Home Qoraallo LAFAGURKA BUUGGA GASO, GANUUN IYO GASIIN WQ. Cabdullaahi Sh. Cabdi Aadan {Gacanka}

LAFAGURKA BUUGGA GASO, GANUUN IYO GASIIN W\Q. Cabdullaahi Sh. Cabdi Aadan {Gacanka}

0
SHARE

LAFAGURKA BUUGGA GASO, GANUUN IYO GASIIN

Marka hore waxaan halkan hambalyo iyo bogaadin hawada uga marinayaa Baresare, Cali Jimcaale Axmed; oo ah qoraha taabbageliyey dhiganahan aan soo xusey magaciisa oo aan oran karo waa aqoonyahan xilqaad ummadeed ah. Wixii uu Eebbe barey si uu ugaga faa’iideeyo bulshadii uu ka dhashey u qorey sababteeda dhigane-buugeedkan dhaxalgalka ah ee aan duugoobeyn. Hubaal waa dhigane-buugeed Soomaalideenna haatan jirta marka laga tago ay wax badan u aayi doontaan jiilalka danbe ee dhaxli doona timaadadooda ifka. Waxna ay kaga baran doontaan sooyaalka facihii iyaga ka horeeyey sooyaalka tagtadooda jiraaleed.

Inkastoo ay habbooneyd inuu maanta qoruhu innala joogo madashan bilan. Si uu xog dheeraad ah innooga siiyo, halqoridda buuggiisan uu ugu magac darey halkudheggiisa: Gaso, Ganuun iyo Gasiin. Waxa uu ku soo bandhiggey baallashiisa. Cilmibaaristiisii uu ku howlanaa muddada dheer wixii uga soo baxay iyo qoddobo kale. Balse aaney taa dhicin oo uu dalka ka maqan yahay. Sidaasoo ay tahay, wuxuu innaga mudan yahay inaan wax badan ugaga bogaadinno; xilqaadkiisa ummadeed ee uu u dhabar adeygey wax u qorida bulshadiisa.

Si uu ugaga faa’iideeyo xeeldheeraantiisa aqooneed sababteeda u taabbageliyey halqoridda buuggiisan Gaso Ganuun iyo Gasiin oo ah hubaashii dhigane wax badan ku kordhinaaya guud ahaan bulshada garaad kobcintooda aqooneed. Taasoo ay innooga marag kaceyso sida uu ugu quweeyey halqoridda dhigane-buugeedkiisan astaamaha gundhigga u ah Soomaalinnimada ee lagu aqoonsado heybtooda bulsheed ama ka baadi sooca ummadaha kala duwan ee ku dhaqan dunida guudkeeda sida: Haddey tahay: Af hidde iyo dhaqanba. Weel qabad uga dhigey baalashiisa keyd dhigaaleed laga tixraaco ogaalkeeda timaadada fog.

Iftiiminta Jaad-Dhigaaleedka Buugga


Buuggan halkudheggiisu yahay: Gaso, Ganuun iyo Gasiin, inta aynaan u gelin gorfeynta halbeegga xogta aqooneed ee ku urursan baalashiisa. Marka hore, waxaa iftiimin u baahan, si aan wax uga ogaanno jaad ahaantiisa dhigaaleed inaan is dultaagno: Hab-qoraaleedka buugga, Waxa uu ku saleysan yahay ee lagu gaar yeelley boggagiisa. Heerka farshaxannimadiisa qoraaleed. Hogatusaalaha qalad-sixiddiisa bulsheed. Dhinacyada uu ku wajahan yahay bartilmaameedkiisa. Xogta aqooneed ee lagu ururiyey baalashiisa, heerka ay gaarsiisan tahay halbeegga dhumucdeeda. Waxa aan ka baran karno akhriskiisa iyo qoddobo kale oo iftiimin u baahan ogaalkooda.

Dul ahaan, marka aan u dhabbagalno buuggan: Gaso, Ganuun iyo Gasiin, jaad ahaantiisa dhigaaleed. Waa sheeko-suugaaneed tiraabeed oo mug iyo maax badan, dhuux iyo shansho leh oo aan sinna looga dhergeyn dhumuc weynida aqoonta ku dhiteysan baallashiisa. Waa sheeko-suugaaneed si xeeldheer oo farshaxanimo halabuurnimo ku dheehan tahay loogu farayareystey humaageynta falkadeediisa. Waa sheeko-suugaaneed dhan kastoo la eegaba aftahamadeedu sareyso, oo aan la gaareyn falsafada lagu saleeyey qotadheerideeda. Marka loo eego duluc fogaanta lagu soohey halcurinteeda tiraabeed. Waa sheeko hodan ku ah hadal-bilayaasha miisaan cusleeya, halabuurka Suugaanta jaadadkeeda kala duwan, tix iyo tiraabba sida; Afmaldahyada, sarbeebta, duurxulka, ekeynta, humaageynta, qofeynta. Murtida, maahmaahaha, halqabsiyada ikk.

Qaabdhismeedka Silsiladeynta Sheekada


Waa sheeko-suugaaneed si cilmiyeysan oo doqon magarata ah, leysugu seynsaabey billow min dhammaad silsiladeynta xabkada dhacdooyinkeeda murugsan. Duluc shareernaateeda awgeeda, waa sheeko aanu dhuuxi karin ruux degdegaaya oo aan dulqaad u laheyn akhriska nuxurka biyadhaceeda. Keliya waxaa dhuuxi kara sheekadan: Gaso, Ganuun iyo Gasiin. fogaan arraga lagu soohey tiraabeynta qalad-sixideeda bulsheed. Qof waqti badan u hura akhriskeeda. Maxaa yeeley, waa sheeko-suugaaneed humaageysan dhacda-werinteeda silsiladeed oo wejiyo badan u kala fufeysa macna-gudbinteeda tiraabeed. Marka loo eego waxa ay xambaarsan tahay. Geesta kale, waxaa xusid mudan akhriskeeda sheekadan. Marka aad gudaha u gasho waxaa ku arkeysaa boggageeda. Wax aadan horey ugu arki jirin dhammaan sheekooyinkii horey ugu soo baxay afka hooyo oo kugu qasbaya inaad idleyso akhriskeeda oo uu ku ammaanan yahay qoruhu. Wuxuu ibafurtey hab-dhigaaleed cusub oo loo qoro sheekooyinka oo aan isaga hortii cidi adeegsan.

Ifbax dhigaaleedka ay sheekadani soo kordhisey, haddaan mid iyo laba ka xuso. Waxaa ka mid ah: Hal sheeko gudaheeda in lagu kulmin karo, waxyaallo kala duwan oo kala jiha ah isku seynsaabidda falkadooda dhigaaleed. Tusaale ahaan, qoruhu wuxuu ibafurey isku dhafka sheeka suugaaneedyada hiddeed iyo sheeko faneedda casriga ah isku soohiddooda cilmiyeed. Maadaama labadaa jaad sheeko, mid waliba ay leedahay gaarkeeda, halbeeg iyo habraac loo maro oo madhaafaan u ah taabbagelinteeda dhigaaleed oo looga qiyaas qaato qiimeynteeda farac-sheeko…Jid-qoraaleedkan uu jeexay qoruhu. Waa mid ka heer sarreeya habkii hore ee loo qori jirey sheekooyinka afka hooyo oo ka heemaalin og farshaxannimada aftahamadeeda sheeko. Haddii lagu saleeyo dhigaalkeeda.

Isku soo wada duuboo, waa ifbax qoraaleed mudan in looga deydo adeegsigiisa. Maadaama uu yahay hab-dhigaaleed si cilmiyeysan u falkinaaya dhacda-werinta sheekada, dhumuc u yeellida xabkadeeda silsiladeed. Waa ifbax qoraaleed ay lama huraan tahay, iney ka shidaalqaataan dhammaan qalinmaalka Soomaaliyeed ee waxgalka ah. Si loo helo timaadada dhow. Sheekooyin tayadoodu sareyso oo dhaxalgal noqda oo la majeerto dhigaalkooda oo tisqaada.

Bartilmaameedkeeda Sheekada

Sheekadan waxay na bareysaa: Sooyaal-nololeedkii Soomaalideennii hore, tii dhexe iyo tan maantaba. Maguurtada taariikhdeedii soo meertey tagtadeeda. Haddey tahay nolosha reerguuraanimada ee ku dhismeyd toleysiga. Intii aaney Soomaalidu magaaloobin ee aaney yeelan hoggaan dhexe oo mideeya taladooda. Sameysankii tuulooyinka ee suurtageliyey, isku dhafkii qodaalka iyo dhaqashada xoolaha. Awal-billowgii magaaloobidda iyo kobocii xigey. Sidoo kale, sheekadu waxay tooshka ku daareysaa kala guurkii noloshii baadiye iyo la saanqaadkii casrigii magaallooyinka iyo qoddobo kale oo aan halkaan lagu soo koobi karin.

Sheeka-suugaaneedan waxay booraan dheer ka soo qufteysaa gunteeda. Kumannaan erey-saleedoo Af-Soomaaliga gundhig u ahaa hodantooyadiisa. Nasiibxumase markii ay dayaceen dadkii ehelka u ahaa sababteeda uga baxay afmaalmeedka bulshadu adeegso. Kaddib markii ay barabixiyeen kuwa qalaad ee laga doorbidey ee galey halkoodii. Si uu ugu baraarujiyo bulshada madhaafaanka afka hooyo dhowriddiisa iyo mudnaanta u leeyahay jiraalkooda. Tan iyo burburkii wixii ka danbeeyey oo aaney u dhug yeelan dadkeenna haatan jira. Asaldoorinta loogu dowgaley Af-Soomaaliga iyo ku dhafidda ereyada ajenabi ee waa Alle keenaba lagu barabixiyo ereysaleedyadiisa. Taa isagoo ka duulaya ayuu qalinka u qaatey qoraha sheekadiisan taabbagelinta dhigaalkeeda.

Dib u soo nooleynta kumanaan erey saleed oo waa hore ka baxay Af-Soomaaliga. Kaddib markii ay barabixiyeen ereyo qalaad oo laga doorbidey adeegsiga halkoodii. Taasoo u baasbaxay jiraalkooda. Hambaqabashadooda iyo keydintooda awgeeda, ugu soohay dhigaalka sheekadiisan dhaxalgalka ah ee aan la soo koobi karin, qiimaha ay u leedahay bulshadeenna iyo faa’iidada uga jirta akhriskiisa. Taasoo uu qoruhu mudan yahayna in billad sharaf lagu siiyo xilqaadkiisa ummadeed. Tallaabadan uu qaadey oo ah mid ku deyasha mudan oo looga fadhiyo iney ka shidaal qaataan, dhammaan aqoonyahannada Soomaaliyeed ee ku gedda ah iyo kuwa la halmaalaba ay iyaguna qaadaan mid la mid ah.

Sheekadan marka aad u dhabagasho akhriskeeda. Waxaad ku arkeysaa billow min dhammaad boggageeda. Kumannaan erey-saleedyo Af-Soomaali dhalada oo ay waa hore kuugu danbeysey maqalkoodaba oo ku soohan dhigaalkooda. Baadisooca ereysaleedyada afka hooyo ee lagu saafey sheekada dhigaalkeeda. Waxay dhumuc cusleeyeen halbeegga macna-gudbinteeda. Sheekadani waxay hodan ka tahay ereysaleedyada afka hooyo oo baraxla’. Sidaa darteeda, waa sheeko aan ka baran karno akhriskeeda. Kumanaan ereyo-saleed oo Af-Soomaali dhalad ah. Barashada erey-saleeyada afka hooyo oo aan badsanno waxay innoo suurtagelisaa; inaan noqonno qalinmaal xirfadlayaal ah oo xilqaad ummadeed noqda oo la mahadiyo dhigaalladooda.

Maxaan ka baran karnaa Sheekadan?

Sidaan horey u soo xusey sheekadani waxay gudbineysaa. Aqoon ballaaran oo dhinacyo kala duwan ku jiheysan oo aan la gaareyn guntooda. Sheeko-suugaaneedan wax bariddeeda bulsheed ka sokow. Waxay xambaarsan tahay falsafad gundheer oo ku dhisan fogaan arag cilmiyeysan oo ku hageysa bulshadeenna. Haddii ay u dhugyeeshaan oo ay dhuuxaan tilmaamaha caaqibada leh ee ay iftiimineyso sheekadu tubta toosan ee baraaraheeda.

Sheekadu waxay diiradda saareysaa, sooyaalkii dheeraa ee ay soo martey ummada Soomaaliyeed ab ka ab. Teeriyo maantadan aynu joogno oo ay si hufan oo aan xanaf laheyn tooshka ugu daareysa. Seben waliba surma seegtooyinkii la eedey tagtadooda. Marxalladihii kala duwanaa ee ay soo marey bulshada. Xilli waliba xaaladdii lagu sugnaa raadraaca dhacda-werintiisa. Samaan iyo xumaan horumar iyo dibudhac kii ay tahayba. Waxay kaloo si gaar ah farta ugu godeysaa. Miley waliba saanqaadka tagtadiisa qaar ka mid ah dhacdooyinkii waaweynaa ee raad aan tirmeyn ku reebey maanka bulshada ee taariikhda galey xusuustooda. Si loogu cibraqaato awgeeda, faliddoodii aan la mahadin uurkutaallada ay reebeen mahadhadooda.

Geesta kale, sheekadu waxay si farshaxnimo leh innoogu bidhaamineysaa bulshooyinka dunidan aynu ku noolnahay ku dhaqan guudkeeda. Waxa ka socda dunidan afarteeda dacal. Halkey u geeddi tahay. Isbebeddelada ka dhaca had iyo jeeraale oo waa alle keenaba si ah. Sedbursiinyadoonka bulshooyinka dhexdooda. Turuq isugu faanka awoodeed ee lagu dulmiyo kuwa taagta daran, isgaashaanbuursiga shucuubta qaaradaha kala duwan ku kala nool. Waxa taagan u toog heynteeda, oddorskeeda timaadada iyo arrimo kale oo ka guda ballaaran kuwaa aan soo taxay.

Humaageysnaanta sheekada.

Sheekadan markaan eegno duluc shareernaanta lagu soohey falkadeeda dhigaaleed oo ay u dheer tahay hab-qoraaleedka cusub ee ay soo kordhisey. Labadaa arrimoodba waxay keenayaan in aan sheekada akhris keliya oo lagu idleeyaa aan looga bogan farriinta ay gudbineyso qalad-sixida hogatusaaleynteeda bulsheed. Waa sheeko u baahan in dhowr mar lagu celceliyo akhriskeeda oo aan laga caajisin. Si loo shansha dhuuxo duluc fogaanta lagu soohey mugweynida falsafadeed. Tusaale ahaan humaageysnaanta sheekada isku murugsanaanta dhacda-werinteeda silsiladeed. Waxaa innooga marag kacaya innagoon meel dheer u doonin. Shareernaanta magaca la siiyey sheekada ee ah: Gaso, Ganuun iyo Gasiin.

Haddaba halkudhegga sheekada seddaxda erey ee uu ka kooban yahay. Qof kastoo ay indhihiisu qabtaan akhriskiisa howraareed. Durba wuxuu ku curiyaa dareemayaasha maankiisa, su’aallo is daba joog ah oo aanu markaa soo dhufan karin jawaabtooda ilaa uu dhuuxo sheekada billow min dhammaad akhriskeeda. Si biyo kama dhibcaan u ah u sugi karin wax loola jeedo macna-gudbintiisa.

Macnafurka halkudhegga sheekada

Halkudhegga la siiyey sheekada magac-bixinteeda. Markaan eegno wuxuu ka kooban yahay seddax erey oo kala ah: Gaso, Ganuun iyo Gasiin. Seddaxdan erey waxay sameynayaan micna weyn oo gundheer howraareyntooda. Waa seddax erey oo innoo tusmeeya, hab-dhaqan nololeedka reerguuraaga raacatada ah. Sidoo kale, waa seddax erey oo ka tarjumaya. Seddax shey oo lama huraan u ah nolosha aadanaha jiraalkiisa oo aan la’aantooda sinna nolol ugu suuroobeyn. Halkudhegeynta seddaxdaa erey. Mid waliba oo ka mid ah macnaha muuqda ee uu leeyahay ka sokow. Waxaa ku humaageysan macne kale, oo gundhig u ah, xabkada sheekada dhacda werinteeda silsiladeed.

Haddaba seddaxdaa erey haddaan mid mid isu weyddiino macnafurkooda. Erey waliba gaarkiisa haddaan u eegno fasiraaddiisa, macnaha muuqda ee uu innoo tusmeeyo. Bal aan isla eegno ereyga koowaad ee ah: Gaso.
Gaso: Ma xerada xoolaha loo goobaabaa hoyntooda? Mise waa meegaarka xerada xoolaha gudaheeda ubadkooda kala duwan kala edeggeyntooda loogu maqal oodaa? Mise waa aqalka danbeedka gudihiisa halka gasada u ah?
Ganuun; Ma dhiil wax lagu shubtaa? Mise waa dhakalka caanaha lagu dhamo? Mise gaawaha, toobtaha, buraha iyo kuwa la midka ah ee geela lagu lisaa? Mise waa haruubka lagu aaburo haanta?
Gasiin: Ma oomatida aadamigu quutaa? Mise waa baadka xoolaha loo daaqsin geeyo?

Micnaha ku dahsoon halkudhegga sheekada

Ereyga Gaso; Labada micnee uu innoo tusmeeyo ee kala ah: M1aad. Gudaha aqal soomaaliga, qeybta danbe ee gasada u ah. M2aad: meegaarka xerada xoolaha. Gaar ahaan qeybta ubadka xoolaha loo kala edeggeeyo maqal-xirkeeda kala duwan. Haddaba ereyga Gaso: Labadaa macne ee uu innoo tusmeeyo, markaan sheekada u eegno. Waxaan ka dhanbalan karnaa laba micne oo kale. Tusaale ahaan, haddaan Gaso u qaadanno: Gudaha aqalka qeybta ugu danbeysa. Wuxuu u taaganaan karaa: Hooy ama guri.

Haddaan micnaha labaad qaadanno ee ah: Xerada xoolaha, waaweyn iyo ubadkooda key ahaataba. Markaan sheekada u eegno. Waxaan halkaa ka dhanballan karnaa: Maadaama xerada xoolaha la goobaabo; inuu u taagan yahay: Meegaarka dunidan casriga ah, shanteeda qaaraddood oo ka dhigan, sidii hal tuuloo kale isku furnaanteeda maanta.Ganuun: Maadaama uu yahay weel dareere lagu shubto ama lagu aaburo mid kale oo ay dareere ku jiraan, haan ama dhiil iwm. Markaan sheekada u eegno. Waxaan halkaa ka dhanbalan karnaa inuu u taagan yahay biyo.
Gasiin: Maadaama uu inoo tusmeeyo. Waxa dhuunta la mariyo oo aan aheyn dareere. Oonta aadmigu quuto ama baadka {ugbaadka ama doogga} ay xoolaha daaqaan. Markaan sheekada u eegno. Waxaan isna ka dhanbalan karnaa in uu u taagan yahay cunto.

Haddaba halkudheggeynta ereyada Gaso, Ganuun iyo Gasiin. Israaca howraareyntooda waxay inoo sheegaan; Hooy biyo iyo cunto oo ah, seddaxda shey ee tiirdhaxaadka u ah jiraalka aadanaha oo aaney la’aantood sinna ugu suurtagaleyn nolol. Fiiro gaar ah: Haddii halkudhegga sheekada la siiyey uu sidaa u duurxulan yahay magac-bixinteeda. Bal qiyaasa marka gudaha loo galo boggageeda, sida ay noqon karto humaageysnaanta dhacda-werinta xabkadeeda silsiladeed. Waxaan filayaa su’aashaa ineysan jawaab u baahneyn oo ay cid waliba garan karto.

Xubnaha tiirdhaxaadka u ah sheekada jilkeeda.

Sheekadu waxay ku socotaa oo tiirdhaxaad u ah jilkeeda. Qoys tuulo degeen ah oo ka kooban hooyo iyo aabbe, afar carruur sooran ah; laba wiil iyo laba gabdhood. Qoyskaa ay sheekadu ku socoto xabkadeeda silsiladeed. Waxaa loogu yeeraa ‘’Reer Jabaq’’ Jabaq oo ah curadka reerka ayaa ka xoog badiyey magacii odeyga. Waxaa loogu yeeraa Jabaq adoogiis. Waxba yaanan ku dheeraan ee, maadaama qormooyin laba iyo seddaxa aan lagu gaareyn qaadaadhiggeeda sheekada haddaan intaa uga gudbo. Reer Jabaq, degsinkii ay ku noolaayeen muddada dheer waxaa ku dhufatey abaar gaag mareeba ah oo galaafatey dad iyo duunyo farabadan. Taasoo dhalisey iney dadkii tuullada afarta gar jaho u kala firxadaan. Si ay bal u ceymiyaan wixii dad iyo duunyo u harey ruqatadaa abaareed. Kaddib markii ay dani baddey, u kala geeddiyeen. Meel allaale meeshii ay nolol ka heli karaan afka saareen.

Halkaa marka ay mareyso sheekada. Haddaan is dultaagno. Si aan u dhuuxno sheekada xabkadeeda silsiladeed waxa ay dhacdadaa ku gudbineyso. Sideedaba abaar waxay ka dhalataa cirka oo biya godlan waaya ama di’in waaya dhibic roobaad. Haddii uu muddo dheer uu roob di’i waayo, jiilaalkuna dheeraado. Biya waagaa dhacey sababtiisa ayey u naaftaan nafleyda oo idil dad iyo duunyaba.

Halkaana waxaan ka fahmeynaa meel aan biya laheyni ineysan nolol ka suuragaleyn jiraalkeeda. Halkaa waxaa innooga soo baxey erygii Ganuun kaalinta uu kaga aadan yahay sheekada magacsiintiisa. Si kastooy ahaataba, haddii ay dadku meel ku abaarsadaan. Waxay uga daldoorsadaan, berinkii ay is leeyihiin nafta waad ku doojin kartaan tiigsigeeda. Hadba u geeddiyaan intey doontoba ha ku qaadato gaariddeeda.

Mar kale, waxaan halkaa kala bixi karnaa, sheekaduna inoo iftiimineysaa: Ka soo hayaamiddii baadiyaha. Reer miyigii raacatada ahaa, kaddib markii duunyadii ay ku tiirsaneyd noloshooda ay u baasbaxeen abaaro soo noqnoqdey ay ku ceyroobeen. Taa awgeeda, dani badey iney ka soo barakacaan miyigii ay ku noolaayeen oo ay soo tiigsadaan magaalooyinka iyo meeshii ay hadba nolol ka heli karaan u kala geeddiyeen. Dhacdadan oo uu qoruhu ku cabbirey silsiladeynta sheekada xabkadeeda. Qoyska ay sheekadu ku socoto ee reer Jabaq.

Tusaale ahaan reer Jabaq markii ay degsinkii ay ku dhaqnaayeen ab ka ab ee ay xudduntoodu ku aasneyd. Iyagoo aan jecleyn iney ka salkacaan dani qasabtey iney ka soo hayaamaan. Kaddib, markii ay noqdeen qoyska keliya ee tuulada ku harey oo looga kala guurey sumalhaadka abaareed ee ku dhuftey awgii looga barakacey. Waxay ku adkeystaanba reer Jabaq degsinkii ay yiilleen. Markii duunyadii ay ku tiirsaneyd noloshooda ay dhaaftey oo ay uga hartey keliya, hal sac iyo ri’ qura go’aansadeen aakhirkii. Iney iyaguna ka jaqaafiyaan oo ay uga hayaamaan berin Alle berinkii ay nolol ka heli karaan. Sidaana ku soo degeen duleedka magaalada Muqdisho.

Dhacda-werinta sooyaaleed ee sheekada

Sheekadan waxay werineysaa dhacdooyin farabadan oo sooyaaleed oo horey u soo marey geyigeena oo samaan iyo xumaanba leh. Gaar ahaan kuwoodii saameynta ballaaran ku yeeshey maanka bulshada, haddey tahay mid san iyo mid aan la mahadin uurkutaalladeeda ee baal madow ka galey taariiikhdeena. Tusaale haddaan u soo qaato laba ka mid ah dhacdooyinka waaweyn ee raadka reebey ee ay sheekadu iftiimineyso oo kala ah:

Tusaalaha Koowaad
………..Wax yar kadib, waxa uu gadaal ka istaagey saf dheer oo rag badani ku jireen. Waxa uu ka yaabey waxa safka loogu jirey. Xuur ama igaar agtiisa roggey ayuu weyddiiyey waxa meesha ka socda.
Waa kii wiilku yiri: ‘’Waxaa saf loogu jiraa Maana-Faay.’’
‘’Bisinkiyo burdaha! Ma intaan oo rag ah aa saf ugu jira hal Maana-Faay?’’
Odeygii ayaa isla tallamey oo hoos isugu sheegey: Waa wixii aan ka maqli jirey beled iyo tahluukadiis. Aawey kuwii la dagaali lahaa dhaqanxumida? Cunugtaanse aawey kuwii dhalay iyo kuwii ay la dhalatey? Xaase maalin cad oo barqaa intaan oo nin saf u geliyey hal geber oo isuma turta ah.

‘’Maandhow, Maano ma weyna reer qabin? Xigto iyo xigaal, wax ka ceshata dulmigaan ma joogaan miyaa?’’
‘’Adeer, Maana-Faay waa sheeko joornaal ku soo baxda. Waa toddobaale ku qoran Af-Soomaali. Kuna soo baxda Xiddigta Oktoobar. Waxaa qorey Macallin Inna Daahir Afrax.’’
Oktoobarna xey aheyd?
‘’Waa bil ka mid ah bilaha. Waa muggi ow dhashey kacaanku.’’
‘’Yaa, ma waxaa la waayey bil lagu sammiyo……Xaatiri kacaan.’’
‘’Waa markii ow dhashey kacaankii ugu horeeyey ee Hantiwadaag ah oo ka curtey dhulkii itixaadka sofiyeedka.’’

Maxaan innooga baxay dhacdadaa ay sheekadu tiraabeyso?

Maana-Faay. Waa sheeko faneed u qoran hab cilmiyeysan oo casri ah. tii ugu horreysey ee ku soo baxdey afka hooyo oo saameyn ballaaran ku yeellatey bulshada sebenkeedii oo aan halkan lagu soo koobi Karin xamaasaddii iyo xiisihii aan gureynee ay abuurtey. Maana-Faay waxay si taxane ah ugu soo bixi jirtey wargeyskii Xiddigta Oktoobar. Dabayaaqadii toddobaatannaadka.

Sheekada Maana-Faay markaan u dhabbagalno. Saameyntii ay bulshada ku yeelatey sebenkeedii, lama soo koobi karo. Haddaanse qoddob iyo laba ka xuso waxaa ka mid ahaa:
1. Wargeyska Xiddigta Oktoobar oo cidhiidhi galey helitaankiisa, ku soo bixida sheekada Maana-Faay awgeeda. Kaddib markii uu madbacada qaranka soo dhaafi waayey. Dabadeedna magaaladu qeylo wilato.
2. Inta aan wargeyska sheekadu lagu billaabin taxanaheeda. Wasaaradda Warfaafintu waxay soo soori jirtey 3000 oo nuqul. Hadba sidey wasaaraddu u sii kordhineysey tirada wargeyska cadadka nuqulladiisa, wuxuu gaarey in la soo saaro 17000 oo nuqul. Sidaas oo ay tahayna waxaa jirtey cabasho.
3. Dad aan AfSoomaaliga qori aqoon oo sababteeda sheekada Maana-Faay u bartey akhris-qoraalka afka hooyo. Si looga sheekeyn oo ay iyagu u akhristaan.

Kacaankii ciidamadu ay kula wareegeen afgenbi aan dhiig ku daadan horraantii toddobaatannada ama dabayaaqadii lixdannaadkii. Halkaana wuxuu qoraagu innoogu muujiyey iftiiminta laba dhacdo oo waaweyn oo soo marey dalka. Gaar ahaan toban sannaalihii toddobaatannaadka oo kala dhacey horaantiisii iyo dabayaaqadiisii.

Tusaalaha Labaad
………….Odeygii waa kii yiri: ‘’Aashaa maandhow, aashaa. Waa qaraabo iyada oon laga warqabin na soo gelbisey tan iyo Siciid Maxaad Raage. In aad tol leedahayna saas ayaad ku garataa. Himmo hor leh ayaan ka qaadey arragtidii xigaalkeyga.’’

{‘’Gelbis, waxaa hadda qalow igu soo yiri Xusseen inna waddaad beri uu maqaal ku qorey Xiddigta Oktoobar. Wuxuu ahaa maqaal xirfadeysan oo wax badan ku kordhiyey. Qaadaadhiggi guurkii 80naadkii ka jirey Soomaaliya. Oo uu ugu magacdarey halkudheggiisa: Gelbis aan garowshiyo laheyn. Wuxuu ahaa qoraal wax badan ka beddeley dhaqankii gelbista aroosyada. Waxay dad badani ka maageen wajaq cudura, asii mirtey macal kuwii maanka qabey. Wuxuu qoraagu ka digey dhaqan guur silloon oo ku bada gabayre ama meel dhaxan badan oon duggaal laheyn. Gelbiskii qoraagu ka digey waa kii dhalay gelbiskii geerida. Oo ahaa magac bixin la siiyey xusuusqorkii inna Niib Jilic. Seddaxda gelbis kala roonaa! Kala dhunuux roonaa! Kala macaanaa! Gelbis libaax toluhu weheliyaan walaal dheh}’’.

Maxaa innooga baxay dhacdadaa ay sheekadu tiraabeyso?

Dhacdada maqaalkaan uu xusey qoruhu wuxuu ahaa mid si weyn saameyn ugu yeeshey bulshada jirtey siddeetanaadkii. Wuxuu ku soo baxay wargeyska, Xiddigta Oktoobar. Oo uu halkudheggiisu ahaa: ‘’Gelbis aan garowshiya laheyn.’’ Wuxuu xilligaa bulshadii jirtey ka dhex abuurey dood ballaaran oo keentey in wax leyska weyddiiyo. Baabuurta faraha badan ee la i daba dhigayo kolka la aqal gelaayo gelbinta arooska. Faa’iido iyo khasaaro kii ay ugu jirto dalka iyo dadka. Sababeyna in maqaallo farabadan laga qoro dhaqankii gelbinta aroosyada ee jirey xilligaa. Qalinleydiina ay noqdeen. Kuwo ayidsan iyo kuwo naqdinaya u loo kala baxay. Dooddaasoo horseeddey aakhirkii, in ay hoos dhacdo. Gelbinta aroosyada gawaari faraha badneyd ee la is daba dhigi jirey laga korey.
Halkudhegga kale ee uu qoraagu xusey ee ah: Gelbiskii geerida. Waa buug uu isna qorey, wixii ka danbeeyey burburkii qarannimo. Gaar ahaan bartamihii sagaashannada AHN sarreeye-guuto Jilacow.

Labadaa tusaale dhacda-werinta sheekada aan soo qaatey iftiimintooda. Waxaan uga gol leeyahay. Muujinta qiimaha sheekadu ay u leedahay bulshada. Si ay wax uga ogaadaan faa’iidada aan la soo koobi karin ee ugu jirta akhriskeeda. Sidaa awgeeda, lama soo koobi karo dhacdooyinka waaweyn ee ay sheekadu innoo bidhaamineyso iftiimintooda. Si aan wax uga barano gefafkii suuldaarooyinkii tagtadeena. Gaar ahaan surmaseegtooyinkii aan la mahadin faliddooda ee innoo horseedey qaran jabkeenii aan wax waliba ku seegney sababtooda ee inna badey basanbaaska colaadeed, baaba’a iyo hoogga kala duuflaaliyey dadka Soomaaliyeed ee qaarba meel ku qoqoban.

Cawaaqibxumadii la dhaxley awgeeda, lala dabandeebayo ama lala qardajeexayo in badan rubac qarni. La gacdo teeriyo maantadan aynu joogno uurkutaallada mahadhadeeda. Si aan ugu cibraqaadano oo aan kaga waantowno suuldaarooyinkii aan eedney cidhibtooda. Taa awgeeda, u soo bandhiggayaa dhacdooyinkii raadka aan tirmeyn ku yeeshey maanka bulshada ee taariikhda galey raadraaca xusuustooda sooyaaleed.

Gebagebada qormadeyda, waxaan ku soo gunaanadayaa. Sheeko-suugaaneedan waxay mudan tahay in si weyn loo faafiyo baahinteeda dhigane-buugeed. Si ay u wada gaarto dhammaan bulshada Soomaaliyeed. Meel ay joogtaba looga faa’iideeyo aqoonta ballaaran ee uu ku dhiteeyey boggageeda. Qoraha taabbageliyey dhigaalkeeda. Geesta kale, waa sheeko mudan in lagu daro manhajka waxbarashada aasaasiga ah ee dalka. Ugu danbeyn waxaan mar kale u bogaadinayaa ruugcaddaaga Soomaaliyeed aqoonyahanka taabbageliyey sheekadan halkudheggeedu yahay: Gaso, Ganuun iyo Gasiin dhigaalkeeda. Mudane Cali Jimcaale Axmed.

W\Q. Baresare, Cabdullaahi Sh. Cabdi Aadan {Gacanka}

SHARE