Home Qoraallo Caloolyoow W/Q:- Abdishakuur Jama

Caloolyoow W/Q:- Abdishakuur Jama

0
SHARE

Waa subax barqo ah, wuxuu kasoo shaqo tagay guriggii uu ka degganaa xaafadda Salaama, waa dhalin-yaro dhinac walba ka dhisan,dhiifoonaanta iyo dhugta waa waxa ay ku jeclaatey Sureer oo ay daris soo wada ahaayeen ilaa iyo yaraantooddii. Sureer waa gabar ku jirta Fasalka 12aad ee dugsiga sare ee  aqoon-same oo aan sidaas wax badan uga fogeyn shirkadda duulimaadyada Dalmar oo uu ka shaqeeyo muddo sannad iyo bar ah Yaxye oo ah wiilka ay ku indho-doogsato Sureer. Sureer waxay madaxa galisey Gu’gii 19aad oo waa gashaanti u qalanta guur iyo haasaawe labadaba, waxay ka tilmaaman tahay dhammaan fasalka, iskuulka iyo xitaa xaafadda ay wada degganyihiin Yaxye , gayaankeedna wey ku hirdamaan helisteeda, se iyada xaalkeedu waa “Nin ay meeli u caddahay meeli ka madow”.

Yaxye isagu wuxuu iyada ka weyn yahay saddex gu’ oo waa 22 jir shaqaysta, waxbarashaddii dugsiga sarena dhammeeyey 2-sano ka hor, wuxuu ku talo jiraa billaabidda jaamacadda Surad oo ku taal dhabarka danbe ee Saldhigga Cabaad-weyne. Yaxye wuxuu ku hammiyaa mar uun inuu ka mid noqdo dadka ugu taajirsan xaafadda salaama, laakiin nin shaqaale ahi ma taajiraa?! , haddii uu dedaalo haa, wuxuu go’aansadey inuu ka tago shaqadaan uusan intifaaciga badan ku hayn markii horeba, markii danbena Xirsi uu ku yiri” waryaa Yaxyoow wiilashaas kala tusi shaqada, barna soo dhaweynta macaamiisha. Yaxye wuxuu maskaxda iska waydiiyey “War dhoohane haddii aad bartid shaqada sow hadhow tag lagu oran maayo, illeen hawshii aad u qaban jirtey ninkaan Xirsi ah waxaa u qabanaya wiilashiisa Daahir iyo Mustafa ee lacag badanna uga bixi meyso oo waa wiilashiisiiye?” haddaba iskaga huleel oo waxba ha barin ayuu ku tallamey, barqo cadna ka dhaqaajiyey shaqaddii shirkadda dalmar uu u hayey.

Khamiis galab gaab ah, waxay isku arkeen Yaxye maqaaxida shaaha laga cabo ee shaah-wanaag labo ka mid ah saaxiibaddii iskuulka ay wada dhigan jireen waa Caaqil iyo Cismaan oo wada socda , “Woob Woob war yaxye ii waran saaxiib?” Caaqil ayaa ku salaamay, Yaxye inta u istaagey oo gacan qaadey “saaxiibayaal waa wacnaan iyo wayso qab ee ii warrama adinku?” Yaxya hadalkii isago aan weli ka bixin buu raaciyey “fadhiista aan shaah inoo dalbee aniguba haddaan imide”. Wuxuu u yeeray Xasan-yare oo meesha shaah geeya ka ahaa kuna yiri ” Xasanoow saddex shaaxa oo cadeys ah noo keen” Xassanna wuu yaqaan Yaxye oo macaamiisha maqaaxida ee wuxuu yiri ” waayahay walaal “. Waakan Caaqil kusoo noqdey hadalkii oo yiri “Saaxiib waanu bad-qabnaa , waxaan ku talo jirnay inaan shirkad furanno noo gaar ah saddexdeenna adigana aan masuul kaaga dhigno maadaama aad nooga waayo-aragsan tahay xagga shaqada” “Aniguba maalmahaan waxaan raadinayey dad aanu shuraako (Share) noqonno, maxaa yeelay, waxaan iskaga tagay Dalmar-tii aan ka shaqayn jirey ee waa gallad Eebbe haddiiba adinku aad igu fikir tihiin, waanan soo dhaweynayaa arragtiddiina” ayuu Yaxye ku jabaawey. Shirkaddii waxaa la isku raacay iney ahaato mid uu madax Yaxye ka yahay se waxa la isku khilaafey nuuca shirkaddu ay noqoneyso, Cismaan wuxuu soo jeediyey iney furaan shirkad dharka dumarka iibisa , laakiin Yaxye iyo Caaqil waxay ku taliyeen Shirkad Cosmetic (walxaha la isku qurxiyaa ama la isku udgiyo) iibisa ay noqoto, markii danbena saddexdooda waxay isku raaceen furitaanka shirkad Cosmetics siddii baana lagu kala tagay habeenkii iyadoo nin waliba loo xil-saarey inuu keeno meel ku habboon oo laga furo Shirkaddaas maadaama la isla meel dhigay kharashkii ku bixi lahaa iyo nuucii shirkada .

Sureer habeenkii Sabtiga waxay is arkeen Umul-kheyr oo ah qofta kaliya ee ay isku sireystaan , waxay Sureer u sheegtay waxa hurdo iyo hoyaad u diidey inuu yahay jacaylka ay Yaxye u hayso , umul-kheyr iyana waa gabar garaad badane waxay ku dhiirri-galisey iney u sheegato jacaylkeeda Yaxye ee aysan waayaheeda laabta ku haysan iyadoo ku tiri ” Naa saaxiibeey waxaad qarsataa waa ku qurun-saddaan ee maad u sheegatid jaceylkaaga” . Sureer waxay tiri ” hoogayeey! Oo ma qof weyn oo isoo eegayaan ku iraahdaa waan ku jeclahay? “Oo ma naftaa kaa baxaysaa ?” Ayey Umul-kheyr ku tiri. “waayahay laakiin wlhi waan ka baqayaa anigu saaxiibey” ayey ku catawdey Sureer, Umul-kheyr baa kula talisey ” waxba noqon meyside , naag iska dhig oo u sheego waxaad u qabtid”. Hawraarsan iyo guddoon beyna ku kala tageen Sureer iyo Umul-khey habeenkaa.

Yaxye ,Cismaan iyo Caaqil waxay fureen Shirkaddii iyagoo ka furey meel u dhow dukaanka Kaah oo ay leedahay Sureer hooyaddeed, Shirkad weyn oo nuuc walbo oo la isku udgiyo lana isku qurxiyo yaallaan oo labo irdood ah ayey fureen , Sureer maalmaha dugsigu fasaxa yahay waxay caawisaa hooyo Xaliimo oo dukaanka ayey ka nasisaa. Maanta waxaa iyada dukaanka ku wehliya habar-yarteed Warsan oo burburkii dibadda gashey , markaanse fasax heshey kana soo war doontey xaaladda Aabbe Cumar oo da’i meel dhigtay. Waa barqo Jimcaad waxay aragtey Sureer, Yaxye oo kursi ku fadhiya albaabka hore ee shirkadda , khamiis caddaan ah, kabo xagga danbe ka xirma oo sandal ah iyo cimaamad madoow iyo caddaan iskugu jirta oo la mooddo tii yaasir carafaat-kii falastiin xiran, Fallaaraha cadceeduna wajiggiisa muraayadda/ookiyaalaha madow ku jiro hayaaan.

Warsan ayaa weydiisey Sureer “Hooyo Shirkaddaas weyn maxaa lagu iibiyaa?” “Hooyo waxaa lagu iibiyaa waxyaabaha la isku udgiyo lana iskuna carfiyo waana shirkad fiican oo qiimo jaban”. Sureer ayaa ku jawaabtey “Alla! Hooyo waan u baahnaaye kaalay iigaso adeeg” sureer oo farxad is hayn la’ baa tiri “haye hooyo”. Lacag boqol doollar ah ayey u dhiibtey waxayna tiri “konton adigu kusoo iibso waxaad rabto, kontonka kalena aniga iiguso adeeg”. Farxad badanaa!, waatan ka tilowdey jidka 30-ka oo kala bara sekkadda (lootada) uu dukaanka kaah ku yaal iyo tan Shirkadda Al-Khalifa ee Yaxye maamulaha ka yahay ku taallo.

Yaxye iyo Sureer wey is weji yaqaannaan oo waa ay isla soo koreen, waa kuwan isa salaamey aragtidii koowaad-ba “woow Sureer waa soo dheeraatey maanta? “Ayuu yaxye hadalkii ku bilaabey , Sureer oo farxad hadleysa tiri ” Yaxyoow ma adaaba war haya, deris baan markale noqonnee”. Yaxye oo yaaban baa yiri “Oo xaggee soo dagtey?” ” Dukaankaas soo Jeedka ah ee boorka weyn leh ayey hooyo Xaliimo leedahay” sureer waataa ugu war celisey inta ay dukaankii ugu fiiqdey farta mudisada oo ciddi qalin dameeri ah marsan yahay leh,  Waxay u sheegtay iney shirkada ka iibsaneyso alaab, waxay u kala sheegtay nuucyada alaabta ay rabto isna wuu iibiyey. Yaxye wuu u warhayaa jacaylkeeda se isagu dan iyo heello kama lahan oo waxay isku nuxnuxeeyaan beryahan khadiijo oo ay Sureer eeddo u tahay, Fursad bey ku heshay ay baadi goobeysay waxayna tiri iyadoo qaadeysaa heestii ku jirtay ruwaayaddii Dab jacayl kari waa ee abwaan Xasan Ganey sameeyey Sahro Axmed iyo Bacalwaanna ku luuqeyaan ee laqanyada Jacaylka.

  • “Laqanyada Jacaylkiyo
  • Lurka Caashaq kulalaa
  • Ruuxaad u lahatayoo
  • kugu laadey ba’anaa
  • Waxaan hadalba ii labin
  • Sida leygu kaa ladhay
  • Haddii aad lix goor noqo
  • I tidhaaa labo iyo toban
  • Naftaan libiqsaneysee
  • Labaneysa yeysiin
  • Ladanoow miyaan
  • La’aanta anigu
  • Ladeyaa hurdada”.

Isaguna waa ninkaas aan danta ka lahayne wuxuu ugu luuqeeyey heestii ku jirtay ruwaayaddii Jin iyo Jacayl ee isla Xasan Ganey lahaa ee Waran caashaq kuna luuqeeyaan khadra iyo cigaal wuxuuna yiri

  • “Anna hadal ku wiiqoo
  • Dhulka kula wareejiyaan kuu wadaa
  • Haddey wadar libaaxi
  • Kaa wadagaayaan halis
  • Wid kaamaan iraadhdeen
  • Waxaan uga gol leeyahay
  • Wabiyada jacaylkee
  • Ku walwaalanayana
  • Halkuu dooxa waaheen
  • Bad waqooyi kaga daro
  • Waadigu hakula tago
  • Walaxaana kugu raran
  • Mar uun waabo oo joog
  • Wajigaagana u turo”!

Adigu jacayl baad ka hadleysaaye anigu xitaa si aadanino leh kuugu turi maayo!! Arxan daranaa bey hoos iska tiri waxayse isku qancisey maahmaahdii ahayd ” madax muuqda iyo middi saawir ah midna lagama quusto”, wey iska tagtey iyadoo cago-jiideysa farxaddii ay markii hore shirkadda kusoo gashey cagsigeed muro le’eg bey kala dhaqaaqdey illinkana kala baxdey, Isaguna waa ninkaas salaadda jimcada isku soo diyaariyey albaabkii shirkadda inta qufuley oo qufulkii hoos u jiidey, markuu arkey inuu xirmey ka dhaqaajiyey oo khudbaddii jimcada iska aadey.

La soco qeybaha xiga, haddii Eebbe idmo.

W/Q:- Abdishakuur Jama

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here