Home Qoraallo Gorfeynta Godob iyo Gallad W/Q: Cabdixafiid M. Xersi(Wasiirka)

Gorfeynta Godob iyo Gallad W/Q: Cabdixafiid M. Xersi(Wasiirka)

0
SHARE

Gorfeynta Godob iyo Gallad


Buugga waxa qoray Bare, Qoraa sare Xuseen Maxamed Cabdulle “Wadaad” oo ka hor burburki Dowladdii dhexe ee soomaaliya ka mid ahaa qalinleydii iyo qorayaashii wax ku qori jiray warsidayaashii dalka ka jiray.Buugga waxa uu ka koban yahay 394 bog oo u qeybsan 22 qeyb, Buugga waxa uu ka hadlayaa dhowr qeyb oo aan u arkay in ay lagama maarmaan yihin haddana si koban isu dul istaago wa sidan.

Garsoorka
Nolosha waxa ugu wayn ee loo nol yahay waa in san ku neefla kasta uu helo  Garsoor, waxa ayna ka bilaabataa maalintaad Ifka timaatid ilaa maalinta aad ka hayaantid ee lagugu hubsado godka. Garsoorku waxaa uu ka bilaabmayaa guriga iyo barada aad ku soo korto oo aan ula jeedo waalidka waa in ay u  sinnaan falaan ubadkoda, u barbaariyan dhabahasan, si wanaagsana Muslimka u aasan kolka Alle Adoonkisa dalbado.


Buugga waxa uu iftiimana Garsoor xumada ay sameeyaan dadka hantiilayaasha ah ama  xilalka sar sare ka haya dalka,marka caruurtoda ay ka falaan gabboodfalyo  halis ah, una geystaan dadka dan yarta ah ee tabarta yar dhan kasta, waxaa uu qoraagu si aad ah ugu nuuxnuuxsaday, garsoorxumada iyo sinnaan la’aanta ka dhacda bulshada dhexdeeda, taasoo keenta gadood iyo godob aan harin.

 
Buugga waxa uu tibaaxa sida ay suurtagal u tahay in la  dhalangadiyo xeerka iyo garsoorka oo  eedaysane nabad ku mushaaxo, halka ganaaxiisa iyo  eediisa loo xambaariyo  qof aan waxba geysan oo hufan, waxaa dhacda in qofkan lagu rido xukun kaasoo aannu marar qaarkood heli karin cid u dooda ama daba gasha, waxaa dhacda in qofkaas eeda loo xambaariyey la jirdilo laguna jujuubo inuu afkiisa ka qirto dhib aannu samayn iyo eed aannu lahayn.
Marka aad ka shaqayneysid Garsoorka ama laamaha la halmaala, sida dambibaadhista,Qareenka,  Garsooraha, waxaa dhacda in mararka qaarkood ay ku soo food saarto, Hatigaad lagugu xidho in ubadkaaga ama qoyskaaga la waxyeelayn doono, Hanjabaad naftaada loo geysto Caga jugleyn,  Xilka qaadis in adiga laftaada shirqool laguu maleego. iwm.


Warbaahintu waa Mindi leh laba Af oo marna wax dhimaale leh, marna waxtar leh, waxan ula jeda Warbaahinta waxa ay qeyb wayn ka qaadan karta soo bandhigista garsoorxumada dalka ka jirta iyado lo maraayo hab iyo hannaan quman  oo aan lagu xadgubeyn qofnaba maamuuskiisa iyo milgihiisa gaar ahaaneed  si qumana loo bidhaaminayo falka xun ee  dhacay iyo ciddii geystay.


Samafalka
Maamo Dahabo iyo Qareen Cosobow  waa laba haldoor oo ka mid ah dadka sheekada muga weyn ku leh, waxa ay  muujinaysaa kaalintoodu mid samafal iyo naxariis ku dheehan tahay, iyaga oo garab iyo gerger u noqonaya, qoyska reer Maxaad Cali oo dhibaatooyin badani isaga daba tageen, kaddibna waayey cid ay u ciirsadaan, maareynteeduna ku adkaatey.

Labadan Haldoor ayaa kaalin weyn ka qaadanaya  samafalka iyo garabgalka qoyskaas iyagoo aysan jirin wax u dhaafsiisan soomaalinimo oo ka dhaxeeya, waa habka lagu yaqaan qofka hufan ee gobonnimada u dhashay in uu u gargaaro qofka uu awoodo, lana qaybsado dhibka iyo dhiilada haysa. Arrintan ayaa ah mid dhaqanka carra edeg oodhan aadanuhu ka siman yahay, haddana innaga gaar ahaan soomaalida waxaaba ina faraysa diinteena wanaagsan ee islaamka.

Maamo Dahabo iyo Qareen Cosoboow, waxa ay kaalin weyn ka qaadanayaa badbaadinta, dhallinyaro aan wax fal dambiyeed ah geysan oo la shirqooley.

Dhaqanka
Dhaqanka Soomaalida wa mid so jireen ah, Buugga waxa uu tilmaamayaa dhaqankeeni bulsho ee ay lahaayeen Hablaheeni hore iyo Xaasaska la qabay


Raxma yarey waxa ay aheyd inan fariida dhaga fudud aadna u taqaan aqoolida martida, sida lagu yaqaanay hablihi hore iyadoon waalidka wax cunin inaysan uga hormarin, oo ay dhawraan in qoysku mar wax wada cuno,  haddana gabartaasi manta oodhan ayay Jikadda ku jirtay mana laga yabao in ay wax cunaan ama ka hor hurdaan laakin hadda xaal Alla og.
Dhan kale Afada sido kale saygeeda oo imaan hurda ma jirto, isagoon Cuntada ka dhargina Cunid ma jirto. 

Xalinta muranka so kala dhex gala dadka isku dhaw sida xaaska iyo saygeeda ama Widaay iyo jaalkiisa oo lagu xaliyo si buuq la,aan ah oo la iskuna niyad sanyahay.
Kala duwanaanshaha dhaqanka magaalada iyo kan miyiga, miyiga waxa ku dambeeya ilaa hadda oo ah dhowrista qofka, xariirinta, halka magaalada dadkeennu ka gudbeen kana talaabeen habdhaqan badan oo bulshadeenu lahayd. 

Dulqaadka

Nolosha dhammaanted waxa ku xeyndaaban jirrab iyo bilkayd, si guul qofka uu u gaaro wa in uu lahada  dulqaad iyo adkaysi fara badan. Xaaji Maxaad Cali waa Axmed Yare  Aabbihiis  waana qoyska inta badan sheekada bud dhiga u ah, waxaa so food saaray culeeys fara badan:

Wiilkiisa oo xiran, Hantidiisii oo tuug dhacay, Gabadhiisi oo jiratay, Haweenaydii oo ka carrootey iyo Shaqadii oo laga eryey.,

Waa xanuun in toddobaad ama bil gudaheed intan o odhacdo kugu kulanto, haddana oday Maxaad Cali waxaa uu uga dabaallayaa adkaysi iyo dulqaad isagoo weliba mar walba talada saaranayey eebbihiis, ma jirin cid iyo ciirsi la ogeyd mararka qaarkood waxan oo dhib ah.

Dulqaadka waa aasaaska guusha qofka uu haminayo in uu gaaro, si aad u gaarto halka aad rabto ama ujeedada aad leedahay waxa lagama maarmaan ah in yeelato ama la timaado dulqaad aad uga gudubtid jidkaas dheer ee ujeedkaagu yahay ka talaabistiisa.

Dhibkasta ciddi gaysata waxa ay la kulmaysaa ama taabanayo dhibka uu geeystay inta uu le’ egyahay oo ciqaab ah, waxaase u wanagsan dhagarfalaha in uu hor yimaado xeerka iyo garsoorka si loo marsiiyo mugga  dhibka uu geystay.

Mar haddii ay arrinku noqdo “ Lama canaantaa caanihii daadshay” oo qoys hanti leh ama magac iyo mug ku leh bulshada dhexdeeda, ubadkoodu ama qof ka mid ahi, gabboodfalo oo kaddibna faraha laga laabto iyadoo lagu xeerinayo heerka dhaqaale ama awoodeed ee qofkaasi leeyahay.

Haddaba way dhici kartaa in qofkaasi garsoorka iyo xukunka dowladeed ka badbaado, balse, Nabsiga iyo waayuhu ma badbaadinayo, waayo waxaa ifkan maamula Eebbaheena weyn isaga ayaana dadka u dhex ah,  waxaa inta badan dhacda in qof kasta oo awoodda si gurracan u adeegsadaa ugu dambeyn ka dhaxlo dhibaato iyo mahadho uusan weligiis ilaawin.Waaba wanaag haddii ifka lagu marsiiyo, hadduu tan ifka ka badbaado, waxaa sugeysa midna maalinta dambe ee aan ciddina ka badbaadi karin waxay fashay ama gashay.

Gunaanad

Inkastoo aanan ku wada dhammeyn karin faallo iyo qoraal  dulucda iyo farriinta uu xambaarsan yahay buugga Godob iyo Gallad,  haddana waxaa hubaal ah in qof walba oo aqristaa ka dhex helayo farriin ka duwan midda uu aqristaha kale helay, waana mid jiraal ah in aadmigu uusan isku si wax u wada  arag,  hubaal waa buug si weyn garsoorka, sinnaanta, gabboodfalka, dambibaadhista, samofalka, adkeysiga iyo abaabulka bulsho si qoto dheer uga  hadlaya, waayo aragnimo badan iyo aqoon badana laga dhex heli doono.

W/Q: Cabdi Xafiid Maxamed Xirsi “Wasiirka”

SHARE