Home Qoraallo Dal barwaaqo iyo dad ka baahan! W/Q: Xuseen Maxamed Cabdulle “Wadaad”

Dal barwaaqo iyo dad ka baahan! W/Q: Xuseen Maxamed Cabdulle “Wadaad”

0
SHARE

Dal barwaaqo iyo dad ka baahan! (Dhambaal furan)

Xuseen M. Cabdulle Wadaad

Dalkeennu, wuxuu ku yaallaa, geeska bari ee qorrax ka soo baxa qaaradda Afrika, waxaan leennahay; xeebta ugu dheer qaaradda oo dhan 3330-km, sidoo kale, wuxuu Eebbe nagu manneystay dhul ballaaran oo uu bedkiisu la egyahay 638,000 (km)×2, waxaana dhulkaa ka mid ah carrasan ku habboon beerashada iyo daaqsinka oo dhan 28,8-milyan higter, iyada oo qiyaas ahaan halkii km uu ku soo aadayo 8,3 qofood. (Tirakoob hore) hadda qiyaastii 1KM waxaa ku soo beegmayo tiro qiyaas ahaan ah: 17 qof.

Dadkeennu boqolkiiba toddobaatan waa: reer guuraa, 26% waa dadka deggen magaalooyinka, inta soo hartayna, waa inta deggen tuulooyinka oo ah beera qodatada. Dhinaca cimilada, wuxuu Rabbi na siiyay cimilo sanaagsan oo uu garan karo qofkii tago waddamo kale. Xoolaha aan leennahay waxay dhan yihiin: “34,7 malyan oo neef” taas oo ah tirakoobkii la sameeyay 1975kii.

Dhanka wobiyada, waxaan leennahay laba wobi oo kala ah; Jubba oo dhererkiisu la egyahay 680km iyo Shabeelle oo isna ah, 470km, haddana innaga oo intaas oo nimca ah heysanna, isla markaana nala ku tilmaami karo inaan dunida ugu taajirsannahay, ayaan haddana nahay dalalka uu faqrigu saameeyay kuwa ugu sii hooseeya ee sannad walba loo soo gurmado, taana waxaa keenay innaga oo kor fiirin weynay, bal u fiirso taasi waa iska soo horjeed (ugu faqrisan uguna qanisan) waana run oo ma jiro qof diidi karo taas. Waxaa intaa dheer macdanta , shidaalka iyo kheyraadka kale oo dhulkeenna ka buuxo, kuwaas oo aan la koobi karin.

Waddamada aan u soo qaxnay, ma jiro waddan leh kheyraadka aan kor ku soo sheegay iyo wax u dhaw midna, waase dad tashaday oo nidaam u sameystay dalkooda, iyaga oo maalaya caqli iyo cilmi wada jira. Marka aad dhegeysato idaacadaha ama aad akhriso wararka qoran waxaad arkeysaa, iyada oo la sheegayo macluul gaajo iyo cudurro ka jiro ama laga baqayo, in ay ku dhufan rabaan waddamada qaaradda gaar ahaan kuweenna geeska, waxaad maqleysaa qayla dhaan ka yeereyso laamaha qaramada midoobay, sida WFP iyo kuwo kale oo gargaar u dalbaya ummadda. Markaad u fiirsato dalkeennu waa hodon waana isku  filnaan lahaa, haddii uu helo hoggaan siyaasadeed toosan oo bulshada uga faa’iideeya kheyraadka uu Rabbi siiyay, maxaa yeelay, dalkeennu, uma baahno gacan hoorsi iyo kaalmo dibadeed midna.

Waxaa la rabaa, in lala yimaado barnaamij isku tashi ah iyo ku tala gal ah, in aad aaminto kheyraadka dalkaaga. Runtii, aniga waxaa ii muuqda oo mar walba aan arkaa wax aan in badan u muuqan oo u baahan in ay bulshadu si guud u wada milicsato, waayo, qofka Soomaaliyeedow haddii ay indhahaagu wax arki waayaan oo aad kaalmo suge uun tahay, ma ogi xorriyadda aad sheeganeyso oo haraatidii gumeysiga ayaa weli ku dul saran,  xaalkuna waa “AYAX TEG EELNA REEB”. Haddaba akhristow ma diidi kartaa, in uu dalkeennu “Qani yahay haddana uu faqri yahay”! Waxa uu maankaygu xasuustaa sifo uu beri samaadkii ka bixiyay, Aun Abwaan Cabdi Bashiir Indhabuur, taas oo ay nagu filan tahay inaan ka qaadanno cinwaanka ruwaayadda oo ahaa: (DAL BARWAAQO IYO DAD KA BAAHAN).

  • Dal barwaaqa taal iyo
  • Duul ka baahanoon
  • U dayeynin hoos.

Marka aad dalkeenna barbar dhigto wadamada aan u qaxno, xitaa kuwa yurubta waxa kuu soo baxaya, in aan ka hodonsannahay oo aan leennahay qayraadka aan soo xusnay, iyaguna ay leeyihiin wax soo saar warshadeed iyo mid maskaxeed, maxaa yeelay, waxaad arkeysaa qaar ka tirsan waddamadaas oo dhaqaalihiisu ku xiran yahay dalxiis iyo ganacsi ku dhisan ubax iyo waxyaabo yaryar oo la iib geeyo. Haddaba waxaan rabaa oo aan Qalinka inqaasta u darsaday, in aan wax uun ku darsado dabaqabashada dalka iyo dadka. Waxaan soo marnay welina ku jirnaa gu’yaal badan oo madaw ah. Waxa dhacay; wax badan oo aan laga sheekayn karin .

Waxay ahayd raadkii uu ka tagey saancaddaalihii gumeysi iyo garasho xumo xageenna ah oo is biirsaday. Waxaan qabaa yididiilada ay in badan qabto, maadaama ay muhiim tahay, in aan laga quusan raxmadda Rabbi, waxa ii muuqda, in la joogo amminkii la heli lahaa maan taliya iyo isku tashi shacab iyo dowlad wada jira leh.

Waxa ila quman, in cid kasta oo xil heysa ama qabata ku xisaabtanto, in bulshadan la samata bixiyo loogana faa’iideeyo kheyraadkaas Rabbi siiyay. Intaas waxa xiga jagooyinka hoggaaminta labada gole kan sharci dejinta iyo kan fulinta, waa kuwaas kuwa laga rabo, in ay la yimaadaan waddo quman iyo  istraatiijiyad abuuri karta Soomaali oo nabad ah, hodan ah, amni iyo kala dambeynina ay ka jirto.

Jirradu waxa ay taal waa baraha wax laga hoggaamiyo, kuwaas oo looga fadhiyo xal u helidda arrintaan, weliba waxay heli karaan waxgarad daacad ah oo ay la kaashadaan, sidii looga mira dhalin lahaa Qorshaha samatabixinta, kolse haddii ay dawadu bukooto bal adba garo waxa dhici kara, waana meeshaas, meesha ay jirradu taallo, maxaa yeelay, waxa dhab ah oo jiro cudurro gaaray waxa la yiraa: “Endemic” Mustowdan oo ka mid noqday nolosheenna caadiga ah, maadaama dalka ay ka jirto aqoon xumo, qabiil iyo faqri, ayaa waxa ku biiray jirro kursi oo noqotay mustowdan. Marka waxa dhab ah inay jiraan qof qof ama koox koox u buka cudurka kursiga ee ay daweyntiisu adag tahay, taas oo ay u arkaan, inay tahay halka  “Dheriga iyo dhardhaarraduba ay yaallaan!”

Dadkaas buko,  waxay isugu jiraan kuwo cudurradooda gaareen cudur kursi oo “chronic” ah ama Acute ah ama genetical ah Geetic, kuwaas oo aan waxa ay caashaqeen mooyee aan daawa kale loo heyn, balse, mudan in sidoodaba hankool adag leysaga haayo.  Golaha sharci dejinta, ayaa laga rabaa in ay kuwa buka daweyaan, isla markaana baaritaan ku sameeyaan, ka dibna u sheegaan, in cudurkooda daawa loo heyn bulshada fiyowna ay kala fogaadaan cudurkooda. Haddii cudurku uu dhex ceegaago golaha sharci dejinta laftiisa, waxaa daawadiisa laga rabaa bulshada inta fiyoow wax dabiibi karto taladuna ka go’do.

Bulshadatan, kheyraadkeeda ayaa ku filan iyo nidaam caddaalad wato oo lagu kala ilaaliyo, waana intaas oo Rabbi ka cabsi la cuskadaa. Waxa laga rabaa xalka inaan laga dhigin “KUD KA GUUR OO QANJE U GUUR!” Waxaan qormadeyda ku soo gunaanadayaa maanso uu tiriyay Abwaan M. I. Warsame “Hadraawi” taasoo ah maansadii “Wariye” Maansadu waa dheertahay waxayna taabaneysay dhinacyo badan waxaanse ka doortay baydadkaan hoos ku qoran oo la rabo qof kasta oo wax garta in uu saas wax u arko. Hadraawi wuxuu yiri:

  • Derejooy wid lagu yiri
  • Wid widaanwid lagu yiri
  • Walahaana kugu raran
  • Hantiyeyna kuma Waco
  • Woohowna kuma dhaho
  • Weligeyna kuma sugo
  • Wed haddaanad celineyn
  • Nin ku sheegtay waareyn
  • Maxaan kuu warsanayaa?

W/Q: Xuseen Maxamed Cabdulle “Wadaad”

Imayl: Email: huswadad@hotmail.com

SHARE