Home Qoraallo Maalinta macallinka soomaaliyeed iyo madasha LAASHIN

Maalinta macallinka soomaaliyeed iyo madasha LAASHIN

0
SHARE

Maalinta macallinka soomaaliyeed iyo madasha LAASHIN

Aslidda dhiganayaasha LAASHIN

Annaga oo bartanka uga jirna bishii loo asteeyey macallinka soomaaliyeed, gaar ahaan 21-da November oo dowladdii Soomaaliyeed ay u aqoonsatay inay noqoto maalinta macallinka soomaaliyeed la xuso lana xasuusto, ayaa bahda LAASHIN iyo guddoonkeeda, aqoonyahan, Dr, qoraa, barbaariye: Xuseen M. Cabdulle ”Wadaad” iyo wakiilka LAASHIN ee waddanka Iswiidhan (Sweden) laashin Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal” waxay dhabarka u riteen inay laba magaalo oo isla waddaankaan Iswiidhan ah ay ku qabanqaabiyaan isu imaadyo waaweyn oo macallinka lagu xusayo, sidoo kalena, lagu soo bandhigayo buugaagta ay qoreen maskaxshiilka soomaaliyeed, gaar ahaan qorayaasha Aslidda LAASHIN. Bandhigga koobaad ayaa dhacay magaalada Eskilstuna, waxana daadihinayey qabanqaabadana qeyb-libaax ka qaatay; ururka BULSHO FOREING

Waa urur ka lookal ah, una dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada guud ahaan ee magaalada Eskilstuna.

  • Waa kuma macallinku?

Haddii aan yara dul-istaagno macallinka iyo milgaha uu ku dhex-leeyahay bulshadiisa, waxaa tilmaan iyo tusaaleba noogu filan, cid walba oo la milgeeyo, lana maamuuso waxaa soo wax baray macallin. Haddii uu injineer yahay, haddii uu sheekh yahay, haddii uu madax yahay, haddii uu cirbixiyeen yahay IWM. Macallinku waa damal harweyn oo qof waliba ay hooskiisa harsato, sidoo kale, waa iftiin iyo ileys ka bidhaamaya meel mugdi ah.

Marka aan yara dib u milicsanno, macallinku wuxuu ka soo billowdaa Malakul Jibriil (CS) oo Eebbe usoo dhiibay risaalo iyo waxyi, kuna yiri: Suubbanaha (Scw), qalbigiisa dushiisa ku shub, si’ uu u noqdo ku’ dige ah oo aadanaha halaagga ka horjoogsada. Haddaba maalintaas ilaa maanta aynu joogno macallinku wuxuu soo marayey heerar kala duwan iyaga oo kusoo noolaa duni kala duwan. Subbaha (SCW) ayaa xaddiis saxiix ah ku yiri: ”Balligu-risaala, wolow kaana aayah”. Oo macnaheedu yahay farriinteyda diineed gaarsii dadka, hal aayadba ha noqotee.

  • Macallinku waa imisa?

Macallinka carra-edeg waa afar qeybood. Afartaas qeyb waxay u kala deraja sarreeyaan sida aan u kala hormarin doono. Macallinka koobaad waa: ”HOOYADA

  • 1: HOOYO

HOOYO

Hooyadu waa macallinka ugu horreeya ee ubadka agabara, tababara, tisqaadiya, huwaayeeya, haloodka toosanna ku haga. Suubbanaha (SCW) ayaa 3-SEDDEX goor yiri: ”Hooyo, hooyo, hooyo”. Haddaba mudnaanta iyo milgaha hooyo ma ahan wax qoraal iyo dhowr sadar lagu tilmaami karo.

  • 2: AABBE
AABBE

Aabbuhu waa macallinka labaad ee ku soo xiga hooyada. Aabbuhu wuxuu leeyahay kaallintiisa barbaarineed iyo barenimo. Waa hage, tuse, taxliiliye iyo talobixiye, ubadkiisa ku barbaariya wanaagga. Qaran wuxuu ka billaawdaa qoys, kolkaas haddii uu qoys hagaago, qabiil, qolo, qowmiyad iyo qarankuna waa hagaagayaan. Marka Abbuhu waa hagaha labaad ama baraha laabaad ee lagama maarmaarnka u ah ubadkiisa.

  • 3: MACALLIN DUGSI
MACALLIN/BARE

Macallinka dugsigu, wuxuu noqon karaa macallin dugsi diineed, sidoo kale, wuxuu noqon karaa macallin dugsi maaddi (Iskool). Haddaba macallinka lagu xusay madasha LAASHIN waa macallinka diineed ama maaddi ee soomaaliyeed. Qof kasta ee ku barta cilmi ku saabsan nolosha iyo mid ku saabsan nolosha dambeeto ee aakhiro waa bare/macallin.

  • 4: DEEGAANKA

Deegaanka ama bay’adu waa macallinka afaraad ee aadanaha wax bara. ”Adduunyada musiibadu iyadaa u macallin ah” hore ayaa loo yiri: sidaa aawgeed, degaanka iyo halka qofku uu ku noolyahay waa macallin qofka ku barbaariya nolosha kala duwan ee ka jirta deegaankaas. Intaas ka dib, madasha LAASHIN waxay golahaas ku soo bandhigtay 7-dhigane oo ay qoreen qorayaasha ku bahoobay: Bahda LAASHIN. Toddobadaas dhigane waxay kala ahaayeen:

  • 1) GODOB IYO GALLAD
  • 2) BIDHAAMIYE
  • 3) ABABINTA TOOSAN
  • 4) GASO, GANUUN IYO GASIIN
  • 5) KAYMADOOW
  • 6) WAAYIHII WARSAME
  • 7) GACAL IYO GAYAAN

Badhiggii koobaad

Magaalada Eskilstuna ee waddanka Iswiidhan (Sweden) ayuu ka dhacay xuska koobaad ee maalinta macallinka soomaaliyeed iyo madasha LAASHIN. Bandhiga waxa furay mudane Cali Maxamed Ciise ”Cali Asluub” oo ah hoggaamiyaha iyo aasaasaha ururka BULSHO FOREING. Ururka BULSHO waa urur lookal ah oo magaaladaan ka dhisan, balse, waa urur u firfircoon danaha guud ee bulshada soomaaliyeed ee magaaladaan, sida aan hore u soo xusayba.

Waxa codbaahiyaha lagu soo dhaweeyay, Xildhibaan: Maxamed Cabdiqani oo ah xubin ka tirsan baarlamaanka golaha deegaanka. Maadaama uu wakiil ka ahaa dowladda Iswiidhan asiga ayaa madasha si’ habsami leh u daahrogay, ka dibna dhowr aqoonyahan ayaa goobta ka hadlay iyaga oo qof walba caddeysay doorka macallinku uu leeyahay. Intaas dabadeedna waxaa toos u billaawday bandhiggii buugaagta iyada oo lagu iba furay, buugga Godob iyo Gallad.

  1. GODOB IYO GALLAD

Dhiganaha Godob iyo Gallad waxaa qoray: Dr, aqoonyahan, barbaariye, mudane: Xuseen M. Cabdulle ”Wadaad” Mudane Wadaad wuxuu ku dheeraaday milgaha iyo maamuuska macallinku uu u leeyahay hagidda iyo hagaajinta bulshada soomaaliyeed. Sidoo kale, wuxuu madasha soo gaarsiiyey: kaarar iyo salaan diirran oo uu ka siday Akadeemiye-gobaleedka afka soomaaliga ee (AGA) iyo guddoonkeeda Maxamed Daahir Afrax. Barbaariye Xuseen Wadaad waa guddoomiyaha guud ee madasha LAASHIN, waana wakiilka AGA ee waddamada Iskaandanafiyeenka iyo waqooyiga Yurub. Guddoomiyuhu, wuxuu bulshada u qeybiyey kaarar laga la xariiri karo, madasha LAASHIN iyo AGA. Dhiirrigelin dheer ka dib, wuxuu si’ qotodheer uga faallooday buuggiisa GODOB IYO GALLAD, asiga oo bulshada u bidhaamiyey ahmiyadda uu buuggu u leeyahay afka, dhaqanka, hiddaha, garsoorka iyo caddaaladda.

KAARKA LAASHIN
  • 2:BIDHAAMIYE

Dhiganaha BIDHAAMIYE, waxaa qoray, fannaan, qoraa, barbaariye: Bashiir Cali Xuseen. Barbaariye, Bashiir, wuxuu si toos ah uga qisooday heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay wax-barashada waddankeennu, sidoo kale, wuxuu iftiimiyey habki iyo sidii ay u agaasimi-jirtay howlaha wax barashada wasaaraddii barbaarinta iyo hanuuninta dadweynaha. Xog-dheer ka dib, barbaariye, Bashiir wuxuu goobta ku soo bandhigay buugga uu qoray oo ah dhigane ka hawaala warramaya afka iyo higaaddiisa. Bulshadii soomaaliyeed ee madasha joogtay ayaa sacabka iyo sawaxanka ku qaabbilayey marka uu qoraagu sharraxayo buuggiisa BIDHAAMIYE (Qubanaha afka hooyo).

  • 3: ABABINTA TOOSAN

Dhiganaha ABABINTA TOOSAN, waxaa qoray baresare, qoraa: Aw Cabdiqani Xasan Muxummed. Qoraa Aw-Cabdiqani waa macallin wax ka dhiga dugsiyada waddanka Iswiidhan (Sweden), sidoo kalena, waa afnaqe isku turjuma afka soomaaliga iyo afka Iswiidhishka. Qoraa Cabdiqani, wuxuu tilmaan guud ka bixiyey habka habboon ee ay isula falgeli karaan; waalidka, macallinka iyo ubadkuba. Intaas ka dib, wuxuu toos u guda galay ka faalleynta buuggiisa Ababinta toosan. Buuggu wuxuu xambaarsan-yahay habka iyo sida ubadka loo barbaariyo. Wuxuu fikir dheer oo cilmiga diineed ku saabsan u gudbinaya guud ahaan bulshada soomaaliyeed. Sidoo kale, wuxuu is barbardhigayaa nolosha ka jirta waddamada galbeedka iyo dhaqankeennii heer miyiga ahaa. Run ahaantii dhiganuhu wuxuu wax tar badan u leeyahay bulshada soomaaliyeed ee qurbaha degay, kuna ilma dhalay. Waa dhigane kaabaya habka ababinta iyo agaasinka toosan ee ubadka. Waa buug cilmiyeed ogaal lagu qoray, tixraaciisuna uu yahay qur’aanka iyo sunnada. Waxa aan ka merneyn oo sheeka cilmiyeedka buuggu uu xambaarsan-yahay ku iidaaman suugaanta soomaaliyeed oo god walba leh, ayna ka tiriyeen hal-abuurrada soomaaliyeed tarbiyada ubadka.

  • 4: GASO, GANUUN IYO GASIIN

Dhiganaha Gaso, Ganuun iyo Gasiin waxaa qoray: Borofaysar Cali Jimcaale Axmed, balse, waxa wakiil ka ahaa oo buugga soo bandhigay; Qoraa: Xasan Shiribmaal. Buugga Gaso, Ganuun iyo Gasiin waa buug falsafadeed aad u heersarreeya, welina aan lagu qorin sheeka faneedda soomaalida buug sidiisa ah. Waa sheeko hummaaggeedu uu dahsoon-yahay oo aan qofkii aqriyaba hore uusan ka fahmi karin ilaa dhowr goor uu noqnoqdo maahane. Waa sheeko kulmisay hab iyo si walba ee carra-edeg loogu wada noolaan karo…sheekadu waxay si’ aan daah saarneyn u bidhaamisay, qaabkii bulshada carra-edeg ay u maalowday iyo sidii ay uga daldoorsatay noloshii dhabta ahayd ee heer miyiga. Kolkii la magaaloobay ka dib, maxaa dhacay, hadda sidee ayaa loogu noolyahay carra-edeg, yaa u hari-doona ku negaanshaha carra-edeg? Waa wayddiimo ay sheekadu iba furtay, balse, warcelinta wayddiimahaasu waa mid u baahan ka baaraan-deg iyo ka fiirsasho xad dhaaf ah.

Bandhigga labaad:

Bandhigga labaad wuxuu ka dhacay magaalada Katariinholom ee isla waddanka Iswiidhan. Waxay ahayd laba munaasabad oo is huwan, kalana ah: Maalinta macallinka soomaaliyeed iyo madasha LAASHIN. Qaban-qaabada iyo wacaha waxaa lahaa: ururka AQAB oo ah urur lookal ah kana dhisan magaalada Katariinholom ee waddanka Iswiidhan iyo madasha LAASHIN oo ah urur ka dhisan dunida oo idil ama 5-ta qaaradood ee carra-edeg. Guddoomiyaha ururka aqab aqoonyahan Xasan M. Xaaji ayaa kulanka daahrogay, dadkana kusoo dhaweeyay golaha iyo goobta la joogay. Waxaa codbaahiyaha lagu soo dhaweeyay Borofaysar; Nuur Cali Yuusuf iyo ilaa 5- aqoonyahan oo kale, waxa iyaduna goobta hadal dardaaran ah oo qiima badan ka soo jeedisay xildhibaanadda golaha deegaanka oo dowladda Iswiidhan wakiil ka ahayd, xildhibaanad: Maryan Yaasiin Maaxi. Intaas ka dib, waxaa la soo bandhigay buugaagtii LAASHIN ee madasha tiillay.

  1. KAYMADOOW

Dhiganaha Kaymadoow waxaa qoray aqoonyahan: Cabdullaahi Macallin Maxamuud ”Siyaasi” waxase wakiil ka ahaa oo buugga soo bandhigay; barbaariye Bashiir Cali Xuseen. Bashiir wuxuu si dul ka xaadis ah uga faallooday dhiganaha Kaymadoow farriinta uu bulshada u gudbinayo iyo sababta loogu doortay magaca Kaymadoow oo ah magac tilmaamaya qof aan ayaan iyo hoodo lahayn oo nasiib-xun.

  • 2: WAAYIHII WARSAME

Dhiganaha Waayihii Warsame, waxaa qoray, qoraa: Cali M. Diini, balse, waxa soo bandhigay oo wakiil ka ahaa guddoomiyaha guud ee madasha LAASHIN Dr Xuseen M. Cabdulle ”Wadaad”. Guddoomiyuhu wuxuu si ka dambeys ah u daahfuray buuggu waxa uu ka hadlayo. Wuxuu ku dheeraaday in buugga Waayihii Warsame uu bulshada u sido farriin culus oo u baahan in si dhug leh loo dhuuxo. Waayihii Warsame waa sheeko tibinaysa isdiiddooyinka firqooyinka soomaaliyeed ee ka dhex jira waddankeenna iyo kala riixashada bulshada soomaaliyeed. Waa sheeko ka soo billaabanaysa magaalada gaalkacyo ilaa ay dalal shisheeye kula gaarto…waa sheeko aan haba yaraatee hambo u reebin ururrada jihaadka iyo guud ahaan isdiiddooyinka mabda’ ahaaneed ee soomaalida.

  • 3: GACAL IYO GAYAAN

Dhiganaha Gacal iyo Gayaan waxa qoray Laashin: Xasan Cabdulle Calasow ”Shiribmaal” waa dhigane ka waayo-warramaya dhaqanka, hiddaha, jiritaanka bulsho iyo guud ahaan dadka soomaaliyeed habkii ay u noolaayeen inta aan lagu barxin dadyow kale ama afaf kale. Waa sheeko ka hadleysa habki iyo sidii ay ahayd bulshada Soomaaliyeed ka hor gummaystihii reer yurub. Waa sheeko hilaaddii ku beegan 6-boqolleey qarni ka hor. Waa sheeko dal-barasho ah, waa sheeko deegaan barasho ah, waa sheeko duunyo barasho ah, waa sheeko duur-joog barasho ah, waa sheeko dab-joog barasho ah, waa sheeko xammaarato barsho ah, waa sheeko baalalleey barasho ah, waa sheeko degaan iyo dabeecad barasho ah, sidoo kalena waa sheeko af-barasho ah. Qoraha sheekada ayaa ku dheeraaday ogaalka laga heli karo buugga: GACAL IYO GAYAAN oo runtii noqday; sheeko-faneed kulmisay jiraal hore, jooge hadda iyo jiidaal la sugayo intaba. Sheekada dhiganaha waxa ku iidaaman suugaan god walbaba leh, kuna habboon hadba baalka iyo bogga ay sheekada kala jaanqaadeyso.

Guud ahaan labadaas bandhig ee ay LAASHIN qabatay, waxaa soo xiray guddoomiyaha guud ee LAASHIN, guddoomiye: Xuseen M. Cabdulle ”Wadaad” sidoo kalena ah wakiilka (AGA) ee waqooyiga, bariga iyo bartamaha qaaradda yurub. Guddoomiyuhu, wuxuu bandhigyadaas ku qeybiyay laba kaar oo kala ah:

Kaarka LAASHIN:

KAARKA LAASHIN

Kaarka AGA:

Isku soo wada duuboo, guddoomiye Xuseen Wadaad oo ay labada dhinac ka taagnaayeen wakiilka LAASHIN ee waddanka Noorwey, barbaariye: Bashiir Cali Xuseen iyo wakiilka LAASHIN ee waddanka Iswiidhan, laashin: Xasan Cabdulle Calasow ”Shiribmaal” ayaa ballan-qaaday, inuu xuska macallinka soomaaliyeed iyo bandhigyada madasha LAASHIN oo ah kuwa garaadka iyo wacyiga bulshada sare u qaadaya uu badin-doono qaban qaabadeeda. Sidoo kalena waxaa billad sharaf ama billad barenimo la guddoonsiiyey barbaariye Bashiir Cali Xuseen.

Barbaariye Bashiir Cali Xuseen oo billadda guddoomay

Waxaa kale oo madasha heeso ku saabsan waxbarashada iyo macallinka ka soo jeedisay Alisabeed oo ah fannaanad Iswiidhish ah, balse afka Soomaaliga bartay, weliba barashadiisa wadda. Guud ahaanba labada bandhig ayaa ku soo dhammaaday farax iyo reynreyn, iyada oo ay bulshadu codsatay in la joogteeyo isu imaadyada kor u qaadaya wacyiga bulshada. Aadanaha nolol ayaa tiir u ah, noloshana nabad ayaa tiir u ah, nabaddana wadajir iyo midnimo ayaa tiir u ah, sidaa darteed, madasha LAASHIN ayaa ballanqaadday iyada oo isku duuban, sare u qaadidda afka, dhaqanka, hiddaha, diinta iyo jiritaanka bulshada soomaaliyeed. Guddoomiyaha LAASHIN mudane Xuseen M. Cabdulle “Wadaad” ayaa cod-dheer ku yiri: “qof walba oo eray ama weer/weedh kusoo kordhineysa afkeenna waxaan ku soo dhaweyneynaa gacmo furan, sidoo kale qof walba uu go’aansatay inay wacyi-geliso bulshada ay bahda LAASHIN hiil hooba diyaar ula tahay”.

  • Isku dubbaridka iyo diyaarintuba waa:
  • Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”
Shiribmaal
Mudane Mustaf Cabdullaahi Cali
Alisabeed. Fannaanad Iswiidhis ah.
Alisabeed
Ururka: Shaah iyo Sheeko ee magaalada Brolänge Sweden.
Bashiir iyo Cali Asluub
SHARE