Home Qoraallo Calaamadaha Mu’miniinta, Gaalada iyo Munaafaqiinta. Waxaa dhigay Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan,...

Calaamadaha Mu’miniinta, Gaalada iyo Munaafaqiinta. Waxaa dhigay Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

0
SHARE
بسم هللا الرحمن الرحيم الحمد هلل والثناء هلل وصلى هللا على سيدنا وموالنا محمد وعلى آله الطاهرين الطيبين وسلم تسليما كثيراكلما ذكره الذاكرون وغفل عن ذكره الغافلون، أما بعد، Iimaanka iyo gaalnimada iyo munaafaqnimadu qalbigay ku jiraan, waxaase lagu kala gartaa wuxuu qofku ku hadlo ama uu sameeyo. Calaamadahaas ayaa lagu kala aqoodaa. Calaamadahaas ayaan wax ka sheegeynnaa. Munaafaqo gaalka waa ka xun yahay oo afkana waa ka muslin, uurkana waa ka gaal, markaasay muslimiintu ku dhagmayaan oo waa cadaw ku dhex jira. Ilaahayna wuxuu noogu sheegay Quraanka Kariimka ah inuu munaafaqo meesha ugu hoosaysa ee naarta ku jiro, ahna meesha ugu xun. Calaamada Mu’miniinta Ilaahay Subxaanahu wa Tacaalaa\وتعالى سبحانه هللا wuxuu Suuratu Al Baqarahالبقرة سورة ku yiri: َ {بسم اهلل الرحمن الرحيم. الم )1( ين ِ تَّق ُ ْم ل ِ ًى ل د ُ يهِ ه ِ ْ َب ف ي َ ُب ََل ر ا َ ت ْكِ َك ال ِ ( َذ 2ِ ب ل ْ ي َ ْغ بِال َ ُون ِمن ْ ُؤ ي َ ين ذِ َّ ( ال ( َ ُون ق ِ ف ْ ن ُ ي ْ م ُ اه َ ْن ق َ ز َ ِمَّما ر َ َ و ال َّصََلة َ ون ُ يم ِ ق ُ ي َ و 3ِ )ة َ ِخر ْْلَ بِا َ َك و ِ ل ْ ب َ ق ْ ِزَل مِن ْ ا أُن َ م َ ْ َك و َي ل ِزَل إِ ْ ا أُن َ بِم َ ُون ِمن ْ ُؤ ي َ ين ذِ َّ ال َ و ( َ ُون ُوِقن ي ْ م ُ َ ه 4( ُون ِح ل ْ ف ُ ْم ال ُ م ُ َك ه ِ َئ أُول َ و ْ ِّب ِهم َ ْ ر ًى مِن د ُ َى ه ل َ َك ع ِ ( أُول 5َ {)ئ “Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi. Aliflaammiim(1) Thaalika Al Kitaabu laa rayba fiihi hudan lil muttaqiina(2)Allathiina yu’minuuna bi al ghaybi wa yuqiimuuna al ssalaata wa mimmaa razaqnaahum yunfiquuna(3)Wa allathiina yu’minuuna bimaa unzila ilayka wa maa unzila min qablika wa bi al aakhirati hum yuuqinuuna(4)Uulaa’ika calaa hudan mmin Rabbihim wa uulaa’ika humu al muflixuuna(5)”. Aayadaha macnohoodu waxaa weeye: “Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi\الرحيم الرحمن هللا بسم .Aliflaammiimالم . Kitaabkaas Quraanka ah shaki kuma jiro inuu Ilaahay agtiisa ka yimid , uuna xaq run ah yahay. Quraankuna waxaa ugu sugan hanuun kuwa Ilaahay ka dhawrsada. Taqwana\التقوى waxaa la yiraahdaa waxaad isaga dhigtid oo iska xijisid waxaad kahanayso sida naarta oo kale. Calii bin Abii Dhaalib\طالب أبي بن علي, Calayhissalaamu, wuxuu yiri: “إذا اشتد البأس اتقينا برسول هللا صلى هللا عليه وسلم.” “Ithaa ishtadda al ba’su itqaynaa bi Rasuuli Allaahi Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.” 3 Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: “Markuu xarbigu kululaado oo gacanta la isula tago, ayaan waxaan cadawga isaga dhigi jirnay oo aan ayaga xijin jirnay oo aan annaga iyo ayaga dhexdeena yeeli jirnay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, annagoo gadaashiisa ku sugan.” Marka ninka muttaqiga\المتقي ahi wuxuu cathaabta Ilaahay isaga dhigaa oo iska xijiyaa isagoo adeeca awaamirta Ilaahay, kana fogaada wuxuu ka reebay. Cumar\عمر ayaa wuxuu Kacb Al Axabaar\األحبار كعب ku yiri: “Taqwada\التقوي nooga warraan.” Markaasuu wuxuu yiri: “Ma martay dariiq qodax leh?” Wuxuu yiri: “Haa.” Wuxuu yiri: “Maxaad hadaba fashay?” Wuxuu yiri: “Waan is ilaaliyay oo aan maradana xaytay si ayan qodaxi iiga qabsan, aanna faraha fooddooda aayar ku socday.” Kacb bin Al Axbaar\األحبار كعب wuxuu yiri: “Taas weeye taqwaduالتقوي”. Ilaahay ayaa noo tilmaamaya sifooyinkay leeyihiin muttaqiintum\المتقين wuxuuna yiri: “Waa kuwa aamina oo rumeeya ghaybka\الغيب oo ah waxaadan u jeedin oo aadan indhihaaga ku arki karin laguse amray inaad rumeysid inay jiraan oo run yihiin, sida Ilaahay Cazza wa Jalla\وجل عز هللا ,Malaa’igta, bacthiga\البعثة ,Jannada, Naarta, siraadka\الصراط iyo miizaanka\الميزان .Iimaan waxaa la yiraahdaa, xagga shareecada inaad qalbiga ka rumeysid, carrabkana aad ka qirtid, xubnahana aad ku meel marisid oo ku sameysid qaybaha iimaanka. Muttaqiintu waa kuwa salaadda ooga, zakada maalkoodana bixiya, waxaan ku rizqinayna wax ka bixiya oo sadaqo ka bixiya. Waana kuwa rumeeyey waxa adiga lagugu soo dejiyay, oo ah Quraanka kariimka ah iyo Sunnada Carfoon ee Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, hubana oo rumaysan maalinta aakhiro. Kuwaasu waxay ku taagan yihiin hanuun uga yimid xagga Rabbigood, kuwaasuna waa kuwa liibaanay.” Calaamadaha gaalnimada Calaamadaha soo socda waxaa iska leh, oo laga helaa, qofka gaalka ah. Qofkii muslim ahaan jiray oo laga helana, Diintii Islaamka wuu ka baxay, oo waa gaal, hadduu raba ha tukado, oo ha soomo oo ha cibaadeysto. Jaamacadda Azhar ee Qaahira\بالقاهرة األزهر جامعة ku taal, dalka Masar\مصر ,waxay soo saarta Kitaab la yiraahdo “Bayaanun linnaas\للناس بيان ,“oo ah “caddeyn dadka la siinayo”, oo arrimo muhim Diintooda u ah loo caddeynayo. Kitaabkaasna waxaa allifay Al Imaamu Al Akbar Shaykhu Al Azahar Jaadu Al Xaqq Calii Jaadu Al Xaqq األكبر اإلمام 4 guddoomiyaha ahaa oo, naxariistee u Allaha شيخ األزهر الشيخ جاد الحق علي جاد الحق رحمه هللا\ jaamacaddaas. Kitaabkaasna wuxuu ka mid yahay muqarrarka\المقرر ,waa kutubbada ardada wax laga baro ee isla jaamacaddaas. Kitaabkaas juzkiisa labaad, bogga 146 iyo 147 wuxuu cadeynayaa calaamada gaalnimada, iyo waxa qofka sameeya, hadduu muslim ahaa uu diinta uga baxayo. Calaamadahaas waxaa ka mid ah: Kow. Qofka inkirah , oo aan rumeyn, arrin lagama maarmaan ah in la rumeysto, oo iimaanku waajibinayo, sida waajibnimada tukashada Salaadda, in qof la dilo inay xaaraan tahay, iyo wixii la mid ahba. Laba. Qofka xalaaleysta, oo sida ayadoo xalaal ah ugu dhaqma, wax la isku wada waafaqsanyahay inay xaaraan yihiin, sida zinada. Saddex. Qofka xaarantimeeya wax la isku wada waafaqsanyahay inuu xalaal yahay, sida cunnada xalaasha ah. Inkiraaddaas waxaa caddeynaya inuu qofkaasi ama afka ka yiraahdo oo qirto, ama uu tilmaamo, ama uu dhigo oo qoro. Tusaale ahaan: Afar. Haddii qofka la weydiiyo: gaal miyaad tahay? oo uu madaxa horay usoo ruxo. Shan. Haddii qofka la weydiiyo: Ilaahay ma rumeysantahay? Oo uu madaxiisa midig iyo bidix u ruxo ama uu gacanta maya uga tilmaamo, oo tilmaamahaas oo dhan kuwa dadku macnohooda isla wada yaqaannaan yihiin. Hindus, buddism, shintuism iyo kuwa la midka ahba, waa gaal. Qofkaan muslim ahaynba waa gaal. Yuhuuddu waa gaalo, sida ay noo sheegtay Aayadda soddonaad ee Suuratu Tawbah سورة :توبة\ ه َِّ ُ { الل ْن اب ٌ ْر ي َ ُز ُ ع ود ُ ه َ ْي ِت ال َ ال َ ق َ و )33{) “Wa qaalati al yahuudu Cuzayrun ibnu Allaahi(30).” Aayadda macneheedu waxaa weeye: “Waxay yiraahdeen yuhuuddu: “Cuzayr\عزير waa wiilka Ilaahay”. Krishtaanku waa galo, sida ay noo sheegeen Aayadaha laba iyo toddobaatan iyo saddex iyo toddobaatan ee Suuratul Maa’idah\المائدة سورة: } َ َر ْ َكف َد َق ل َ م َ ي ْ ر َ م ُ ْن اب ُ ِسيح َ ْم ال َ ُو َ ه ه َّ ُوا إِ َّن الل ال َ ق َ ين ذِ ال )22َّ {) “La qad kafara allathiina qaaluu inna Allaaha huwa Al Masiixu ibnu Maryama(72).” 5 Aayadda macneheedu waxaa weeye: “Waxaa gaaloobay kuwa yiri Ilaahy waa Al Masiixu ibnu Maryama ابن عيسى المسيح .“مريم\ ِحٌد { ا َ ٌ و َه ل إََِّل إِ َهٍ ل إِ ْ ا مِن َ م َ َةٍ و َََلث ُث ث ِ َال ث َ ه َّ ُوا إِ َّن الل ال َ ق َ ين ذِ َّ ال َ َر ْ َكف َد ل } َق “La qad kafara allathiina qaaluu inna Allaaha thaalithu thalaathatin wa maa min ilaahin illaa Ilaahun Waaxidun(73).” Aayadda macneheedu waxaa weeye: “Waxaa gaaloobay kuwii yiri Ilaahay waa seddex midkood, Ilaah keli ah mooyee Ilaah kalena ma jiro”. Gaalku haddii uu islaamo, oo gaalnimadii ka tawbad keeno, intii uu noolyahay, oo aan sakaaratkii dhimashadu u imaan, dambigiisii hore oo dhan Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa\وتعالى سبحانه هللا ,waa ka dhaafayaa, haddiise uu gaalnimo ku dhinto laga dhaafi mayo, wuxuuna ku waarayaa Naarta Jahannamo\جهنم نار. Lix. Hadduu diido, oo isagu doortay, inuu ku dhawaaqo labada Shahaaado. Toddoba. Qofka Diinta caaya. Sideed. Qofka Quraanka Kariinka ah dura, oo wax ka sheega. Sagaal. Qofka Sunnada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dura oo wax ka sheega. Toban. Qofka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ama Nabi Nabiyada Ilaahay ka mid ah dura oo wax ka sheegah. Kow iyo toban. Qofka sanam u sujuudah. Laba iyo toban. Qofka Kitaabka Quraanka ah liida, sida inuu meel xun oo wasakh ah ku tuuro, ama lugihiisa uu kor saar oo ku joogsado. Saddex iyo toban. Qofka yareysta oo yasa Rasuulkii Ilaahay, Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, qof ahaantiisa ama Rususha kale oo Ilaahay soo diray. Afar iyo toban. Qofka yareysta oo yasa magac ka mid ah Magacda Ilaahay. Shan iyo toban. Qofka yareysta, oo yasa, amar ka mid ah awaamirta Ilaahay. 6 Lix iyo toban. Qofka yareysta, oo yasa, wax ka mid ah waxyaalaha Ilaahay dadka ka reebay. Toddoba iyo toban. Qofka yareysta oo yasa ballamada wanaagsan oo Ilaahy qaaday (sida mu’minku inuu janno gelayo). Sideed iyo toban. Qofka yareysta, oo yasa, gooddiga Ilaahay (sida inuu gaalku Naar gelayo). Sagaal iyo toban. Qofka diidah, oo iskala weynaada amar Ilaahay. Labaatan. Qofka run ahaashaha amarka Ilaahay dura, oo beeniya, sida Ibliis uu u diiday amarkii ahaa inuu Aadam\آدم u sujuudo, ama yuhuuddu u beenisay oo u diidday xukunkii Tawraad\التوراة ku qornaa oo ahaa qofkii isagoo guursaday hadana zinaystah, in la rajmiyo oo dhagax lagu dilo intuu ka dhinto. Kow iyo labaatan. Tegidda badan ee kaniisadohooda, ciidohooda, iyo u dhaqanka sidooda oo kale. Marka, waa inuu qof walba is ilaaliyaa, inuusan la imaan arrimo sameyntoodu la sahlantahay, waxa ka imaanayana ay aad u weyn yihiin, oo uu diintaba uga baxayo. بسم هللا الرحمن الرحيم Macnaha nifaqa iyo munafaqnimada Shiikha Jaamacadda Al Azharee Qaahira\بالقاهرة األزهر جامعة شيخ Jaadu Al Xaqq Calii Jaadu Al Xaqq\الحق جاد علي الحق جاد ku taalla dalka Masar\مصر wuxuu kitaabkay Jaamacaddu soo saartay ee cinwaankiisu yahay “Bayaanun lilnaasi\للناس بيان “juzka koowaad bogga boqol iyo sadex iyo konton uga hadlay Nifaaqa\النفاق ,wuxuu yirina waxaa ka mid ah: “Nifaaqu\النفاق waxaa weeyey in la muujiyo wax khilaafsan oo ka duwan waxa uurka ku jira, xagga shareecada waxaa magacaas la yiraahdaa nifaaqa\نفاق caqiidada iyo nifaaqa \نفاق camalkaba. mid kastoo labadaas ka mid ahba waxaa jirta inuu qofku muujinayo khilaafka waxa uurkiisa ku jira, oo wuxuu shareecada ka gelayaa albaab wuxuuna ka baxayaa albaab kale isagoo doonaya inuu khayr kasbado sharna iska celiyo. 7 Quraanka Kariimka ah Quraankuna wuxuu munaafaqa ku magacaabay faasiq\فاسق ,sababtoo ah inuu sharciga ka baxay, siduu Ilaahay u yiri: ( } َ ُون ِسق ا َ ْف ال ُ م ُ َ ه ين ِ ق ِ اف َ ن ُ ْم إ 72َّ ِ {)ن ال “Inna al munaafiqiina humu al faasiquuna” oo macneheedu yahay, waana Aaydda toddoba iyo lixdanaad ee Suuratu Tawbah سورة :التوبة\ “Munaafiqiintu ayagaaba ah faasiqiinta.” Faasiq\فاسق waxaa la yiraahdaa qofka daacadda Ilaahay Tacaalaa\تعالى هللا ka baxay. Ilaahay Tacaalaa\تعالى هللا wuxuu Aayadaha boqol sideed iyo soddon ilaa boqol kow iyo afartan ee Suuratu Al Nisaa’i\النساء سورة ku yiri: { ا ) ً يم ِ ا أَل ً َذاب َ ْ ع م ُ َه بِأَ َّن ل َ ين ِ ق ِ اف َ ن ُ ْم ِّشِر ال َ ب 131 َ ُون َغ ت ْ ب َ أَي َ ين ِ ِمن ْ ؤ ُ ْم ُوِن ال د ْ مِن َ اء َ لِي ْ أَو َ ِرين ِ ْ َكاف ال َ تَّ ِخُذون َ ي َ ين ذِ َّ ( ال ا ) ً يع مِ َ هِ ج َّ ل ِ ل َ َّزة ْعِ ِإ َّن ال َ ف َ َّزة ْعِ ال ُ م ُ َه د ْ ن ْك ِع 131ِ ِي ال ف ْ ْ ُكم َي ل َ َّزَل ع َ ن ْ َد ق َ ( و ا َ بِه ُ َر ْكف ُ ي هِ َّ ِت الل ا َ َآي ْ ُم ت ْ ع مِ َ َذا س إِ ْ ا ِب أَن َ ت َ ه َّ إِ َّن الل ْ م ُ ُه ْل ث ًذا مِ إِ ْ ُكم ِرِه إَِّن ْ ٍث َغي ي دِ َ ِي ح ُضوا ف َ ُخو تَّى ي َ ْ ح م ُ ه َ ع َ ُوا م د ُ ْع ق َ َََل ت ا ف َ أُ بِه َ ز ْ َه ت ْ ُس ي َ َ و ين ِ ق ِ اف َ ن ُ ْم ال ُ امِع َ ج ا ) ً يع مِ َ ج َ نَّم َ ه َ ِي ج ف َ ِرين ِ ْ َكاف ال َ و 143 )ا ْ ُكم َ ع َ ْ م َ ُكن ن ْ َم ُوا أَل ال َ ق هِ َّ الل َ ٌ مِن ْح ت َ ف ْ َ ُكم ل َ ْ َكان ِإن َ ف ْ ُكم بِ َ ُصون بَّ َ َر ت َ ي َ ين ذِ َّ ل ْ ُك َح ي ُ ه َّ الل َ ف َ ين ِ ِمن ْ ؤ ُ ْم ال َ مِن ْ ْ ُكم َع ن ْ َم ن َ و ْ ْ ُكم َي ل َ ِوْذ ع ْ َح ت ْ َس ن ْ َم ُوا أَل ال َ ٌب ق ِصي َ ن َ ِرين ِ ْ َكاف ل ِ ل َ ْ َكان ِن ا َ َ و ي ِ ْق ال َ م ْ َو ي ْ َ ُكم ن ْ ي َ ب ُ م ةِ َ ام ًَل ) بِي َ َ س ين ِ ِمن ْ ؤ ُ ْم َى ال ل َ َ ع ِرين ِ ْ َكاف ل ِ ل ُ ه َّ َل الل َ ْع َج ي ْ َن ل َ و 141{) Aayadaha macnihoodu waxaa weeye: “Nabi Muxammadow, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, munaafiqiinta ugu bishaaree inay gelayaan cadaab xanuun badan((138).” Kaddibna Ilaahay Tacaalaa\تعالى اهلل wuxuu noo caddeeyey kuway munaafiqiintu yihiin, wuxuuna yiri Jalla Jalaaluhu\جالله جل: “(Munaafiqiintu) waa kuwa gaalada – yuhuudda iyo krishtaanka – u jaasuusa oo sirta muslimiinta u sheega si loogu wax yeelleeyo, madax iyo saaxiibo sokeeyana ka dhigta oo u hoggaansan gargaarna waydiista mu’miniinta sokadooda: kuwaasu ma waxay gaalada 8 ka raadsanayaa inay cizzi\عزة iyo xoog siiyaan iyo sarrayn? So ma ayan oga inuu cizziga iyo xooggu dhammaantiis uu Ilaahay leeyahay oo uu isagu bixiyo, cid kalena ayan hayn?”(139)Waxaana kitaabka korkiinna lagu dejiyay ku dhigan oo la idinku xukumay in haddaad maqashaan Aayaatka Ilaahay – sida Quraanka iyo axkaamta dhexdiisa ku sugan, Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam iyo Nabi Ciise Calayhissalaamu – oo lagu gaaloobayo laguna jeesjeesayo inaydan kuwa sidaas yeelaya aydnaan la fariisan, ilaa ay hadal aan kaas ahayn ku hadlaan, oo haddaad yeeshaan oo la fariisataan, hadana adinkuna ayagoo kale ayaad tihiin oo gaalo ayaad tihiin, xukunkooda oo kale ayaad adinkuna hoos gelaysaan, Ilaahayna wuxuu wada gelanayaa oo isugu keenayaa dhammaantood munaafiqiinta iyo gaaladaba naarta Jahannama.” Al Daxxaak\الضحاك wuxuu wariyay inuu Cabdu Allaahi ibnu Cabbaas\عباس إبن اهلل عبد Allaha isaga iyo aabihiisba raalli ka noqdee yiri: “دخل في هذه اآلية كل محدث في الدين وكل مبتدع إلى يوم القيامة.” Oo macnihiisu yahay: “Waxaa Aayaddaan soo hoos gelaya oo xukunkeedu qabanayaa kulli mid kasta oo diinta islaamka soo geliya waxaan lagu ogayn Quraanka iyo Sunnada iyo waxay muslimiintu isku raaceen inay sax tahay, ama diinta waxaan ka mid ahayn hindisa oo soo dhex geliya, ilaa maalinta qiyaame.”(140)Kuwaasu waa kuwa idiin qorshaynaya oo idinla dhawraya inay dhibaato idinku dhacdo, oo markaad guulaysataanna idin oranaya: “Soo adinka idinlama jirin annaguna?!” Hadday gaaladu idinka adkaadaanna oranaya, waana munaafaqiinta ayaa gaalada waxay ku leeyihiin: “Soo adinka idiinma hiillin oo idinma siin sirta Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam iyo asxaabtiisa, oo aad markaas sidaas uga adkaateen?!” Oo soo ma ihin kuwa, muslimiinta ah idinka celiyay, iyo inaad muslimiin noqotaanba?!” Ilaahay ayaana Mu’miniinta iyo munaafiqiinta kala xukumaya maalinta qiyaame, Ilaahayna gaalada uma yeelin inay muslimiinta xukumaan”(141): Cikrimah\عكرمة wuxuu wariyay inuu ibnu Cabbaasعباس إبن اهلل عبد Allaha isaga iyo aabihiisba raalli ka noqdee yiri: “أي حجة” Oo macnihiisu yahay: “Ilaahay gaalada xujjo uu uga adkaado muslimiinta oo uga kormaro, kuna xukumo ma siin.” 9 Wuxuu kaloo Ilaahay Tacaalaa\تعالى اهلل Aayadda kow iyo kontonaad ee Suuratu Al Maa’idah\المائدة سورة ku yiri: َ َ { ت ي ْ ن َ م َ ٍض و ْ ع َ ب ُ اء َ لِي ْ أَو ْ م ُ ْ ُضه ع َ ب َ اء َ لِي ْ َى أَو َصار الَّن َ َ و ود ُ ه َ ْي تَّ ِخُذوا ال َ ََل ت ُوا ن َ َآم َ ين ذِ َّ ا ال َ ا أَُّيه َ ي ُ ِإَّنه َ ف ْ ْ ُكم ن مِ ْ م ُ ه َّ ل َ و إِ ْ م ُ ْه ن م ) ِ َ ين مِ ِ ال الظَّ َ م ْ َو ْق دِي ال ْ ه َ ََل ي َ ه َّن الل 51َّ {) Aayadda macneheedu waxaa weeye: “Kuwiinna rumayayow, oo mu’miniinta iimaanka laga helay ahow, ha ka yeelanina yuhuudda iyo krishtaanka madax aad u hoggaansan tihiin oo aad gargaar waydiisataan, saaxiibbo dhow, hana u noqonina jaasuus oo sirta muslimiinta ha siinina, maxaa yeelay yuhuudda iyo krishtaanku ayagaa madax, saxiibbo dhow, gargaarayaal iyo jaasuus isku ah. Midka adinka idinka midka ah oo sidaas yeela oo madax iyo gargaare iyo saaxiib ka dhigta, una jaasuusa, kaasuu ayaguu ka mid yahay oo waa yuhuudi iyo krishtaan, xukunka ayaga la xukumo ayaa isagana lagu xukumayaa – Maxaa yeelay caqiidadooda iyo waxay ka diin yeeshaan ayuu jecel yahay, caqiidada muslinka iyo diintoodana waa neceb yahay, oo sida soo socota Ilaahay wuxuu ku magacaabay daallimiin -. Ilaahayna ragga daalimiinta ah, oo xaqqa meel uusan lahayn dhiga, ma hanuuniyo.(51).” Ilaahay Cazza wa Jalla\وجل عز هللا wuxuu Aayadda Boqol iyo shan iyo afartanaad ee Suuratu Al Nisaa’i\النساء سورة noogu sheegay inay munaafaqiintu meesha ugu hooseysa ee Naarta gelayaan: { ا ) ً ِصير َ ن ْ م ُ َه ل َ ِجد َ ت ْ َن ل َ الَّناِر و َ ِل مِن َ ف ْ ْْلَس ِك ا ْ ِي الَّدر ف َ ين ِ ق ِ اف َ ن ُ ْم إ 145َّ ِ {)ن ال “Inna al munaafaqiina fii al ddarki al asfali mina Al Naari wa lan tajida lahum nasiiran.” Aayadda macneheedu waxaa weeye: “Munaafaqiintu waxay ku jiraan dabaqa ugu hooseeya ee naarta, una heli maysid mid u gargaara.” Munaafaqiinta Banuu Dubaycah\ضبيعة بنو ee Al Madiinah\المنورة المدينة waxaa kaloo ka mid ah Mucattib\معتب waana midka Maalinta Uxud\أحد yiri: “Haddaan amarka wax ku lahaan lahayn meeshaan nalaguma dileen.” 10 Markaasuu Ilaahay Tacaalaa\تعالى هللا wuxuu kasoo dejiyay Aayadda boqol iyo afar iyo konto ee Suuratu Aali Cimraan\عمران آل سورة ilaa qisada dhammaadkeeda: َ { ا َن َ ْل ل َ ه ُون ُول ق َ ي َّيةِ ِ ِهل ا َ ْج ِّق ظَ َّن ال َ ْح ال َ ْر َغي هِ َّ بِالل َ َظُنُّون ي ْ م ُ ه ُ ُس ف ْ أَن ْ م ُ ْه َّمت َ أَه ْ َد َةٌ ق ف ِ َطَائ ء و ٍ ْ ْ َشي ِر مِن ْ ْْلَم ا َ مِن َ ل َ ُون ُول ق َ َ َك ي ل َ ُون د ْ ب ُ ََل ي ا َ م ْ ِس ِهم ُ ف ْ ِي أَن ف َ ُون ُ ْخف ي هِ َّ ل ِ ل ُ ه َّ ُكل َ ر ْ ْْلَم ُ ْل إِ َّن ا ق ا َ ْن ل ِ ت ُ ا ق َ م ٌ ء ْ ِر َشي ْ ْْلَم ا َ ا مِن َ َن ل َ َكان ْ و َ ِي ل َ ت ْ ب َ لِي َ و ْ ِهم َ َضا ِجعِ َى م ل ْ ُل إِ ت َ ْق ال ُ ِهم ْ َي ل َ َب ع ِ َ ُكت ين ذِ َّ ال َ ز َ َر َب ل ْ ُكم ُوتِ ي ُ ِي ب ف ْ ُم ت ْ ُكن ْ َو ُ ْل ل ا ق َ ن ُ اه في َ ِ ه ا َ م ُ ه َّ الل ٌ يم ِ ل َ ُ ع ه َّ الل َ و ْ ُكم ُوبِ ل ُ ِي ق ا ف َ َص م ِّح َ م ُ لِي َ و ْ ُوِرُكم ُصد ُوِر ) ِت ال ُّصد بِ 154َ {)ذا “Wa dhaa’ifatun qad ahammathum anfusuhum yathunnuuna biAllaahi ghayra al xaqqi thanna al jaahilyati yaquuluuna hal lanaa mina al amri shay’in qul inna al amra kulluhu lillaahi yukhfuuna fii anfusihim mmaa laa yubduuna laka yaquuluuna law kaana lanaa mina al amri shay’un maa qutilnaa haahunaa qul llaw kuntum fii buyuutikum labaraza aalathiina kutiba calayhimu al qatlu ilaa madaajicihim wa liyabtaliya Allaahu maa fii suduurikum wa liyumaxxisa maa fii quluubikum wa Allaahu caliimun bithaati al ssuduuri.” Aayadda oo ka warramaysa duullaanka Uxud\إحد ,maalintaasoo uu Ilaahay mu’miniinta nucaas oo ah gamaanyo ama hurdo fudud ku riday siday nabadgelyo u dareensan yihiin, oo qof baqaya ma gamaanyoodo oo seexdo, munaafiqiintuna ayanna gamaanyoone cabsi daraadeed naftooda la walwalaya, macneheedu waxa weeye: “Kooxna waxaa walwalisay naftooda, waxayna ka malaynayaan Ilaahay waxaan run ahayn oo ah inuusan Nabigiisa Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u gargaarayn, taasoo ah malaynta zamanka jaahiliyada iyo gaalnimada. Kuwaasu waxay oranayaan: “Ma waxbaan ku leenahay amarka?” Waxaad tiraahdaa: “Amarka kulligiis waxaa iska leh Ilaahay.” Waxayna uurkooda ku qarinayaan iyo naftooda dhexdeeda waxayan adigu kuu muujinayn, waxayna leeyihiin haddaan amarka wax ku lahaan lahayn meeshaan nalaguma dileen, oo haddaan caqli leenahay Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, sooma raacneen, madaxdeennana lama dileen. Waxaad ku tiraahdaa: “Haddaad guryihiinna dhexdooda joogi lahaydeen way soo bixi lahaayeen kuwa in dilo loo qoray way kasoo bixi lahaayeen waxayna imaan lahaayeen meesha lagu dilayo oo ay dhulka uga dhacayaan oo ay sidaas ku jiifanayaan. Taasna wuxuu Ilaahay u sameeyey si uu u imtixaano waxa laabihiinna dhexdooda ku jira, uuna soo saaro waxa quluubtiinna ku jira. Ilaahayna wuu ogsoon yahay waxa quluubta dhexdooda ku jira, ha ahaato khayr ama sharbee.” Mucattib\معتب waa isla ninka Maalinta Al Axzaab\األحزاب يوم yiri, ayadoy muslimiintu khandaqa\الخندق waa dhufayskee, ku jiraan, gaaladuna hor fadhido: 11 “Muxammad\محمد ,Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu noo ballan qaaday inaan cuni doonno kunuuzta, waa maalkee, Kisraa\كسرى ,oo ah boqorka iyo boqortooyada Furus\فارس ama Iiraan maanta, iyo Qaysar\قيصر oo ah boqorka iyo boqortooyada Roomaanka, hadana midkeennaa ma haysto amni uu saxarada ku fogeeyo.” Markaasuu Ilaahay Cazza wa Jalla\وجل عز هللا wuxuu kasoo dejiyay Aayadda laba iyo tobnaad ee Suuratu Al Axzaab\األحزاب سورة: ُوبِ في ُقل ِ } َ ين ذِ َّ ال َ َ و ُون ق ِ اف َ ن ُ ْم ُو ُل ال ق َ ِ ْذ ي ا َ و ا ) ً ور ُ إََِّل ُغر ُ ُه ول ُ َس ر َ ُ و ه َّ ا الل َ ن َ د َ ع َ ا و َ َ ٌض م ر َ م ْ ِهم 12{) “Wa ith yaquulu al munaafiquuna wa allathiina fii quluubihim mmaradun mmaa wacadanaa Allaahu wa Rasuuluhu illaa ghuruuran.” Aayadda macneheedu waxaa weeye: “Iyo markay munaafaqiinta iyo kuwa ay quluubtooda cudur ku jiro leeyihiin: “Nooma yaboohin Ilaahay iyo Rasuulkiisu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaan dhagar ahayn. Dhgar waa khayaano.” Ugu dambeystii munaafaqiinta reer Banuu Dubaycah\ضبيعة بني waxaa kaloo ka mid ah Al “.الحارث بن حبيب\Xadhib bin Xaarithu Sunnada Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam Erayga al nifaaqu\النفاق waxaa laga soo qaatay naafiqaa’a\نافقاء oo ah xoolaha la yiraahdo al yarbuucu\اليربوع) oo afka ingiriiska lagu yiraahdo jerboa, kuna nool waqooyiga Afrika iyo Shiinaha iyo dalalka kale ee saxrada ah ee Aasiya, waxayna u egyihiin xoolaha la yiraahdo Kanguroo ee Australia ku nool: laba addin oo dambe way dheer yihiin, laba horena way gaaban yihiin, sayntooduna waa dheer tahay. Waxay u ordaan ayagoo booda siduu kanguroo u boodo oo kale, waxayna ku nool yihiin oo kulayka ka galaan godad ay dhulka ka qotaan) oo ah xoolo u eg al jarthu\الجرذ) oo ah doolliga) gurigiisana ka dhisto meel taag ah oo qota una fura shabaakooyin u jeeda afarta jiho. Markaasuu marka jiho looga yimaado midda kale ka baxaa oo caraaraa. Gurigiisana inta muuqata oo loo jeedo iyo inta qarsoon oo uurkiisa ah way kala duwan yihiin, oo muuqaalka loo jeedaa gurigiisa wuxuu ka samaysan yahay ciid, uurkiisuna waa god maran. Munaafaqnimu waa khayaano oo qofkuu la hadlayo ayuu wuxuu u sheegayaa wax ka duwan waxa uurkiisa ku jira, siduu yarbuucu\اليربوع sameeyo oo kale. 12 Al Bukhaarii\البخاري iyo Muslim\مسلم waxay wariyeen inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: “آية المنافق ثالث: إذا حدث كذب، وإذا وعد أخلف وإذأتمن خان.” “Aayatu al munaafiqi thalaathun ithaa xadatha kathaba, wa ithaa wacada akhlafa wa ithaa u’utumina khaana.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: “Calaamada munaafaqa lagu garto waa saddex: (Kow) Markuu hadlo been ayuu sheegaa, (Labo) Markuu ballan galo wuu khilaafaa, (Saddex) Marka wax lagu amaaneystana wuu khayaanaa.” Muslim\مسلم wuxuu ku daray riwaayadiisa inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: “وإن صام و صلى وزعم أنه مسلم.” “Wa in saama wa sallaa wa zacama annahu muslimun”, oo macnihiisu yahay: “Waa munaafaq hadduu doono ha soomo, uuna salaad tukado uuna yiraahdo inuu musulim yahay.” Al Bukhaarii\البخاري iyo Muslim\مسلم waxay kaloo wariyeen inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: “أربع من كن فيه كان منافقا خالصا. ومن كانت فيه خصلة منهن كانت فيه خصلة من النفاق حتى يدعها: )1 )إذا أتمن خان، )2 )وإذا حدث كذب، )3 )وإذا عاهد غدر، )4 )وإذا خاصم فجر.” “Arbacun man kunna fiihi kaana munaafiqan khaalisan. Wa man kaanat fiihi khaslatun minhunna kaanat fiihi khaslatun mina al nifaaqi xattaa yadacahaa. Ithaa u’utumina khaana, wa ithaa xadatha kathaba, wa ithaa caahada ghadara, wa ithaa khaasama fajara.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: “Afar timaamood qofkay ku kulmaan waa munaafaq khaalis ah. Qofkay ku jirtana hal tilmaan oo afartaas ka mid ahna waxaa ku jirta qayb munaafaqnimo ilaa uu ka tago. Afartaas qaybood ama tilmaamood waxay kala yihiin: (Kow) Marka wax lagu amaaneysto wuu khiyaanaa amaanadaas. (Labo) Markuu hadlana been ayuu sheegaa. (Saddex) Markuu ballan iyo heshiis galana wuu khayaanaa. 13 (Afar) Markuu murmana wuu xad gudbaa.” Waa intaas warka Jaamacadda Al Azhar\األزهر kasoo qaadannay, kitaabkeedana ayada madbacaddeeda ayaa lagu daabacay. Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM Columbus, Ohio, USA Isniin labada bisha Safar\صفر kun afar boqol lix iyo soddon hijriga, ina dhiganta afar iyo labaatan bisha Nivembar laba kun afar iyo toban.
SHARE