Home Qoraallo DANJIRE. Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

DANJIRE. Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

0
SHARE

Danjire

Danjirennimadu Waa shaqo wax ku ool ah oo xasaasi ah, oo waxay ku saabsan tahay is baridda, iyo iskaashiga iyo wax is dhaafsashada laba dawladood iyo ku wada noolasnaha si nabadeed.

Cahdiga Nabi Muxammad Sallaa Allaahu ‘Alayhe Wa ‘Alaa Aalihi Wa Sallam iyo cahdiga Khulafaa’u Al Rraashidiina looma oggolayn gaal inuu Al Madiinah Al Munawwarahالمدينة المنورة\ soo galo ama dego inuu dhambaal dawlada kale ka sido mooyeene, mana jirin safaarad shisheeyey oo caasimadda Islaamka deggan. Gaalkii ugu horreeyey oo dega Al Madeenah Al Munawwarah المدينة المنورة\ wuxuu ahaa Abuu Lu’lu-ah Al Majuusiiأبولؤلؤءة المجوسي\ oo Iiraani ahaa dabka caabuda, ahaana tumaal u shaqayn jiray Al Mugheerah ben Shucbahالمغيرة بن شعبة\ oo Cumarعمر بن الخطاب رضي الله عنه\ ka idan qaatay inuu magaalada soo dejiyo isagoo farsamo yaqaan ahaa seefaha, warramada, mindiyaha iyo waxa la midka ah samayn jiray. Aboo Lu’lu’ah أبولؤلؤءة isagaa Cumar dooxay oo dilay.

Waa dambe oo aan sidaas usii fogayn ayaa la jideeyey safarado dal shisheeye deggan.

Yurub ilaa dhawr boqol oo sano ka hor, haddayan dawladi raalli ka ahyn siyaasadda dawlad kale waxay dili jireen danjirohooda dalkooda fadhiya.

Waxaan ka akhriyay kitaab uu dhigay nin danjiraha USA ee Saigon koofurta Vietnam ahaan jiray oo cinwaankiisu yahay “The Ambassador” oo bilowga sideetanaadka qarnigii lasoo dhaafay ahaa inuu yiri:

“State Department ayaa waxay ii soo dirtay amar inaan jaziiradda hebla oo ku taalla Pacific Ocean imaado aanna tago hotel hebel oo qol la iiga qabtay oo aan halkaas amar dambe ku sugo. Sidii ayaan yeelay markaasaa waxaa halkaas iigu yimid nin ka socda State department oo i siiyay amar afka ah inaan dilo madaxweynaha Koofurta Vietnaam hebel hebel oo aan agtiisa safiirka ka ahay. Wax qoraal ahna la ima siin. Waxaan iri: “Sideebaan ku dilayaa madaxweyne dal kale oo aan safiir ka ahay?” Amarkaasna waan diidy. Madaxweynihii waxaa dilay nin safaaraddayda ka shaqeeya oo CIA ka tirsanaa oo magaciisu hebel hebel ahaa.”

Bal u fiirso haddaan annagu Soomaaliya nahay maxaan kasoo gadannaa USA, Ingiriiska, Jarmanka, Fransiiska, Japan iyo kaleba? Waxba. Maxay ayagu naga gataan? Waxba. Maxay hadaba safaarado ugu leeyihiin Muqdisho, annaguna aan safaarado ugu leenahay caasimahooda? Safaaradda waxaa ku baxa lacag aad u fara badan oo waa qaali. Marka wax kalaa jira.

Waxaan qoraalkaan ku xusayaa dhacdo isoo martay intaan danjiraha Soomaaliya ahaa oo ka mid ah taariikhda dalkeenna. Dalkuna soomaalida oo idil ayuu ka dhexeeyaa.

Sidaan wada ogsoonnahay dagaalka 1977-78 Soomaaliya waxay jebisay oo ka adkaatay oo afka ciidda u gelisay Ethiopia iyo madaxweyneheeda Mengisto Xayle Maryama, ayna inta badan oo arliga soomaaliyeed oo ay gumaysan jirtay ka kicisay oo ka xoreysay. Dagaalkaas waxaa si loo jeedo u muuqday waxaan hore u ogayn oo ah aqoonta sare ee saraakiisha soomaaliyeed ee xeeladaha dagaalka, iyo geesinnimada iyo dal jacaylka ragga soomaaliyeed oo aan geeridaba ka baqayn, iyo deeqsinnimada shacabka soomaaliyeed. Ilaahayna libta ayuu na siiyay. Markaasaa markay u qaylo dhaansatay waxaa usoo hiilliyay inta dawladood oo krishtaanka ah, ayna ugu horreeyaan USA iyo Ruushka. Danjireheenna markaas USA noo fadhiyay Mudane Cabdu Al Kariin Cali Cumar wuxuu ii sheegay in State Department looga yeeray oo lagu yiri:

“Haddaynaan Ethiopia haddeer ka bixin, intaan amxaarada soo wadno ayaan Soomaaliya soo gelinaynaa oo ay qabsanayaan! Maxammad Siyaad Barrena waana inuu xukunka ka degaa!”

Danjire Cabdu Al Kariim waa nin mutacallin iyo codkar iyo bulsho ah, wuxuuna wax ku bartay jaamacadaha USA, sanooyin bandanna wuxuu ahaa dibloomaasi soomaaliyed intuusan danjire noqon. Hooyada dhashay waa Faadumo Siyaad Barre, walaasha la dhalatay madaxweyne Maxammad Siyaad Barre, oo sidaas abtigiis ku ah, haddana wuxuu ku noolyahay dalka Marakaynka. Wuxuuna u dhashay Ogaadeen.

Waxaa kaloo maxkamadda goobjoog ka ahaa oo i taageerayay Dr. Cabdu Al Raxmaan Jaamac Barre oo ahaan jiray Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Allaha u naxariistee aanse la waydiin inuu ii markhaati furo.

Markaan anigu dalka Maraykanka visa caadi ah ku galay oo aan magangelyo siyaasadeed waydiistay waa la ii diiday, ayadoo sabab laga dhigay inaan watay baasaboor soomaaliyeed oo diblomaasi ah ayna ku dheggan tahay shabbadda safaraadda soomaaliyeed ee Qaahira ee dalka Masar iyo taariikh ka dambaysay markay Soomaaliya burburtay oo waxay yiraahdeen: sidee magangelyo uga waydiisanaysaa dawladda baasaboorkaan ku siisay?” Baasaboorka qoloftiisana markuu kii hore iga buuxsanay waxaan boqol dollar ka siistay suuqa magaalada Qaahiro oo aan markaas safaaradda geeye oo ii xalaalaysay. Baasaboorrada Soomaaliya suuqa ayaa lagu kala iibsan jiray. Markaan rafcaanka ka qaatay oo aan tegay maxkamadda INS waxaa la i waydiistay inaan keeno markhaati inaan danjire ahaan jiray. Danjire Cabdu Al Kariim Cali Cumar ayaa ii markhaati furay oo ay dawladda maraykanku taqiinnay isagoo danjireheenna dalkaas ahaa, waana ku mahadsan yahay. Sidaasaan USA ku degay. Qaalli fiican ayaa Ilaahay i haleelsiiyay oo wuxuu afka ka yiri qoraalna igu siiyay inaan magangelyadaas waligay dambe la iga qaadi karin oo aan la igala noqon karin.

Qoraalkaanse kuma saabsanaa taariikhda dagaalkaas 1977-1978 ee dhex maraya Soomaaliya iyo Ethiopia.

Intaan anigu danjiraha Soomaaliya ee Jarmanka Galbeed ahaa (1981-1986) ayaa waxaa dalka Fransa yimid isagoo kasoo qayb galay shirka dawladaha Afrika oo mustacmarado Fransiis ahaan jiray, madaxweynaha Soomaaliya Maxammad Siyaad Barre. Markasaan danjirayaalka yurub fadhiyay oo idil halkaas ugu tagnay. Markaasuu Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya wuxuu igu siiyay magaca madaxweyne Maxammad Siyaad Barre amar inaan dawladda Jarmanka u tago oo aan wediisanno inay annaga iyo Ethiopia na dhexdexaadiyaan, si ay dhulkay markaas naga haysteen oo ku koobnaa labada degmo ee Balanballe iyo Galdogob nooga kacaan.

Markaan Jarman ku laabtay ayaan waxaan tegay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jarmanka, una sheegay inay dawladdaydu isoo amartay inaan waydiisanno inay annaga iyo Ethiopia na dhexdexaadiyaan oo na wada hadalsiiyaan si ay dhulkeenna nooga kacaan.

Sarkaalka wasaaraddaas oo aan codsigaas u gudbiyay wuxuu igu yiri:

“Annagu waxaan qabnaa inaad tahay danjire runlow ah oo fiican, laakiin waxaan Madaxweynaha Soomaaliya ka codsanaynnaa inuu danjireheenna Muqdisho fadhiya u yeero oo uu codsigaas isagu u gudbiyo. Sababtuna waxay tahay in hadda ka hor codsigaas oo kale naloo soo gudbiyay oo aan markaas madaxweynaha Ethiopia Mengistu Xaile Maryam la xiriirnay, uuna naga oggolaady, wuxuuna soo jeediyay inay Soomaaliya shirka soo socda ee madaxweynayaasha Ururka Midowga Afrika (OAU) wafdi usoo dirsato, markaasaan wafdigaas si qarsoodi ah ula kulmayaa oo aan wada hadlaynnaa. Qorashaasna waa sir oo yaan la maqlin. Dawladda Soomaaliya waxay shirkaas UMA usoo dirtay wafdi uu hoggaaminayo Danjire Maxammad Saciid Samantar oo ahaa Wasiirka Madaxtooyada Soomaaliya. Wasiirku wuxuu marka hore yimid Nirobi caasimadda dalka Kenya si uu halkaas dayuurad Addis Ababa keenta uga soo raaco ayadoo ayan jirin dayuurado u kala socda Muqidisho iyo Addis Ababa.

Wasiir Maxammad Saciid Samantar markuu Nairobi yimid wuxuu ku degay hotel hebel (ma xussto magaca hotelka). Markaasuu khamro ka dhergay oo markay habeenkii ahayd ayuu wuxuu isgu yeeray wariyayaalka Nairobi fadhiya uuna “Press Conference” halkaas ku qabtay, uuna u sheegay inuu Addis Ababa u socdo si uu ula kulmo madaxweynaha Ethiopia si ay ugala xaajoodaan siday Galdogob iyo Balanballe uga kici lahaayeen, wafdigiisuna uu ku socdo talada Mengisto Xayle Maryama. Isla habeenkaas ayaa warkaa laga sii wada daayay mediyada adduunkoo idil. Mengisto Xayle Maryama wuxuu markaas jooga Moscow caasimadda Midowga Sofyeeti, halkaaso uu shaqo u tegay. Markaasuu halkaas warka ku maqlay. Markaasuu warkaas beeniyay, uuna lasoo hadlay Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda inayan dawladda Ethiopia wafdigaas qaabilin oo aan lala kulmin. Kaddibna wasiir Maxammad Saciid Samantar wuxuu ka qayb galay shirka OAU ee Addis Ababa kaddibna wuxuu kusoo laabtay Soomaaliya isagoo aan cidna kala kulmin dawladda Ethiopia.

Marka annagu arrinkaas hore ayaan faraha uga gubannay, ee hadduu Madaxweyne Maxammad Siyaad Barre arrinkaas inaan mar kale galno doonayo ha u sheego danjireheenna Muqdisho fadhiya. Intaas naga gaarsii dawladdaada.”

Intaasaan Wasiirka Arrimaha Dibadda qoraal ugu diray. Kaddib markaan la kulmayna wuxuu intaas iigu daray inuu:

“Wafdigu wuxuu ka koobnaa Wasiirka Maxammad Saciid Samantar oo ka socday Madaxtooyada iyo Danjire Faadumo Isaaq Biixi oo ka socotay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaliay. Markay labadoodu Muqdisho dib ugu soo laabteenna waxay kala sheegeen wax is khilaafsan, oo Gacaliye wuxuu Golaha Wasiirrada oo uu madaxweynuhu shir guddoomiye u yahay siiyay warbixin inuu Addis Ababa madaxweyne Mengistu Xayle Maryama kula kulmay ayna sidaas iyo sidaas ku wada hadleen. Danjire Faadumo Isaaq bixina waxay na siisay warbixin la mid ah midday dawlada Jarmanku adiga ku siisay iyo inayan madaxweyne Mengiso Xayle Maryama iyo axad ka tirsan dawladda Ethiopia la kulmin, ayse saraakiil hoose ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ethiopia la kulmeen. Golaha Wasiirradu wuxuu rumaystay oo uu qaatay warbxinta Wasiirka Madaxtooyada, mana qaadan midda danjire Faadumo Isaaq Biixi.”

Danjire Dr. Maxammad Saciid Samantar anigu waa aqiinnay, wuuna ii sama falay intaan yurub ardayga ku ahaa lixdameeyada qarnigii lasoo dhaafay Allaah uga abaal gudee, wuxuuna ahaa nin mutacallin ah oo tacliin iyo garaad sarreyba leh, wuxuuna ka mid ahaa indheer garatada dawladdu hadalkooda iyo taladooda qaadato. Wuxuu danjire nooga ahaan jiray Roma dalka talyaaniga iyo Baariis dalka Fransiiska. Koofaartiisu waxay ahay “Gacaliye”. Wuxuu ahaa nin dheer oo xoog leh oo quruxsan oo aftahan iyo codkar ah. Wuxuu u dhashay Marreexaan, kana sii ahaa Wagardhac.

Rag la joogay markuu dhimanayay waxay wariyeen in lagu yiri “War Ashahaado”, uuna ugu jawaabay “Aniga iyo Ilaahay isaga kaaya dhex baxa” oo uu sidaas ku dhintay.

Danjire Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

Al Madiinah Al Munawwarah

Khamiis 09 Jamaadu Al Thaaniiجماد الثاني\ 1440 Hijriiهجري\, 14 Fabraayo 2019 Miilaadii

 

 

SHARE