Home Curis GARBADUUB Q34AAD W/Q: Cabdiraxiim H. Galayr

GARBADUUB Q34AAD W/Q: Cabdiraxiim H. Galayr

1
SHARE

GARBADUUB Q34AAD

Huruuse wuxuu go’ aansaday in haddii Ubax ogaato nolosha Guhaad uu awood u adeegsado haddii ay diido in ay dhankiisa soo marto magaalada xoog uga kaxeeyo, Madalweyn oo ah meel aan Guhaad iyo ciidankiisu gaadhi karina geysto. 

Oday Carraalena waxa uu talo ku gooyey in gabadhiisu guriga ay joogto aysan ka bixin ninkaa jabhadka ahna aysan xile u noqon, hadduu doonayana wiilkiisa la siiyo oo uu korsado, waxa uuna ka hawlgalay sidii warqada furiin ah la sameeyo arrintan Ubax hooyadeed waa diiday waana ka dagaalantey, balse ciddina kama dhegaysan. 

Marwo Baydan oo ah xaaska Carraale waxa ay u tagtey Ubax, si degan oo waayeelnimo ah, ayay ugu warrantey warka soo kordhay iyo in ninkii Guhaad Samatar nool yahay. 

Ubax waxaa ku dhacay argagax iyo anfariir, dhulkaa la wareegay, hadalkii baa ku dhegay, carrabkii ayaa dhawaqii gabay, ilmo ayaa labadeeda dhaban sida durdurka u qubatey, wax falcelin ayaa laga waayey, goroda ayay laalaadisay, waxaa dabooshay murugo. 

Nabdiga ayay iska weydiinaysaa muxuu kuu cidleeyey, haddana waxa ay is weydiinaysaa, sidee wax u dhaceen oo intaas oodhan xagguu ku qarsanaa, xiskeeda ayaa doodo isku maran iyo muran dhex dabaashay. 

Intaas hooyadeed waa waanineysaa oo waa la hadlaysaa, balse Ubax maqli mayso, waxa  iyadoo xaalku sidaa u cakiran yahay,ayaysan haddana ka daalin iney u waayo sheegto una garaad celiso, ayay u sheegtay in wax weliba  dhacayaan inta la uumanyahay ifkana la joogo, oo ay dulqaad muujiso iyo sidii ay u maareyn lahayd.

Ubax ayaa is tidhi kac, balse intey ay wareertay ayay dhulka ku dhacday waana miyir daboolantay, kaddibna waa la kala orday waxaa loola cararay xarun caafimaad oo gaar loo lahaa oo aan ka dheerayn.

Dhakhtarkii wuxuu sheegay inaysan darnayn oo keliya u baahantahay dejin iyo in laga ilaaliyo buuq iyo wax nafteeda dhibaya, waxaa ku dhacay firkanax(Shoog) waxa kaddib markay miiraawday lagu soo celiyey gurigeeda.

Ubax ha soo miirowdo maahine waxa ay noqotay maqane jooga, waxa ay gashay xasuus dheer iyada oo baadi goobaysa waa kuma Guhaad? Ma kii aad ragba ka calmatay ee aad teer iyo carruurnimadaa taqaana? Ma ku kale oo kuu qarsoonaa oo nacab ahaa oo noloshaada inaad caarcaarto oo ciil ku noolaata rabaybaa, sidee, qaabkee iyo caynkee ayuu kugula maagay inuu kaa dhuunto, inuu geeri been abuur ah sameeyo, inuu gurigaaga soo weeraro, inuu dhibkii aad soo martay iyo kadeedkii kelinnimada kugu daawado?

Weydiimahan ma jirto cid aan Guhaad ahayn oo ka warcelin kartaa waxaase, dadka hareeraha ka jooga ku hadlayaan dhegteeda ayay ku soo dhacaysa, mase ku laha saameyn.

Ubax waxa ay eebbe ka bariday inay mar uun la kulanto, waa tan koowaade inay ku ilqaboowsato aragtida nolosha qof ay waa hore ka quusatay iyo in ay weydiiso, waxa keenay inuu dhib iyo eedaad marsiiyo nolosheeda.

Iyadoo xaalku sidaa yahay oo hareeraha been iyo wax aan jirin lagala fadhiyo, iyaduna aysan mar qudha rumeysan ee ay ka gaabsatay oo qol iyada iyo ilmaheedii yaraa ku xidhatay ayaa  waxaa soo dhacay war dhiilo leh.

Jabhaddii ayaa waxa ay heshay  baabuur ciidanku leeyahay iyo kuwa kale oo xarago oo jidka maraya, waxaa hoggaaminaya Guhaad waa rag dhan ilaa 9 kooxood oo ciidan ah.

Markii uu tegay Guhaad taliska Harweyn isaga oo raggii dilka ahaa badbaadiyey, si weyn ayaa loo soo dhaweeyey, waxa uuna meesha kula kulmay rag badan oo uusan filanayn inuu la kulmayo oo ciidanka madax sare ka ahaa, haatana jabhadda hoggaanka u haya oo dhammaantood, gaashaanleyaal rag badan oo sarreeyayaal guuto ah.

Ciidankii waxa ay weerar ku qaadeen baabuurtii, waxaana la gubay labadii baabuur ee xaragada ahaa, waxaana la dilay dhammaan ciidankii ilaallada ahaa.

Labada Baabuur ee xaragada ah waxaa la socday mid  Bile dheere iyo xaaskiisa iyo laba carruur ah oo ay dhaleen,  xaaska Bile dheere ayaa booqasho u aaday aabbaheed oo degan Warmaaley oo xanuunsanayey, iyada iyo carruurteeda iyo odaygeedu, marnaba ma aysan filan in iyo Baarcad dhexdeeda ay kula kulmi doonaan baqdin ama ciidanka fallaagada (Jabhadda) dowladda ka soo horjeeda.

Maxaa yeelay waa u dhaxaysa saddex talis oo waaweyn, haddana buuraley ah oo gaadiidku ku sanduleynsan yahay inuu soo maro Baraha baaritaanka dowladda.

Balse nimanka soo duulay dhammaan sahaydooda iyo hubkoodu waxaa uu u saarnaa, dameero iyo baqlo, waxa ayna ka soo dhex baxeen buuraha taxan iyo qabaanqaw iyo qarar iyo haadaamo ah ayay ka soo tallaabeen, waxaa hoggaaminayey oo horseed u ahaa rag dhulka aad u kala yaqaan oo adhi ku raaci jirey.

Wareerkani jabhadda waa guul waayo taliye sare oo qaybta oo dhan haystay ayay dhegta dhiiga u dareen, balse waxaa ku dhintey ubadkiisa oo aan waxba galabsan iyo xaaskiisa oo aan cidna godob ka gelin.

Markii Guhaad iyo ciidankiisu qalab uruursi iyo hub furashada galeen ayaa la arkay bile dheere oo mayd ah, balse waxaa inta badane ka naxeen labada carruur ah iyo haweenayda oo baabuurka oo gadoomay qaraxii baasukaha aan nafba dhulka kula dhicin.

Guhaad oo aad uga tiiraanyeysan falka dhacay, waxbana aan ka qaban karayn ayaa meeshii ka tegay,  waxaa markiiba yimid gurmadkii dowladda, waxaase ay arkeen waxaa dhacay durtadiiba waxaa la wacay Huruuse markii geerida adeerkiis, xaaskiisa iyo carruurtiisa loo sheegay ayuu argagax ku dhacay.

Waxaa la ogaaday in ciidanka uu hoggaaminayey Guhaad, waayo dowladdu waxa ay ku dhex leedahay kooxda jabhadda ah niman xogdoon ah oo jabhad iska dhigaya, halka jabhadduna ciidanka ku dhex leedahay rag u soo gudbiya xogaha ciidanka iyo arrimaha qarsoodiga ah.

Warkii dhiilada lahaa markuu yimid, carrigaa isla uugaamay, waxaana la kiciyey ciidankii deegaanka Baarcad iyo agagaarkeeda joogay, waxaanna dhex maray Jabhaddi iyo ciidankii dowladda dagaallo lagu riiqmay oo labada dhinacba ay kala gaadhay dhibaabe iyo dhimasho badan.

Waxaa fufay oo guud ahaan dalka ku baahay dagaalkii u dhaxeeyey Jabhadda iyo dowladda, waxaa sii gabaabsiyey awooddii dowladda oo maalin walba waxaa ka goosan jirey ciidan hor leh, arrinkuna wuxuu isku dhalanrogay mid abtirsiinyo iyo odayo keenad ah.

Huruuse waxaa laga dhigay taliyaha qaybta waxaanna loo dhiibey kaalintii adeerkii Bile dheere, inkastoo gaashaanbuurtu aysan ku dareensamayn haddana ma jirin cid kale oo ay ku doorsadaan.

Ubax markii mar kale loogu daray loona sheegay in uu Bile dheere dilay Guhaad, haddana ninkeeda u soo socdo, waa is dhalanrogtey waxa ayna rumeysatay beentii iyo ku tiri ku teentii dadku isla  dhexmarayey, sidoo kale waxaa soo if baxday iyaduna in ninkeedii hore uusan furin ee iyadu iska furtay uusana dhiman ee uu noolyahay, tani waxa ay necayb ku abuurtey bulshada taageersan Jabhadda oo u arkay inay tahay qof han liidata oo nin halyeey ah ka dooratay nin horror ah.

Waxa ay Ubax af xumo iyo af lagaado kala kulmi jirtay jidadka iyo deriska, goobaha ganacsiga, waxaanna inta badan soo gaadhi jirey warar ka dhan ah.

Arrintan waa mid kale oo dareenkeeda sii dhibtay, waxa ayna go’aansatay inay la xidhiidho Guhaad, si ay u ogaato iyada iyo isaga midka qalloocan iyo midka quman, meesha wax ka gedman yihiin.

Ubax waxa ay raadisay qaabki ay ula xidhiidhi lahayd, waxa ayna ogaatey in Quman joogto meel u dhaw meelaha lagu sheego Jabhadda, waxa ayna duubtay Codkaydis (Cajalad) ay  wax alle wixii dareenkeeda ku jirey kaga hadashay.

Gabadhii guriga u joogtay ayay sahay siisay oo ay tidhi farriintan farta ka saar Quman cid aan iyada ahayna haku simin, cid kalena yeysan ogaan.

Ubax waxa ay markan gaadhay go’aan ah inaysan xaas u sii noqon Huruuse iyo Guhaad midna ee ay noqoto, qof madax bannaan, waxa ayna furiinka ka codsatay Huruuse iyadoo og inuusan qabin,  maalintay ogaatay in ninkeedii hore noolyahay ayaana nolol iyo gogol ay wadaagaan ugu dambeysay, waxaa galay walbahaar iyo werwer waxa ay dhaliishay nafteeda, waxa ay isu aragtay qof  ayaandarran ifkana dhib maahine aan dheef ka mudan.

Ubax dul ahaan iyo dareen ahaanba waa is dhalan rogtay, quruxdeediina waa baa’ badey, jidhkeediina waa gurmay, waxa ay u ekaaday qof qabiran oo meel ku xidhan, dareenkii cunida, cabista, xaragada iyo is hagaajintaa ka baxay.

Huruuse wuxuu ku adkaystay in uusan fureyn, iyaduna sidii ay gurigooda u tagtay kama aysan soo noqon, waxa ayna kor iyo hoos ugu sheegtay, midka dilaaga ah ee duurka jooga inuu yahay ninkeedii ay calmatay aysana kala tegin, hadduu isagu ka doorbiday inuu ka tegona aysan iyadu diinta ka gudbayn ee ay sugayso in ay kala tagaan.

Ubax noloshu cidhiidhi ayay ku noqotey, dhawr jeerna waxaa galay dareen ah, mays dishaa, mays gubtaa, haddana rumeynta eebbe ayaa u diidaysay, waxa ay garoowsatay inaysan iyadu gefin ee  ammintu gelisay go’doon, waxa ayna go’aan ku gaadhay inay ubadkeeda korsato nin oo dhana ka dheeraato.

Quman waxaa gaadhay farriintii loo direy ee ku duubnayd kaydisada,  markay u dhiibtay Degan oo ahayd adeegtadii Ubax, waxa ay u sheegtay in aysan iyada ku socon ee ay walaalkeed gaadhsiiso.

Qumana waa ka gu’doontey waxa ayna u sii dhiibtey ninkeedii Caseyr in uu farrinta degdeg ugu geeyo Guhaad.

Caseyr ayaa tegay halkii ku ogaa iyo Ceel maajeen, waxaase loo sheegay inuu dhankaas iyo taliska ugu weyn ee Haraweyn ka hawl galo oo ku qaadanayaa Caseyr ammin laba dharaarood ah inuu ku tago dhinaca waqooyi.

Halkaas ayuu ka raacay baabuur Caseyr si uu seedigii warka ka yimid xaaskiisa ula wadaago, waxaa kale loo raaciyey in 15 maalmood kaddib laga sugayo warcelin oo ay soo noqon doonto Degen.

W/Q: Cabdiraxiim H. Galayr

SHARE

1 COMMENT

Comments are closed.