Home Qoraallo MILICSIGEYGII MUQDISHO W/Q: Cabdixafiid Maxamed Xersi “Wasiirka”

MILICSIGEYGII MUQDISHO W/Q: Cabdixafiid Maxamed Xersi “Wasiirka”

0
SHARE

MILICSIGEYGII MUQDISHO

Waxa ay ii ahayd xilli gabbal dhac ah, waxa aan joogay halkii aan ku noolaa… Waxa sheeko qaraaxo leh innoo socotay wideygay, sheeko dheer ka dib, waxa uu igu wargaliyay si kadis ah in uu isoo diraayo maalin heblaayo tikidkii aan ku tagi lahaay Magaaladii udgooneyd…Magaaladaas ma aanan tegin in ka badan kala bar da’da aan hadda jiro. Waxa ay aheyd xilligi iigu dambeysay midda geeska Afrika ugu amniga, nadaafadda, dhismaha iyo ganacsiga wanaagsan. Waxa ay lahayd maamul uu hoggaamiyo JAALLE laga soo magacabay gurigii dalka looga arrimin jiray waagaa {VILLA SOOMAALIYA, MADAXTOOYADA}, waxa ka jiray maamul isugu jiray ilaalinta siyaasadda, amniga Caasimadda u dib-jirka faya dhowrka, qaadista canshuuraha bulshada lagu leeyahay iyo bixinta bulshada waxa ay mudan-tahay in la siiyo (Nuucan maa) Waxa ay marti galin jirtay shirar caalami ah, waxa inta badan lagu dhisay ISKAA WAX U QABSO, Maamulladii isku bed-beddaley waxa ay bulshada ka dhaadhicin jireen ama ku guubaabin jireen in magaaladu ay tahay sida guryahooda oo kale, gurigaaga haddii uusan kuu joogin shaqaale ka shaqeya ama aadan laheyn marwo kuu hagaajisa waxaad ku qasban tahay in aad seexatid meel nadiif ah oo jawi deggan si aad u heshid hurdasan oo aad uga nasatid buuqii magaalada.

Magaaladu inta aysan sida aan soo sheegay noqon ama soo hanada qadkeyga sidaa ay aheyd ka hor waxa ay u muuqatay magaalo soo jirtay waayo badan kana fac wayn xilli ahaan magaalooyin badan oo hadda laga yaqaan qaaradda Africa, waxa aad u yared bulshada ku nool waxa ay isugu jireen xoogsato, jilibsato (dad badda ku tiirsan) iyo kuwa soo galooti ah oo u badnaay dadka ku hadla afka Carabiga iyo burtaqiiska, waxa ku nasay-jiray dadka ku safri jiray Badda, mar haddii ay marto badda ugu dheer geeska Africa iskuna xirta dalal badan. Muqdisho muunadda iyo milgaha ay waagaa gaartay waxa gogol dhig u ahaay bulshada iyo maamulka xilligaa ka talinayay oo isku dhabbi saarnay, walow qarniba qarniga uu ka dambeyo ay kala duwan yihiin bulshada markaas joogta oo sida caadiga ahba ay ka sii liidanayaankuwii ka horreeyay wax badan, haddana xilligaan joognay magaladu waxa ay ku tallaabsatay helidda magac quruxsan. Aan kuu soo celiyo waxii aan magaalada oo aan ku dhashay, wax ku bartay, ku barbaaray kana soo shaqeeyay shaqooyin kala duwan oo ah heerarka kala duwan ee dowladda hoose iyo dowladda Dhexe ba, waxaan wax ku soo bartay waxbarasho bilaash ah waxaan hesytay caafimaad bilaash ah, waxaan haystay amni aan socon karo xilligii aan rabo soona laaban karo goortii aan doono.

Waxaan ka tagay iyada oo weli dhal-dhalaaleysa ammin aan ka sii maqnay muddo aan dheren MAXAA DHACAY? walow aanan goob jooge ahayn aan bal suuradeeyo waxa dhacay oo keenay in dad badan ay iga daba imaadaan ama ay dhaafan halka aan ku nolahay oo ay isaga soo huleelaan xilliyo kala duwan, aan bal yara dul istaago inta aanan imaan Xamar sida ay soo martay inta aan ka soo maqnay oo kooban. Is qabsi siyaasad ayaa ka billowday caasimada dalka oo ay sabaha keenayna ay kala duwan yihiin laguna kala aragti duwan yahay sababaha keenay burburkii dowladii dhexe, sababaha keenay burburka waxaa ka mid ahaa wa halka ay soomaalidu tiraahdo: “NINAAN TALI JIRIN HADDII UU TALIYO NIN AAN TAGI JIRIN AYAA TAGA” oo aan ula jeedo in maamulkii dowladnimada qeybihii ugu muhiimsanaay loo dhiibay ama ay gacanta u gashay soo galoyti magaalo {DHAR MAGAALO WAa LA GASHAN KARAA, BALSE, DHAQAN MAGAALO SIDII LAGU YESHA ADAG}, aan sii jilciye Dowladnimada waxa laf dhabar u ah shaqada socota ama shaqada maalin laha ah cidda haysa oo ay ugu muhiimsanyihiin dhanka shaqada rayidka {Agaaismayasha, madaxda qeybyada} heerarka ay rabaan ha kala joogaane, dhanka hay’adaha amaanka [Taliyayaasha saldhigyada, taliyaasha qeybaha, taliyayaasha hoggaannada IWM].. oo ay gacanta u gashay duul aan dadkooda ahayn. Intaas ka dib maxaa dhacay? Dhiciddii dowladdii dhexe gurigii ummadda waxa hareyay dagaal ka dhex billowday jabhadii USC ee uu hoggaaminayey Gen: Ceydiid Alle ha u raxmadee oo ay u kala qeybsantay qabiillo, jufo iyo jilib, waxaa laga dhaxlay legdankii qabiillada in magalada ay u kala qeybsantay laba qeyb oo ay gaartay in ay isu gudbi waayaan wiil iyo hooyadii oo ka soo kala jeeday labadii dhinac ee ay magaladu u qaybsantay, ma jirin xilligii legdanka ay horboodayeen hoggaamiyo kooxedyadii.

Isbitaal waaweyn oo lahaay dhaqaatiir iyo daawo ku filan oo lagu baxnaaniyo bukaannada dhibku uu soo garay. Magaaladii waxay dhaxashay in naftu ay yaanyada ka raqiisoowday, in ay wax kasta oo aan u wanaagsanen aadanaha ama aan ku habbooneyn ruux noole ah haddana muslim ah lagu la kaco, ma jirin meel xilligaa loo dacwoodo wallow dadka qaar ay garan-jireen, haddii ayba nolaadan cidda dhibkaas u gaysatay oo isla markaas oday dhaqamedyadu ay raadin jireen hoggaamiya kooxedyada si arrinta looga dhaqo ama ay isku badasho gacan ka hadal. Dhib aan qoraal ama buug lagu soo koobi karin, sidoo kalena aan lagu cabbiri-karin oraah ayaa ka dhacay magaaladii quruxsaneyd, muddo dheer oo dhibka ay ku jirtay ayaa waxa mar qura misana soo ifbaxay WADAADDO DIIMEDYO hubaysan oo ka sii naxariis daran hoggaamiya-kooxedyadii magaalada muddada dheer sidii ay rabaan ka yeeli-jiray, waxa ay isku abaabuleen billowgoodii hore qaab qabiil oo qaar ka mid ah qabiilladii magaalada lagu tirinayay in ay ka dagi la’dahay, waxii ay ummadda ciqaab ku soo rogaanba waxay ku guulesteen in iyagii ay noqdaan kuwa MIDOOBAY oo la baxay: “MIDOWGII MAXKAMADAHA ISLAAMIGA SOOMAALIYA” walow ay ka dhex abuurmeen kuwa iyaga ka sii xag jirsanay oo lo baxay: “AL-SHABAAB” kuwaas oo aaminsana isla WADAAD u ekeyaasha, bulshada dhibka ku haayey ka sokow waxa ay iyagu aaminsanyihiin inay waddadii diinta dadka intiisa kale uga dhaw yihiin. Yaab! Iyo cajiib!. Waxaa mar qura is farasaray wadaad u ekeyaashi iyo hoggaamiya kooxedyadii inta badan magalada ka talinayay ammin dheer, waxaa is qabsaday magaaladii daryaanka madaafiicda iyo dhawaqa rasaasta kala duwan oo aan lo aabba-yelen aysan jirin wax u damqasho bulsho ah, qax ka dib waxa magaaladii si buuxda gacanta ugu dhigay maxaakiimtii sheeganayay abtirsimada diinta, waxa ay ka talinayeen muddo 6-bil ah, in kasto ay magaalada ka dhigen amni haddana bulshadu qanaaco ma jirin sababto ah waxa ay waden aragti diimeed iyaga u gaar ah, iyagoo dhexdooda aysan isku aragti ka aheyn oo ay kala fogaayeen.

Mudda ka dib waxa si fudud gacantooda uga baxday; magaaladii milgaha weynayd ee Muqdisho midowgii maxaakiimta. Muqdisho, waxay marti galisay mar kale legdanka raggi la baxay muqaawamada oo isugu jiay qabaa’il, midoowgii maxaakiimta. Shabaab oo iyaguna markaan madax bannaanaan helay iyo ciidankii huwaanta ahaay oo ay horkaceysay dowladdii uu hoggaaminayay CABDULLAAHI YUUSUSF AXMED Alle ha u raxmadee, waxa gacan ku haynta magaalada ku itaal roonaaday dowladdii, wallow laga dhaxley xasuuq ay geesteen labadii dhinac ee ku hartamay gacan ku haynta magaalada. Ma jirto cid loo soo taagay maxkamad xasuuqyadii dhacay, waxa billaabatay in la dilo BIRIMA GEYDADA lagu dilo maatada gudaha goobaha cibaadada ha ku jiraan salaad ama ha ku jiraan wardi kale e. Midowgii maxaakiimta ayaa u kala qeybsamay laba qeybood, ku waas oo kala noqday; garab ka mida waxa uu la heshiiyaay dowladda KMG, waxa mar kale muqdisho u billowday maalmo madoow rajadii laga qabay inay arrintu dagaysana cirka ayey isku shareertay, waxa masaajiddadi ka billowday WADAADDO is raddinaya oo kala taagersan in la raaco dowladda iyo dhiigga la sii wado daadintiisa, waxa magaalada ka curtay dagaallo fool ka fool ah. Waa xilligii uu madaxweynaha ka ahaa: Shariif Sh. Axmed oo horey u ahaa guddoomiyihii maxaakiimta, markii dambana garab ka mid ah hoggaaminayay, waxa dowladdii ay ku guulaysatay inay gacanta ku dhigto maamulidda inta badan caasimadda, wallow ay dhacayen weerarro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah iyo miinoyin meelaha lagu aaso, waxan wali joogsan beegsiga BIRI MAGEEDADA, waxa la dhaxlay oo aan la aqoon xilligaas ka hor in la isku qarxiyo goobaha ay bulshadu isugu timaado, waxa la isku qarxiyaya hoteel Shaamow oo ay arday ku qabtay qalin jabinta Jaamacada baanadir qeybteeda caafimaadka iyo Ex-wasaaraddii Hargaha iyo Saamaha oo ay arday badan ay ka fiirsanayen dhibcihii ay keeneen.

Waxa ay magaaladu la daalaadhacdo dilalka aan lo aabbayeelen, madaafiicda la isaga tuuraayo, dhaca loo geenasanayo xoolaha bulshadu ay leeyihiin, beegsiga biri-mageydada, ugaarsiga dadaka indhaha u ah sooyaalka Soomaalida. Dowladnimadu, waxa ay mar kale marti galsiay in lagu qabto doorashadii madaxweyne XASAN Sh. MAXAMUUD, isla muqdisho ayaana lagu caleema saray iyadoo ay kasoo qeyb galeen madax kala duwan oo heer caalami ah, muddo kooban ka dib waxaa muqdisho u billowday bidhaan hormarineed, waxa maamulkii gobolka Banaadir iyo kii dowladda hoose lagu wareejiyay dhallinyaro dalka iyo dibadda wax ku soo kala bartay, waxa lagu guulestay in magalada laga qaado isbaarooyin sharci darro ah oo yallay waddooyinka waaweyn ee magalada, waxa lagu guulestay in CXDS lagu xareero xerooyinkawaaweyn, in magaalada lagu wareejiyo maamulka rayidka ah, NISA oo marka hubesneyd iyo booliiska, waxa dib u habeyn ballaaran lagu sameyay hay’ada kala duwan ee ka shaqeya amniga. Dhanka kale, ma joogsan xasuuqii bulshada ay ku hayen ururka dabar-goynta ummadda soomaaliyeed ee Al-shabaab oo loo baxshay: (UGUS). Waxaa ay la soo shir tageen qaraxyo waaweyn in ay geestaan kaas oo bulsha badan ay ku dhimatay, qaarna ay ku agoon-toobeen, qaarna ay asaayi ku fushay, qaar kalena ay ku hanti beeleen, kuwana ay ku lixaad beeleen. Walaal waxa la dareema marka uu dhib ku soo gaaro, waxa garabka kowaad muqdisho u ahaay markasta waxa ka tan-badan ay soo foodsaarto dowladda aan walaalaha nahay ee TURKI, waxa loo qaaday dhalin yaro badan oo wax-barasho bilaash ah laga siiyay, caafimaad bilaash ah, waxa ay ku haystaan bulshada ku nool dalkaas xushmad iyo qaddarin dhammaystiran. Yaysan ila tagin Muqdisho ee waxaan ka soo carraabay dalkii aan muddadaas dheer aan ku noolaay xilli qorax dhac sii ah, waxaan so maray dalka aan dariska nahay ee ITOOBIYA, waxaan garoonka Aadan Cadde oo aanan qiyaasin qaabka uu dhismay iyo markaan tagayey sidii uu ahaay iyo sida ay u kala duwan yihiin, waxaan soo maray hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha qaybtooda garoonka anoo marayay hannaanka caadiga ah ee la maro garoomada caalamiga ah, waxaa qeybta soo dhaweynta igu sugaayay widaaygeey oo aanan muddo fog is arag, isa salaamed ka dib waxaa la ii qulquliyay halkii laygugu tala galay in aan ku nasto, nasiino dabadeed Muqdisho iyo sida aan kusoo arkay oo kooban, walow aanan ammin badan u helin in dhammaan degmooyinka magalada ay ka koobantahay aan soo wada arko, haddana waxaan u kuur galaayay nolosha, hormarka iyo amnigu sida uu yahay.

AMNIGA

Ma jiro magaalada goobo ay isku hor fadhiyaan UGUS iyo ciidanka dowladda, way adagtahay in aad aragto ciidan wata qoryaha waaweyn iyo gadiidka qoryaha waaweyni ay ku xiran yihiin oo taagan waddooyinka waaweyn, waxa inta badan taagan waddooyinka dhallinyaro wata labbis qurux badan oo iskugu jira saraakiil iyo askar hubinaaya gaadiidka nuucyadiisa kala duwan, waxa aad loo adkeyay gadiidka ka soo dagaaya waddada wadnaha ee usoo dagaya waddada Maka Al mukarama, way dhacdaa sida ay dadku ii sheegeen dilal qorsheesan oo aan hadda sida u badan dhowr iyo toban cisho oo aan jogay aysan jirin wax ka dhacay, waddooyinka qaar waxa tagan ciidan taraafiko ah oo ka tirsan boliiska kuwaas oo kala hagaayay gadiidka maraya waddooyinka. Waxaa sii hagaagsan u shaqeyay walow aysan u dhammestirneyn sidii la rabay hay’adda caddaaladda maxkadda ciidamada qalabka sida oo qeyb wayn ka qaatay sugidda amaniga, maamullada degmooyinka oo aad habeennadii arkaysid ayaga iyo ciidan habeenkii xaafadaha kaaga hor imaanaya iyago lugeenaaya.

NOLOSHA

Bulshada soomaaliyeed waxan dhihi karaa wa kuwa isku tiirsan dhanka nolosha, halka dunidu aysan bulshadoodu is garab qaban oo ninkasta madaxiisa mayraxdu ugu xirantahay. Muqdisho waxaad ku arkeysaa ruux aan shaqeysan haddana iska ladan oo qaxweynaya oo aysan haysan wax dhibaato ah noloshana aan ka dhicin kana quusan. Bulshada muqdisho ku nool waa kuwa isku tiirsan isna gacan qabta midkooda tabarta yar iyo kooda aan wax heysan intaba.

HORMARKA

Muqdisho waxay ku tallaabsatay helidda waddooyin laami ah oo ka badan 40-KM oo laami ah oo dhex mara waddooyin, waxa ay isugu jiraan kuwa ay dhistay dowlada Turkiga ee aan walaalaha nahay, kuwa ay dhiseen maamullaadii gobolka isaga dambeyay iyo qaar bulshadu ay iyagu dhisteen. Dhanka kale muqdisho waxa ku yaal suuqa geeska Africa ugu weyn ee Bakaaro, waxa ka jira mashuul aad u ballaaran, waxa soo laabanaya meelihii nagaca lahay oo aad loo qurxiyay sida:

  • TAALLADI DALJIRKA DAHSOON.
  • TAALLADII XAAWO TAAKO.
  • AXMED GUREY Iyo meelo kale oo xasuusta muqdisha aheyd.

Waxa aad u batay goobaha wax barashada DUGSIYADA SARE iyo JAMACADAHA oo aad mooddo in ay noqdeen sida dukaamadii ganacsiga oo kale, iyadoo iskuul kasta iyo jamacad kasta ay heysato ruqsadda wasaaradda waxbarashada, way fiican tahay in la dhiirrigeliyo wax barashada, balse, in sidaa oo kale ay xadka uga baxaan waxa ay dileysa tayadii wax barashada. Waxa aad ugu badnaadey magaalada goobaha CAAFIMAADKA iyado qofkasta ay u qorantahay dhaqtarka cudurrada guud meelaha qaarna waxayba keensadeen ruux ajnabi ah oo aan asalkiisa la aqoon ama aqoonsiga wax barashadiisa iyo midda khibradeed ee uu u leeyahay shaqada uu qabanayo, waxad ku arkeysaa goobaha lagu gado daawooyinka oo haddii aad tagto la iska ka siinayo daawadad dalbato iyadoon lagu waydiineyn sababta aad u cunaysid iyo haddii dhaqtar kuu qoray intaba. Waxbarashada iyo caafimaadkaba hormar wanaagsan ayaa laga gaaray, haddana waxay ku fiicneyd in si qota dheer oo aan xanaf laheyn loo diraaseeyo ka dibna xal loogu helo waafajinta shuruucda dalka u yaal. Qof kasta goobtiisa ganacsi asiga ayaa u madax bannaan, sida si la mid ah qof kasta gurigiisa asiga ayaa u madax bannaan, Muqdisho waxa ay u baahan-tahay lahaansho in ay yeelato si dhibaatadii soo gaartay ay uga kabsato horeyna ugu dhaqaaqdo, waxaan ula jeeda in loo jeexo dhabbihii ay ku gaari laheyd is maamul ay bulshadu soo doorato ka dibana ay la xisaabtanto. Muqdisho wa magaalo dulqaad badan marka loo fiiriyo wixii soo maray iyo rajada ay ka qabto in ay dib isku filnaansho gaarto oo ay cagaheeda si toos ah ugu istaagto.

Safarkaygii oo qatay muddo dhowr iyo toban maalmood ah ayaan dib uga baqoolay anoon muqdishadeydii ka dhargin wax badanna aan ka soo baran waayihii iga dambeyay oo ay soo martay, wallow raadadki colaadda uu dhammaaday oo aan laga dareemeyn haddana marka laga reebo meelaha qaar oo UGUS ay dhibaatada ka gaysatay oo iyadana dib u dhis uu ku socdo waxan leeyahay: Muqdishow magaalo madaxdaay Muqdishow muunad qurxooney Muqdishow miskiin u maciintay Muqdishow maata u gargartay Muqdishow Mowle ha ku samata baxsho.

W/Q: Cabdixafiid Maxamed Xersi “Wasiirka”

SHARE