Home Curis GARBADUUB Q32AAD W/Q: Cabdiraxiim H. Galayr

GARBADUUB Q32AAD W/Q: Cabdiraxiim H. Galayr

2
SHARE

GARBADUUB Q32AAD

Markii waagu baryey ayaa Guhaad u qalab qaatey inuu walaashii u tago oo soo arko iyada iyo qoyskeeda, si uu uga wareysto xaalka qoyskeeda iyo kan qoyskooda oodhan.

Waxa uu isu diyaariyey ambabax waxaa uuna kaxaysay baabuur iyo dhawr wiil oo ilaalo ah, isagu keligii ayuu rabay inuu baxo, balse taliska guud ayaa ka diiday maxaa yeelay waa nin la bartilmaameedsanayo, waxa uu tegay gurigii walaashi Quman iyo ninkeeda Caseyr waxaanna loo soo dhaweeyey si wanaagsan oo gacalnimo leh, walaashii Quman ayaa isku duubtey iyadoo ilmadu labadeeda dhaban ka qubanayso.

Waxa ay u qaadan weyday walaalkeed oo nool inuu hor taagan yahay, boholyoow iyo booyin kaddib waxaa loo dhaqaaqey wareysi.Waxaa uu uga warramey jabkii soo marey iyo eedaadkii uu soo maray, iyaduna waxa ay uga warrantey dhibki iyo raxanraadkii ay soo mareen.

Kaddib ayuu weydiiyey arrinka Ubax iyo waxaa ku jujuubey inay guursato nin kale, iyada oo aan nolol iyo geeri midna ku ogaan?

Quman ayaa si degan ugu warrantey oo tidhi: Waa lagaa wada quustey,  Ubaxna ilaa manta  nin dhintay ayay kuu haysataa, nin dhinteyna ma jirto cid sugtaa, walaal, tawl iyo taran midna, gabadhuna ma gefin ee waa gabadh yar nolol ayay raadinaysay, waxaanse  aad uga xumaaday ninka ay guursatay.

Guhaad baa yidhi: Waa kuma ninka ay guursatay?

Waxa ay tidhi waa kii dheeraa ee galuubnaa ee Huruuse odaygii Bile dheerena adeerka u ahaa, waxaa ii sheegay Adeer Dirir in uu ka mid ahaa raggii ku shirqooley ee weliba ku xidhay, annagana iyagoo iska boohinaya noo yimid ee noo sheegay inaad dhimatay oo jabhaddu ku dishay?

Mar qudha ayaa Guhaad is dhalanrogey sidii cirka ku soo dumay, korkiisa ayaa dab iyo holac ka kacay, waxaa ku baryey waaga, waxaa uuna ogaaday arrinka loo shirqooley inuu ahaa in la dhaxal wareejiyo, waxaa daboolay dareenkiisa murugo iyo tiiraanyo, waxaanna uu galay xaalad adag oo keenta mararka qaarkood in qofka sidaasi ku dhacdo wadnuhu dhaqaaqa gabo. 

Horaa loo yidhi: Ina rag ilmo ka soo jiida maahe inta kaleba waa arkaaye,  waxaa Guhaad maanta ogaaday isagoo nool in xaaskiisi iyo ubadkiisi awood lagula wareegay, isagana qabir gudaha loo dhigay, weliba eed iyo dhagar aannu falin oogada laga saaray.

Guhaad waa uun hiinraagay sida Aar libaax oo la ganay isaga oo warmoog, hadduu uu heesi lahaa mindhaa waxaa uu ku xareedin lahaa heestii Galangooley ee uu curiyey Abwaan Maxamed Cali Kaariye, kuna xareediyey Xasan Aadan Samatar.

  • Goodkiyo abeeskoow
    • Gocomaale aarow
    • Wiyishaa gadootee
    • Geeska rayska galisaay
    • Gerigiyo haldhaagiyo
    • Galowgiyo shimbiruhoow
    • Garasho seed u leedihiin
    • Caashaq ma idin galay weli?
    • Labo gacal ahaayoow, 
    • Kala gooyay waayuhu
    • Gargaar ma u taraysaan
    • Maysu geyn ka reysaan? 
    • Galaan gooley 
    • Gafbey baratee 
    • sdirigam 
    • Hadday gabadh tahay
    • Anaa gayiyee
    •  siddiri-gam
  • Haddii aan go’ doomoo,
    • Gaari waayey taan rabay
    • Garbey noqotay caashaqa, 
    • Inaan daba gur guurtee
    • Xaggu gabi xaguna gabi,
    • Gudcur daaha soo rogay
    • Gashaan qaad habaabiyo, 
    • Gulufkoo dhulka u siman
    • Gurmadkeygu weeyoo, 
    • Geedahaan ka baqayaa
    • Goormaan socdaa? 
    • Xaggeen gaari karayaa?
    • Galaan gooley 
    • Gafbey baratee
    •  sidirigam
    • Haddey gabadh tahay
    • Anaa gayiyee
    •  sidiri gam.
  • Adduunyadan galgaladkee
    • Gaafaha nabsigu wado
    • Ragbaa goob xun weligii 
    • Gabagabo fadhiistee
    • Inkastoo la gaadoo 
    • Laga gacan sarreeyoo
    • Geesigu ma liicee 
    • Gami mayo ruuxi
    • Goob aboodi seexd
    •  Gaariya ninkeeda 
    • Ya gayaan is jece
    • Gogoshood yaqaana
    • Galaan gooley 
    •  Gafbey baratee
    •  sidirigam 
    • Haddey gabadh tahay
    • Anaa gaya ee
    •  sidiri gam.

Kaddib walaashii ayaa in badan hogatusaysay oo tidhi waxba ka bi’i maayaan gabadhna waad helaysaa ee caloosha cayn ku xidh, kashaadana dabar “ Dad iyo duurba wax aadan fileyn baa kaaga yimaade”

Guhaad habeenkii guriga walaashii oo Eebbe bari loogu dhigay ayuu joogay dhawr nee foo adhi ahna lagu qalay, wadaado iyo waayeelna laysugu keenay ayaa lagu tufay oo loo baryeey eebbe in dhibka uu ka qaado, nacab iyo naxdina ka dhawro, habeenkii markii laga kala tegay warkaydis(Cajalad) ayey duubeen isaga iyo walaashii si ay ugu diraan hooyadood Dhudi iyo walaashii Qadan waxana iney dirayso lagu ballamay.

Aroornimadii markii ay quraacdeen isaga iyo xertiisi ayay socod u diyaar garoobeen iyo inay dib ugu noqdaantaliskii Ceelmaajeen, inta la socday ee baabuurka la saarnaa Guhaad waxaa maankiisa dhex marinayey maalmihii noloshiisa kuwa qadhaadha iyo kuwa xiiso lahaaba,waxaana kashiisa ku dhex hardamayey nacaybka iyo jacaylka is diidan,waxaa tirsanayey godob laga galay iyo aanno uusan ilaawi karin in haweenaydiisi uu bilcamay nin kala wareegay isaga oo nool, waxaa uu go’aan ku gaadhay inuu marka hore wiilkiisa soo arko  soona qaato oo uusan wiilkiisu sii joogin guriga Huruuse iyo Ubax, maxaa yeelay waa dadka uu rabo inuu ka aargoosto.

Guhaad iyo ciidankiisi waxa ay tageen Ceelmaajeen,waxaanna durtadiiba u yimid  Oday Dirir oo ogaa sida wax u jiraan, isaguna ka hamradey inuu sheego, si uu u ogaado xaalka iyo dareenka Guhaad.

Guhaad ayaa isna arrinkii la wadaagay Dirir iyo madaxdii kale, waa laga wada xumaaday, waxaanna dhammaan laysku raacay in aysan xaaskiisu wax eed ah lahayn, waayo nin dhintey kabihiisaa dhaama, gabadhaasu waad ka dhimatay dhankeeda, sidaa awgeed gabadh garoob ah iyadoo ah bay guursatay, ninkase ku dhagray waa ninkeeda,  ninka mudan inaad ka aarsataana waa ninkaas, teeda kale xaaskaaga ilaa hadda waad qabtaa waa qof la shirqooley ee iyada iyo ilmaheedaba soo wado.

Guhaad arrinkii iyo taladii madaxda iyo oday Dirir ayuu qaatay waxaa uuna u qalab qaatay sida uu reerkiisa ku soo hantiyi lahaa, durtadiiba waxaa uu galay abaabul iyo diyaar garoow sidii uu ku helaa xog buuxda, meesha ay degan yihiin iyo sida ugu fudud ee uu kula soo bixi karo.

Guhaad waxaa uu isku uruursaday kooxdii dhallinyarada ahayd ee xagjitrka ahayd waana u sheegay xaalkiisa, waa lay dhaarsaday inaan nin dambe oo ciidan ah la sii dayn. Waxaa kale oo lagu taageeray inuu wiilkiisa iyo xaaskiisaba soo uu soo ceshado.

Waxaa la dejiyey habkii loo geli lahaa magaalada iyo qaabkii loola soo bixi lahaa Ubax iyo Odawaa.Waxaa la direy Caanonuug iyo Galac iney soo ogaadaan guriga ay degan yihiin,ciidanka ilaaliya, gooraha ay joogaan, marka la baxo, dadka ku dhaw, amminta ugu habboon ee la geli karo dhammmaan hawlahaas  iney war sugan ka keenaan.

Waa hawl ciidan oo sahan iyo xogdoon ma hureyso, waxaanna loo sheegay in Guhaad uusan waxba dilin, si aysan xaaskiisana uga kalsooni bixin ilmihiisa yarna argagax ugu dhicin inay qaab gaadmo ah guriga ku qabsadaan, hawlgalkoodana ku fuliyaan.

Markii raggii la direy xog buuxda keeneen ayaa la qorsheeyey in habeen dambe la galo guriga, waxaa la soo ogaaday in laba ilaalo ah keliya joogaan, Huruusena yimaado Kow iyo tobanka 11:00 habeennimo am ka dambe, markaasna ilaalladu badato oo toboneeyo gaadho.

Haddaba waxaa la qorsheeyey in Huruuse inta uusan iman fiidka guriga la galo, labada ilaallada ahna la qabto iyagoo nool oo la xidhxidho, xaaska iyo wiilkana sidaa lagula baxo.

Goor habeennimo ayaa Guhaad iyo laba iyo toban ka mid ah ciidankiisa oo gashan dharka ciidanka dowladdu waxa  ay yimaadeen gurigii Huruuse waxa ayna nolosha ku qabteen labadii nin ee ilaalada ahaa, kaddibna gudaha ayay galeen.

Nimankii ilaalada ahaa ayaa u sheegay in guriga shaqaale keliya jooga oo Taliye Huruuse uusan soo dhaafin xerada, Caawana xaaskiisi foolanayso oo ay joogaan xarunta caafimaadka ee gobolka.

Waxaa bannaanka loo soo saarey saddexdii gabdhood ee guriga joogay, mid adeegtoah iyo labadii xigaalka la ahaa Huruuse.

Kaddib ayuu Guhaad  ayaa is dul taagay wiilkiisi Odawaa oo jiifa, markii hore madaxa iyo Afkaa u duubnaa. Markuuse dul yimid Odawaa oo aad moodo Guhaad oo laba jir ah ayaa waxaa uu la ilmeeyey Boholyoow iyo kalgacal, Guhaad weligiis eebbe ka cabsi iyo arrin kale toona uma ooyin caawa ka horoow, laxawga wiilkiisa yar ayaa damqiyey beerka oo ka dhigay  sida baalka goroyada dahnigiisa ama laabta xuunshada.

Waa uu iska furay Afkii u duubnaa kaddibna intuu rabtii uu jiifey madaxeeda dangiigsi dheer oo yaalla ku fadhiistey ayuu madaxana ka dhunkaday, Odawaa ayaa naxay ragga qoryaha sita ee dul tuban. 

Guhaad markuu arkay in aysan xaaskiisi joogin, hadduu wiilka qaatana iyadoo ummul ah naxdinta ay u dhiman karto, waxaa uu go’aansaday inuu ka tago. 

Habeenkaas qorshihii hawlgalku uma fulin, waxaanna dhiciseeyey foosha Ubax, balse Guhaad laftiisa hanjab ku riday in xaaskiisi nin kale ilmo u dhalayso.

Habeenkaas sidaas ayaa lagu kala tegay, Odawaa yarena waxaa madaxiisa ka guuxaya raggii Ifiyaha ku qabtay indhihisa  ee iyagoo qosqoslaya lahaa “ Walaahi wuu kuu egyahay iyo adigaa lagaa jeexay”.

Markii ay ka tageen ayaa gabdhihii kala carareen oo waxa ay tageen xaruntii caafimaadka ee ay joogtay Ubax, inkastoo aysan Ubax arag, haddana waxaa ay la kulmeen qoyskeedii hooyadeed iyo walaalaheed.

Waxa ay u sheegeen arrintii waxaanna markiiba baabuur kaxaystay ciidankii ilaalada ahaa oo iyaguna xerada isku shubay,  Odawaa waxaa loo dhiibey awoowgiis iyo ayeeydiis.

Huruusena markii loo sheegay in ciidan hubeysan oo Afku u duuban yahay gurigiisa tegay oo ilaaladiisa la qabqabtay ayaa cirku ku soo dumey, dhulkuna sida giraanta la wareegay, isaga iyo adeerkiiba waxaa u caddaatay in Guhaad Baarcad joogo.

La soco qaybaha dambe…..

W/Q: Cabdiraxiim H. Galayr

SHARE

2 COMMENTS

  1. Asc Aadbaan kuu salaamey Abwaan A.Raxiim H. Galayr waxaan filayaa inaad noo buuxisey kaalintii Abwaan Axmed Hayow A. H. Naxariiste waxaan kaa codsan lahayn inaad noo Dedajiso Sheekada GARBADUUB mahadsanid

Comments are closed.