Home Qoraallo Doqonniimo waa shil! W/Q: Cabdisalaam M. Xersi

Doqonniimo waa shil! W/Q: Cabdisalaam M. Xersi

0
SHARE

Doqonniimo waa shil!

Doqonimadu  waa garasho gaabni, habacsanaan, damiir iyo dareen yari, fiiro la’aan, Go’aan xumo, fooJignaan  la’aan, iyo fulaynimo isku biiray, waxay dhashaa  oo ay bah wadaagaan han yari, meel xun joognimo, caadaqaatenimo, nac iyo quuri weyto.

Doqoniimadu waa cudur aan laga bogsoon oo waa hore ayay buuniyaasha fayoqabku gacanta ka taageen in ay dhaahin karaan , waana  ku daaleen in ay la xal u heli karaan amaba wax un ka qaban karaan, in aysan dhaahin karin ka sakoow,doqonimadu murtida soomaaliyeed aad bay u qeexday, oo looga hadlay dhinaca suugaanta, tusaale: hees hal-xiraale u  badan oo cumar dhuule  iyo marsul isla qaadi jireen , heesto hal xiraale yaal badan ayaa   ku jira waxaana su’aalo isku dhaafsanaaya labada fanaan mida ugu muhiimsana ana waa uu ahaa hal xiraale ay maryan mursal waydiisay Cumar dhuule oo aha:

Cudurkii ku doorshee

Dadkuu helana aan dilin

Ee aan daawo yeelan ii sheeg?

Warcelinta cumar dhuule ku warcelinaayo waxay noqonaysaa:doqonimada weeyaan.

Sidoo kale doqonka   waxaan ku tilmaami karnaa qof uu illaahay dhammaystiray xag jireed iyo maskaxeed balse  aan caqligiisa iyo awooddiisa jireed u adeegsan sidii haboonayd ee Illahay faray ama bulshada uu ku dhex noolyahay raaliga kaga tahay.

Doqonimadu waa dhowr qaybood oo kala duwan waxaase ugu  fudud , mida qof kaliya ku dhacda  waxaana ugu daran mida bulsho dhan  kor iyo hoos ka gasha kuna baahda dad iyo dal meel wada degan,  doqonimadu inta ay qof ku kooban tahay wax yeeladeedu ma badna, markase ay soo butaacdo ama soo fatahdo waxay cuuryaamisaa dadka soo dhoweeya.

Doqonku  waa qofka Aan aqoon iyo garaad badan lahayn, waa nacaska aanu ugu yeerno dabbaalka, waa seegganaha dantiisa aan aqoon,  gafsanaha yoolashiisa daba maraha  ku hawlan waxaan waxba kasoo galayn, soomaalidu in badan ayay ka maahmaaday doqonta iyo garaad yarideeda  waxayna yiraahdaan oo halqabsi u ah :

Doqoniimo waa shil!
  • Doqon alle bariday xeradeeday ka aragtay.
  • Doqon dib bay wax ka garataa.
  • Doqon ha u gargaarin hana gargaarsan.
  • Doqon nebi Muusaa habaaray
  • Doqon qaddar alla taqaanna qulucdaada looma dhiibto.
  • Doqon sokeeye maaha.
  • Doqoneey dabkaa ba
  • Doqoni amaan aysan lahayn bay u rixisaa.
  • Doqoni cad ciid loogu riday cay bay mooddaa
  • Doqoni calaf ma leh.
  • Doqoni haddii la xifaaltamo in la is diriray bay mooddaa.
  • Doqoni hoosiis bay hadh mooddaa.
  • Doqoni meeshii la isku diriray uun bay ogeyd, meeshii lagu heshiiyeyse ma oga.
  • Doqoni qiiq kama kacdee daamankay meer meerisaa.
  • Doqoni saaf carro loogu riday, sad bursiinyo ma mooddo
  • Doqoni waxay leedahay laba iyo toban indhood, hal mid waxay ku aragtaa shisheeyaha 11 waxay ku aragtaa sokeeyaha
  • Doqoni xarigga lagu xiri xusulladay ku sidataa.
  • Doqoni xin mooyiye, xisaab ma oga.
  • Doqonniimo waa shil.
  • Doqonkii lumay oo la soo helay wuxuu yiri; “Maxaa la iiga farxi berriba waan lumiye.
  • Doqonta usha agteedaa lagu dhuftaa haday garan waydana goshaa loo geshaa.
  • Doqontu afka xanbay ku sidaa ishana xil.
  • Doqontu hadalkay dib u gocotaa*
  • Doqontu xeerna ma hoyso, xoolana ma hoyso.

Intaan oo maahmaahood waxa ay soomaalidu ku qeexday habdhaqanka iyo qaab nololeedka doqonniimada, waxaana ay si togan uga hadlay guud ahaan sida ay u liidan tahay doqontu.

Doqonniimadu waa dareen la’a is moog nacab iyo cadowna kalama taqaano doqontu, nacabkeeda ma wax yeelayso ee xigtayday ku meeraysataa, hori wayto iyo is cajabiska ayaa ku badan doqonta,  waxay kala oo soomalida hal qabsi u ah: “doqon ha u gargaarin hana gargaarsan”halqabsigaani waxa uu muujinayaa sida ay soomaalidu quusta uga taagan tahay qofka doqonka, soomaalida oo ah bulsho afka hadalkeedu badan yahay waxay dareenkooda ku cabiraan maah maah, iyo halqabsiyo ay iska dhaxlaan, si la mid ah taas sugaanta qaybaheeda kala duwan ayay mahadhooyinka iskugu tebiyaan, hadalkooduna waxa uu u badnaan jiray duur xul  iyo af gobaabsi, waana tan keentay in sugaanteenu nuxur yeelato.

Doqonimadu waa kala  jug culus tahay, oo kala dhib badan tahay waxaana ugu daran  tan  baahda ee safmareenka noqota, waa mid sannadahaan dadkeena ku soo badanaysa dabaysha  soo qaadayna aan gara la’ahay, waa mida keentay in bulshadeenu si gurracan gef iskugu raacaan, is qaban waayaan  isku fiirsadaan xummaanta, waa mid gardarrada in aan iskugu gargaarno keentay, doqonta waxaa ugu liidata mida gardarrada badan, ee aan laga nasana, waata soomalida maanta ku badan.

Sheekooyinka ku saabsan doqonimada waxaa ugu maad badan, mid nin boqor ka ahaa wadan laga sheegay, boqorkaasi waxa uu ahaa  nin bulshada uu hoggaanka u hayo aad u dhibaateeya, xoogna ku maquuniya, ma ahan nin caqli iyo garasho arrimaha ku maareeya, balse waxa uu ahaa nin awood adeegsiga aad uga danbeeya, bulshaduna waa garwaaqsanaayeen xukun jaceylkiisa iyo caqli qaloocnidiisa,  rag ka mid ah ragga la shaqeeya ayaa odaygii u fikiray, waxayna ka dhaadhciyeen si uu awoodiisa u muujiyo una dareensiyo shacabkiisa in cid ka awood saraysaa aysan jirin in uu maalin cad sanab ay dadku jeclaayeen meel bulshadu iskugu timid ku gaadsho, haddii uu sidaas sameeyana waxaa dhici doonta in asaga bulshadu si wayn u jeclaan doonto, ninku  doqonbuu ahaaye arrintii waa ku dhaqaaqay waxa uuna iskugu yeeray bulshadii sidii kaaliye yaashiisu fareena waa sameeyay, balaayaso waxay ka dhacday markuu bilaabay in uu  sanabka ku kaadsho dadkii ku hareeraysanaa ciidankiisii waa ka celin waayeen halkii ayaana lagu dilay, doqonkaasi waxa uu garan waayay in aamminaadu wax walba ka awood badan tahay, waxa uu garan waayay in bulshadu waxa ay jeceshay loo tixgeliyo lana qiimeeyo, waana ku baxay sidii ay rabeen la taliye yaashiisuna way u dhacday.

Doqonnimadu waa mid saameynteedu keento in bulsho dhammi u riiqanto oo ay ka soo kaban weydo, dalow iyo meel shalow ah oo doqoni ka riday, haddii aad doqon hormuud ka dhigato waa geerida diraca iyo god galka dadweynaha.

Gabagabo

Maahmaah soomaliyeed  ayaa tiraahda  “ Geel duqdiisi durdurisay aarankiisana maxaad moodi” Haddii bulshada iyo dadweynuhu iska hormariyaan oo dorbidaan nin liidka iyo doqonka, hubaal in doqonkuna sida uu doono yeelayo.Hoggaamiyuhu  cirka kama soo dhaco ee waxa uu ka soo baxaa bulshda, haddii bulshadu bulsho  wacan tahay hogaayie wax tar leh ayay dooranayaan haddii kalse mid dumiye oo doqon ah.

W/Q: Cabdisalaam M. Xersi

SHARE