Home Qoraallo Falanqeynta Dhiganaha Noloshii Sillooneyd

Falanqeynta Dhiganaha Noloshii Sillooneyd

0
SHARE

Falanqeynta Dhiganaha Noloshii Sillooneyd

Waxaan akhriyay  ammin fiicana geliyay buug  aan akhrintiisa u  hammuun qabay, aadna aan raadin jiray  Ayaan wanaagse  isoo gaaray! durbadii aan gacanta ku dhigayba akhrintiisa  ayaan horey ka galay ma madlan dibna uma dhigan maxaa yeelay wuxuu ahaa mid aan xiiso gaar ah u qabay,  nabdigana aan ku hayay inaan ka durduuran doono  aqoon iyo ogaal fara badan,  waxaan ka sugaagay buugga iyo aqoontii aan ku tuhmaayayba waa ka helay  weliba filashadaydii in ka badan oo toban jibbaar  ku noqon karta ayaa ka helay.

 Buuggaas oo  magaciisu  yahay Noloshii Sillooneyd   uuna  qoray Qoraa Cabdiraxiin H.Galayr, waa buug ku qoran afka soomaaliga ah oo barax tiran, si miyir qabtana  loo faafreebay,  buuggu waxa uu ka soo baxay ama  soo saartay Aslida (Madbcada) Laashin, si qurux badan ayaa loo  haaneeday loona aslay, waxaana lagu dahaaray dahaar indho qabad leh, muuqaalka dahaarka buuggu waa mid aad ka dheehan kartid sida uu qoraagu xilka iskaga saaray soo dhowaynta akhristayaashiisa.

Sida  maggaca buuggu muujinaayaba waxa uu buuggu ka hadlayaa  nolol dhabana hays ah oo ruux ku noolaa miley ka mid ah intuu ifka joogay, buuggu waxa uu soo gudbinayaa xaaladda uu ku sugnaa wiil  yar oo Hooyo iyo Aabbe la’aan uu baday dagaalkii ka dhacay dalkeena,wiil noolaa  maalmihii  dalkeenu ku jiray gulufka colaada, waa buug si guud mar ah bulshda mid walba gefkuu galay u soo bandhigaaya, buugga oo qaab sheeko maan curis ah u qoran, akhristihiisana ku jujuubaya in aadan ka dul kicin ilaa dhammaadkiisa  gaaro, maxaa yeelay sheekadu isku xiran tahay oo aysan kala go’ lahayn.

Qacda hore markaad buuga iba furto ama aad baalashiisa  bilowdaba waxaad ku  ku soo jiidanaya af soomaaliga baraxtiran ee hufan  ee uu ku qoran yahay buuggu hab qoraalkiisa heerka sarreeya  iyo  sheekada xiisaheeda, waxaana  ku dareen gelinaaya farshaxanka qoraagu u adeegsanayo  tusaalooyinka uu bixinaayo iyo weliba hab gudbinta san ee qoraagu uga duwan yahay qorayaasha kale.

Intaad akhrinta buugga ku guda jirto qoraagu in badan ayuu kaa qoslinayaa , marar badana waa kaa caraysiinayaa , mararka qaarna jilayaasha sheekada ayuu  qaarna  ku jeclaysiinayaa qaarna kula  colaynaa , dagaal aadan diyaar u ahayn ayaad galaysaa taageero aan is ogayn adoo koox u ah ayaa mararka qaar is arkaaysa, balse qoraaga ayaa ilbiriqsi kasta dhan ii  jeedinaayay  oo igu  hawlay dhacdooyin kala jaad ah. sheekada intaan  akhrinteeda ku guda jiray  waxaan dhowr mar isku dayay inaan dhammaadkeeda saadaaliya ama sadarba sadarka ka danbeeya aan saadaaliyo waanse ku guul daraystay qoraaguna iima ogolaan, taasina waxa ay xiiso gaar u yeeshay buugga.

Qoraagu waxa uu buuggisa uga waramayaa wiil Samater la yiraahdo, waxa uu soo bandhigayaa meertadii noloshu marisay, iyo ugu danbayntii halka uu ku danbeeyay,  heerarkii  uu soo maray iyo hirkii uu gaaray, isagoo rafaad, raxanraad iyo  iyo dhibaato noloshu soo marisay, garabkii la siiyay iyo cidii siisay, abaalkii wiilkaa loo galay iyo siduu u abaal celiyay, dhaqanka gurracan ee bulshadu kula dhaqantay wiilkaa yar iyo siduu asagu yeelay goortuu taag helay, wiilal walaal nolohu ka dhigtay oo dhiig isku shubay,  dhib iyo dheefna isla maray.

Qoraagu si xog ogaalnimo ah ayuu uga waramayaa xaaladdii uu ku sugnaa dalka soomaaliya waayihii colaada, sidii fududeed ee laysku dili jiray  falfalxumadii dhextaalay bulshada, macangag iyo garasha xumadii ragaadisay bulshada, garasho yaridii ku habsatay intii muruqa iyo maalku gacantooda galay.

Buugga waa dhex jiifa casharo tiro beel ah, oo qofka akhriyaa  ka baran karo, hadduu si mug leh ugu fiirsado, buuggu mar waa dhaqan side, marna waa af bare, markale waa sooyal haye, sidoo kale  waa gar yaqaan  u doodaaya intii laga gardaraa ee lagu gabboodfalay waayo waxa  uu soo bandhigayaa wixii ku dhacay, ogaalka iyo aqoonta buugga laga korosan karo, waxaa ka mid ah: barashada dadka, tixgelinta inta taagta daran iyo garab istaagooda, abaal celinta, iyo  dhug u yeelashada waxaa hareerahaaga ka dhacaya.

Buugga oo aan anigu muddo  shan saacadood ah dulfadhiyay waxaan ka dheefay ama aan ka korosaday haddii aan tiri is  iraahdo ma tirin karo, ogaal iska maaxanaaya Ayaan dhex maquurtay, madadaalo Ayaan ka dhergay, waayo aragnimo badan Ayaan ka helay, waxaan bartay  foolkii  dhabta ahaa ee hooggaamiye kooxeedyadii is haysan jiray waayo gulufka iyo is eryadka, waxa uu buuggu i dhexgeeyay dagaaladii dalka ka dhacay, waxaan si fudud ku ogaaday intaan buugga akhrintiisa ku guda jiray hababkii kala gadisnaa ee keeni jiray isku dhacyada hoggaamiyo kooxeedyada, waxaan si xeeldheer u  u ogaaday in ay dhammaantood aragti iyo ujeeddo lawayaal ahaayeen.

Farriinta buuggu sido waxaa ka mid ah,qaab nololeedkii adkaa ee bulshadu ku sugneyd ayaan is dhextaagay waa ka jir xumooday fool xumadii dhacday dareen yaaq yaaqsi ah ayuu buuggu igu abuuray, waxaan ka maroor dilaacay  qaabkii culimada diintu  u habaabiyeen ama u haleeyeen,  dhallin yaro badan, siday dabka ugu shubeen dhallin tiro been ah  oo waxtar yeelan laheyd, kaalinta ay dhibka ku lahaayeen oo faah faahsana ayaan sheekada buugga ka dhex helay.

Qoraagu meel uusan farta gelin ma jirto xaaladii dalku ku sugnaa xilliyadii xumaa ayuu si farshaxamaysan u soo koobay,  si maskaxaysanna usoo bandhigay.

Inta aan akhrinaayay buugga waxaan  si wayn uga dhex bartay  in mararka qaar ereyadu  abuuraan nac ka wayn mida fal la sameeya abuuro, waxaan ogaaday in ereyo bulshadeenu ay si fudud u adeegsato ay dhaawaceen boqolaal dhallinyaro ah, quus ka dhigeen kumanaan wiil ama gabar.

Buuggu si miyir qabta ayuu usoo bandhigayaa sida bulshadeenu ula dhaqanto qof walba oo gef gala, waxa uu  siyaaba kala duwan kuu tusayaa  in  qofka  gefka gala aan la baarin  waxaa  keenay iyo waxyaabaha qofkaa ku riixayba.

 Tusaale:  haddii gabar la kufsado ee gabdhaasi uur yeelato ayada ayaa la colaadiya lana ceebaayaa, taasina waa gardaro, iyo gabboodfal indho la’aan ah, ka fiirsi la’aan, degdeg iyo garoowshiiyo la’aan, qof isagii la dhibay oo naftiisa halis la geliyey, magaciisa iyo muunadiisa lagu talax tegay oo haddana isagii eedaysane laga dhigay.

Akhriste walba oo buuggaan kansasho u hela akhrintiisa waxaa  uu baran doonaa  wax yaabo fara badan,  oo ay ka mid yihiin hab maamulka ciidamada isku xirka, xannaanaynta dadka tabaalaysan, garab siinta dhallaanka iyo dumarka, ka warqabka iyo nooleynta dareenka dadka quusta  ku nool dhaqanka soo jireenka ah ee is maqalka.

Buuggu waxa uu aad wax u taraya cid walba oo xog rabta in ay wax ka ogaato dhacdooyinkii foosha xumaa ee ka dhacay dalka soomaaliya, waxa uu si gaar ah u wax u taraya cid walba oo ka shaqaysa gargaarka dadka danyarta ah, madaxda si wayn  ayuu ugu wacan yahay, waxayna ka baran karaan wax badan.

Gunnaanad

Waxaa huban  ah in dhiganayaashu kala  wacan yihiin kalana door roon yihiin, ogaal iyo aqoon kalana duwana midba si gaar ah u sido, qoraayadu  si yaabo ka duwan ayay akhista yaashooda u soo jiitaan,  qoraaga ugu fiicanina waa mid akhristihiisa kansho u siiya in uu buugiisa amminta uu geliyo  ogaal iyo wacaal ka badan  ka helo, haddaba waxaan qirayaa in qoraaga buugga Noloshii Sillooneyd   inuu i dhex geeyay bad iyo beri  ogaal iyo xog badana aan ka helay , sidaa darteed mahad celin buuxda ayaan hawada u marinyaa waxaanan leeyahay maskaxdaan kugu jirta in badan noo dhur oo dhiganayaal badan noo soo saar.

Allaa mahad leh,

Qore:Cabdisalaan Macalin Xersi

SHARE