Home Qoraallo Hannaanka halka xisbi W/Q: Shaafici Macalin Axmed

Hannaanka halka xisbi W/Q: Shaafici Macalin Axmed

0
SHARE

Hannaanka halka xisbi

Hannaanka halka xisbi:Waa in uu dalka taladiisa uu gacanta ku haayo hal xisbi, aanan oggalayn, xisbiyo kale, oo ka aragti duwan kana soo horjeeda ah in talada iyo hoggaanka kula loolamaan,waxa uu gacanta ku dhigaa oo uu soo aruuriyaa, hawlaha kala duwan ee laamaha dawladda sidoo kale waxa uu fara maroojiyaa hawshii bulshada rayidka iyo dhaqdhaqaaq kasta oo bulshadu u madax bannaan lahayd. 

Hanaankaan waxa uu meesha ka saarayaa haNnaanka dimoqraadiyada ee ku dhisan  talada dadweynaha iyo ergadooda ay soo xushaan ee iyaga u abaanka ah(metelaad) in ay  si madax bannaan u soo  doortaan dadka dadka abbaanka u noqonaya. 

Xubinnimada xisbigaan ayaan bulshadu u wada sinnayn,waxa ay ku kooban tahay koox gooni ah, oo tilmaamo iyo astaamo gooni ah laga helay,oo isu arka hurmuudka bulshada, dhan kasta .

Tilmaamahaas iyo Astaamahaasi ma ahan kuwa ku salaysan aqoon iyo karti,waxaanna kamid ah sida uu qofka xubinnimada noqonaya ugu hoggaansan yahay uguna  heelan yahay hoggaamiyaha xisbiga, yahayna mid aan ugu dheereeya  hiinraacnimada iyo guulwadaynta.

Dawladdaha qaatay hannaankaan ayaa kula aragti duwan falsafadda ay u cuskadeen qaadashada hannaankaan,

Xisbigii hantiwadaaga(Shuuciga)  ee midawga soofiyeeti:

Hannaanka halka xisbi ee midowga soofiyeeti, ayaa cuskan falsafaddii Karl Marx iyo Vladimir Lenin falsafadaan oo oranaysa, xisbiyo badan jiritaan koodu waxa uu ku salaysan yahay marka ay jirto kala sarrayn heerka nolasha , ee bulshada u dhaxaysa, falsafadooduna waxa ay ku dhisantahay in la tir tiro kala sarraynta u dhaxaysa bulshada heerka nolosha, bulshadana la mideeyo, loolankii  heerarka  bulshada udhaxeeyana meesha laga saaro,sidaas daraadeed waxaan loo baahnayn hannaanka xisbiyada badan oo aysan jirin bulsho kala argti duwan oo ay kala matalaan.waxaana qasab ah in la helo hal xisbi oo  u taagan bulshada dhan.

Hannaanka halka xisbi ee xagjirka ah( faashiga)

Faashiyadu (fascism):waa aragti siyaasadeed oo xagjir ah,oo ku dhisan mabda’a hanti wadaagga kacadoonka ah,waxayna rumeysan yihiin kooxaha aragtiyadaan leh in golaha fullinta dawladda uu ugu sarreeyo hay’adaha kale ee dawladda,in aad loo buunbuuniyo madaxwaynahadalka ,aadna loogu talax tago ammaantiisa, heer lagu dhaweeyo in la caabudo,dalalka  qaarkood, waxaana la sameeyaa dad gooni ah oo u darban buunbuunita hoggaamiyaha xisbiga.

 Kooxahaan waxa ay col layihiin dagaal ba’anna ku qaadaan hannaanka xisbiyada badan iyo dimoqraadiyada ku dhisan matalaadda shacabka.Hannaankaan xisbiyada ku dhisan ayaa soo ifbaxay intii udhaxaysay labadii dagaalweyne ee dunida soo maray.

Sida xisbigii faashiga ee talyaaniga ee uu aasaasay Benito Mussolini iyo xisbigii naasiga ee jarmalka. Ee uu asaasay Adolf Hitler.sidoo kale Francisco Franco ayaa aragtidaan ku xukamay dalka isbayn. Ammintii u dhaxaysay 1936_1975. aragtidaan faashiga ayaa ku faaftay carra edge gees ka gees waxay gaartay dalka maraykanka, dalalka laatiin amerika la  isku yiraahdo , koofur afrika, jabbaan, iyo dalalka bariga dhexe ,xisbiyada aragtidaan leh ayaa ka siman la dagaalanka dimuqraadiyadda, iyo hannaanka xisbiyada badan,iyo in la buunbuuniyo hoggaamiyaha xisbiga , lana meel dhigo dalka dhan mudnaantiisa .

Aragtidaan faashiga ah,kooxaha rumaysan, ayaa waxa ay ku qeexaan  waxa ay u qaateen hannaanka halka xisbi, in ay tahay ,aragtidaan faashiga midda ugu sarreeysa aragtiyooyinka siyaasadeed oo dhan,bulashadana waxay ku midaynaysaa in ay u istaagaan,hormarka dalka ayagoo mid ah,waxa ay kaloo ku sheegaan aragtida lebraaliga oo ay ku dhisanyihiin inta badan xisbiyada yurub, iyo maraykanka, oo aaminsan hannaanka xisbiyada badan, in ay tahay mid kala dhantaalaysaa midnimadii bulshada ,waxayna danta gaar ahaaneed ka hor mariyaan danta guud.Sidaas daraadeed in aan loo baahneyn xisbiyo badan.

Hanaanka halka xisbi ee dunida sadexaad:

Dalalka dunida saddexaad intooda badanna ka soo baxay gumaysigii reer yurub ayaa qaatay hannaanka halka xisbi , kana soo horjeestay hannaanka xisbiyada badan, waxa aynna ku ku doodaan, in hannaanka halka xisbi uu ilaalinayo midnimada iyo wada jirka bulshada iyo dalka guud ahaantiisaba,si loo gaaro horumar dhanka dhaqaalaha iyo bulshadaba.waxa ay leeyihiin si loogu guntado hormarka bulshada dhan kasta,waxaa loo baahanyahay in lagu mideeyo awoodaha siyaasadeed, oo dhan hal xisbi, dalkana laga ilaaliyo hannaanka xisbiyada badan oo bulshada kala qaybinaya, qabiil qabiil iyo gobal gobal.

Dalalka dunida saddexaad ee ka soo baxay gumaystaha, hoggaamiyaashii talada qabtay waxa ay u badnaayeen saraakiil millatari,xukunkana ku qabsaday awood ciidan, waxa ayna ahaayeen kaligii taliyaal macangagyaal ah,waxa ayna ka hirgaliyayeen dalalkii ay ka talinayeen, hannaankaan halka xisbi waxaanna kamid ah:

Maxamad siyaad Barre:xisbigii hanti wadaagga kacaanka soomaaliyeed(XHKS 1976_1991).

Jamaal Cabdi Naasir ayaa masar ku maamulayay hannaankaan mudadii uu xilka haayay, labadii sargaal ee asaga xukunka ka dhaxlay ee kala ahaa :Maxamad Anwar Al saadaat,iyo Maxammad Xusni Mubaarak ayaa ayaguna waddadiisii qaaday.

Saadaam Xusayn ayaa ciraaq ka hiragliyay.xisbigii AL BACAS

Mucammar Al qadaafigii liibiya, ayaa asna aragtidaan rumaysnaa,

Xaafidul Asad ayaa suuriya ku hoggaaminayey argatidii halkii xisbi ee  AL BACS. 

Guud ahaan,dalka  uu ka jiro,hannaankaan halka xisbi ayaa k asiman tilmaamahaan:

1. La kali noqoshada hoggaanka dalka iyo in meesha laga saaro hannaan ku dhisan mataaladda dadweynaha  oo si madax bannaan u doorta cidda hoggaamiaysa ama xilkooda qaadaysa 

2.Waxa uu isu arkaa in uu matalo bulshada qaybaheeda kala duwan, oo dhan 

3. Warbaahinta oo kushaqaysa qorshayaasha xisbiga, iyo in aan la oggolayn warbaahin ka madax bannaan xisbiga.

4. HogGaamiyaha xisbiga oo ah hoggaamiyaha guud ee ciidamada qalabka sida dalka.

5.Laamaha iyo waaxyaha dawladda oo lugu baahiyo xubno ka tirsan xisbiga.

6.Hay’adaha xeer dajinta, fullinta iyo garsoorka oo gacanta hay’adda fulinta iyo hoggaamiyaha xisbiga lagu soo aruuriyo.

7.Dhaqaalaha dalka oo loo adeegsado ujeeddooyinka gaarka ah ee xubnaha xisbiga.

8.Waxbarashada iyo jaamacaddaaha iyo xarumaha dhaqanka oo loo adeegsado qorshayaasha xisbiga iyo danihiisa gaarka ah.

9.Waxaa dhaqan ah hannaankaan cabburin xarrig iyo dil loo gaysto dadka ka aragti duwan xisbiga, 

10. Ugu danbayn waxaa isku milma oo aan la kala saari karin qofnimada hoggaamiyaasha xisbiga iyo dawladda,

Hogaamiyaasha xisbiga ayaa waxa ay noqonayaan muuqaalkii dawladda, shacabkiina waxa ay dawladnimada u arkayaan, muuqa iyo qofnimada hoggaamiyaha xisbiga.

Tan ayaa waxaa laga dhaxlaa in shisheeyaha iyo  nacabka dalkaasi si fudud u dhexgalo, waayo waxaa meesha ka baxay wax wada lahaanshihii iyo iskaashiga bulshada, maxaa yeelay marka kooxi isku wareejiso dhammaan dalkii iyaguna noqdaan kuwa hantiilayaasha ah ee iska leh dalka oodhan, dadweynuhuna waxa ay u nuglaadaan inay noqdaan kuwa qaada qaab walba oo ay dalka uga saari lahaayeen kooxda xoogga ku yeelatay.

W/Q: Shaafici Macalin Axmed

SHARE