xeerka iyo Xigmadda Shiribka! Q14AAD 

Sooyaalkii iyo Suugaantii Abwaan Jimcaale Dhegataag

Sidaan horeba u balan qaadney inaan ku soo qaadaneyno ama uga hadleeyno, qoramadeenii taxanaha ahayd  ee Xeerka iyo Xidmadda shiribka, waxaana hore u sheegnay inaan ku faaqideyno qormadaan Laashin Jimcaale Dhegataag(A.U.N.) oo ahaa raggii qarnigii 20aad sida weyn hoggaanka ugu hayey  in Shiribka iyo suugaan dhinaca gobollada Koonfureed. Wuxuu ahaa Abwaan iyo laashin ay sooyaal wanaagsan uga tegay bulshadiida, lagana dhaxley murti  miid xambaarsan oo ilaa maanta bulshada wax ku ool u ah.

Waxaa inoogu filan faahfaahin iyo falanqoba intii uu ka yiri: Abwaan Cabdulle Raage Taraawiil(A.U.N.) maansadiisii uu ku sheegayay cidda soo leylisay ama soo tababartay ee macallinka u aheyd xagga Suugaanta, wuxuuna ku maansooday:

“Arday macallin taba baray
Kuna edeb sammaan ahay
Waxaa isoo albaabiyay
Aw Jimcaale dhegataag 
Asigoo ka idan qaba
Abwaan faarax Shuuriye”

Abwaannimada iyo hal-abuurnimada sidaa ayaa loo kala dhaxli jiray la isuguna qaddarin jiray, sidaa aawgeed Abwaan Jimcaale Dhegataag waxaa uu ahaa Laashin laga yaqaanno guud ahaan geyiga Soomaaliyeed!Haddaba haddaan ku bilaawno shiribkiisa caanka ah ee qof kasta oo Soomaali ah garanayo waxaa uu yiri:

Kummi nin qaatay keeni maa
Kamana maarmo kii lahaay

Shiribkaan wuxuu xambaarsanaa dhowr dhacdo oo kala duwan mid ka mid ahna aniga igu dhacday hadda ka hor. wuxuuna ahaa Shirib dhacay guurow gadaashii, sida badan Shiribyada halleyda ah waxa ay dhacaan marka laashinku guurow mariyo waa haddow awooddeda leeyahaye. Inta badan shiribyada taariikhda ku qorma ama diiwaanka gala sidaas ayeey ku curtaan kaana badanaa kuwa guurowga lagu nikaxo, ama afmeer u ah, sida aan ka ogaan doonno dhacdada shiribkaan, iyo guurowga la socda ee laashin dhegataag uga soo horjeeday gumeysigii talyaaniga Soomaalidana ku guubaabinayay! Waxaana la yiri:

Markii ugu horreysay ee dalka soomaaliya laga aasaasay ururkii “SYL” Sannadkii (1943)ayaa Laashin Aw Jimcaale Dhegataag oo ka mid ahaan jiray askartii talyaaniga, Isla markaana ahaa turjubaan ama karraani u dhaxeysa Talyaaniga iyo Bulshada Soomaaliyeed, ayaa waxa uu ka mid noqday taageerayaashii ururka SYL kuwii ugu afka dheeraa oo goobaha la isugu yimaado iyo xafladdaha waaweyn ka jeediya gabayada, Shiribka, iyo geeraarrada qiirada waddanimo xambaarsan oo uu ku kicinaayo sidii ay fadhiga uga kici lahaayeen dadku, oo ay u soo dhacsan lahaayeen gobannimadooda gumeystayaashu ka hor taagan yihiin.

Munaasabad weyn oo lagu soo dhaweynayay aasaasidda ururka cusub oo lagu 

qabtay magaalada Muqdisho, ayaa looga yeeray laashinka si uu dadka ugu jeediyo suugaantiisii qiirada laheyd ee looga bartay, waxaana uu tixdaan gabayga ah ee Shiribkaanu daba yaallo, oo uu Soomaalida ugu yeerayo haddii ay miyi joogto iyo haddii ay magaala joogtaba in ay ka mid naqdaan ururka “SYL”  si ay xurnimadooda u soo dhacsadaan, waxaana uu ku gabyay oo uu yiri:

“Afar kaafku yiri baan la Kacey, Karisay laabteydu
Oo qasadka kulubkaan ahaa, Idinku kaalmeyne
Kaabbe faarax shuuriyaa gabay, igu karaameeyay
Oo kuman ducaa iigu maray,  Kulub ha noolaado
Kariimkii na uumaan baryee, Kulub ha noolaado
Intaan beer kurtuma goyn lahaa, Kulub ha noolaado
Intaan koora geel qori lahaa, Kulub ha noolaado
Intaan ariga kaaleyn lahaa, Kulub ha noolaado
Kirish-booy intaan noqon lahaa, Kulub ha noolaado
Intaan kaba la’aan socon lahaa, Kulub hanoolaado
Intaan karis la’aan duban lahaa, Kulub ha noolaado
Intaan carab u kaalmeyn lahaa, Kulub ha noolaado
Kii koosya keyfya xaalagey, Nagu kadeedeene
Kebbedaa na saarnaan jirtee, Kulub ha noolaado
Kurayadiinni soomaaliyeey, Kori lahaayeene
Kuleyleey ku kariyaan derbiga, Kumanna waa meyde
Kibistoodi cadawgaa cunee,  Kulub ha noolaado
Kasi meyn kolkii ay furdada, Kuba la’aayeene
Oo ay kutaanta boodada wateen, Iney kibraayaane
Iminkey kuraas inya gateen,  Rogrog ka kaadsheene
Kufkood nimaan aheyna gabdhuhu, Nagala koodaane
Ku kurrey intey noqon lahayd,  Kulub ha noolaado
Kufri sii dhacaayaad gacmaha, Kor ugu heysaane
Kaniisadda ninkii doonayow, Waa ku kaligaahe
Nin waliba kolkiisa kursiga, Looga kacayaahe
Annagey kolkeennii tahee, Kulub ha noolaado!
     Nikax
“Kumi nin qaatay keeni maa
Kamana maarmo kii lahaay!

      
Sharraxaad kooban oo ku saabsan erayada qaar macnahooda, waxaa laga yaabaa in dadka qaar ay fahmi waayaan macnaha gabayga iyo eraya adag oo ku jira darteed,
“Kulub” wuxuu ula jeedaa waa koox ama naadi, Naadigaasoo ahaa kii SYL, isagoo marka habdhaca iyo khaafiyada gabayga ku alkumaya ayuu ka hadlayaa,  waxqabadka iyo waxtarka uu leeyahay Naadiga gobonnimo doonka ahaa ee SYL.

 Abwaan Faarax Shuuriye, (A.U.N.) oo xagga Suugaanta macallin u ahaa Laashin Dhegataag wuxuuna ahaa Abwaan caan ku ahaa tirinta Maansada, iyo gabayada, iyo guud ahaan Suugaanta, waanu ku halqabsanayaa.

Kii koos” waa eray talyaani ah oo macnihiisu yahay waa maxay?
“Keyfa xaalak” waa Af-Carabi una dhiganta ka waran xaaladdaada?
Kibistooda” Kibis waa Af-Carabi waxaana loola jeedaa  muufadii ay cuni lahaayeen, ayaa gummeyste iska cunayaa.
Kur-kurrey” waa magac loo aqoon jiray haweenka jirkooda ka ganacsada.

Haddii aan isla garaney gabaygaas mucda iyo miisaanka cuslaa iyo shiribka ka dambeeya, ee gummeysi diidka ah. Waxaa laga yaabaa qof kasta oo Soomaali ah inuu maqalyay Shiribkaas qiimaha badan oo hal heyska ah ilaa maanta aynu joogno, aniga wuxuu ii leeyahay dhacdo gooni ah, iyo dareen gaar ahaaneed.

Hadda ka hor ayaa waxaa dhacday aniga oo tahriibaya, annaan koox nahay Soomaali iyo itoobiyaan ah ayaa waxaan tagnay maqaayad ku taalla Caasimadda waddanka Malaawi ee Lilongie, maqaayadda waxaa la haa nin Soomaali ah oo aan ku qiyaasay inuu kasoo jeedo goballada waqooyi ee soomaaliya waxayna is yaqaanneen oo aalaaba xariir ka dhaxeyay ninka Mukhaliska ahaa ee na hoggaaminayay oo asiguna dhalasha ahaan kasoo jeeda dhulka Soomaali galbeed ee ay itoobiya xoogga ku heysato, waxaa dhacday maqaayaddii inaan soo galno ee qeyb kore oo hoteel aheyd aan degno, markii aan cuntadii soo doonanay ee maqaayad soo galnay ayaa waxaan meel derbi ah ka aqristay Shiribkaan oo macna kale loo yeelay oo u qoran sida tan:

Kuwaaj nin qaatay keeni maa
Kamana maarmo kii lahaay

Aniga oo shiribka hore u maqli jiray laakin aan ogeyn laashinka lahaa ama curiyay rabana inaan ogaado waxa uu kala jeedo, ayaan ninkii weydiiyay su’aal aheyd ninyahow Shiribka maxaad ugu dheeshay sidaa ma aheyne inteedse kasoo xigatay? Wuxuu yiri: waan ogahay oo anigaba sidaan igu masoo gaarin laakin waddanka aan joogo ayaa laga isticmaalaa lacag la yiraa “Kuwaaj” Soomaali badan oo reer koonfur ahna waa degantahay, marka digniin ahaan ayaan u isticmaalayay maadaama Soomaalida aan deynka laga celin karin oo ay dhaqan ka dhigteen.

Sidaa darteed anigu waxaan ugu qortay halheys ahaan laakin waxaan maqlay oo ley sheegay in nin heer koonfur ah yiri: Shiribkaan, lagana ciyaaro Koonfurta, waxaan ku iri: waan ku fahmay laakin Shirib maahan ee waa shirib ee sidaa u fahan marka hore! sidaas ayaana isku baranay waxaase meeshaas iiga caddaatay in aanu xitaa aqoon macnaha shiribka ee uu mah-maah ahaan meesha ugu qortay rabitaankiisana la raacyay, aniga asigoo dhacdadaa ii lahaa ayaan haddana raadinta Sooyaalkaan waxaan ku soo ogaaday habkey ku baxday iyo guurowgii ay la socotay, waxayna ku tusee in ummadda Soomaaliyeed yeeyba aqoon  Laashinka iska leh ay ku halqabsadaan iyagoo halkudheg uga dhiganaya xigashada iyo adeegsiga shiribka  hadba dantii ka gasha.

Haddaba laashin Jimcaale dhegataag(A.U.N.) wuxuu hormuud u ahaa Abwaanada murtida iyo miidda iyo magaca wanaagsan ku reebay maguurtada Sooyaalka, wax badanna sii saadaaliyay Siiyaalka imaan doona, gadaashii Eebbe ha u raxmade!

Inkasta oo aan la kala gaarin murtida uu nooga tegay Laashin Jimcaale dhegataad(A.U.N.) bal aan geeraarkaan isla dhuuxno, iyo siduu meel kasta uga tusaaleeyay umadda Soomaaliyeed; ee aad mooddo inaaney wax ku qaadan, wax kasta ee loo sheego, taa beddelkeedana ay ka jecelyihiin xaammaasadda aan la xeerin ee laab la kaca uun iska ah, wuxuu yiri: Laashinku Dowladnimadu waa wax dadku wada leeyahay  kana wada dhexeysa dadka. qof kasta oo muwaaddin ahna waxa uu xaq u leeyahay in uu dawladda u shaqeeyo haddii uusan dembi ka gelin Qaranka.

maadaama Eebbe uusan dadka simin oo qof kasta si gaar ah uu u abuuray, waxaa iska caadi ah in dadkii dawladda u shaqeynayey qaarkood uu damac ka galo in ay xadaan ammaanadii Qaranku lahaa ama loo dhiibay, si haddaba uu ugu digo kuwa damaca xun oo isku dayaya in ay xadaan xoolaha dawladda, ayuu laashinku waxa uu meeriyey  Geeraarkaan soo socda, ee qiimaha badan waxaana uu yiri:

Ninkii dawlad qiyaanay
Waa dembiila is mooge
Door hadduu wax ka qaato
Ee door kaleeta ka qaato
Kuma deeqdo intaane
Ka doonuu is yiraa
Asigoo daldalaayoow
Dabinkii ku dhacaa
Dawlo duul cillan waayo
Dabeyshaa wax u sheegta
Amma duulal habeene
Digtoonow weligaaba
Oo daa’inkaaga ka yaab!”

Haddaan soo qaadanno gabay kale oo yaab leh waxaa uu ku gabyay mar uu ka yaabay caddaalad darro ay ku hayaan qolooyin hormuud u ahaa hoggaanka ummadda, iyo sida ay uga eexdeen Degmada Ceel-dheer oo markaasi la doonayay in Degmo rasmi ah laga dhigo waxaana la sheegay markii Laashin Jimcaale Dhegataag(A.U.N.) uu gabaygaan tiriyay isla markiiba waa lagu dhawaaqay degmada faca weyn ee Ceel-Dheer waxaana uu yiri:

Nimmanaa qasnado buuxsadoo, Qalad wax loo siiyay
Nimanaa qaboowsada hilbaha, Qadadda maalmeede
Anagana waxaan soo qornaba, Waa la qariyaaye
Nalamana qal qaalshoo, Qarbaa nalaga ka xooraaye
Qoodhiin ya xeradiin maxaa, Qadiyay Ceel-dheer?
Mase qolo qolayntii horaad, Qiran tihiin waaga, 
Oo axdigaan wada qaadannaa, Nala qiyaamaayay?

Shiribkana waxaa uu yiri:

“Qolo haddey is quursadaan
Qolyo kaleey qoryuu guraan”

Waa shirib koobay wax kasta ee ummad lagu wacyi galin karay wuxuuna leeyahy bulsho ama ummad haddey is diido oo ay is quursadaan ama ay is yasaan, asaagood ayeey daba dhaqe u noqdaan ama ay ku hoos noolaadaan, sida haddaba nagu dhacday annaga waana tan laashinku kasii degayay ammin fog. waa Shirib murti ahaan kugu filan bilooyin, iyo inaad soo xasuusato maalin kasta. Murtidu ways fasirtaaye waa halkii abwaan Cabdiraxiim Hilowle Galayr ka lahaa:

Haddii doobku guur gebo
Doonan waayo gabadhii
Ma dadkaa u noqon ubad

Waa xaqiiq dhab ah oo biya kama dhibcaan ah waxaana taa la mid ah ummad sugeysa uun in wax kasta u hagaagaan iyaga oo aan rafaad iyo rucla orod midna u galin!’

Laashin Jimcaale Dhegataag(A.U.N.) markasta wuxuu abbaari jiray halka caddalad darrado ay ka jirto, wuxuuna bulshada u iftiimi jiray meesha lagasoo galay, asigoo taa ka duulaya ayaa mar kale waxaa uu yiri:

Muqdishow waa magaalo
Waxaase maamul ku haysta
Mudug intii ka koraysa
Inta Mareeg ka sokaysana
Marti aan loo qabin waaye.

Haddaan soo qaaddano dhacdo Shirib ah oo dhex martay Laashin Jimcaale Dhegataag iyo laashin Faarax Nuur qaboobe Faarax seefey dhammaantood Eebe ha u raxmade! oo markii hore ka wada tirsanaa ururkii “SYL”  Laashin Jimcaale dhagataag iyo laashin Farax Seefeey oo labaduba ahaa reer Muqdisho, ilma adeer hoosana ahaa ayaa siyaasadda isaga hor yimi waayihii dambe iyo markii ay arkeen dammicii kuwa ku abtirsada “SYL” balse awoodda dalka rabay in aay maroorsadaan. Laashin Jimcaale Dhegataag waxaa uu ahaa laashin aad u taageera “SYL” ( Leegada ) waxaana uu ku guubabin jiray in dadku ay galaan dagaalka si gumeysiga leysaga kiciyo, halka Faarax Seefey uu ahaa abwaan ka aragti duwan Laashin Jimcaale kuna doodayay in SYL ay ka leexdeen waddadii dhabta aheyd inkasta oo labaduba ay ka tirsanaayeen markii hore laakin markii dambe Laashin Seefey uu ku biiray xisbigii Lego dei Giovani Somalo ( leeberalka ) waxaa uu umadda ku guubaabin jiray laashin Seefey xornimo dabadeed in aan leysku xad-gudbin caddaaladdana ay noqoto mida umadda hoggaaminaysa, waana xilligii daaqiliyadda ee 1-da April 1950 iyo heshiiskii Q.M iyo talyaaniga ee ahaa xornimo gaarsiinta Soomaaliya, Dalkana waxaa ka socday, ama ka jiray dhismo xagga waddooyinka ah, “Infrastructure” qandaraasyada waxaa qaadan jiray oo lagu naaxin jiray ama lagu naas-nuujin jiray rag gaar ah.

Xaaji Baraako oo ahaa nin xoolihiisa aay ku dhammaadeen SYL mar dambase ogaaday in SYL xubnaha ku jira ay leeyihiin hadaf ka duwan midka saxdaa ee bulshadu u qaadatay, ayuu isaga baxay. Isla markaana waxaa uu aas-aasay xisbigii Lego dei Giovani Somalo ( liberale ) Talyaaniga ayuuna u dhoofay Xaaji Baraako asiga oo raadinaya qandaraas dhismaha waddada Gobalka Baay  oo Muqdisho u aheyd ku dhawaad 250km oo markii danbe la siiyay Xaaji Ibraahim Uunlaaye, waxuuna Xaajigu ku arkay Dalka Talyaaniga niman ay aqoontoodu ay aad u liidato oo Geeljirayaal ahaa lagana keenay meela kala duwan oo dalka ka mid ahaa si loo baro xirfada Karraaninimo si marka Talyaanigu uu umadda u gaarsiiyo 1960 xornimo buuxda ay karraani uga noqdaan xafiisyada dowladda uu ay u fadhiistaan, goortii uu dib ugu soo noqday dalka Xaajigu ayuu Faarax Seefey iyo laashin Dhegataag uga sheekeeyay waxii uu Roma ku soo arkay, waxaana la yiri: Xasan Maxamed Shuuriye iyo nin kale oo aanan magaciisa soo helin Allah ha u naxariistee ayaa meel kasta waxay ka naadsheen in waxii aan reer Xamar aheyn ay mudan tahay in ay ‘Visa’ ku soo galaan Xamar, visana ku joogaan.

Faarax Seefey oo xaqiiqda ogaaday ayaana sugaan faro badan ku cabbiray soomaalida iyo waxa ku soo socda xornimda ka dib. Halka laashin Jimcaale dhegataag iska diiday aragtidii Xaajiga iyo saaxibbadiis. Waa siyaasad iyo xaalkeede, xilligaa dadkii oo dhan afkii yeeraba waxaa uu yiri: “Liberaalaan ahay” maalintaa waxii ka dambeeyana Soomaalidii reer Leego ahayd arrintaan aad ayeey ugu xumaadeen dhacdada Roma iyo caddaaladd darada Soomaalida ku soo socoto, sidaas darteed Laashin Jimcaale Dhegataag oo walaakiis ahaa, laashin Seefey ayay naf bideen oo ay yiraahdeen kasoo reeb xisbiga leeberaalka laashin dhegataagna si uu u cabsi-geliyo Faarax Seefeey, ama uu u afgobaadsadu si aanu mar dambe u tagin oo uusan lug u geyn Xarunta Xisbiga Liiberaalaha, ayaa Laashin Jimcaale Dhegataag waxaa uu ku shirbay oo uu yiri:

Tillaabadaada waan tirshee
Mug Tangayika waa tagee.

Wuxuu leeyahay ninyahow taladeydii iyo xisbigii aad ka tirsanaa jirtay waa diidaye waxaan ka baqaa in lagugu xiro xabsiga Talyaanigu dadka ku ciqaabo ee la yiraa “Tangayiika” ee xisbigaa leeberaalka iyo Xaaji Boraako isaga har! Laashin Faarax Seefey dheg jalaq umma siine wuxuu ugu jawaabay, adna:

Tillaabadaada waa tirshee
Mug tuugo waa idiin talee

Wuxuu leeyahay haddii aad maslaxadeeyda qaadan weydo adna mug tuugo waa idiin talee xaqiiqatan waana sida dhacday walina taagan ee aan xal loo helin, lana ogeyn goorta ama xilliga laga gaboobi doono!’

Inkasta oo aan maasooyinka, gabayada, guurowga, iyo Shiribkiisaba aan la soo koobi karin Laashin Jimcaale Dhegataag(A.U.N.) mar kale waxaa uu ku gabyay asiga oo xaqa, iyo runta u bidhaaminaya ummadda Soomaaliyeed, ugana digaya haddii ay is diidaan in cid kale ama qola kale soo degi doono halkii ay dhab u lahaayeen, ee Eebbe ku beeray, dhulkana laga qaadan doono, sida annaguba maanta aan qarka u saaran nahay inaan dhaxal wareegno oo meel kasta nalan kasoo galay cir dhul iyo badba. Laashin Jimcaalena waxaa uu yiri:

Dullibaa ku dhaca duul haddey, War iska diidaane
Duqaydiyo waxay caasiyaan, Duubabkiyo shiiqe
Dibadday wareegaan markii, Darar la maalaaye
Duul kalaana soo dega halkay, Dan u lahaayeene”

Intaas ayaan kusoo geba-gebeynaa Shiribyadii Laashin Jimcaale dhegataag(A.U.N.) ee la soco qeybta xigta oo aan kusoo qaadan doono Laashin Abshir Nuur Faarax(Abshir Bacadle A.U.N.)

W/Q: Xasan Cabdulle Calasoow (Shiribmaal)

SHARE