Home Qoraallo Lafahaba midaan la jebinaa jirto! WQ. Xuseen M. Cabdulle ”Wadaad”

Lafahaba midaan la jebinaa jirto! W\Q. Xuseen M. Cabdulle ”Wadaad”

0
SHARE

Lafahaba midaan la jebinaa jirto!!

Xuseen M. Cabdulle ”Wadaad”

Dadku waa karaameysan yahay oo Rabbi ayaa karaameeyay oo waa kan na leh ”Walaqad karramnaa banii aadam”. Midda kale waa tan la yiraa ”Man sharafa nafsahu fahuwa shariif”oo iyana noqoneyso ”Qofkii naftiisa sharfaa sharfan”. Minaad mug kale jalleecdana, bal arag sida uu Rabbi u leeyahay ”Inna akramakum cindallaahi atqaakum”. Caqliguna, waa waxa uu uga duwan yahay dadku, noolaha kale oo dhammi. Haddiise caqli iyo cindi taliyaa la waayo, waxaa la noqohaa uun isma dhaanto xoolaha aan dhaamin. Marka aad jalleecdo arrimahaas iyo kuwa kale oo caqligu garan karo, waxaa kuu soo baxaayo in dadku isku qiimo yahay 9 biloodna ay ku wada dhasheen sida qaalibkaa.

Haddaba, Soomaalidu waxyaabaha ay cuskadaan oo ay daliishadaan waxaa ku jiro ”Lafahaba midaan la jebinaa jirta”, waa tee laftaas ka mudan lafaha kale oo haddii la jebiyo murugadu dhaceyso? Mise xaalku waa uun sida ”Laabta ka soco”. Waxa aan arrinkaas farta ugu goday maahan, ha laga tago xushmadda iyo qaddarinta la isu haayo, waana mid loo baahan yahay in la sii xoojiyo oo xaalku ahaado ”Adaa mudan iyo adaa mudan”, iyadoo xaalka loo celihaayo ”Fas’aluu ahlu dikr inkuntum laa taclamuun”, Wax kastaa waa in cidda aqoonteeda leh wax laga weydiiya, waxaay uun dhalee guul iyo wanaag, haddiise xaalku noqdo wax walbaa anaa daadshay oo aqaan, anaana mudan, wax kastaa uun waa hallaabayaan. Xaalkuna waxuu ku fiican yahay uun, inaan laga dhigin ”is dhexyaac”, oo natiijadu noqonayso uun ”Dharagii fara badshaa waa uu fuud xaraareeyaa”, oo taas lafteeda far la gelin karo oo la dhihi karaayo, wax kastaa in loo tala badsadaa qumman oo gees walba laga istaagi karo, si loo helo wax miiran oo nadiif ah. Tanaaqudyadu ma yara!!!.

Waa loo baahan yahay ”qofka yar inuu xushmeeyo kan weyn”, kan weynna uu tixgeliyo kan yar, balse cid kastaa waxa ay taqaan ha looga dambeeyo, taas ayaana qumman. Waxaa kaloo uun arrinkaan dhinac ka soo geleyso, middii kale ee aheyd ”Laf kaa weyn waa ku jebisaa” oo la micno noqoneyso ”Nin gu’ kaa weyn garaad kaa weyn”, waa yaabe Gu’ iyo garaad maxaa iska galay? Ama si kaleba ”Lafo dabaal yaqaan ma shiidaan” Hadda ogoow xaalka dabaasha laga hadlaayo tii biyaha maahan ee wax kalaa loo cuskaa oo waa faquuq cid uun la fogeynayo, loona diidayo xaqiisa. Mise xaalku waa uun laabta ka soco oo laga tegey ”Caqliga ka soco”!!.

Waxaan iyana maqli jiray ”Ninka yar iga celi kan weyn aneeyska celaaya”. Kan weyni waa kuu turaa ayey u eg tahay, Semenkaanse waxaa yimid mid weyn oo aan tureyn oo wax kastaa cardaaduqaha ka dhigaayo, Alloow na mooti…Zemenku, isagaa wata duruufahiisa…Adiguna, waa in aad garataa saad ula jaanqaadi laheyd… Haddaad garan weysana ”Daadku ha ku qaado”. Lafuhu, ma kala mudna, oo waa la wada jebshaa. ..Dadkuna waa simman yahay, waxaase laysku leeyahay in qof kastaa waxa uu yahay, aqoontiisa iyo da’diisa lagu xushmeeyaa. Ummuuraha masiirigaana dadka ay ka dhexeeyaan, cid kastaana ay rabta uga aaddan oo aqoonteeda iyo kartideeda uu leeyahay uu ka qabtaa, xaalkuna ahaado ”Berberkeey ka baxdaa waa Bakeyle galeen”. Yaan la sii ahaan laabta ka soco ee ha loo gudbo ”Caqliga ka soco”.

Xuseen M.Cabdulle ”WADAAD”

huswadad@hotmail.com

SHARE