Home Qoraallo YAREYNTA MASIIBOOYINKA WQ: Ibraahim Cismaan Afrax Nolosha

YAREYNTA MASIIBOOYINKA W\Q: Ibraahim Cismaan Afrax Nolosha

0
SHARE

YAREYNTA MASIIBOOYINKA BADBAADIN IYO BARAARUJIN


Qormadan waxa aan rabaa in aan si kooban uga hadlo masiibooyinka dabiiciga ah iyo sida loo maareeyo ee loo yareeyo waxyeellada ka dhalaneysa, looguna diyaargaroobo. Inta aanan gudogalinse, aan dulmar ku sameeyo sida leysku raacsan yahay ee masiibooyinka loo kala saaro, waxa keena (sababa) iyo xawaaraha socodkooda. Ugu horreyn, waxa aan ognahay in masiibooyinku u qeybsamaan labo bah oo kala ah: mid dabiici ah iyo mid aadmigu keeno. Kuwa dabiiciga ah lagama hortagi karo, balse, waa la yareyn karaa saameynta taban ee ay geystaan; waa loo diyaargaroobi karaa si aysan waxyeelladoodu u kordhin; waana laga warcelin karaa oo soo kabasho waa laga sameyn karaa. Tan kale ee Aadmigu keenaanna, waa maangal in laga hortago, waxa ayse u baahan tahay qorshe iyo ka go’naansho dhab ah oo lagu mideysan yahay, diyaarin ka dibna la fuliyo.

  1. Masiibooyinka dabiiciga ah: waxaa ka mid ah dhulgariirka iyo foolkaanada oo lagu tiriyo dhibaatooyinka dhulka ee saameynta leh [geological hazards]; fatahaadaha, duufaannada iyo abaaruhuna, waxa ay ka mid yihiin dhibaatooyinka biyuhu ama biyo la’aantu keento ee saameynta leh [hydrometeorological hazards].
  2. Masiibooyinka Aadmigu keeno: waxaa ka mid ah oo aan ka xusi karnaa dhibta tiknoolajiyaddu dunida iyo noolahaba ku hayso iyo waxyeellooyinka deegaan ee ay dadku geystaan meelo bandanna aafeeyey, sida: xaalufinta dhirta, daaqa iyo carroguurka.


Intaas haddii aan isla ogaanno, bal aan wax yar ka taabanno dhanka xawaaraha ay ku socdaan oo mudan in iyadana la ogaado. Xawaaraha waxaa loo qeybiyaa mid tartiib ah iyo mid xowli ah. Tusaale ahaan, masiibooyinka sida miirka ah ee gaabiska leh u socda waxa ay isugu jiraan kuwo dabiici ah iyo kuwa aan haddeer ka soo sheekeynay ee Aadmigu keeno, waxaana ka mid ah oo aan tusaale u soo qaadaneynaa: abaaraha, xaalufinta dhirta iyo daaqa oo si tartiibtartiib ah waxyeelladoodu u kororto. dhanka kale kuwa sida xowliga ah ku socda ee xawaaraha socodkoodu aadka u sarreeyo, waxaa ka mid ah dhulgariirka, fatahaadaha, duufaannada iyo foolkaanada.


Masiibo marka la qeexayo waxaa lagu tilmaamaa in ay tahay ‘xaalad aysan bulshadu awoodin in ay u adkeysato’. Maareynteeduna waxa ay u baahan tahay dad/koox karti, aqoon iyo waayo-aragnimo leh oo ka duulaya mabaadi’da maareynta. Marka wax laga qabanayo masiibooyinkaas noolaha ku habsada, waxaa la maraa afar waji oo isku xigxiga. Wajiga koowaad, waa yareynta masiibadaas iyo kan labaad oo ah in diyaargarow la sameeyo. Yareynta iyo u diyaargarowgu waa dhammaan tallaabooyinka la qaado masiibada ka hor si loo baajiyo saameynta taban ee ay ku yeelaneyso bulshada iyo deegaanka.
Wajiga saddexaad oo dhaca masiibada ka dib waxaa loo yaqaannaa ‘ka warcelin’. Arrintan badanaa waxaa sameeya hay’adaha gargaarka, waana tallaabo degdeg ah oo looga jawaabo kolka ay masiibo dhacdo, si kaalmo loo gaarsiiyo dadka ku waxyeellooba. Dadka gargaarkaas sameynaya waxaa xil weyn ka saran yahay caafimaadka dadka dhibaatadu saameysay iyo in mooralkooda la ilaaliyo. Baahiyaha markaas jira ee ay tahay in la qiimeeyo lana ogaado inta ay la eg yihiin si wax looga qabto, waxaa ka mid
ah, cuntada, hoyga, biyaha iyo amniga goobta. Wajiga ugu dambeeya ee afaraad oo ‘soo kabasho’ ah,

Waxaa uu qaadan karaa ammin dheer ama mid gaaban, hadba waxa ay ku xiran tahay waxyeelladu inta ay gaarsiisan tahay iyo sida looga jawaabay. Dalkeenna marka aan eegno, dhulgariir aan saameyn taban iyo waxyeello laheyn ayaa marar dhif ah dhaca, in kastoo markii hore uu magaalooyinka qaar ku badnaa. Sidoo kalena fatahaadaha sanadlaha ah ee ay sameeyaan wabiyada Shabeelle iyo Jubba ama dhowrkii sanaba mar, waxaa ka dhasha dhibaatooyin badan oo bulshada iyo deegaannada wabiyada ku teedsan soo foodsaara, sida in tiro dad ah ku naf wayso, hanti guud iyo mid gaar ah oo dayacanna ku baabba’do. Inkastoo ogaalkey aanan maqlin foolkaano dalka ka dhacday, haddana waxaa jira duufaanno naf iyo maalba galaafta, deegaankana waxyeelleeya oo ka dhaca dhulxeebeedka. Waxa aan nahay bulsho aad ugu nugul dhibaatooyinkaas oo ay ku adag tahay in ay ka gaashaantaan, si degdeg ahna uga soo kabtaan, maaddaama aysan jirin dowlad awood leh oo u diyaarsan wax ka qabashada masiibooyinka, si
qummanna u maareyn karta.


Masiibooyinkaas oo idil ee aan ka soo sheekeynay, waxa ay u baahan yihiin in la maareeyo oo loo xilsaaro dad aqoon iyo waayo-aragnimo u leh. Wasaaradaha arrintan ku shaqada leh haddii ay xilkooda gabaan, sida haddeer jirta horena u dhacday, ma qabo in doodeheennu madhalays noqdaan oo aan ku meereysanno sababta fatahaaduhu u soo noqnoqdaan, iyada oo dadkii la badbaadin lahaa ay dhibaato la hoydaan lana soo toosaan. Waxaa mudan oo lama huraan ah in laga jawaabo baahida haddeer taagan ee isugu jirta gargaar dhan walbaba leh. Marka taas lagu guuleysto oo laga soo kabto waxyeellada hadda jirta, waan soo dhaweynayaa in leysla gorfeeyo oo laga baaraandego soo noqoshada fatahaado kale oo qorsheyaal sal adagna loo sameeyo, lana fuliyo.

W.Q: Ibraahim Cismaan Afrax Nolosha

SHARE