Home Curis GARBADUUB Q23AAD W/Q: Cabdiraxiim H. Galayr

GARBADUUB Q23AAD W/Q: Cabdiraxiim H. Galayr

0
SHARE

GARBADUUB Q23AAD

Bile dheere waxa uu isu diyaariyey inuu hawlgalkiisii u dhaqaaqo oo duulaan ku qaado, deegaamadii loogu sheegay Guhaad, markuu is diyaariyey ayaa waxaa yimid xeradii Huruuse oo isna nafta dhibaya, balse, waxaa ku dhaartay kuna xila furey inuusan raacayn adeerkiis.

Bile ayaa yidhi: Huruusoow madi baad tahay gabdho maahine rag kulama dhalan, aniguna walaalkay baan kaa dugsadaa, adeer reeraha ogoow aniga ayaa ciidanka hoggaaminaya, adiguna taliska iyo reeraha ogoow, ninkaasna ama madaxiisa ayaan keeni ama isaga oo nool.

Huruuse ayaa hadalka ku yara celceliyey, balse, markii horeba dhab kama ahayne waayahay iyo hawraarsan adeer guul baan kuu filayaa ayuu warkii ku jaray.

Waxaa heegan la geliyey ciidan aad u badan oo awood ciidan ku duulo aysan waxba ka maqnayn waxaana si gaar ah loo soo xulay rag tabbobarkoodu aad u sarreeyo oo la odhan karo waa kuwii ugu birlabsanaa qaybta Baarcad.

Hoggaanka guud ee ciidanka waa Bile dheere, unug walba, koox walba, hurin walba iyo urur walba loo xil saaray nin hoggaanka ku fiican, waxaa Bile dheere diyaariyey, kooxdii farsamada yaqaaniin gaadiidka iyo hubka, si haddii baabuur xumaado ama qori xumaado ay durtadiiba u habeeyaan,waxaa la diyaariyey kooxdii isgaarsiinta iyo warlaliska ku hawl lahayd, waxaa la diyaariyey kooxdii sahanka iyo hagida ciidanka.

Ciidankii ayaa laysugu keenay intii aaaney bixin xerada badhtankeeda waxaana cod baahiya gacanta lagu qabsado isla dhex taagay Bile dheere, wuxuu hadalkii ku bilaabay:

“ Waxa aynu gelaynaa duulaan, duulaankan iyo gulufka aan maanta u kicitimaynaa waa mid aynu dalka kaga saarayna colka midabka soomaaliyeed leh ee shisheeyaha dabadhilifka u ah ee xabashida ku daaban iyo xabashidaba.

Dalkeennu wuxuu ku gam’ aa waa idinka waxaad tihiin daljiraha dalka loo carbiyey inay col walba iyo cid walba oo soohdimaheena dhib ka wada ay gacan bira ku qabtaan, midkii dhinta gobonnimo ayuu ku dhintey, midka noolaadana gobonnimo ayuu ku noolaanaya.

Ogaada oo ka digtoonaada, dadka reer miyiga ah ee halkaas degan maaha dad soomaalinnimo ku jirto ama qaranimo, maaha dad dal jacayl iyo walaalnimo inoogu jirto, hantidooda iyo xoolahoodu idinkaa iska leh, cidna weydiisan maysaan, hub kaad ku aragtaan dila, kii aad tuhuntaan xidha, kii idinla dirira dila

Ciidankii ragna waa u guuxeen hadalka taliyaha ragna madmadoow baa galay, waayo jabhadda la dagaalan waa gar, xabashi la dagaallana waa gare, maxay reer miyigu galabsadeen ayay is weydiinayaan?.

Waxaaba jira rag ay hawshooda tahay oo magaalada lafteeda dhaca iyo boobka ka wada, una awood sheegta dadweynaha, kuwii ayaa haddana loo sii oggolaaday inay siday doonaan yeelaan “Ninkii ba’ naayoow hortaa bannaan

Waxaa waaberigii ammin ku aadan tukaasha arooryo loo soo dhaqaaqay dhanka koonfur galbeedka xiga ee deegaanka Baarcad, waxaa majiiraha ciidanku yahay inay saldhigtaan tuullooyinka  Geed qallooc, Bali Xagar iyo Fardaale.

Ciidankii Jabhaduna waa ka war heleen in lagu soo maqan yahay oo duulaan culus dhankooda u soo ruqaansaday, markaasay iyaguna isu diyaariyeen duulaan dhinac kale ah.Oo  Dhammaan dhulkii lagu soo maqnaana waa baneeyeen, agabkoodiina waa ka gurteen.

Guhaad iyo Dirir waxaa la keenay xaruntii Jabhadda oo ku taal badhtamaha soohdin beenaadka dhulka soomaali galbeed magaalada Ceelmaajeenoo aysan awood u lahayn ciidanka dowladdu inay gaadhaan.

Markii ay soo galeen  madal si ballaadhan loo fadhiyo, oo rag dhar ciidan hu’goodu yahay iyo kuwa dhar isku joogyo kala duwan xidhan, waa  rag da’doodu u dhaxayso 40-70 jir oo da’ walba leh, waxa ay fadhiyaan qol ballaadhan oo wanbaro(Kursi) afar lugood ah iyo Agabsaaro (Miis) badan ku wareegsan yihiin calan aan kii dalka ahaynina uu meelaha u sudhan yahay.

Waxaa loo soo dhaweeyey si diiran weliba waa laysu wada taagay, oo si kal furnaan ah ayaa loo gacan qaaday mid mid, sidii madax iyo duubab  madal laga sugayey yimid oo kale.

Dirir ayaa gartay rag badan oo ay hore qaarkoodna u soo wada hawlgaleen, qaarna aqoonin ahaayeen, oo dhammaan qaybaha kale duwan ee laamaha dowladda ka soo shaqeeye. 

Raggan ayaa dalka ka soo noqday, wasiiro, agaasimayaal, maareeyayaal, taliyayaal, ergay dibadeed.

Markan waxba lama weydiin oo wareysi dambe uma hadhin, warkooda mid qalow ku soo gaadha iyo mid dhanba waa loo soo gudbiyey, intaan golaha la keenina raggii waday ayaa si weyn uga warbixiyey.

Habeenkii guri baa la dejiyey maalinimadii dambe ayaa looga warramay duulaanka ku socda dhulkay soo mareen iyo cidda hoggaaminaysa, Guhaad baa ciil cunuhu kala go’ay isagoo dareenka laabtiisu u hureyso sida dheri karkii ka batay ayuu is weydiiyey weli  ma Bile Dheere daba socdo?.

Rag badan oo gashan dharka ciidanka oo sarreeyayaal, Gaashaanleyaal direyskoodu yahay dhar ka duwan kii uu yaqaanay Guhaad oo u eg ciida iyo kuwa cagaar ah ayaa barqannimadii u yimid.

Guhaad waxaa loo sheegay in ay lagama maarmaan tahay inuu la shaqeeyo oo ku soo biiro  kana mid ciidanka gobonnimo u dirirka ah ee la dagaallamaya ciidanka horrorka ah ee gaashaanbuurtu hoggaamiso.

Guhaad wuxuu u sheegay in uusan reerkoodi meel ku ogeyn, ammin dheerna ay kala maqnaayeen hooyadii iyo walaalihii, sidoo kale waxaa uu ku cataabay in ilaa intuu xidhnaa xaaskiisi aanu  arag, ogeyna nolol iyo geeri  meel ay ku sugan tahay iyada iyo qoyskeedi.

Raggii baa nin weliba u sheegay goorta ugu dambeysay xaas iyo carruur iyo qoys, waxaa hadalay gaashaanle Gafane oo yidhi:Waxaa lagu jiraa halgan waa naf hur, reerkiina  erga raadisaan u direynaa, xaaskaagiina sidoo kale, balse, hadda duulaan ayaa ina soo saaraan dadkii reer miyiga ahaana waa la dhammeeyey, xaalku wuxuu marayaa meel halis ah waa inaad  halganka nagala qayb qaadataa.

Dirir ayaa isna dhinaciisa ka galay, oo u sheegay in hadduu ciidan ahaan lahaa ama sidiisa u da’ yaraan lahaa inuusan laba labeeyeen ee uu hore ka geli lahaa halganka.

Guhaad waa yeelay  waxaana loo soo bandhigey inuu dagaalka ka qayb galo, loona dhiibayo laba urur oo hubeysan,  marka dagaal jirona inuu ciidanka hoggaamiyo, marka kalena inuu tabbobar wanaagsan siiyo maxaa yeelay  waa nin weli awooddi ciidan ku dambayso maskaxdiisuna furan tahay oo laga war hayo weliba dhinaca hoggaaminta ciidanka dhulka inuu halis ku yahay.

Ciidankii Bile dheere waxa ay degeen duleedka Bali Xagar, waxa ayna dibindaabyo, dhac boob, dil, kufsi ku bilaabeen dadkii deegaanka ee reer miyiga ahaa.

 Kaddib dadkii oodhana waa qaxeen oo ka hayaameen deegaanki, waxa ay u firdhadeen dhinaca soohdinta fog ee soomaaligalbeed si ay uga badbaadaan ciidanka dowladda.

Waa qaabkii uu rabay Kediye una sheegay Bile dheere inuu sameeyo. Saddex qof oo mid yahay Sheekhii iyo wadaadkii tuulada, nin waalan iyo nin kale oo duq ah ayaa ku hadhay tuulada.

Waxaa soo qabtay ciidankii, kaddib sidii ay u hirikaabinayeen oo hadba dhulka ugu jiidayeen, waxaa la keenay geedkii weynaa ee dadku ku shiri jireen, markii la garaacay ee sheega hubkii iyo hantidii jabhadda la yidhi, iyagiina ku adkaysteen waxba kama ogin waxaas, ayaa mid walba inta xadhig qoorta loo galshay lagu daldalay geedki.

Arrintani waa cabsigelin lagu wado inay dadku baqaan oo baydadaan qof keliyana uusan isku dayin inuu ka soo horjeesto ciidanka dowladda.

Ciidankii Jabhadduna weerar kuma ay soo qaadin dhinacii ciidanka loogu sheegaye, waxa 

waxa ay afka saareen dhanka waqooyi bari ee gobolka Baarcad iyagoo u aaneynaya deegaanka Bile dheere, waxa ayna dab qabadsiiyeen dhammaan tuulooyinkii dadka reer miyiga ah ee taageersana dowladda ama kooxda gaashaanbuurta ragga hormuudka u ahi ka soo jeedeen.

Waxaa halkaas ku shuf beelay dad iyo hanti wixii ay haysteen, labada dhinacna ee dadweynaha baroorta ayaa isu yeedhay oo labadii ciidan midna waxba kama dhiman qolo weliba wax ay gumaad iyo xasuuq u geysatay dadweyne aan waxba galabsan oo hayb ama deegaan lagu aaneynayo.

Arrinkaas ayaa soo gaadhay taliskii iyo xaruntii Jabhadda balse, Guhaad ayaa aad uga cadhooday oo ku dooday inta aad magaalooyin iyo tuulooyin gubeysan dadweyne iyo dad xoola dhaqato ahna la laynayo anigu idinka mid noqon maayo, haddii kale anigu toos ciidanka ayaan ula dagaallamayaa ee waa inaan dadka aan waxba galabsan la weerarin.

Arrintaa waxaa eedeeda oogada loo saaray taliye Geeldoon iyo kooxdiisa, waana ay ka warwareegeen madaxdii jabhaddu inay wax ka ogaayeen, sidaa awgeed waxaa loo dhiibay ciidan  saddex boqol gaadhaya Urur buuxa iyo ilaa lix tikniko ah oo qoryaha Sekaawayaha loo yaqaan oo saaran baabuur Lankuruusaro ah iyo siiblayaal toyata.

Guhaad ayaa yidhi: Unug walbaa waa inay haysataa, Baasuuke RPG7ama RPG2 iyo qori boobe fudud ah, RPD,PKM,SK43 ama Baroon 30. Unugu weliba waa inay haysataa Bomb gacmeed iyoBombe taangi, Nabaal, waayo waxa aynu la dagaalamaynaa waa ciidan xooggan oo baabuur gaashaan wata, waa in aan awoodda saarnaa inaan baabuurta gaashaan gubno oo dhaawacno.

Taliye Tuke oo aan ka dheerayn ayaa aad ula dhacay ayaa isaga oo dhoola caddeynaya sacab u garaacay, markaasaa ciidankii oo dhammina gaardis iyo guux isku dareen.

Taliyayaashii  aad bay usoo dhaweeyeen, sida uu dagaal jabhadeedka iyada oo aan ciddi barin u yaqaan iyo qaabka uu shaxda ciidanka u dhigay sahanka iyo korjoogtada uguna kala qaybiyey ciidanka Afar garab oo kala ah, gurmad iyo weerar iyo dhabarjebin iyo raadca reeb waana laysku raacay.

Guhaad ayaa hadal dheer dardaaran iyo baararujin ah u jeediyey ciidanka.

“Dagaalku waa naf hur, waana inaad ogtahay waxa aad u dhimanayso, waxa aynu u dhimanynaa maaha inaan dhaqaale helo, inaan madaxnimo helo, inaan heer iyo kala sarreyn helno ee waa inaan gobonnimo gaadhsiino bulshada soomaaliyeed, halgankeenu waa inuu ahaadaa mid kal iyo laab ah, ninka dhintaa guul buu ku dhintey ninka noolaadana milge iyo maamuus.

Yaan la dhameystirin nin dhaawac ah, yaan la dilin nin la qabtay, yaan la dilin nin aan hub haysan, nin walboow xabbada aad ridayso hayska ridine ku hubso halka aad la rabto, guushu waa inaga oo wadnaheenna u sheegna inaan gobonnimo doon nahay, ninkii baqa isagaa ciidanka jebiyey, geesinnimadu waa in yar oo aad cagaha dhulka ku xejiso”

Kaddib waxaa la diyaariyey dhammaan agabkii iyo sahaydii ciidanka, hubkii iyo rasaastii intii ay awoodeen, helina kareen maalintaas.

Waxaana jabhadda oo weerarkoodu u badnaa ku dhufo oo ka dhaqaaq, markan ay u qalab qaateen in weerarkii ugu horreeyey ee foolka foolka ah goroda lays daro.

Ciidanka Guhaad lagu daray maaha ciidan hore oo sidiisa ah, balse waa dhallinyaro tabbobar dhawr bilood ah qaatey dhawr jeerna dagaalo iyo weeraro jid gooyo iyo gaadmo ah ka qayb galay, waa dhallinyaro dhammaantood ninba si ku yimid oo dhaarsan, ciishaysan kaddibna qolyihii jabhadduna ku sii beereen nacayb ka qotodheer kii ay markii hore qabeen, waa rag ay u dhaxeyso da’doodu 15 jir ilaa 30, badankoodu waxa ay ka yimaadeen dhinaca magaalooyinka, halka qaarkoodna miyiga ka yimaadeen.

Bile dheere markuu oggaaday in uusan ninkii meesha joogin oo galbaday ayuu taliye Dhuxuloow oo markii hore meesha joogay iyo raggii kale ee la socday  talada ciidanka u xil saaray una sheegay in uu toddobaad kaddib soo noqonayo.

La soco qaybaha kale…………………..

W/Q: Cabdiraxiim H. Galayr

SHARE