Home Qoraallo Dibigu ha ku quustee waysha gawrac!! WQ. Xuseen M.Cabdulle ”WADAAD”

Dibigu ha ku quustee waysha gawrac!! W\Q. Xuseen M.Cabdulle ”WADAAD”

0
SHARE

Dibigu ha ku quustee waysha gawrac!!

Hantidu kala fiican, xooluhuna kala qiimo badan, kalana mudan. Xooluhu, kuwaa horora oo wax dila, noloshooduna ku tiirsan tahay horornimadaas, qaar kalaa wax dhibaateeya, noloshooduna aaney ku xirneyn. Kuwa sii kalaase jira oo leh iyagu, munaafacaad la intifaacsado. In kaloo jirtaahina dhib iyo dheef midna aan lagu qabin.

Dadku kala aragti fog, kalana aragti fiican. Kuwaa og waxa ay u nool yihiin oo loo abuuray, qaarna war iyo wacaalba uma lahan. Rabbigii koonkaan abuuray, waxuu na leeyahay ”Wamaa khalaqtul jinna wal insa illaa liyacbuduuni” Jinniga iyo insiga waxaan u abuurnay ineey i caabudaan, maqluuquna waa inuu caabudaa khaaliqa abuuray. Waxaa kaloo Allahu casa wa jalla noo sheegay ”Walaqad karramnaa badii aadam”, taas oo sheegeyso in aadanuhu Rabbi karaameeyay. Khaliifkii 4aad ee Muslimiintuna Rabbi ha ka raalli noqdee Cali Bin Abii Dhaalib, Wuxuu yiri ”Icmal ka dunyaaka ka innahu taciishu abadan, wa icmal ka aaqiratuka ka innaka tamuutu qaddan” Taas oo noqoneyso adduunyadu ugu shaqeyso inaad weligaa noolaaheyso, aakhiradaaduna ugu shaqeyso sidii inaad berri dhimaneyso”.

Waxaa nagala rabaa inaan wax badan ku cibrad qaadanno, maankana gelinnaa waxa nagala gudboon waxa diintu na fareyso oo addeeca u baahan iyo waxa maanka rogrogo oo nala gudboon faliddooda. Adduunyaduna, waa hee dhibleeyoo, maalinba walbaa waxay ku tusee wax kaa yaabiya. Waana hee tii meelaha qaar la dhihi jiray ”Cimrigaaga oo dheerada geel dhalaaya aas ku tusaa”. Hadda taas waa run oo qofaan arag meel geel joogo arki maa geel dhalaaya oo isagu maba oga geelu meeqa naas ayuu leeyahay, mana kala yaqaan hal iyo rati. Hadda taasuna ceeb maahan oo adigu waxaa dhaqataa taqaan, usna wuxuu tacbadoow yaqaan oo uun qofba dhan u badi. Xaalkuse, waa uun ”buda qabe iyo biya qabe waa isu baahan yihiin”.

Xoolaha la dhaqdo, waxaa dhextaal u ah o’da. Geelaa u weyn, ariguna waa u yar-yahay. Xooluhuna, sida noolaha kale ayey noqohaayaan lab iyo dheddig, taasoo ah sida dadku u kala yahay ”nin iyo naag” geeluna ”hal iyo rati” ariguna ”wan iyo lax” aricadkuna ” ri iyo orgi”, hadda looduna waa uun la midoo waxay kala noqoneysaa ”sac iyo dibi” Mugga ay yaryar yihiin waa ”wayl iyo dibi”. Bal aan isla qiimeyno wayl iyo dibi, dibigu, isagu waa la qashaa oo moorada ama gasada laguma heysto dibiyo badan oo waxaad arkee mooro buuxdo oo aanuba ku jirin xitaa hal dibi ama hal uun ku dhex jiro. Halka waylaha, qaalimaha iyo sacahu ay buux dhaafiyaan moorada ama gasada.

Xay ku dhacday in ay saas dhacdo?

Dibigu, isagu wuxuu reerka ugu fadhiyaa laba wax, waa tan 1aade in la qasho oo hilibkiisa la quuto , martidii timaadna lagu sooro. Tan 2aad, waxay noqonee kaallintii uu ku lahaa taranka oo ah inuu boodo neefkii argoohaayo oo ovolationkiisu”Ugxaantiisu” diyaarka tahay. Dibigaas hawshaa qabahaayo, muhiim maahan in xoolaha la xareysan yahay oo waxaa suurtowdo in aanu isagu mooradaan ku jirin ee gasooyin kale laga keeno muggii loo baahdo uun. Inta badan dibigu, wuxuu u diyaarsan yahay gawrac iyo in la iib geeyo si uun loo gawraco.

Waysha, iyadu waxaa laga leeyahay ama laga rabaa wax ka badan dibiga. Laba wax oo dibigu u joogo waa la wadaagtaa, laba kalena waa dheertahay. Waa labada ay la wadaagto waa taranka oo ay weliba kaalinteedu ka muhiimsan tahay tan dibiga, Qalashada iyo iibgeyntana waa kala mid. Labada ay dheertahay waa in ay waylo kale iyo dibiyo dhaleyso halka isagu aanu laga sugeyn kaallintaas iyo tan labaade in caano laga maalaayo. Mugga hee u fiirso, in xooluhu yihiin wax muhiima haddana kala muhiimsan, taas oon ka garan karno, waxa ay Soomaalidu tiraa ee ah ”Nin seexdaa Sicii , Dibi dhalaa”.

Hadda, bal aan u fiirsanno, waxa loola jeedo ”Nin seexdaa sicii, dibi dhalaa”, waxay uun na tusee khaladaadka nagu jiro ee sixitaanka u baahan, maxaa yeelay waxay muujihee, in ninkaa hurdo loo beddelo waysha u dhalatay, looguna beddelo dibi, taas oon ka garan karno in wayshu ka qiimo sarreyso kana mudan tahay dibiga, waa midda kaa shibbiheyso ilmaha baahan berri, caanaheeduna kuu korihaayaan ilmaha, sow yaab iyo yaabkii iyo caqli xuma maahan in iyadii la gowraco, si cid kale loogu cabsigeliyo. Haddaba, kolba haddii arrinku saas yahay, xaan hee u niraa ”waysha gowrac, dibigu ha ku quustee”?

Soow taasu noqon maysu, wax is diiddan oo iska soo horjeedo. Saa hee loo aqbalaa, in waysha la gowraco, dibigana la daayo? Bal, aan eegno bal biya dhaca murtida iyo waxa lagala dan leeyahay. Aniga waxa iiga muuqdo, ma ogi in adigu kuu muuqdaan, kolleey aniga aan sheego waxa iiga muuqda halkaas, adiguna, hee adigaa kolkaaga noo sheegi doonto ama adigaa uun isu sheegi doonto e. Aniga waxay ila tahay, inay uun ka mid tahay khaladaad bulsheedka nagu dhex jiro ee in laga gudbaa u baahan inay ka mid tahay oo aaney noqon sida laabta ka soco iyo caado la gooyaa caro Alleey leedahay. Waa dulmi muuqdo ama caqli xumo in la gowraco tii laga sugaayay inay xoolaha badiso lana maalo. Haddii baahiyi jirto oo la rabo in wax la gowraco , maa dibiga la gowraco.

Waxa muuqdo waa sheeko kale oo gowracidda ka gundheer oo weliba aad is leedahay waa dhaafsiisan tahay ama meelo kaleey ku fool leedahay oo ay u arooree. Waa hee intaay maha ay ku socoto? Waa cabsi gelin, waa fal argagax gelin, waa cagajugleyn waa kelitalisnimo, waa tayda ha socoto. Waana hee wax dhaqankeenna ka mid noqday waxaas iyo kuwa kaleba. Waa ha lagu quusto ”Ishii aw weeroow ka laalaadday”. Waa digtoonoow oo ha is dhaqaajin, xaalku waa ”Abkeey doolli diloow dad nool maas u daahaa”, waa uun digtoonoow oon dabcis laheyn. Ninkii waysha gowracay dibi maxaas la yahay. Waxa waysha ku dhacaayo waxay ka mid yihiin dhacdooyin badan oon yaqiinse laheyn oo koonka ka dhacaayo weliba Geeskeenna. Waa in dulmigaas gowraca wata laga daayaa waysha, dibigana, cabsigelinta iyo argagaxa laga daayaa.

Xuseen M.Cabdulle ”WADAAD”

huswadad@hotmail.com

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here