Home Qoraallo Xeerka iyo Xigmadda Shiribka Q19AAD W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Xeerka iyo Xigmadda Shiribka Q19AAD W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

0
SHARE

Xeerka iyo Xigmadda Shiribka Q19AAD W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

 

Haddaan hore u sii maba qaadno, qormadii taxanaha noo aheyd, ee Xeerka iyo Xigmadda Shiribka. Shiribku waxa uu leeyahay qeyb majaajiilo ah, walibana si toos ah kuu saameynaya, wuxuuna leeyahay shiribyo noocaas ah oo hirgalay, dadkuna ay wada yaqaanniin marka aad dhedhensatana qosolka kaa dhammeynaya, waxaana ay leeyihiin inta shaqal ee shiribku leeyahay, sida tobanka iyo lixda alan ee hab dhismeedka shiribku ku soo hiya shubto.

Waxaa jira laashimiin ku caan ah, oo tiriya shiribkan majaajiilaha ah, waxaanse isku toosneyn qaafiyaddiisa oo xaraf raac ahaantiisa la ma ilaalin, sidaas ayuuna deelqaaf ku noqonayaa laakiin waa curis saameyn leh, ujeeddada laga leeyahanaa an ka weecaneyn.

Waxaa dhacday: iyadoo la joogo meelaha lagu kulmo ee sabaha waaweyn lagu dhigo ama qabiilladu i sugu soo shirbaan, ayaa laashin dhoodaankan oo lagu ogaa shirib jaceyl iyo xamaasad ay shirib xumo u wehliso lagu yiri: caawa qabiil hebel oo wada laashimiin ah ayaa shirib noo soo qaadaya ee ninyahoow caawa is ka seexo, oo shiribka ha nooga dheelin labada qabiil ayaa caawa good isu saaranyahaye. Markii cabbaar la shirbay ee shiribkii is qabsaday oo jaanta iyo jugta leysla helay ayaa inta uu soo booday oo goobtii dhexda ka soo roogsaday, oo fiiyiriyey ku shirbay

“Maanaa tolkeygiyoo shiraa

Duful ku laabanaa u waad”


Waa shirib in badan oo dadka Soomaaliyeed ah ay garanayaan mararka qaarna halheys ahaan loo soo qaato, dufushana waxaa uu u la jeedaa dhambasha lagu seexdo ee heer miyigu is ticmaalaan!”

“Ceesaan yaroon bireey jiraan

Is iri maanta waa dhalee”


Indha madoowsa maahiyoo

Mug waysu keenay waa maqlee”

Laashin lagu magacaabo Muuse Canger oo gobolka Shabeellaha Dhexe aad looga yaqaan, ayaa wuxuu sameyn jiray durraamo ama waliimo, geela loogu duceeyo. Sida caadada ah waxaa ay sameeyaan dadka geelleyda ah, markii sanad la gaaro ama roob da’o iyo markii la doonayo in geela rati/Awr ah la galiyo, oo waxaa laysu wacaa qowsaarrada geel jirrada ah ee loo yaqaan ul heyska, waxaana loo qalaa ceesaan oo caado iyo dhaqan u ah geelleyda. Laashin Muuse Canger markii la gaaray xilligii uu geela u durraama jiray, ayaa waxaa uu jecleystay inuu qalo ceesaanti uu bireyn jiray, sidaa aawgeed, waa uu iska daayay, markii uu isbuucyo joogay, ayuu raacitaanki iyo ilaalintii geela ka mashquulay, geeli ayaana ka la haaday, oo midba meel aaday.

Niman asaxaabtiisa ahaa xoddiisa hoosena la socday, sabtana inay cunaan u ciilqabay, ayaa waxay kula kaftameen Muusoow, maanta ceesaanti waa jecleysatay, laakiin adigana geeli waa kaa dhumay, oo hal neef ka ma heysid ee ka warran? Markaas ayuu shiribkan kor ku xusan curshay, oo uu leeyhay waa run oo ceesaantii waan dhowrtay, laakin indha madoow maahiyoo haddaan isu keenayaa ama isu goobayaa!”

Mar kalena wuxuu ku shirbay:

“Sokortaan heer Heloowla gaab 

Heer duurku waa ku dhib qabyaa,


Woxowna ugu dhib qabyaa

Kiiladii soddoneey dheheen,

Caleenna loogu yeeli maa!”

Sida la aan wada ognahaba dadka xoola dhaqatada ah waxay aad u isticmaalaan Sokorta iyo caleenta shaahiga lagu kariyo marka loo fiiriyo kuwa magaalada jooga. Sidaa aawgeed, laashin Muuse Canger oo xilligaa ku iibsan jiray kiilada Sokortaa wax ka yar soddon kun oo shilin soomaaliga ah, ayaa qolooyin iyo dukaamo uu macaamiil ka ahaa ku qaaliyeen sokotrii. Waa ganacsi iyo xaalkiise oo marna kor ayuu jiraa oo waa qaali, marna waa raqiis in kastoo inta badan qiimaha lagu daro ee aan laga dhimin, ayaa laashin Muuse wuxuu rabaa, inow lacagtaas soddonka ah wax ka hooseeya ku qaato kiila sokora iyo caleenteed, waana maad iyo qosol la soo qaato markii ay timaaddo xaalad u eg middii ay ku baxday. Shiribkan oo deelqaaf ah ayuu haddana wuxuu ka dhigay seddax lugood sidaa darteed loo ma qabanayo oo sidiisa ayuu caan ku yahay!”

Masaajidkaan adeer Caddaan

Dhisaayo yaa ka addimaa?


Haddoow addimo yaa dukaa

Maha dhamuba waa cidlee!”


Tanna waxaa ku shirbay laashin lagu magacaabo Maxamuud Cabdi Warsame oo asiguna ahaa laashin dhoodaan shiribyada noocaan ah aad u curiya. Sida caadaduba aheyd waqtiyadii hore iyo waqtiyadii dhawaa, wixii shabaabka ka horreyay dadku waxay ku kulmi jireen ama isu imaadyo waaweyn ku dhigi jireen meelaha qabuuraha caanka ah ku yaalliin, waxaana lagu dhisaa waabo waaweyn loona yaqaanno Masaajid oo tiirar laga soo guro geedaha adag ee geed labka loo yaqaan, sida geedka maraayga iyo xararka IWM ah lagu dhiso, iyo cowska ama xididka loo yaqaan hawdka ee laga soo guro meelaha ciiddo ka bidday ee xeebaha ah.

Xilliga isu imaadka ayaa waxaa lagu sooraa oo uu qaas u yahay culimada iyo dadka la sharfo sida odayaasha iyo martida milgaha iyo maamuuska loo haayo, ayaa meel xawaalahaas ku yaalliin waxaa waabtaas ka dhisay oday lagu magacaabo Caddoow Maxammad Caddaan oo maalqabeen ahaa ayna laashinkaan shiribka bixinayana ay qaraabo yihiin, ayaa markii uu dhismihii ku dhammeeyay waxa uu i sugu yeeray dadkii xigtada ahaa ee uu ugu talagalay inay xarigga ka jaraan macnaha ku xoola qashaan. Markii uu u loogay waxaa laashin Maxamuud Cabdi Warsame oo ogaa inaan masaajid ahaan loogu duka doonin looguna dhaqmi doonin oo sanadkiiba hal maalin la imaanayo wuxuu yiri: adeer Maxamuudoow hadalka noo fur oo odayaasha u gudbi shaqada la qabtay iyo Masaajidka la dhisay, macnaha waabta. Halkii laga doonayay inow ammaan huwiyo iyo mahad celin, ayaa wuxuu ku billaabay shiribkaan taariikhda galay, sidaas ayuuna ku yimid shiribkaanu!”

“Aqalki sod la saarayee

Roob deeyay dhoq-dhoqow wadyaa”

Shiribkaanu haba jabnaado’e macnahiisu waa iska cadyihiin. Aqallada laga dhisto dhulka baaddiyaha ah oo inta badan laga unko udbo oo ah xidid dhulka laga qoday iyo dhabo la falkiyay oo iyaguna ka soo askunma meyrta noocyadeeda kala geddisan, waxaa wehliya oo dusha ama oogada laga saaraa “aqalka” inta aan dhabaha la saarin “Sod xoolaad” oo ah maqaar laga baxshay neef lo’ ah ee hab loogu tala galay lagu qallajiyay oo aan wax ka soo gudbaa jirin markii roobku yimaado, macnaha aan biyaha soo deyneyn.

In kasta oo hadda aanay jirin oo dhan kale looga guuray ama bac la helay iyo shiraacyo waaweyn oo aan “Sod” looba baahneyn, sidaa aawgeed laashiku wuxuu leeyahay aqal “Sod” la saaray ee roobka soo deeya waa aqal aan edeb laheyn, waana shirib ku yimid habka kaftanka ah ee dhacdo markaa taagan ay keento.

intan ayaan ku soo koobayaa maadaama shirka noocaan ah uu aad u tira badan yahay, waxaanna ku soo qaada doonaa haddii Eebbe idmo qeybaha xiga ee la soco.

W/Q: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Cuute23@hotmail.com

SHARE