Home Qoraallo MA TAQAAN SOOYAALKA HARGEYSA IYO MACNAHA MAGECEEDA? WQ; Cali M. Diini

MA TAQAAN SOOYAALKA HARGEYSA IYO MACNAHA MAGECEEDA? WQ; Cali M. Diini

0
SHARE

MA TAQAAN SOOYAALKA HARGEYSA IYO MACNAHA MAGECEEDA?

Xuquuqda sawirka: Google ayaan ka soo qaatay sidaas darteed qofkii qaaday ayaa leh xuquuqdiisa.

Intii awoowayaasheen iyo awoowayaashood juhdi ku bixiyeen barashada iyo xifdinta abtirsiinada haddii ay ku bixin lahaayeen qoridda iyo kaydinta sooyaalkeenna maanta ma aynnaan ahaanneen ummad sooyaal leh haddana ka ooman. Xattaa hadday qori lahaayeen sooyaalka awoowayaashaas wax bay ahaan lahayd. Fiiri, odayaasha aan ku abtirsanno waliba isku yasno, isku gu na faanno ma naqaan waqti ay dhasheen, halkii ay ku dhasheen, habkii ay u noolaan jireen? Xoolohoodi intay le’ekaayeen, markii ay ayeeyoooyin isguursanayeen sidii ay markii hore isku barteen, markii ay guursanayeen intii ay da’doodu jirtay, markii ay dhimanayeen, halkii ay ku dhinteen, sababtii ay u dhinteen (bas mise?). Inkasta oo ay jiraan dad yar oo qoraal ama sawir ka haya awoowgood 2aad ama saddexaad haddana badi soomaalidu awoowayaashood ka ma hayaan war dhaafsan abtirsiin iyo sheekooyin yar yar oo ninba nin u soo dhiibay oo sidii hadba been yar loogu barxayay calow noqday.

Balse maxay ku kaydin lahaayeen illaa far soomaaligu ma qornayne? Qorid la’aanta afkeennu waxa ay na dhaxalsiisay in sooyaalkeenni oo dhani lumay oo aynnaan ogayn wixii dhacay 1850kii marka laga reebo sheekooyin oraah ahaan la isugu soo dhiidhiibay oo aad u doorsoomay iyo qoraallo kooban oo shisheeye sida uu rabay u qoray. Waxa kale oo ay na dhaxalsiisay in aan sooyaalkeenna martida uga noqonno qorayaal shishaaye ah oo soomaali walba oo doona in uu wax qoro ku qasban yahay in uu soo xigto qorayaal shisheeye ama qoraallo shisheeye dalkeenna ka qoray. Marka aad rabtid in aad baartid sooyaalka Soomaalida waa qasab in aad aragtid Periplus of Ertharaean Sea, Tian Ch’eng-shih, Zhen He, Futuux al Xabash, Inu Batuuta, Idriisi, Lewis, Cassanneli, Touval, Lulling, Laitin iyo kuwa badan. Fiiri, hadda oo ay jiraan qoraallo badan oo ay qoreen aqoonyahanno soomaaliyeed haddana inta badan soomaaliga wax qorayaa waxa uu aad u soo xigtaa qorayaasha shisheeye ayada oo uusan taas ku qasbayn.
Qorayaasha soomaalida qudhoodu waxa ay raaceen jidkaas hore oo waxa ay xigasho u aadaan kuwii shisheeye inta badanna wixii shisheeyuhu wax ka qoray un bay sii dabakeceen halkii ay qalinka u qaadan lahaayeen oo boorka ka jafi lahaayeen sooyaalkeenna mugga wayn ee wali far la saarin. Taasi waxa ay naga dhigtay in aaj wali joogno ama u dhownahay halkii awoowayaasheen joogeen oo wali aynnaan dalkeenna wax badan ka qorin. Tusaale: waa ay yar yihiin magaalooyinka soomaalida ee taariikhdooda la hayo haddii la hayana la qoray waliba afkeenna lagu qoray.
Waxa ay tusaale u soo qaadanaynnaa magaalada labaad ee ugu wayn dhulka soomaalida, Hargeysa.

Hargeysa waxa ay ka mid tahay magaalooyinka farahaa badan ee qarnigii tagay abuurmay waxa ay dheertahay magaalooyinka kale in ay tahay magaalada ugu kobaca badnayn ee malaha abid dhul soomaaliyeed ka hanaqaadda. Sida qoraallo kooban ku qoran Hargaysa waxaa aasaasay Shiikh Madar Axmad Shirwac sannadihii 1860yadii. Ma ogin sannadku kuu ahaa, ma 1860kii, 1861dii, 62 ama 63 mise 64 ama se ka sii gadaal, qof caddayn karaa ma jiro, sababtu waa in Shiikh Madar iyo xertiisi ay ka tagan qoraallo la tixraaci karo.
Sida aan ka soo xigtay buugga MAKING SENSE OF SOMALI HISTORY, volume 1 ee Dr. Baadiyoow, Shiikh Madar 20 sannadood ayuu Harar wax ka baranayay waxaana waxbaray Shiikh Xaaji Jamac iyo Kabir Khaliil oo culimad Harar ka mid ahaa. Shiikh Madar markii uu waxbarashada dhammeeyay ayaa sidii caadada xerta Qaadiriyadu ahayd waxaa loo igmay in uu dib ugu noqdo deegaankiisi si uu dadkiisi diinta u gaarsiiyo. Sidaas ayuu Shiikh Madar dig ugu noqday deegaankiisa oo Berbera ahaa. Berigaas Berbera waxa ay dekad u ahayd Harar sidaas darteed jidka u dhexeeya oo dadku safraan waxa uu ahaa kan aynnu hadda naqaan ee Hargaysa mara inkasta oo laami ama waddo wayni jirin ee kaliya uu dhebbe ahaa. Sidii uu ku doortayba Shiikh Madar waxa uu doortay hakka maanta Hargeysa ku taal uu dego ayadana ayuuna degay.

Ma jiraan qoraallo qiro leh (inta aan ogahay) oo ka sheekaynaya sidii Shiikh Madar dooxa Hargaysa ku degay, dadkii la socday inta ay dhammaayeen, reer miyigii carriga degganaa sida ay ku qaabbileen waxaase jira dhawr qormo oo facebook iyo blog-yo lagu baahiyay oo sheegaya in dooxu ahaa meel kaneeco iyo libaax badan. Qoraalladaas waxa ay warinayaan in Shiikha iyo xertiisu meesha ka saameeyeen masaajid dood (geedo) ka samaysan mu’addinkii masaajidkaas na uu subqx aroortii libaax qaatay xilli uu masaajidka ku sii jeeday. Ugu dambayn Shiikhu waxa uu degay xaafadda Jameeco wayn loo yaqaan (magaca jameeco wayn waxa uu ahaa magaca xerta Shiikh Madar) waxa uu na dhisay isla masaajidka hadda ku yaal xaafaddaas sannadkii 1883. Fiiri Abdurahman Abdullahi (Baadoyoow), MAKING SENSE OF SOMALI HISTORY (2017), 80.

Waxaa xusid mudan in aan wali la hubin halka uu magaca HARGEYSA ka yimid ama ka soo jeedo. Waxaa jira in Wikipedia lagu qoray in magaca Hargeysa ka yimid “Harar as-sagir) la macne ah Harar-yareey ama Harartii yarayd. Si ay i la tahay tani waa marin habaabin ka mid ah marinhabaabinnada sooyaaljeenna lagu sameeyo. Waayo sida caadada ah magaca magaalada waxaa bixiya (inta badan) dadka deegaanka magacaasna waxa uu ka tarjumaa xaaladda markaas magaaladu ku sugan tahay ama sidii ay ku abuurantay. Sida ugu dhow ee magaca Hargaysa aan ku macnayn karno waa (HARARGEYSA) maadaama magaaladu ka abuurantay waddada Berbera ka timaadda oo Harar tagta ayaa waddada loogu magacdaray (Harargeysa, tii Harar na geynaysay ama geynaysay) .
Waxaa jira qoraal aanan arag oo uu qoray nin la yiraahdo Cabdirisaqq Caqli kaas oo uu Dr Baadiyoow soo xiganayo, kaas oo ka sheekaynaya Shiikh Madar iyo Hargaysa. Sidoo kale nin saxiibkay ah ayaa ii sheegay in nin Coomay la yiraahdo uu qoraallo ka sameeyay arrintaan. Waan jeclaan lahaa in qoraalladaas arko mar dhow. Si kasta oo ay tahayba waxaa marag ma doonto ah in sooyaalka Hargaysa iyo kii Shiikh Madar aan wali far la darin. Sidaas darteed ay waaajib tahay in maal iyo maskaxba la galiyo sidii loo qori lahaa sooyaalkaas qiimaha badan. Ku darso oo sannadka soo socda waxa uu ku beegan yahay 160 guuradii aasaaska Hargaysa, halkaas fursad ayaa ugu jirta rag badan oo wax qora.

TALO SOO JEEDIN

Qasab ma ahan in aad qoraa jaamici ah noqo si aad wax u qorto, qasab ma ahan in aad Af-Carbeed ama Af-Ingiriis ku hadasho si aad wax uga qortid degmada aad ku nooshahay ama tuulada qoyskiinnu dego. Qasab ma ahan in aad qoraal akadheemik qortid. Ogow qoraal walba oo aad maanta qorto ka na qortid mawduuc muhiib ah berri ayuu noqon doonaa mid qiimo leh, dadku maanta dhugmo wayn ma siin doonaan qoraal yar oo tuulo hebla ka soo qortay balse 60 ama boqok sannadood kaddib waxa uu noqon doonaa mid ay jaamacaduhu adeegsadaan ardayda badanna ay soo xigtaan. Ogow xattaa tuulada aad qoraalka ka qoraysid maanta dadka deggeni ahmiyas wayn ma siin doonaan qoraalkaaga berri tuuladdaas oo noqotay magaalo wayn ayaa ku faani doonta qoraalkaaga iyo adigaba waxa ay dadka magaaladu sheegsheegi doonaaan magacaaga iyo qoraalkaag maktabadaha oo dhanna waa uu oolli doonaa. Carruurtaada carruurta ay sii dhalaan ayaa ku faani doona in awoowgood qoraa ahaa.
Haddaba si aad qoraalkaas u qortid ma ahan dhib badan kaliya waqti aan badnayn u qoondee bil walba ama asbuux walba haddii aad awooddid.

Qor magaca tuukada kaddibna qor taariikhda maanta inta ay tahay. Kaddib qor sooyaalkii hore iyo kii dambe ee tuulada intii aad ka ogtahay, raadi qoraallo horay looga qoray haddii ay jiraan haddii aysan jirin dhib ma leh kaaga ayaa noqonaya kii ugu horreeyay. Ma sheekee sida magaca tuuladu ku baxay haddii aad taqaan, haddii aadan aqoon aysanna jirin qoraallo hore u tag dadka sooyaalka tuulada yaqaan sida odayaasha tuulada ku dhashay ama muddada dheer degganaa, aqoonyahan tuulada soo warayso, macallimiinta iskoollada iyo culimada masaajidda u tag oo waraysiyo ka qaad kaddib qor. Ka sheekee tirada dadka tuulad ku dhaqan inta ay dhan yihiin iyo heerarkii ay soo martay. Qor goobaha caanka ah ee tuulada sida, goobaha caafimaadka, masaajidyada, iskoollada, dugsiyada qur’aanka, saldhigayada ciidanka, iyo dhismayaasha caanka ah sida dhismaha ugu dheer iyo kii ugu horreeyay ee tuulada laga dhiso. Mid walba xus waqtiga la dhisay haddii aad heli kartid. Wax ka qor ardayda iskoollada iyo dugsiyada eax ka barta tiradooda.
Ka sheekee ganacsiga tuuladu heerka uu markaas jooga iyo heerarkii uu soo maray. Wax ka qor magaalooyinka waa wayn ee tuulada ganacsiga la leedahay iyo fiogaanta ay u jirto mid walba.

Intaas marka aad samaysid sow buug dhan ma haysatid? Dabcan haa. Hadda waa in aad daabacdid, haddii aysan tuuladu madbacad lahayn aad magaalooyinka waa wayn ee madbacadaha leh, haddii aadan hayn lacagta daabacaadda saaxiibbadaa iyo madalaha akhriska iyo qoraalka gacan waydiiso.

Wixii khaldan waad sixi kartaa waadna igu dhaliili kartaa wixii aan gefay.

W|Q; Cali M. Diini

SHARE