Home Qoraallo Isma ogid ee adduunka kuma cusbid!! W/Q:- Borofaysar, Yaxye Sh. Caamir

Isma ogid ee adduunka kuma cusbid!! W/Q:- Borofaysar, Yaxye Sh. Caamir

0
SHARE

Isma ogid ee adduunka kuma cusbid.

Culumada Archaealogy ayaa isku raacday in Soomaaliya ay leedahay taariikh dhinaca Cilmiga Archaealogy-ga oo ka fac weyn tan wadama badani ay ku faanaan, balse, dadkeedu aynanba ka war heyn, taas oo noqon karto mid loo dalxiis tago, Cilmi ahaanna loo sii baari karo.

Paolo Grazio ayaa Sannadkii 1935 sameeyay daraasaddii ugu horreysay oo Archaeagical ah oo lagu baaray “Gogoshii Qube iyo Guli Waabayo” oo u dhaw Buur Haybe Gobalka Baay Soomaaliya, waxa uuna helay haraa waqtigii “Stone age Iyo waqtigii xigay Stone age”.

Waxa uu helay Dharyo ( F.S: 1aad) iyo 100 dhagax oo ah dhagxihii ay ku ugaarsan jireen dadku intaan la baran isticmaalka birta.

Dhagxahaa 3 dhagax oo ka mid ah waxa ay yiilleen Musimkii dalka “National museum” oo ku burburay dagaalladii sokeeye, balse, laba dhagax oo ka mid ah ayaa la badbaadiyay lana geeyay waddanka Mareykanka.

Mar dambe, sannadkii 1945 ayaa J.D. Clark waxa uu dib u faagay (Guryo waabay- Poisonous house of Buur Haybe), waxa uu baaray goobta loo yaqaan: “Abka Eedden i Oboy Haawo- Abkoow Aden Nabi Aden CS iyo Abooto Xaawo” oo dadka deegaanka qaar ay aaminsanyihiin in ey halkaa ku noolaayeen iyo marinka hadda loo yaqaan “Siraad” oo dadkii halkaa ku noolaa inta aan diinta Islaamku soo gaarin ay aaminsanaayeen in marinkaasi uu tago Jannada. Waxa ay leeyihiin culumada Seynisku: Soomaaliya waxaa lagu noolaa illaa waqtigii “Paleolithic period” oo ah muddo laga joogo 3.3 Million sanno. ( F.S: 2aad)

Mar kale, waxaa dib loo billaabay mashruucii (The Buur Ecological & Archaeological project –BEAP Sannadkii 1983-1989, ee Steven Brabdt iyo kooxdiisii khubarradu waxa ay ka heleen Buur Haybe Qalfoof ( Lafo) Dad oo ku beegan waqtigii “Holocene age” oo ah 11.657 Sanno muddo laga joogo iyo Casrigii “Neolithic period” oo ah waqtigii ay tuulooyinku adduunka ka sameeysmeen oo ku beegneyd 10.000 Sanno Dhalshadii Nabi Ciise CS ka hor. waxa uuna ka helay 14 qalfoof dad oo ah waqtigii Stone age iyo Gogoshiia Qube oo uu ka helay “prehistoric skeleton” lagu aasay halkaa iyo weliba waxaa kale oo uu ka helay Qabuuro leh dhismooyin calaamado leh.

Waxa uu leeyahay; beni aadamku markii hore waxa ay ahaayeen ugaarsato kali kali u nool kadibna waxa ay isku beddeleen bulsho deegaan u gaar ah wada deggan oo mideeysan. Cilmi baaristii Steven Brabdt iyo kooxdiisii ayaa wax badan cadeeynayo ( F.S: 3-29aad)

Sababha dadkii hore ee reer Buur Haybe ku noolaa u fududeeyay in ay wadar ku noolaadaan waqtigaa aadka u fog ayaa ah in halkaa laga helayo khayraad lagu noolaan karo. waxaa laga helaa deegaanka Buur Haybe 70 Nuuc oo dhir ah oo la cunni karo, sida ka muuqato daraasad ku qoran Buuga O’Brein 1986 iyo Buugga ( Local wild Fauna around Buur Haybe) waxaa kale oo aad ka heli kartaa “ world Archaealogy Vol.20 ,No1” iyo “Archaeology in Africa pogga 40-54 oo ey wada qoreenTaylor & Francis.

FG: waddamadu waxa ay ku faanaan oo ay weliba ilaashadaan taariikhdooda, maxaa kuu diiday in tan oo kale aad daraasad ku sameysid, una sheegtid caalmka, iyagii ayaaba cilmi ahaan u baaray, qaarna kaa sii qaatay. Mise ismaba ogid?

W/Q:- Borofaysar; Yaxye Sh. Caamir

SHARE