Home Qoraallo Hannaanka xisbiyada badan ...

Hannaanka xisbiyada badan W/Q: Shaafici M. Axmed

0
SHARE

Hannaanka xisbiyada badan

inta badan dawaladdaha xilligaan jira waxa ay u badan yihiin kuwa ku dhaqma, hannaanka xisbiyada,badan, inkastoo ku kala duwan yihiin heerarkiisa,marka laga reebo dawladdaha la isku yiraahdo:(Anglo-Saxons), oo ah Ingiriiska, Maraykanka, Kanada, Ustareeliya, Niyuuslan. Wadamadaas  oo asal ahaan iyo dhaqanba isku dhaw , waxa ay qaateen hannaanka labada xisbi.

Dawladdaha hanaankaan xisbiyada badan qaatay ayaa waxaa kamid ah waddamada Faransiiska, Talyaaniga , Jarmalka, Iswiiska iyo dawladdaha la isku yiraahdo Iskaandaneefiya.

Cilmi baarayaasha ku xeel dheer arrimaha siyaasadda, ayaa waxa ay aaminsanyiihiin, qaadashada hannaanka xisbiyada badan, ama labada xisbi , ay kuxiran tahay heerka kala fogaanshaha ee bulshada u dhaxeeya, iyo inta uu la egyahay ka warqabkooda ee arrimaha siyaasadda.

Dawladdaha qaatay hannaanka xisbiyada badan ayaa bulshadooda dhanka heerarka nolosha ay kala sareeyana, kala fogaansho weynna uu u dhaxeeya, sidoo kale ka warqabkooda arrimaha siyaasaddana aad ayuu u sarreeyaa. Suurtagalna ma ahan kala fogaanshaha bulshoonyinkaas in lagu soo aruuriyo , aragti laba xisbi. Dantuna waxa ay qasbaysaa , fagaaraha siyaasadda in la furo oo laga ballaariyo laba xisbi wax ka badan.

Haddii heerka kala fogaansha bulshada u dhaxeeya uu yar yahay dhanka heerka nolosha iyo ka warqabka arrimaha siyaasadaba, waxaa suurtagal ah in lagu soo koobo aragtiyada bulshooyinkaas laba xisbi.

Hannaanka xisbiyada badan ayaa kala ah laba heer oo kala duwan, waxayna kala yihiin labadaas heer:-

Hanaanka xibiyada badan oo dhammaystiran:

Dawladda Faransiiska ayaa tusaale u ah hannaankaan waxaanna loogala jeedaa,fagaaraha siyaasadda in ay joogaan, dhawr xisbi oo waawayn iyo xisbiyo yar yar oo aad u tira badan, aanan, doonayn in ay ku midoobaan hal isbahaysi, si ayagoo hal jabhad ah doorashada, oga qayb galaan, xisbiyadaan yar yar mid kasta waxa uu ka adkeeysanayaa aragtidiisa, iyo danaha gaarka ah ee kooxda yar uu matalayo.waxaanna ka go’an in ay meel mariyaan.

Hannaankaan ayaa waxaa lagu dhaliilaa, loolanka xisbiyadaas yar u dhaxeeya iyo ayadoo mid kastana uu ku adkaysanayo aragtidiisa gaarka,ah, in ay keenayso in meel la iska dhigo dantii guud oo awoodda la saaro danaha gaarka ah uu mid kasta leeyahay sidii uu ku hirgalin lahaa.

Sidoo kale waxaa dhacaysa bulshada wax dooranaysa in ay ku wareeraan barnaamujyada tirada badan ee xisbiyadaan tira badan ay wataan, waxaana dhacaysa in fagaarihii siyaasadda uu isku badalo golo ciyaareed.

Markii doorashadu dhammaatana oo baarlamaanka la isugu tago waxaa dhacaysa in la waayo xisbi ku guulaysata kuraasta baarlamaanka intiisa badan, oo kaligiis soo dhisa xukuumad hal siyaasad lagu hoggaamiyo, waxaa dhacaysa markaas, in baarlamaankii ay isugu yimaadaan xisbiyo fara badan, kuraasta mid kasta helayna, ay badan tahay, aragtiyo, iyo dano kala duwanna, oo kala codbadnaynna ay ku hardamaan, golihii la rabay in uu kas haqeeyo danta guudna uu isku badalo meel ay ku loolamaan aragtiyo gaar ah , dantii guudna meeshaas ay ka baxdo.

Hannaanka xisbiyada badan ee dhexdhexaadka ah:

Dhaliilihii loo jeedshay hannaanka xisbiyada badan ee dhammaystiran waxa ay qasabtahay,in la keeno,aragti   ka duwan tii hore, oo lagu xallinkaro isku dhexyaaca uu keenay hannaankii hore, waxaana la soo hindisay hannaanka xisbiyada badan ee dhexdhexaadna ah. 

Waxaa lagala jeedaa hannaanka. Xisabayada tirada badan intii isku aragti dhaw waxa ay ku midoobayaan hal is bahaysi , markaas fagaarihii siyaasadda waxa uu noqonayaa mid u qaybsan laba garab oo  mid kasta ka kooban yahay dhawr xisbi oo awoodoodii iyo aragtidoodiina isugu geeya gaashaanbuur.

 Bulshadii wax dooranaysayna waxa fududaanaysa in ay kala doortaan labadaas aragti oo ay kala wataan labada garab ee xisbiyada isku bahaysteen, halkaasna waxaa ka imaanaysa xasilooni siyaasadeed, iyo in laga shaqeeyo dantii guud, dantii gaarka ahayd oo xisbayadu wateenna, in mid kastaana wax uu nuga hirgalaan.

Dawaladdaha qaatay hannaanka xisbiyada badanna waxa u janjeersadeen qaabkaan danbe ee aan kasoo hadalnay.

W/Q: Shaafici M. Axmed

SHARE