Home Curis GARBADUUB Q30AAD W/Q: Cabdiraxiim H. Galayr

GARBADUUB Q30AAD W/Q: Cabdiraxiim H. Galayr

0
SHARE

GARBADUUB Q30AAD

Ciidankii firdhadka ahaa ee Guhaad hoggaaminayey kuna soo jabay Balixagar, waa ay soo nabadgaleen, kaddibna durtadiiba yaqaqo iyo in daryeel ay helaan ayaa awoodda la saaray, waxaa sidoo kale dhaymo iyo xannaano waxii ay rabeen loo sameeyey  dhaawicii Guhaad iyo dhawr qof oo kale oo firiqyo yaryar gaadheen, si diirana waa loo soo dhaweeyey.

Habeenkii baa dumay waana la kala hoyaadey, waagu markuu beryay ayaa waxaa yimid Guhaad iyo raggii weheliyey si ay u bixiyaan warbixin iyo xog ku saabsan duulaankii ay ku jabeen, ragga ka maqan ee loo maleynayo in la qabtay, inta ay hubaan ee dhimashadooda og yihiin iyo kuwa nool.

Markii xogtii la kala qaatey ayaa Guhaad lagu ammaaney geesinnimada uu muujiyey, waxaana loo sheegay inay heleen xog ah in waxaas oo ciidan ah iyo duulaan ah, aysan ku imaan la dagaalan jabhadda ah ee ninka loo socday uu isaga ahaa, waxaa loo sheegay in Bile dheere hoggaaminayey ciidanka, ninka la rabay in nolosha lagu qabtona isaga ahaa, waxaa looga warramay odayaashi u yimid ee ka yimid qaarkood ciidanka dowladda xog doonkooda ku jiraa.

Sidoo kale waxaa loo balan qaadey laba Urur ciidan gaadhay lix boqon inuu hoggaanka u qabto, laga bilaabo maalintaasna inuu ka mid yahay hoggaanka sare ee ciidanka, si gaar ahna loo ilaalin doono, maxaa yeelay waa nin si gaar ah loo beegsanayo.

Waxaa yimid madax badan oo golaha dhexe ee Jabhadda ah aad bayna u boggaadiyeen, Guhaad arrinkaasi kuma buurna, balse, inuu la dagaallamo wey ka go’an tahay, ciidamada dowladda isagoo ka duulaya, dhacdooyinkii isku marnaa ee dhallinyaradu uga sheekeeyeen.

Markii shirkii soo dhammaadey ayaa waxaa isu yimid Dirir iyo Guhaad, waxaa markan deegaan noqday oday dirir oo qol laga siiyey xerada laba sariiroodna u yaallaan, kaddib waa uu soo dhaweeyey Guhaad, waxaana loo wada keenay labadooda shaah oo ahaa cabitaanka qudha ee nafta lagu sabaalin karo.

Is warsi iyo wacaal guud kaddib, waxaa uu bilaabay hadalkii Dirir wuxuu yidhi: Guhaadoow ina rag ka ummuliya maahine, inta uu noolyahay arrin weliba waa soo maraa, 

Waxaan uga gol leeyahay, maalmo qadhaadh baa ku soo marey, maalmo kalena waa ku sugayaan, adkeysi iyo ragganimaa lagaa rabaa.

Guhaad baa yidhi: Adeer Diriroow ifka nin noolba wax waa arkayaa, isma odhan tan isoo martey wax ka daran baa jira, waxaase aan ogaadey inaan waxba innagu dhicin, Guhaad baa uga sheekeeyey dhallinyaradii la dagaal gashay dhacdooyinkii ay la wadaageen iyo colaada ku jirta, sida uu uga xumaadey iyo saameynta ku yeelatey naftiisa.

Dirir oo helay kansho uu warka uu hayo ku gudbin karo ayaa yidhi: Maanta war aad ku diirsato ayaan kuu hayaa, waxaan soo helay walaasha Quman, Hooyadaa Dhudi iyo walaasha Qadana waxa ay degan yihiin Jabuuti, waana nabad qabaan.

Guhaad baa riyaaq iyo raynrayn darteed kala badbatey, maxaa yeelay waxaa ugu weyn ee uu ka werwersanaa waa sideed ku helaysaa reerkaaga iyo xaaskaaga, Guhaad baa yidhi: Quman ma kuu sheegtey meel ay Ubax ku dambeysay?

Dirir oo aan si dhab ah hadalka duubka u qaadin baa yidhi: Haa waa ii sheegtay, waxaa kale oo ay ii sheegtay, in aad Aabbe tahay oo wiil kuu dhashay weliba Odawaa Guhaad la yidhaahdo ileyn inaad dhimatey ayaa reerkiina loo sheegay oo Jabhaddu ku dishaye.

Guhaad baa aad uga murugoodey arrinkaas in dhibku reerkiisana saameeyey, haddana werwerka ugu weyn ee hayay wuxuu ahaa tolow gabdhihii armey faraxumeeyaan nimankii sidan kuu galay, isagoo ka tusaale qaadanaya wixii looga sheekeeyey.

Balse markuu ogaadey in ay nabad qabaan walaalihiis, waxaa markan werwer ku haysa gacalisadiisi uu jeclaa ee habeen iyo maalin uu ku qarwo, kaaga sii darane waxaa loo sheegay inayba ubad u dhashay oo wiil u hayso.

Guhaad baa la soo boodey: Halkee bay ubax joogtaa? sideese adeeroow aan ula xidhiidhi karaa?

Dirir ayaa ka gaabsaday inuu durtaba warka guda galo, isagoo ka meermeeraya inuu runta farta ka saaro ayuu yidhi: Waa nabad qabtaa iyada iyo wiilkeeda waxa ayna joogtaa Baarcad.

Guhaad baa yidhi: Alleylehe waa inaan Baarcad tagaa, balse talaan kaaga marti ahay waayo toos uma tegi karo, oo maanta waad ogtahay inaad baxsad ahay, haddana ciidan baxsaday waa ka ganaax adag yahay dadweynaha, sidoo kale way ka war hayaan maanta inaan ahay nin  ka soo horjeeda, oo waxaaba lay sheegay saaka duulaankii dhamma ee Balixagar inuu ujeedkiisu ahaa in lay soo qabto. 

Dirir ayaa arkey in arrinku cakiran yahay, markaasuu yidhi: Inaad tagto looma baahna, maxaa yeelay Ubax sidaad ku ogeyd maaha!

Guhaad baa yidhi: Maxaa dhacay? boqol weydiimood ayaa mar qudha sida daadka nabdigiisa ku soo faruurmey, inta aannu hadalku ka soo bixin laba dibnood ee Dirir ayey xadhkaha talanka iyo taba toosinta dareenka maskaxdu dul iyo hoos isu jiidheen.

Waxa uu is weydiinayaa wey nooshahay baa la yidhiye, ma waalatey? Ma jiran tahay mise waa naafoowdey inta dhib la gaadhsiiyey, Miyey xidhan tahay? Marnaba dareenkiisa kumana soo dhicin Ubaxbaa kaa quusanaysa ammin kooban oo nin kale guursan doonta “ Dad iyo duurba wax aadan fileyn baa kaaga yimaad”

Oday Dirir ayaa u adkaysan waayey weydiimaha sida is daba jooga uga imana aya Guhaad ee ah, maxaanan ku ogeyn? Maxaa is dhalanrogey? Maxaa ku dhacay Ubax?.

Kaddib wuxuu yidhi: Guhaadoow horta waa dhacdaa oo in badan ayaan usoo joogay,  rag lagu waayey dagaal ama lagu waayey socdaal ay aadeen oo aan ammin iyo miley dheer warkooda la helin, sidii labadiinuba aan ahayn, kaddibna laga quustay.

Guhaad baa yidhi: Haa waa dhab dad la waayo uguma aynaan horreyn ee maxaa jira oo aad iga qarinaysaa?

Dirirbaa yidhi: Wax kale maahe marwadaadii markii ay keliyoodey ee ay asaay kuu qaaday, hengeshiina laga rogey, waa gabadh yar oo curdin ah oo labaatan jir ah, waa curatay oo wiil bay kuu dhashay, waxaanna ay noqotey isuna diyaarisay inay tahay Garoob ninkeedi wed ka qaaday, een een markaas gabadhii war yaanan kugu daalin waa xaas nin kale u dhaxday oo waa  ay guursatay!

Mar allaale iyo markii uu maqlay ee dhegaha Guhaad warkaasi ku dhacay ayaa waxaa madaxiisu u sanqadhay sida biriqda, waxaana dareenkiisu u gilgishay sida dhul gariirka, waxaana dabooshay naftiisa murugo iyo tiiraanyo isaga oo meel uu joogo garan waayey, Guhaad waxaa ku yeedhay Dawankii dhiilllada.

Guhaad waa uu ka dhaqaaqay Dirir waxaa uuna afka saaray hortiisa magaalada dhankeeda waqooyi waxaa ku taal Haro weyn oo dhir hamash ah leh, dhankeeda ayuu afka saaray, waxa uuna salka dhigtay geed damal ah oo weyn hoostiisa.

Go’ uu ku jeeniqaarnaa ayuu madaxa saartay waxaa uuna galay xasuus iyo talan dheer, ilaa hadda ma oga ninka guursaday, balse, keliya waxaa uu ogaaday in la guursaday oo ay weliba u dhaqmayso nin kale.

Guhaad oo isla maqan islana baraad la’ ayaa waxaa uu maqlay hees uu ku xareedinayo Xasan Aadan Samatar waa heestii “Goroyo gabal kuu dhac “loo gabdho harada dacalkeeda dhar ku maydhanayaa Codside(Record)  ay wateen  si ay isugu madadaaliyaan ka dhegaysanayaan.Heesta Goroyo waxa ay tilmaantaa  sideed qof oo lababa gaar  waayuhu u naafeeyey.

  • Caashaqani muxuu gabay
  • Laba guusha wada jecel
  • God muxuu ku kala riday
  • Laba guur isku ogaa 
  • Geerida mid yidhi hoo
  • Geedi dheer muxuu calaf
  • Gacal ooman kala raray
  • Isna geed ku kala xidhayeey
  • Maxaa samirka gaaxdaa 
  • Nasiib gaabiya dilay
  • Isna gaadhi waayeen.
  • Goddob qaaday waayuhu
  • Anna gooni may dhigay
  • Gabaahiir ma igu furay
  • Geeriyaad maku ambadaye.
  • Saw ma ihi gedeedii
  • Goroyooy gabal kuu dhac
  • Saw ma ihi gedeedii
  • Goroyooy gabbal kuu dhac
  • Caashaqani muxuu gabay
  • Laba garasho dheeraa
  • Gal muxuu ku kala xidhay
  • Laba buurihii golis 
  • Midba gees ka jooga.
  • Guunyadu maxay laba
  • Gacantoodu madhan tahay
  • Gabaadano ku haysaa.
  • Maxaa samirka gaaxdaa 
  • Nasiib gaabiya dilay
  • Isna gaadhi waayeen.
  • Goddob qaaday waayuhu
  • Anna gooni may dhigay
  • Gabaahiir ma igu furay
  • Geeriyaad maku ambadaye.
  • Saw ma ihi gedeedii
  • Goroyooy gabal kuu dhac
  • Saw ma ihi gedeedii
  • Goroyooy gabbal kuu dhac

Heestii ayaa waxa ay dhex gashay dareenka iyo maanka Guhaad isagoo u maleeyey inuu yahay midka qaadaya isagu, waxaase la yaab lahayd markii heestii inta gudubtey mid kale soo gashay ee intuu kacay  oo gabdhihii u tegay ku yidhi, heesta iigu soo celiya, gabdhihiina inta ay si tixgelin iyo milge leh uga qaadeen ayey waxa ay gacanta ka saareen Codsidihii oodhan si uu ugu celceshado, isaguna maalintaas waxaa uu ku qaatay dhegaysiga heesta Gorooyoow Gabbal ku dhac.

La soco qaybaha kale

W/Q: Cabdiraxiim H. Galayr

SHARE