Home Qoraallo Waddada Suubban: Q16AAD. W/D/ Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Waddada Suubban: Q16AAD. W/D/ Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

0
SHARE

Waddada Suubban: Q16AAD. W/D/ Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Fadliga qaneecada iyo dhowrsanaanta iyo in dhexdhexaad la ahaado xagga maciishadda iyo wax bixinta iyo foolxumada wax waydiisiga inay duruuf adag ama baahi daran kuu gayso maahane.

Abuu Sufyaan Sakhar bin Xarb (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: wax ha iiga baryina si indha adayg iyo xishood la’aani ku jirto oo calool iska soo rid ah. Haddii midkiin uu wax iga baryo aan siiyo anoo raalli ka ah waa loo barakaynaa waxaan siiyay, wixiise aan siiyo aniga oo aan raalli ka ahayn way barako beelayaan. (Muslim).

Abuu Cabdu Raxmaan Coof ibn Maalik Al-Ash-jaci (A.K.R.) wuxuu yiri: mar annagoo Nabiga (S.C.W.) la joogna oo sagaal ama siddeed ama toddoba mid kood ah, ayaa wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) maxaad ula gali waydeen axdi Rasuulka Alle (S.C.W.)? Waxaase jirtay inaan maraan saa u sii fogayn axdi la galay. Markaasaan ku niri: Rasuul Alloow sowtaan axdi kula galnay. Wuxuuse mar labaad ku celiyay oo uu yiri Nabigu: maxaad ula geli waydeen axdi Rasuulka Alle (S.C.W.) markaasaan inta gacmihii soo fidinnay Niri: Rasuul Alloow waa tii aan axdiga kula galnaye, maxaan haddana kugu la galnaa?” Wuxuu yiri: inaad Eebbe Caabudaysaan oo kaliya oo aydnaan waxba u shariig yeeli doonin iyo inaad dhowraysaan shanta salaadood ee maalin walba ah maqlaysaanna Eebbe (S.W.T.) markaas waxbuu hoos u yiri: raaciyana iyo inaydaan dadka waxba waydiisan doonin. intaa wixii ka dambeeyay waxaan arkay raggii oo kii uu jeedalkiisu dhulka uga dhaco aan qofna waydiisaneyn inuu u soo dhiibo. (Muslim).

Ibn Cumar (A.K.R.) wuxuu yiri: qofkii baryootan uun wadaa wuxuu Eebbe la kulmi doonaa maalinta qiyaamo isagoo aan hilib lagu arag yacni diirkii uu ka dhacay wajigiisa.(Bukhaari iyo Muslim).

Ibn Cumar ( A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) isagoo mar minbarka fuushan oo saka bixinya iyo ka dhowrsiga baryada ka hadlaya wuxuu yiri: gacanta sare ayaa ka wanaagsan gacanta hoose, gacanta sare waa tan wax bixinaysa, tan hoosena waa qofka wax baryaya gacantiisa.(Bukhaari iyo Muslim).

Abuu hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Qofkii ka baryaa dadka wax uun wax badsi darteed, dhabtii wuxuu baryayaa waa dhuxul dab ah yacni iyadoo dhuxul dab ah ayaa lagu gubayaa maalinta qiyaame, haddaba qofka asigay jirtaa inuu badsadaa ama yareystaa. Macnaha kusii socdo waxa foosha xun ama iska daayo.(Muslim).

Samurah ibn Jundub (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: baryadu, qofku wuxuu ugu gaystaa dhaawac iyo dhibaato wajigiisa, inuu wax ka baryayaa jiho mas’uul ah, ama codsanayo arrin lagama maarmaan ah mooyee. (Tirmidi wuxuu yiri: waa xadiis xasana oo saxiix ah.

Ibn Mascuud ( A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Qofkii ka sheeganaya gaajo iyo faqri oo uga cawdaa arrintaa dadka si uu gacan uga helo kama bixi doono faqriga iyo gaajada, qofkiise Eebbe u la cawdaa dhowaa ama dheeraa Eebbe risiq ayuu siin doonnaa deeqdiisana waa u furi doonaa durba ama dib dambe.’ ( Abuu Daawuud iyo Tirmidi). Tirmidina wuxuu leeyahay waa xadiis xasan ah macnaha wanaagsan.’

Sawbaan (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: qof kasta oo ii ballan qaada inowsan qofna wax weydiisan doonin, waxaan u ballan qaadayaa Janno. Sawbaan wuxuu yiri: waxaan ballan qaadaa inaanan wax weydiisan doonin qofna. Intaa wixii ka dameeyay qofna ma waydiisan shayna.
Abuu Daawuud wuxuu yiri: waa saxiix.

Abuu Bishir Qabiisah bin al-Mukhaariq (A.K.R.) wuxuu sheegay inuu maal ku kala hagoogasho diyo ah dhabarka saartay si uu u helo xoogaa kaalmo oo ku gudo arrintaa u ballan qaaday. Wuxuu u yimid Nabiga (S.C.W.) Nabiguna wuxuu yiri: sug ilaa xoogaa lacag oo sako ah ha ii timaado, markaasaan wax kaa siin doonaaye. Nabigu (S.C.W.) wuxuu intaa sii raaciyay oo yiri: Qabiish, wax waydiisigu baryootanku uma bannaana dadka seddex qof oo kaliya maahee, kan hore waa qof maal ku kala hagoogasho ah ballan qaaday oo doonaya inuu gudo, qofkaa wuxuu dalban karaa kaalmo ilaa uu isaga gudo ballanqaadkaa markaa ka dibna waa inuu ka joogaa baryada; kan labaad, waa qof maalkii dhaafay oo kacay oo musiibo ku dhacday isagana baryadu waa u bannaantahay ilaa uu faqrigu daayo, helana wax uu ku noolaado; kan seddexaad waa qof gaajo xumi heshay oo ilaa seddex nin oo wax garad ah oo tolkiisa ahi isku raaceen inay gaajo iyo abaar heshay kaasina baryadu waa u bannaantahay ilaa farqiga laga saaro. Wixii aan seddexdaas ka aheyn oo baryo ahi waa xaaraan, qofkii baryo wax aan intaa aan soo sheegnay ahayn wuxuu ku helo cunana wuxuu cunayaa waa xaaraan. (Muslim).

W/D/ Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

SHARE