Home Curis GARBADUUB Q36AAD W/Q: Cabdiraxiim H. Galayr

GARBADUUB Q36AAD W/Q: Cabdiraxiim H. Galayr

0
SHARE

GARBADUUB Q36AAD

Oday Carraale waxaa uu sheekha u sheegay dhammaan intii loo sheegay ee ahayd iyo qaabkii wax u dhaceen, markii la waayey Guhaad raq iyo raad, in gabadhiisu dhib badan iyo murugo soo martay,  in isaga la xidhay oo lagu daray rag dil lagu soo oogey, balse eebbe u bixiyey Huruuse iyo Bile dheere oo ka badbaadshay.

Ugu dambeyn in ragga magacyadooda la laayey uu ka dambeeyey Guhaad oo summadiisa iyo suulkiisu  saaran yahay, isagoo xil ka mudana uu dilkiisa qorsheeyey.

In uu Guhaad ka been abuurtey dhimashadiisa oo dagaal iyo duminta dalka ka doorbiday, waxii laga dhaadhiciyey ayuu la gole yimid.

Sheekhii ayaa yidhi adiguna hadal Guhaadoow: Kaddibna waxaa isna doodiisi marsaday bilow ilaa dhammaad intii rafaad iyo raxanraad uu soo maray sidii loo shirqooley, sidii uu ku baxsaday iyo siday wax u dhaceenba Guhaad.

Oday Carraale markuu maqlay taliye Caddaawe ayuu waxoogaa dareen galay, haddana waxba looma sheegin, waase  ogaaday inay wax jiraan, wuxuuse ku adkaystay, si dhan walba loo kala badbaado, gabadhiisana aysan magac xumo ugu iman, inuu hadda u furo, ninkaas kalena  maba qabo oo wadaadka ayaa caddeeyey in ninkaasi uusan qabin gabadhiisa, hadduu ogaal kula joogay in Guhaad noolyahayna isagu dhankiisa ahaa nin wax  reeban banneystay, haddii uu ogaal la’aan ahaana labadooda midkoodna uusan dhib falin, haddase ninkaan inta uu yimid in keliya meherkiisu yahay kan dhabta ah.

Guhaad waa ka diiday arrinkaas, waxaa uuna yidhi:  Adeer anigu haddaan adiga ku dilayo, kuguma qoreen buug ee qoriga haddaba dhabta ii saaran baan gurigaaga waan aqaana la iman lahaa, anigu dalkayga waan jeclaa ilaa haddana waa jeclahay, nimankaas ayaa iga dhigay eedaysane iyo dhagarqabe, intaasna waxa ay u mareen in ay xaaskayga hantaan oo la wareegaan.

Anigu maanta xaaskaygii ayaan rabaa, maxay u guursatay ku eedi mayo oo waa dhibaato iyada iyo anigaba naloo geystay, haddiise aad ku adkaysato inaan furo, waxaa isoo baxaysa inaad shirqoolka wax ka ogeyd, gabadhayda iyo xaaskaygana hanti dhaafsatay, mana aha mid aan yeelayo.

Arrinkii wuxuu noqday qir iyo qir, labadoodiina waa is mari waayey, wadaadkiina waa ka diideen dhexdhexaad,  wadaadkii ayaa markaas la wareegay warka oo yidhi:  Horta Carraaloow ninkaan go’aanka furitaanka isagaa iska leh, mana jirto xaas laba nin wada qabto, ee gabadhaada waxaa qaba ninkaan isaga ayaanad soddog u tahay.

Haddii aad u aragto ninkaa kale in kansho u bannaantahay ma jirto ee waa wixii alle reebay iyo guri hoog, haddaad gabadhaada ninkaas u qoor qabato.

Gabadha iyo wiilka is tus oo hays arkaan iyaguna noloshooda go’aan haka gaadhaan.

Carraale ayaa warkaas diiday oo yidhi: Ninkaan hubeysan gabadhayda waa Af duubayaa,sidii uu u dilay Bile iyo reerkiisa hanoo laayo hana noo dhammeeyo, kaddibna gabadhayda ha wato, haddii kale raali ahaanshahayga, gabadhaydana arki mayo xididnimo iyo wanaagna nagama dhaxeeyo nin inuu i dilo rabayna gacalnimo nama dhex mari doonto.

Halkaasa lagu kala huleeley, oday Carraalena cidna uma sheegin wixii dhexmaray isaga iyo Guhaad iyo kulankooda.

Goor habeennimo ah ayaa kooxdii Jabhadda ahayd oo ku jirta jid gooyo waxaa soo maray  baabuur ay saar Laanroofer ah oo ay saaran yihiin lix nin oo laba ciidan tahay.

Lama xabbadeyn ee waa la joojiyey, kaddibna waa la soo dejiyey, hubkaa laga qaaday waana la wareystay,  waxaa yimid, Jidhif iyo Guhaad oo wada socda, mar allaale markii uu Guhaad yimid mise waxaa ku jira ragga la hayo  Taliye Shirwac.

Taliye Shirwac markan maaha ciidan waa  xilhaye hawleed oo dhinaca waxbarashada ah, waxaa uuna kormeer ugu socday Baarcad, waa hore ayuu ka tegay hawshii ciidanka, isagoo arkay inuusan la jaanqaadi karin.

Guhaad ayaa isku duubay, isaguna waa obsiyey oo aragtidiisa iyo noloshiisa u riyaaqyey isagoo dhanka kale saluug uga jiro, ninkii uu ku dhaadanayey oo qayb ka ah burburka dalka iyo ciidamada hardamaya.

Taliye Shirwac markay is garteen waxaa uu soo jeediyey in la sii daayo Guhaad, waxaase ka soo horjeestay Jidhif iyo ciidan badan, waxaanna la hordhigay heshiiskii iyo xeerkii Jabhadda ee aan ninna nin bixin karaynin.

Guhaad waxaa uu iska dhiibay qorigiisii, waxaa uunna dhinac ka galay raggii tubnaa ee garba simmida u taagnaa, waxa uuna yidhi: Ma dhacayso inaan barahaygi iyo barbaariyehaygii, badbaadiyihii iga soo saaray qabirka aan gacantayda iyo taladayda ku dilo,  mana dhacayso inaan xeerkii noo yiilay jebiyo, haddaba waa inaad ila dishaan si aan noloshan foosha xun ee liidata uga baxo.

Markana waxaa kala qaybsamay ciidankii oo Guhaad iyo Jidhif waxaa ay ciidanku kalsooni badan ku qabaan Guhaad oo la dagaal gala, dhaawacooda dhaya, u  naxariista, meel wax kula cuna, meel la seexda, kana war haya oo la jaal ah.

Waxa ay dhaheen dhammaantood annaguna gacantayada kugu dili mayno , ee noo sheeg wax aannu ku dhaafno raggaan. 

Guhaad waxaa uu uga sheekeeyey qofka uu Shirwac yahay, dal jacaylkiisa, dadnimadiisa, naxariistii iyo qofka uu yahay. Waxaa kale oo uu sheegay in isaga la’aantiis uusan maanta noolaadeen ee la dili lahaa ama qabir ku jiri lahaa.

Waxaa uu uga sheekeeyey dhibkii ku dhacay raggii ku dhigay ninka ka badbaadiyey inuu yahay isaga iyo taliye Caddaawe.

Sidaas ayaana loogu sii daayey Shirwac iyo raggii la socday iyo hubkoodii, Shirwac iyo Guhaad gaar ayay u hadleen, waxaa uunna uga sheekeeyey dhacdadii qoyskiisa iyo dilii Bile dheere, waxaa kale uu ka codsaday in isaga iyo Caddaawe qudhaata yihiin ragga qoyskiisa iyo xaaskiisa badbaadin kara una sheegi kara runta.

Shirwac sidaasuu ka balan qaaday, waana sii daayeen isaga iyo raggii la socday.

Raggii Shirwac la socday waxaa ka mid ahaa nin xog doonka dowladda ah, balse kormeerka ka mid ahaa, waxaa uunna markay tageen Baarcad gudbiyey in Shirwac xidhiidh wanaagsan la leeyahay Jabhadda, sidoo kale Taliye Caddaawe yahay nin gudaha u jooga oo halkaas hawsha ka maamula.

Taliye Caddaawe oo xilka mar hore laga wareejiyey, hawlgabna iska ah ayaa looga yeedhay Madalweyn isaga iyo Shirwacna god baa lagu riday oo waa laga qariyey iftiinka iyo madax bannaanida, waxaanna ku billowday, dhibkii iyo rafaadkii Guhaad soo maray, ma jirin wax caddeyn iyo dabagal ah oo la sameeyey, keliya dhacdada lagu badbaadiyey Shirwac ayaa noqotey mid laga dhigto daw iyo jid loo maro.

Waxaa xoogeystay, dagaalkii jabhadda iyo u dhaxeeyey ciidanka dowladda, waxaana dhammaan gobolladii iyo degmooyinkii dalka ka dilaacay, dagaallo iyo iska hor imaadyo ay dadkii deegaanku kala raacaan labadii ciidan ee ku hardamayey  hardamayey dalka.

Dadka raacsan jabhaddaha ayaa ka tiro batey kuwa ka soo horjeeda, taasoo ay dhalisay cadaadiska batay ee ciidanka dowladda iyo kala soocida bulshada oo saameyn weyn ku yeelatay.

Jabhaddii waxa ay yeelatay garbo badan oo dhan walba ka hawlgala, waxaanna fududaatay in qof walbaa ka mid noqdo jabhadda iyada oo aan la ogeyn  ujeedka iyo waxaa keenay inuu ka mid noqdo.

Jabhaddu waxa ay gabbaad u noqotey, eedaysane walba oo dalka gabboodfal ka galay, kii dhacay hantidii dadweynaha, kii laga gardaraa iyo mid jiibta iyo jaanta iskala raacay.

Waxaa markan gudaha laysula soo galay gobolladii iyo magaalooyinkii waaweynaa oo wareer cad oo badheedh ah laysaga horyimid, jabhadiina waxa ay heshay taageero carra edge ah oo dowladdo shisheeye ayay garab ka heleen iyagoo hub iyo agab ciidanba loogu roonaday.

Dalka waxaa is qabsaday dab iyo qiiq, waxaanna dowladda awoodeedii ku soo ururtey, Madal weyn iyo xarumaha gobollada iyadoo dhammaan degmooyinka iyo tuullooyinka dalka lagala wareegay.

Maalintii dambe ayaa ciidan uu hoggaaminayo Koorneeyl  Deyr  goor waaberi ah badhtanka usoo galay, magaalada Baarcad, ciidanka waxaa ka mid ah ragga garabyadiisa kala wata, Guhaad, Dhuuhe, Dulxun, Caanonuug, Bisad iyo rag badan oo magac weyn ku yeeshay jabhadda dhexdeeda.

Guud ahaan waxa la qabsaday dhammaan Baarcad marka laga reebo gegida duulimaadka, taliska Gaaska iyo xarunta gobolka, Xarunta caafimaadka iyo  dhanka waqooyi.

Dadweynihii qof weliba wuxuu haaban karayey ayuu qaatay, waa ayna barakaceen, si loo badbaado dadkii waxa ay isugu tageen,  meel haro ah oo weyn, Dhaam biyo fadhiisin dowladdu u samaysay in xoolaha iyo dadka miyigu ka cabbaan.

Halkaas oo duleedka magaalada weliba dhanka dowladdu haysatay ku beegan, dadka meeshan tegay ayaa u badan dhallinyaro, haween iyo dad duqeyti ah.

Waxaa goor barqo ah dhinacyada ka soo galay dadkii ciidan gurmad kaga yimid  Buurasogan oo uu hoggaaminayo taliye Qalaaf,  taliye Qalaaf isaga oo yar ayaa Aabbihii la dilay, waxaana diley, dad ka soo jeeda Baarcad, dagaal iyo guluf miyi ka dhacay godobtiisa ayuu qabaa, waxaanna uu ciidanka u galay inuu awoodda ciidanka ku aarsado.

Waxaa uu hareeraha ka galay dadkii soo barakacay, meel ayuu isugu wada keenay, wixii cararayna, xabbad iyo baabuurka lugtiisa ayuu ku laayey.

Kaddib ayuu kala saaray, wixii dhallinyaro ahaa ee da, doodu y dhaxaysay 14-30 ayuu dilka ku bilaabay markuu is dul saaray raqdooda, ayuu haddana haweenkii dhallinyarada ahaa ciidankii kufsi kula dhaqaaqay iyo dil middii oroda ama is waasha.

Waxaa uu si jees jees ah u laayey waayeelkii carruurtii, isaga oo ugu yeedha, Mahbar dhasho, Mahbar dhale iyo Mahbar yar.

Waxaa halkaas ka dhacay gumaad iyo xasuuq aan loo aabbe yeelin waxaanna uu halkaas ku dilay dad boqolaal kor u dhaafaya oo aan waxba galabsan oo ciidankoodii dilay.

Dadkii filshada ka qabay in dagaalku qaboobayo markii ay soo gaadhay dhacdadan waxaa ay doorbideen inay u cararaan, dhanka soohdinta xabashida.

Waxaase wax lala yaabo ahayd, ubadkii lagu barbaariyey in xabashidu tahay nacabka koowaad ee soomaaliyeed, markii iyagoo ka ordaya ciidan soomaaliyeed ay gacan iyo gargaar ka heleen ciidankii xabashida.

Ciidankii xabashida ayaa soo dhaweeyey dadkii, waxa ay siiyeen balbalooyin(Teendho) ay galaan, agab iyo cunto, dawooyin iyo daryeel aan kala go’ lahayn.

Arrintan ayaa xabashidu ahayd  qorshe ay ugu talo gashay inay ku baa’biso colaada gaamurtey ee soomaalida loo geliyey, iyadoo isku jebinaysa oo ujeedkeedu yahay “ Lafo Maroodi iyagaa laysku jebiya”

Dagaalkii inuu sii ballaadho maahine kama uusan soo rayn ilaa heer uu gaadhay  guri walba iyo degel walba soomaali joogay,  dadkiina waxa ay u qaybsameen kuwo naftooda la cararay oo dalalka deriska iyo kuwa ka fog gaadhay.

Kuwa naftu biday inay badweynta ku socdaalaan oo maraakiib iyo doomo isku guray kuwana ku dhammaadeen kuwana ku badbaadeen.

Kuwa iyagu dulqaad u yeeshay dhibta oo hadba dhanka wax ka dhacayaan maahine dhanka kale u orday, qoysas badan ayaa ubadkii iyo tawlkii dhalay kala lumeen, dad badan ayaa raqdooda iyo raadkooda la waayey.

Deegaamadii nabdoonaa ee cagaarka iyo beeraha lahaa, kuwii xooluhu daaqi jireen, waddooyinkii bilcamaa iyo dhismayaashii dhaadheeraa, waxaa ka kacay dab iyo holac waxaanna ay noqdeen wax dumay iyo wax daldaloola.

Hoog baa loo bira tuntay, ka dar oo dibbi dhal ayay noqotey, dadkiina waxaa ku dhacay,  Col ku dhac(Ciidankii dowladda) oo Tuuggo kuu ciidamisay(Ciidankii Jabhada).

Iyadoo saas ah, ayaa mar walba Guhaad waxaa uu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay inuu dib u hanto qoyskiisa, si uu noloshiisii hore dib ugu soo celiyo.

Ubax waa ay ka qaxday Baarcad, balse waxaa ay u qaxday dhanka  ciidanka dowladdu joogay iyada iyo qoyskeedi.

Waa ay ku badbaadeen oo Huruuse oo aan waxba ka dhaxayn ayaa badbaadiyey, isaga oo dareen wanaagsan u muujinaya.

Inkastoo aysan Huruuse waxba kala dhaxayn Ubax haddan Ubax Huruuse waxa ay u haysaa gabadhiisii curad.

Ubax hooyadeed ayaa kula talisay Oday Carraale in uu aado Madalweyn oo hooy iyo nolol uga diyaariyo, iyaguna ay ka daba yimaadaan.

Maxaa yeelay waa Meesha qudha markaas oo xasilooni iyo nabadgelyo ka jirtey, inkastoo haddana cadaadiska iyo cabudhinta ciidanka dowladdu ka jirtay, haddana waxaa in badan ka wanaagsanayd meelaha loo qaxay ee soohdimaha ah iyo kuwa dagaalladu ka socdaan.

Waayo dadka degan Madalweyn waxa ay haysteen nabadgelyo, waxbrasho, caafimaad iyo dhaqdhaqaaq ganacsi, taasoo la odhan karayey kama aysan jirin guud ahaan dalka intiisa badan.Taladan waa uu qaatay Oday Caraale waxaa uuna u socdaaley dhinacaas iyo Madalweyn.

Guhaad ayaa ka war helay, Meesha reerkiisu joogo, waxaa uunna habeen iyo maalin dul dhigay haween tallaabo tallaabo iyo taako taako ula socda, dhaqdhaaqaqooda, waayo markan ma jirin rag goobtaas tegi karayey oo dadku waa kala miirmay.

La soco qaybaha dambe…..

W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

SHARE