Home Qoraallo MA MUQDISHO BAA MISE LONDON ? W/Q: Cali Cismaan Bulle

MA MUQDISHO BAA MISE LONDON ? W/Q: Cali Cismaan Bulle

0
SHARE

MA MUQDISHO BAA MISE LONDON ?

Marka aad si fiican u dhugato weydiin kore ee ah ma Muqdisho baa mise London? waxaa kugu soo dhacaya maxaa iska galay ama xiriir ka dhaxeeyo magaalooyinka Muqdisho iyo London oo ingiriiska ah.

Haddaba, aan usii dhaadhaco ujeedka qormadeyda oo ah mid aan uga hadlayo sida ganacsatada magaaladda Muqdisho u saameeyay afka qalaad gaar ahaan afka ingiriiska oo ay ku xardheen hoteellada, dukaamada, maqaayadaha, jaamacaddaha, goobaha la isugu yimaado, jidadka, gaadiidka dadweynaha, min boorarka waaweyn ilaa kaararka yar ee aqoonsiga waxaa ku wada qoran af qalaad gaar ahaan ingiriiska.

Mugdi ayaa kaa gelaya afka ay ku hadlaan dadka muqdisho ku nool, marka aad aragto Boorarka, warqadaha derbiyada iyo jidadka xayeysiin ahaan loogu dhejiyey iyo magacyada goobaha ganacsiga. Kuwaas oo badankood ku qoran Af aan ahayn kan dalka looga hadlo.

Marka aad dhex mushaaxdo ama dhex qaado magaalada Muqdisho waxaa maankaada kusoo dhacayo waa hadii aadba garaneyso afka ku qoran boorarka ma Muqdisho baad joogtaa mise London? mase joogtid ee nasiibdarro dadkii la rabay in afkooda sare u qaadaan ayaa ka doorbiday in ay adeegsadaan afkan qalaad.

Ganacsatadu cida ay wax ka rabaan waa soomaali, cida ugu badan ee u shaqeyso waa soomaali, meesha ay joogaan waa soomaaliya ma jirto wax keenaya in la adeegsado afka qalaad, haddii aan laga maarmeynin oo loo baahanyahay in la adeegsado afka qalaad waxaa habboon in doorka koowaad aan la siin oo marka hore af soomaali far waaweyn ah lagu qoro kaddibna hoos afkii markaa loo baahan yahay lagu qoro oo lagama maarmaan ah.

Inkastoo ganacsatadda qaar ku doodaan in shisheeye badan wax ka iibsadaan sidaana u doorbideen afka qalaad haddana ma dhamo boqolkiiba 5%  marka marmarsiyo ma noqoneyso oo af waliba oo looga hadlo dunida waxaa horumariya dadkiisa.

Dadka badankii ayaa aad isugu u arka inay dheef badan tahay barashada afafka qalaad, haddana taas ujeedkeedu marnaba ma noqoneyso in la-illoobo oo daaqadda laga tuuro afkii hooyo.

Burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya wuxuu dhaliyay taag-darro kusii timaadda adeegsiga af-Soomaaliga haba ugu sii darnaato markii dibad joogta soomaaliyeed bilaabeen in ay soo guryo noqdeen oo dalka dib ugu soo laabteen ka soo bilow 2012kii ilaa amminkan aynu joogno 2019 ayaga oo qeyb weyn ku lahaa sare u qaadista dhaqaalaha dalka taa ayada ahna waxaa barbar socday afkii soomaaliyeed oo sii liicayay meeshana kasii baxayay ayadda oo maanta loo baahan yahay in arrinkaa lagu baraarugo oo laga joogsado afka qalaad ee sida xad dhaafka ah loo sii adeegsanayo midaa oo keeni karto af burbur xooggan iyo in uu meesha ka baxo adeegsigii afka soomaaliyeed. Maxaa yeelay?Af waliba oo looga hadlo dunida ayaa waxaa hormariya  dadkiisa!!!

Hadaba Afkeenna hodanka ah wuxuu ku soo fool leh xaalad murugo ah oo misana jirin cid isku dayeysa iney guntiga dhiisha isaga dhigto sidii ay uga saari laheyd xaladaas murugada ah, inta badan dadka masuuliyiinta ah ee hormuudka u ah dadka soomaliyeed ayaad arkeysaa iyagoo hadal u jeedinaya bulsho soomaliyeed islamarkaana 40% ku dhex daraaya afaf qalaad haba ugu horreyee afka Englishka.

Waxaan ku talinayaa in dadka sameeya qoraallada ama abaabula shirarka loogu tala-galay dadka Soomaalida ah, ay adeegsadaan afka Soomaaliga oo ah kan ay ugu garasho og yihiin, haddii aysan jirin sababo maangal ah oo lama huraan ka dhigaya in dadka wax loogu sheego af-qalaad.

Guntii iyo gebagabadii waxaan qormadeydan gaaban ku soo gunaanadayaa haddii aanan loo wada kicin sare u qaadista afkeena hooyo dal iyo dibadba si guud iyo si gaar ahaaneed magaaladdaMmuqdisho oo ah ubucdii dalka in afkeena soomaaliyeed uu meesha ka bixi doono ayna bedeli doonaan afaf qalaad oo kala jaad ah eebbe inaguma keenee.  

W/Q: Cali Cismaan Bulle

SHARE