Home Qoraallo Gorfeynta Dhiganaha Keymadoow W/Q: Cabdixafiid M. Xersi(wasiirka)

Gorfeynta Dhiganaha Keymadoow W/Q: Cabdixafiid M. Xersi(wasiirka)

0
SHARE

Keymadoow erey ahaan waa Af soomaali waxa ayna dulucdiisu noqonaysaa marka la qeexo, qof ayaan darran oo raad kulul, had iyo jeerna meel walba uu tago ama wixii uu la falgalaaba ay burbur iyo hoog ku dambeeyaan, waxaa la mid ah Keymadoow, Bacow iyo Saancaddaale.

Soomaaliya waa dal lagu tiriyo dalalka muslimka ah, sida oo ay tahay waxa bulshada ku nol qaarkood ay rumaysan yihin  sheeko baraley iyo ku tiri teen ka hartay dhaqamadii islaamka ka hor, 

Waxaa jira waxyaabo badan oo qaarna ay soomaalidu dhibsadaan qaarna ay soo dhaweeyaan. Waxa ay soomaalidu neceb tahay, Shimbirka guumeyska oo ay u arkaa qumay, guriga uu yimaadana in dhibaato helayso, halka ay Galayrka ama Gariircaddaha soo dhaweeyaan una arkaan inuu hoodo iyo ayaan sido.

Waxaa badan dhaqamada soo jireenka ah ee iyadoo dadka soomaaliyeed wax barteen, ilbaxeenna aysan weli ka guurin, waxaad arkaysaa dad rumaysan haddii ay lafaha xoolaha qaarkood jebiyaan in dhibaato ku imaaneyso qoyskiisa ama reerkooda oo ku dhahaya waa ka caaganahay, haddana og in arrinkaasi diinta ka hor imanayo iyo rumeynta eebbe ee qadarka.

Iyadoo ay saas tahay ayaa waxaa jirta in dadka qaarna lagu dhaleeceeyo hooda laawe iyo ayaandarrane aan wax cawo ah lahayn, waana arrinka buuggu sida weyn qoraagu ugu qaadaa dhigay isaga oo ina baraya ka waantoowga iyo ka tegista dhaqamada silloon ee bulshadeenna dib u dhigay.

Dhiganahan ayaa ka digaya, adeegsiga falka iyo faallalowga oo ah kuwo bulshada marin habaabiya,  garaadkoodana waxyeelleeya marka ay sheegtaan inay og yihiin wax Eebbe weynaaye maahine aysan cid kale ka faalloon Karin.

Rumeynta falka, faalka iyo faaliyaha ayaa ah mid hoos u dhigaysa rumeynta eebbe iyo qadarta taasoo keenaysa in qofku ku dhaco Khalkhal dhanka rumeyntiisa, sidaasna uu ku noqdo qof u hoggaansan waxyaabo dhalanteen iyo dhaandabagaale ah.


Buugga Keymadow waxa uu qaada dhigaya ama uu bulshada wax ka tusina dhowr dhinac.


Is garab siinta.


Soomaaliya waxyaabaha ay ku badbaaday jiritaankeeda waxa ugu wayn inay yihiin bulsho isu gargaarta oo is garab siisa marka aafooyink dhacaan, tusaale gooraha ay dhacaan, Dagaallada, Abaaraha, Fatahaadaha iyo  dabaylaha culculus, waxa aan u soo joogay anigu dabshidkii 2006dii markii daadka iyo fatahaadu webigu halakeysay gobollada dalka sidii durtadiiba bulshadu garbaha isu qabsadeen ee si wadajir ah arrinkaas uga qayb qaateen.

Iyadoo aysan markaas jirin dowlad adag oo leh awood ay ku caabiso ama ku maareyso arrinkaas, ayaa bulshadu iyadu iskeed isu xilqaantay arrinkaasna gacan weyn ka geysatay.

Waxaa ka mid ahaa arrimaha aan soo joogay abaartii dhacday 2011 iyo biyo la’aantii keentay inay dad badani u dhammaadaan oo iyadana sidaa si le’eg dadweynuhu isu taagan inay wax ka qabtaan.

Dhacdooyinkan iyo kuwa badan oo kale oo ay ka mid tahay dhacdadii 14kii Oktoober dhibaatadii dhacday ayaa waxa aan garoowsaday in bulshada soomaaliyeed tahay kuwo ku wanaagsan in ay isu gurmadaan isna garab siiyaan gooraha xunxun ee dhiilada iyo dhibku jiro.

Dhaqanka

Dhaqanka soomaalida haddii si quman loo dhugto waxa uu saldhig u noqon kara Samata bixinta bulshadaan la daala dhacaysa gaajada, nabadgelyo xumada, xanuunada iwm.

Naxariista waa qeyb ka mid ah dhaqanka lagu yaqaano bulshadeena, iyadoo qoraagu nagu tusiyay si xigmadesan G/le dhexe Cusmaan afadiisa Khadiijo Aabbe Axmed iyo Hooyo Faadumo sida ay naxariista ugu sameeyeen Maryaan oo aan ka dhalan reerka, abtirsiimana la wadaagin iyagoo ka dhigtay gabartooda dareensiiyeyna gacalnimo iyo wanaag aan la koobi karin, filashadeeda nololeedna dib u nooleeyey heer ay gaarto inay ka mid noqoto qoyska dhan walba. Arrintaasi waxaa ay keentay in Maryan laga soo doonto iyaga oo ay  dhiibaan oo sidii gabadhooda u aroosiyaan, wiilkii ay isku barteen dhacdadii kale ee iyaduna xasuusta badnayd markay ku dhex ambatay kuna luntay magaalada iyadoo joogta hal maalin, wiilkii ka badbaadiyey colkii iyo ma naxayaashii doonayey inay nafteeda dhibaabeeyaan.

Adigo gudana shaqadaada gaar ahaaneed ee noloshu kaa soo gasho, waxa lagama maar ah haddana in aad tirade ku darsatid in lagaa rabo naxariis oo aan ula jeedo haddaad tahay qof ganacsade ah oo goob u furantahay lana garay ammintii aad xiri leheed goobtada haddii qof kuu yimaado u baahan in wax laga gado waxaasi yihiin wax lagama maarmaan u ah, inaadan u dayrin qofkaas oo aadan dhihin waa dhammatey amminteydii hawleed.

Waa inaad isku daydaa inaad garab istaagto qofkaas oo aad dareento heerkiisa baahiyeed,  waxa uu qoraagu tusalae nagu siina Caasho oo ah Gabar kalkaaliso ka aheyd Isbitaalka wayn ee magaalada Gaalkacyo oo la geeyay Maryan oo aan laheyn wax ogaala haysana wax xigaal marka laga reebo Soomaali, Caasho waxa ay qeyb wayn ka qaadatay u samaynta gargaarka deg dega ah.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya (CXDS) waxa ay Soomaalidu laheyd waxa ay ahaayeen kuwa ka qeyb qaata dhinac kasta oo bulshada ugu baahan tahay garab istaaga waxa uu qoraaga tusaala naga siinaa Dhamme Cusmaan oo markii sheekada ay dhammaanaysay sanno kaddib noqday G/le dhexe ugu gurmaday ammintana ugu hurey nooleynta iyo badbaadinta Maryan.

Gunaanad 

Bulshadii Soomaaliyeed ee waagaas noolaay waxa ay ahaayen kuwa la galiyay ammin lana baray ujeedka dowladnimada iyadoo la baray in dowladnimada la wada leeyahay oo aan qof laheyn iyo in qofkasta oo Soomaali ah uu qofka kale marka uu dhibaatesanyahay uu garab qabto.

Wixii ka horreeyay ee dhacay sooyalka waxa aad ka mid noqon karta qof jopgay oo kale marka aad la sheekeysato waaya joog iyo in aad wax badan aqrisid si aad wax badan uga baratid wixii ka horreeyay ee dhacay si aad mida maanta ku hortaal iyo mida beri ee ku sugaysa aad uga kaashato in aad si wanaagsan uga samata baxdid.

Aqrinta wa aqoon dhiska maanka, garaad iyo wacyiga qofka aadanaha ah, waxaan kuso af meeraa gorfeyntayda Keymadow kor noqoshadada waa karista naftaada aqriska.

W/Q: Cabdixafiid M. Xersi(wasiirka)

SHARE