Home Qoraallo BANDHIGGA BUUGAAGTA MUQDISHO WQ: Bilaal Qaasim Fiqi “Aar”

BANDHIGGA BUUGAAGTA MUQDISHO W\Q: Bilaal Qaasim Fiqi “Aar”

0
SHARE

BANDHIGGA BUUGAAGTA MUQDISHO

Hordhac:

Bandhigga Buugaagta ee Muqdisho waa mid sannadle ah oo ka qabsooma Magaalada Muqdisho ee ah magaala-madaxda dalka; waxa uuna qabsoomay sannaddiisii 5aad oo xiriir ah. Sannadkan oo ah kiisii shanaad waxa uu ka qabsoomay Hoolka Sahal ee KM4 ku yaalla. Bandhiggu waxa uu socday 21ka—23ka Ogoosto 2019. Bandhigga ayaa furmay Dharaar Arbaco ah waxa uuna xirmay Dharaar Jimco ah.

Mucgal:

Waa-bari san, waxa aan ka toosay hurdo aan xalay fiid hore laday saaka aroortii abbaaro shantii—si aan dhakhso u gaaro goobta uu bandhiggu ka qabsoomayo. Mooji sababta e’ subaxdaa si baan u nayaayiroonayay—muusood aanan horay isugu aqoon baa aroortaa foolkayga laga dheehan karayay—fagfag iyo fudayd badan baa ii lammaaninayay; nin la yiri bilcantii beledkaad heshay sidiisii baan dhararayay. Dharaartaas ninkaan i aqoon waalida-dhaqantuu i moodiyay—ka i yaqaana se in aan tuldo geela helay waxaan ahayn ma uusan moodayn. Subaxdaa naftaydu waxay isugu sheekaynaysay: “Alla saacaddu fogaa oo weliba aniga gaar ahaantay—aad iigu fogaa.” Waa garteed e’ aroortaa qorraxdu si bay u caga-jiidaysay.

Yaanan ilaawin e’ waxa aan subaxdaa ku taminayay in aan ka qaybgalo bandhig dhiganeed loogu magacdaray Muqdisho. Haddii aad istiri, is-iriye, malaha waxa Muqdisho loogu magacdaray ka sukow in uu si sannadle ah ugu qabsoomo waa in qorayaasha da’yarta iyo duqowda R/Muqdisho baahidooda dhigaaleed iyo middooda dhaqaneedba lagu daboolo.

Waxa aan u hilhishay goobtii uu Bandhiggu ka qabsoomayay; waraaqo cadcad, buugyare iyo laba qalin oo midi kayd ii yahay baan wax qalab ahi ka sitaa. Aqalkayga oo aan aad uga fogayn kobta uu Bandhiggu ka qabsoomayo daraaddeed maanan habsaamin—ammintii uu Bandhiggu furmayayna sikin dheeri ah iima uusan raacin. Waa mahad Eebbe e’ si nabdoon baan ku soo gaaray daaradda hore ee Hoolka Sahal oo uu Bandhiggu ka qabsoomayo. Kolkii aan soo gaarayna waxaan si aan ku tala-gal ahayn isu aragnay jaallahay Rooble oo asagu i hor-arkay. Hilow badan oo aan isu qabnay haw horreeyee dhowr daqiiqadood baan bariidintii istaag ku kala bogannay.

Judhiiba kolka aad muhato in aad Hoolka Sahal oo uu Bandhiggu ka qabsoomayo u tallaabsato waxa aad la kulmaysaa askar dhiifoon oo kobbaariseed joogta. Ka sii huleel oo ina keen bartamaha Hoolka Sahal oo aad mooddo aqalladii Caddaanku xafladaha soo dhawaynta iyo cawaysyada ku qabsan jireen. Dhisme bilic ahaan aad loo qaabeeyay—baahida dadyowna loo dhammeystiray in uu yahay baad qacdiiba garanaysaa. Aan kuu sababeeyo e’ waxa uu leeyahay: suulliyo rag iyo dumar loo kaa soocay, mukeyfyo qabow macaan afuufaya, kob laga cunneeyo iyo kob cabbitaanka intiisa fudud lagu iibiyo. Wax kalaba ha ii danbeeyaan e’ waxa Bandhigga ka soocan da’yar inta shaqa loo abuuray lagu carbiyay—laguna layliyay soo dhawaynta ka qaybgalayaasha iyo martida gudaha oo Soomaali u badan iyo martida shisheeyaha oo tira ahaan aad uga yar inta aad malaynayso.

Guud ahaan si qurxoon buu Bandhiggu u furmay—aayadaha Quraanka oo aanay waxba ka horrayn ayaa inan cod debacsani ku xareediyay—kaliya waxa jiray heeso dhigaalka dhiirri-gelinaya oo ka hor inta aan Quraanka lagu furfuran si maaweelo ah dhagaha ka qaybgalayaasha lagu xulayay. Qayb ka mid ah Hoolka ayaa lagu seereeyay jiingad-la-mood bir ah oo loogu tala-galay in qorayaashu ku soo bandhigtaan dhiganayaashooda. Kuraas garba siman loo safay oo ka qaybgalayaashu in ay ku fariistaan loogu tala-galay iyo kuwo inta miisas dhexda loo dhigay lagu seereeyay kuraas afar-afar ah baa Hoolka qayb ama badiba tiillay.

Haddaba, akhristow maan inta warka tiradiisa kaa joojo u dhaadhaco mucda xogta iyo waxa ay tahay in aan kuu sheego, haaye haddana maan kuu qodobbeeyo; iga yeeshaye bal wax dhowr. Ogsooni in hawl waliba oo la qabanayo ay dhan togan iyo dhan tabanba leedahay; dhaliillo iyo dheefo aan xad lahaynna laga dhuranayo. Ase inta aan dheefaha ku hormaro maan sida dhaydii kuu qurqursiiyo:

1. Aqoon badan oo daah u saarnayd hal-abuurkii unkay oo maantaas si hagarli’i ah loo lingax qaaday.
2. Kaabidda Afka Soomaaliga, Dhaqanka iyo Sooyaalka Soomaalida barnaamijyo looga warramayay oo ka qayb ahaa Bandhigga.
3. Hawaale-waran iyo sooyaalsheegis oo raggii ay u gudboonayd sheegisteeda loo soo fariisiyay.
4. Taageeridda iyo garabsiinta da’yarta ay kanshadu u hiilisay oo xoogga la saaray.
5. Suugqaynta dhiganayaasha ay qorayaashu ku hawloodeen, kuna hurda seegeen oo mudnaan gaar ahaaneed la siiyay.
6. Isbaridda qoraaga iyo akhristaha oo aan meesha ka marnayn.
7. Suugaanta ku salaysan guubaabada da’yarta iyo dhigaalkaba oo qayb ka ahayd Bandhigga.
8. Aqoontii nooga daahnayd shisheeyaha oo la inoogu keenay Bandhigga Muqdisho.
9. Si eex la’aan ah oo martida iyo ka soo qaybgalayaashaba loo sooray. 
10. Kala saarista: ka qaybgalayaasha, hawlwadeennada, martida, wariyayaasha iyo shaqaalaha Hoolka ayaa ayana mudnaan gaar ahaaneed leh.
11. Sugidda nabadgelyada dadyowga Hoolka ku sugan oo si shuruudli’i ah la isugu hawlay.
12. Adeegyada asaasiga ah oo Bandhigga lagu sii diyaariyay, sida: Shirkadda Hormuud oo ciladbixinta iyo haqabtirka ka qaybgalayaasha iyo martida kalaba u joogtay Hoolka.
13. Jewiga Hoolka oo ahaa mid raalli-gelinaya degganaha dalkii joogga ah iyo shisheeyaha martida ah ama dibedjoogga maantaas Bandhigga joogay.
14. Teendho loogu tala-galay in garaadka caruurta lagu kaabo oo sheeka-xariiro, maaweelo, heesaha caruurta iyo aqoon kalaba lagu barayay oo ardaaga Hoolka Sahal ku diyaarsanayd.

Intaas iyo in kale oo ka badanba Bandhigga Dhiganayaasha ee Muqdisho waa laga helayay—asii waxaaba sii dheeraa in looga faa’iidaystay qaaraanka dhiganayaasha oo maktabado badani ka faa’iidayn, sida: Maktabadda Beledweyne, Guriceel, Luuq iyo tii Qaranka oo madaxdeedu Bandhigga qayb lixaad leh ku lahaayeen. Ani ahaan waxa aan Bandhigga Dhiganayaasha ee Muqdisho ku dhaliilayaa dhowr arrimood oo ay tahay in wax laga beddelo:

1. Baarista adag ee la hordhigay ka hor gelista Hoolka Sahal ee uu Bandhiggu ka qabsoomayay.
2. Badnida ka qaybgalayaasha iyo Hoolka Sahal oo aan ku filnayn ayaa sababtay hugun ay dadyowga qaar, weliba inta qaybta danbe ee Hoolka fadhisa: in ay si hagaagsan u maqli waayaan xogaha Bandhigga la isku waydaarsanayay. Halkaasna wax hawlwadeenno ah kama aanay shaqaynayn.
3. In afqalaad meel walba lagu xardhay, taasoo wiiqaysa Afkii Soomaaliga iyo dadyowgii Soomaalida ahaa ee Bandhiggu ayaga u qabsoomayay.
4. Dadyow badan oo aan u iman in ay xog ama aqoon kalaba kororsadaan oo Bandhigga taswiir la dhextaagnaa; waana ayaga waxa uga badan ee qaylada iyo sawaxanka Hoolka ka dhex aloosnaa loo aanayn karaayo.
5. Dullaaliin dadyowga martida amaba ka qaybgalayaasha si qasab ah inta garabka u soo hinjiyaan soo jiidanaya si ay shirkad ay xayaysiiskeeda sidaan ugu sharxaan.
6. Sidoo kale dullaaliin ayana heegan u ah in ay dadyowga qaar buugta u iibiyaan oo inta sidii kuwii hore garabka kugu soo dhagaan ku dul keenaya miis dhan oo buug la ciiraya; sida ay u kala afmiishaarsan yihiin bay u kala buug iibin og yihiin. Halkaana waxa ka bannaan doorkii hawlwadeennada oo ay ahayd in ay il gaar ah ku eegaan dullaaliinta sacboolayda ah, dadkana ay ka qabtaan.
7. Kolkol baa ay ka qaybgalayaashu hugun aanay cidina codsan bilaabayaan—ayagoo kooxkoox u sheekaysanaya. Halkanna hawshii hawlwadeennada ayaad mooddaa in ay iskeed u liicday. 
8. In dharaartii u danbaysay ay daadifaysay labadii maalmood ee ka horreeyay oo uu Bandhiggu si deggan u qabsoomay. Waxaana u wacnaa in imaanshiyaha qof madax ah daraaddii dadkii baaris adag loo mariyo—dhalcada kulul ee barqadiina la joojiyo.

Waa dhab oo hawl uu ibni’aadan qabtay dhaliil lagama waayo, se kolka la daahqaado—dhaliishu waa in ay wixii khaldanaa saxdaa. Sidoo kale waxa aan rabaa in aan qatinka maqaalkayga ku soo afmeero codsiyo aan u gudbinayo: hawlwadeennada iyo madaxda Bandhigga Buugaagta ee Muqdisho, waa codsiyo ay tahay in ay fuliyaan—se waa haddii ay karaan e’, waxa ayna kala yihiin:

1. In Afka Soomaaliga laga sarreysiiyo afafka shisheeyaha, maxaa yeelay, dadka Bandhigga loo qabanayo waa Soomaali ee ma aha halka ama labada shisheeyaha ah ee Bandhigga ku sugan—mana garanayo hal sabab oo aan arrinkaa u tiirin karaayo; waa in afqalaad la adeegsado e’.
2. In la kordhiyo dharaaraha uu Bandhiggu qabsoomayo si kansho baaxadlihi ay isugu helaan ardayga iyo aqoonyahanka—akhristaha iyo qoraha.
3. In la sameeyo tira-koob sheegaya buugga ugu iibsiga badan iyo kan ugu wanaagsan ee Bandhigga yiillay; waa kolka uu Bandhiggu idlaado e’.
4. In qoraha ka qaybgalaya Bandhigga shardi looga dhigo in uu buuggiisa 50% qiimihiisa jebiyo oo uu hoos u dhigo—si akhrisku u kobco; immika se waxa aadba mooddaa in qorayaashu ay u arkaan kansho mar-la-arag ah oo ifka inta ay saarnaayeen markan oo keliya soo martay.
5. In kansho loo siiyo ka qaybgalayaasha in ay xariiqdaan nuxurka xogeed ee ay aqoonyahannadu xareedinayaan.
6. In haddii la marti-qaadayo qof magac iyo mansabba ku dhex leh dadka, laga sii baaraandego oo shaashad bannaanka ah la sii diyaariyo—si haddii Hoolku u buuxdhaafo halkaa ay uga daawadaan.

W\Q: Bilaal Qaasim Fiqi “Aar”

SHARE