Home Buuggaagta BANDHIGGA GACAL IYO GAYAAN WQ:- Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

BANDHIGGA GACAL IYO GAYAAN W\Q:- Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

0
SHARE

BANDHIGGII GACAL IYO GAYAAN

MAHADCELIN

Marka hore Eebbe ayaa mahad-leh nagu galladay inaan dhiganahaan Gacal iyo Gayaan si’milgo iyo maamuus leh usoo bandhigno. Intaas ka dib, xaddiis saxiix ah oo Abuu Hureyra werinayo ayaa suubbanuhu ku yiri:

مَنْ لا يَشْكُرُ النَّاسَ لا يَشْكُرُ اللَّهَ

“ Qofka aan dadka u mahadcelin Eebbena uma mahadceliyo”.

Haddii aan deb lagu bisleeyo iyo biyo lagu kariyo la helin, badar kaligiis wax-tari maayo e, waxaan marka hore u mahadcelinayaa bahda qalinleyda LAASHIN oo la’aantood aan dhigaalkaanu bulshada soo gaareen. Bahda LAASHIN idinkoo isku duuban mahadsanidiin.

Waxaan si guud ugu mahadcelinayaa wax-garadka, culimada, aqoonyahannada, haweenka iyo dhallinyarada, ka soo qeyb-galay madashaas milgaha lahayd ee dhiganaha lagu daah-furayey. Waxaan si’ guud ugu mahadcelinayaa magaaladaan ESKILSTUNA oo si’ hagar la’aan ah madasha u soo buux-dhaafisay. waxaa kale oo aan u mahadcelinayaa ururka BULSHO FÖRENING iyo mudane Cali Asluub oo si’ hagar la’aan ah madashaan noogu suurta-geliyay inaan dhiganaha ku daah-furno (Bacda-Allaah). Sidoo kale, waxaan u mahadcelinayaa, Sheekh Cumar Cali Cabbaas oo dadka qaar ay u yaqaannaan Sh. Cumar Jabbuuti, Cali Sugaal, Salaad Xiis oo maalintii dhiganuhu ifka yimid ilaa maalintii daah-furkaa hiil iyo hooba ila garab-taagnaa.

Waxa kale oo aan si’ kal iyo laab ah ugu mahadcelinayaa martida kale ee ka kala timid meela kala duwan. Sida: Barbaariye Bashiir Cali Xuseen oo bandhigga dartiis uga yimid Noorweey. Qoraa Boodhari Warsame oo isna bandhigga dartiis uga soo socdaalay, Yotoboori. Sidoo kale, aqoonyahannada iyo akhyaarta kale ee nooga yimid magaalooyinka deriska ah, sida; Noorshoobbin, Faleen, Katariinholom, Vina-ookar, Orburuu, Västerås IKKB. Nabigu wuxuu yiri: (SCW).

( مَن صَنَعَ إِليكُم مَعرُوفًا فَكَافِئُوه ، فَإِن لَم تَجِدُوا مَا تُكَافِئُوا بِهِ فَادعُوا لَهُ حَتَّى تَرَوا أَنَّكُم قَد كَافَأتُمُوهُ )

Qofkii wanaag idiin sameeya wax u dhigma ugu beddela, haddii aad awoodi weysaanna u duceeya, ilaa aad ka aragtaan in ducadiinni iyo mahadcelintii ay gaartay heer aad u kaafisay, u gudday.

Aniguna qof walba oo bandhiggaas si’ guud iyo si’ gaar ahaaneed-ba gacan uga geysatay, mahadcelin iyo ducaba waan isugu darayaa ee si’guud iyo si’gaar ahaaneed-ba u mahadsanidiin.

Aqoonyahannadii daah-furka ka hadlay

Daah-furka dhiganaha GACAL IYO GAYAAN waxa uu noqday bandhiggii qarniga. Waxa ka soo qeyb-galay aqoonyahanno aan xisaab iyo tiro laheyn. Waxa yimid labeentii bulshada ee deegaanka lagu daah-furayey. Bandhigga waxa aayado qur’aan ah ku furay, macallin Cabdikariin Cabdullaahi Dhicisow.

  • 1. Sheekh Cismaan Macallin Jeeb ayaa daaha ka rogay dhiganaha, kuna dheeraaday muhiimadda qoraalka iyo aqrisku u leeyahay afka iyo bulshadiisa. Sidoo kale, wuxuu si’ qoto-dheer uga hadley aqriska iyo qoraalka sida diintu u boorrisay dadkana ugu amartay.
  • 2. Dayaxa Eskilstuna; aqoonyahan, ex-xildhibaan, macallin, barbaariye, ababiye: Cabdirisaaq M. Xuseen Dheere, barbaariyaha, waxa laba dhinac ka taagnaa, labada arday ee barashada 16-toban maaddo oo ammin-dheer loogu talo-galay 5-gu’ kusoo afjaray. Waxay ahayd dhiirri-gelintii ugu mudneyd ee macallin ku taageero ardaydiisa. Macallinku, wuxuu ku dheeraaday aqoonta, ogaalka, aqriska iyo cilmiguba inay nafta barbaariyaan. Maskaxduna ay leedahay qaanado tiro-badan. Qaanadahaas ama sanduuqyadaas, waxa kaliya oo furi karaana ay yihiin aqriska cilmiga kala duwan. Sidoo kale labada arday ee fool-horaadka u noqday ardayda degmadaan ayaa iyaguna tilmaamey qiimaha buugaagta af-soomaaliga, gaar ahaan dhiganaha GACAL IYO GAYAAN.
  • 3. Xildhibaanka degmadaan Eskilstuna laga doorto mudane: Maxamed Cabdiqani M. Weceys. Xildhibaanku wuxuu bulshada soomaaliyeed ee madasha fadhiday ku guubaabiyey in cilmiga la barto aqriskana la daa’into si’ qorayaal tira-badan oo taya leh loo helo. Xildhibaanku, wuxuu cod-dheer ku yiri: “Dadka aqriska badan 38% ayey dadka aan wax aqrin ka xusuus iyo ogaal badan-yihiin”.
  • 4. Aqoonyahan, hal-tebiye saxaafadeed: ustaad Cabduqaadir M. Maxamuud Walaayo, mudane walaayo, wuxuu ku si’ mug iyo miisaan leh uga hadlay hormarinta iyo hagaajinta afka oo ahayd sababta loo xarriiqay dhiganaha Gacal iyo Gayaan. Sidoo kale, wuxuu dul-istaagay milgaha iyo maamuuska ay leeyihiin hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

5. Borofaysar: Nuur Cali Yuusuf ayaa si’ aan leex-leexad lahayn uga sheekeeyey buugga GACAL IYO GAYAAN, wixii uga baxay aqrintiisii ka dib. Borofaysarku wuxuu yiri: waa dhiganihii iigu xusuusta weynaa inta aan aqriyey buugaagta afkeenna lagu dhigaaliyey. Dadkii madasha joogay ayuu si’ aan gambasho lahayn u faray inay ka war-doonaan dhigaalka baaxadda leh ee gacal iyo gayaan dhex-ceegaaga.

6. Borofaysar Cabdullaahi Macallin Ismaan, ayaa isaguna yiri: buuggaan waxaan ka soo aqriyey 20-bog oo qura, balse, waa qoranihii iigu dhigaalka wanaagsanaa ebed. “20-kaas bog ee aan aqriyey ayaa ku qornaa af-soomaali asal ah oo 98% boqolkiiba barax la’ oo haddana qalad la’.

7. Qoraaga weyn ee afafka qalaad afkeenna noogu turjuma ayaa makarafoonkii lagu soo dhaweeyay, qoraa: Boodhari Warsame, qoraa Boodhari wuxuu si’ soo jiidasho leh daaha uga rogay waddadii u jeexneyd dhiganaha iyo hadafkii uu gudbinayey qoranuhu. Wuxuu ka soo qeyb-galayaasha u ballan qaaday in qofkii buuggaas aqristaa uu xusuus ku reebi-doono noloshiisa oo idil. Sidoo kale, wuxuu ka soo qeyb-galayaashi hortooda ka aqriyey billawga labada hormo ee ugu horreysa dhiganaha.

8. Fannaan, mullaxamiiste, qoraa, barbaariye: Bashiir Cali Xuseen ayaa cod-baahiyihii lagu soo dhaweeyay. Qoraa bashiir wuxuu is dul-taagay tilmaamidda magac-bixinta dhiganaha, asiga oo si’ af-aqoolnimo ah daaha uga rogay, macnaha iyo muunadda magucu lahaa oo dad badan ka gedmaneyd. Dhab ka hadal dheer ka dib, qoraagu wuxuu hadalkiisi kusoo gunaanaday mahmaah uu isagu curiyey oo ah: “Haddii qoraal tayeysan la helay cid aqrisata yaan la waayin bulshooy!”

  • 9. Qoraha buugga: waxa daah-furkii soo xiray aniga oo ka sheekeeyey ujeedkii aan u qoray iyo farriintii aan bulshada u gudbinayey, aniga oo waajibka i saaran gudanaya afkeayga iyo dadkiisana dhaxal waarta u reebaya. (waari-mayside, war ha kaa haro).

DHIGAAL

Dhigid iyo qoraal ma ahan arrin fudud ama si sal-saloog ah lagu qaban karo, haddii ay dhigaal bulsho iyo dhaqan bilid tahayna kuma sii jirto’e inaan qalinka iyo inqaasta ka dhigto gaashaan iyo garab waxay ii ahayd hawl aan hiigsanayay kuna hanweynaa gu’yaal badan oo aan ku dhex jiray, hal-abuurka iyo haaneedinta qoraalka. Qalinku waxa uu ii yahay wehelkayga koobaad ee aan ku hirto, waana hantida kaliya ee aan haysto ee ma guurtada ah, haddii aan dhintana dhaxal ahaan iiga hari doonta.” Hal-abuurka iyo qoraalkaygaba bulshada kuma hiifo, kuma haaraamo, kuma halgaado, colaadna kuma huriyo, taas dhiggeedana waa ugu hiilliyaa, ku hormariyaa kuna hagaajiya, uguna hagar baxaa.

Haddaba dhiganahaan: “GACAL IYO GAYAAN” ma ahan, qoraalkii iigu horreeyay ee aan bulshada la wadaago ee waxa jira qoraallo tiro badan, arrima kala geddisanna ka hadlaya ammin kala duwanna aan qoray. Dhiganahaanuse, waa curad qoraalkaygii ugu horreeyay ee aan usoo saaro ifka, una dhigan qaab buugeysan oo kayd ah sida aan ku han weynahayna ma noqon doono cirib dambeedka qoraaleed ee waxa jiri doona dhiganayaal kale oo dhawaan soo baxaya, haddii Eebbe oggolaado.”

Qalinka waxa aan ku qotomiyaa (3) seddax qodob, kuwaas oo kala 
ah:

TAGTADA:

Tagtadu waa sooyaalkii la soo gudbay ka faallayntiisa, si looga barto inta san, inta xunna looga hormo.

JOOGTADA:

Joogtadu waa amminka taagan ee aad muuqsanayso maragtana ka tahay, wixii aad kala kulanto oo mugdi ama iftiin ah, si aad uga gilgilato wixii gef ah wixii gar ahna ugu gudbiso bulshada.

TIMAAMADA:

Timaadadu waa siiyaalka la sugayo lana saadaalinayo ee magu soo fool leh, taas oo lagu wax qaybsado iyadoo garaadka fayoow iyo waayo aragnimo la kaashanayo si’ qumanna loo hilaadiyo. Timaadadu waxa ay ku sinan tahay “saadaalin iyo “Odorosid” wixii qarsoonse Eebbe ayaa la gaar ah oo ka hadalkooda lama ammaanin, balse, dibnaan hadal daynayne, waa la sii faalleeyaa. Qoraalkayga waxa saldhig u ah seddaxdaas tilmaamood ee kala soocan ama iyaga oo isku milan. Qalinku waa abley ama hooto laba af leh, dhanka quman haddii loo qaato waa lagu baraaraa, haddiise dhanka qalloocan loo qaato waa lagu ba’aa, “Adduun iyo aakhiro”.

“Haddaad u qaaddo quud ku doon
Qalinku wax-walbow qarshaa!”

Haddaba bandhiggii qoranaha: GACAL IYO GAYAAN wuxuu ku soo idlaaday jawi deggan oo xasuus iyo xil-gudasho leh. Dhankeygana waxan ka ballan-qaadayaa, qof walba oo kansho iyo ayaan u hela inuu GACAL IYO GAYAAN aqrisato ee ku qanci-waaya, wehel fiicanna uu u noqon-waayo inaan u celin-doono qarashkii ka baxay meel walba oo uu carra edeg ka joogo.

  • 1. Agaasinka iyo aqooshu waa weriyaha weyn: Salaad Iidoow Xasan {Salaad Xiis}
  • 2. Isku dubba-ridka iyo muuq-duubuhuna waa farshaxameyste: Cali Maxamed Ciise {Cali Asluub}
  • 3. Hab-maamuuska iyo soo dhaweyntuna waa aqoonyahan: Cali Nuur Faarax

Haddii aad halkaan soo gaartay, waxaa tahay aqriste wanaagsan ee mahadsanid!

GACAL IYO GAYAAN

W\Q:- Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

SHARE