Home Qoraallo SUMADAHA QORAALKA Q3-AAD W/Q:- Xasan Cabdulle Calasow ”Shiribmaal”

SUMADAHA QORAALKA Q3-AAD W/Q:- Xasan Cabdulle Calasow ”Shiribmaal”

0
SHARE

SUMADAHA QORAALKA Q3-AAD

GERGOD;

MUUQAALKA SUMADDA GERGOD-KA
Waa ASTAAN ka kooban, JOOGSI. iyo HAKAD,

Sumadda GERGODKU waa; astaan muunaddeeda iyo muumaamuuskeeda gaar ahaaneed leh, waxay kaa kaalmeynaysaa inaad isku-xirto fikradaha aadka isugu dhaw iyo jumlooyinka xariirku uu ka dhaxeeyo, waa marka loo baahdo; astaan ka awood-badan (,) hakadka oo aan hore uga soo hadlay, soona bidhaamiyey xeerarkeeda dhigaaleed. Sidoo kale, waxay dhacdaa booska aan joogsi-buuxa la dhigi karin, taas oo ay keenayso hadalki oo weli sii socda iskuna xiran, haddana ay soo dhex-gasho jumlo kooban oo aan kaligeed in la hormeeyo aysan muunad lahayn, balse, ay waajib tahay in lagu xiro jumlada ay bah-wadaagta la tahay. Astaanta gergodku; waxa ay sheegtaa: walaxda uu qoruhu ka faalloonayo ee kaa horreysa halka la dhigo, sidaa darteed, waa; astaan tilmaameed yaab leh! Kuna tuseysa; in hadalka kugu soo maqani uu yahay mid saameyntiisa leh oo-aad la ashqaraareyso.

Sumaddaan gergodku; waa astaan ay la fajaceen qorayaal-badan oo heer caalami ah, ayna kala garan-waayeen habka adeegsigeeda saxan. Sidaa darteed, aad_baa loogu kala fog-yahay hab-dhaceeda toolmoon ee dhabta ah, balse, waxa la isku raacsan-yahay inay tahay astaan milgo iyo awood leh, qoraalkana ka dhigta mid dhinacyo badan loo qaadan-karo oo si’ dadban ama mararka qaarkood-ba toos ah u xariirisa walxo aan kala maarmin. Si’ kale haddii aan u dhigo, astaantaan GERGODKU; waxay ka kooban-tahay laba sumadood oo bah-wadaag noday ama laysku daray, ka dibna hal astaan oo macno u gaar ah sameynaya noqday. Labadaas astaamood ee ay ka kooban-tahay; waxay kala yihiin: (,) hakad iyo (.) Joogsi.

Maadaama ay labadaas astaan oo midoobay ay ka kooban-tahay; qorayaasha soomaaliyeed qaarbaa u bixiyey; JOOGSI-HAKAD, balse, anigu taa lama qabo, waayo, eray-bixintaasu waa mid ku saleysan laba astaamood oo mid noqday, ka dibna isla labadii eray-bixin ee ay lahaayeen laysugu daray. Sidaa darteed, magac-bixin maahan ee waa lammaanin.

Haddaba labadaas astaamood ee qoraalka u ah kala xadeyn iyo kala meeleyn waa hakad iyo joogsi e, markii laysku nabay ayaa waxa ka dhashay; astaan madax-bannaan aadna u awood-badan. Haddii aan intaas isla garannay sow ma dhihi-karno sumadda GERGODKU; waxay dhacdaa: booska iyo halka in hakad la dhigo ka yara culus, sidoo kalena ka yara fudud halkii joogsigu dhici lahaa? Haah! Waa sidaas! Kolkaasna waxaan ogaannay; inay hakadka ka weyn-tahay, joogsigana ka yar-tahay.

Meeqa astaan ayey xariir la leedahay; sumadda gergodku?


Sida aan soo tilmaamey, astaanta gergodku waxay ka yartahay joogsiga, sidoo kalena, waxay ka weyn-tahay hakadka, sidaas oo kale, waxay qaddar kooban ay ka yartahay sumadda (:), laba-dhibcoodka. Haddaba marka la isku wada daro waxay xariir-shaqo la leedahay (3) seddax astaamood oo habdhaca iyo haaneedinta qoraalka muhiim u ah. seddaxdaas astaamood, laba ka mid ah waa ay ka derejo hooseysaa, halka ay hal astaanna ka awood-badan_tahay. Ujeedka aan u xeerinayo ayaa ah inaan hab suuta-gal ah u kala baranno summadaha qoraalka bila ee haddana bilciya.

Ka warran haddii aan qof aad u bilicsan oo Eebbeheey lud iyo lafba u dhammeystiray, xagal qalloocan iyo xaroor jabanna Daa’in ka dhowray aan meel soo qotominno iyada oo-aan xood lahayn macnaha dhar la’? muuqaalkii indha daraan-darka ahaa ee ay lehayd qofkaasu, waxa qiima tiray oo nahdi iyo nuxirkii ka qaaday hugi la’aanta. Haddaba dharku waa bilciyaha aadanaha, sidoo kalena wuxuu u yahay asturaad iyo arrad-tir. Astaamaha qoraalkuna sidaas oo kale ayaa ay ka dhigan-yihiin bilcin iyo arrad-tiridda shibbanaha iyo shaqalka. Qoraalku, haddii uusan lahaa lahayn summad kala soocda, waxa hubaal ah inuu ahaan lahaa mid laga xiisa dhoco oo aan aadanuhu milgeyn.

Sida ka muuqata sawirkaas, wuxuu si’ aan daah-saarneyn noogu bidhaamiyey, in astaantaanu ay tahay; summad laba af-leh una dhiganta fallaar. Fallaartu afka hore waxbay ka dishaa, dillaacisaa, halka qeybta dambana ay tahay, tan ka masuulka ah in qeybta hore ay yeelato awood ay wax ku burburiso. Sabab kale maahan ee fallaartaas ayaa waxay heshay baalal ay ku duusho; kuna gaarsiiso halkii iyo goobtii loo dan lahaa gaariddeeda. Sidaas oo kale fallaarta haddii aan loo helin aalad socodsiisa macnaha laga geno, kaligeed isma wedi karto, awood ay wax gumaaddana ma yeelanayso. Haddaba sumadda gergodka; qeybteeda sare, waxay ka dhigan-tahay fallaarta afkeeda, halka qeybta dambana ay u taagan-tahay hima gelinta qeybta sare.

HABKA ADEEGSIGEEDA

Gergodka; waxaa loo adeegsadaa in lays-ku xiro laba jumlad ama laba weerood oo kala madax-bannaan, balse, xariir dhaw la leh fikirka aad ka hadleyso, sidoo kale, waxa loo adeegsadaa; in lagu biiriyo laba ama in ka badan oo fikrado ah (qeybo) jumlad ahaan, fikradahaan ayaa markaas la siiyaa boos isku mid ah ama darajo simman, markaas ayaa la dhigaaliyaa; gergod u dhexeeya laba weerood oo madax-bannaan kuna xiran isugeyn isku dhafan ama weero ku meel-gaar ah. TUS:

  1. Dadka waxaa loo oggol yahay inay gaaraan go’aannadooda; natiijo ahaanna, dad badani waxay ku dhaataan; qaabeynta iyo qurxinta qoraalka.
  2. Dadka qaar waxay wax ku qoraan erey-wade;  taleefan iwm; balse, kuwa kale, sababo kala duwan awgood, waxay doortaan inay wax ku qoraan; hab-raac iyo soocmo iyaga u gaar ah.
  3. Lo’da medebkeedu waa gaduud; haddana way duqowday.
  4. Dowladdu waxay maamushaa dalka oo dhan; haddana deegaannada qaar lagama milgeeyo.
  5. Adduunku waa hayaan oo horumar ayuu hiigsanayaa; annaguse lama jaan-qaadi karno.
  6. Adiga laftirkaaga qoraalkaan aqrinaya maxaa kuu diiddan; inaad garato qiimaha afkaaga?.

Maxaa ka socda halkan, maxaadse ka fahan-tahay lixdaas qaab?

Haddaba qaanuunka guud ee isku xirka hadalka; ayaa si’ kastaba tilmaamaya inuu jiro xiriir u dhexeeya labada qodob ee kala madaxabannaan, isla markaana si’ dadban isugu xiran. Tusaalayaashaasi sow kuuma tilmaamin jumlooyin xariira, haddana tu’ walba goonideeda u sameynayso macno gaar ah. Haah dheh! Awooddaas isku xariirisay meel cidlo ah kama dhalan ee waxa iba-furay astaantaas GERGODKA ee cajaa’ibta leh; afka qalaadna lagu yiraa: (Semicolon ;).

La soco qeybaha, haddii Eebbe idmo.

W/Q:- Xasan Cabdulle Calasow ”Shiribmaal”

SHARE