Home Qoraallo FANKA IYO SAAMEYNTIISA

FANKA IYO SAAMEYNTIISA

0
SHARE
Heesuhu waa awood!

“Meel ay caddaaladi ku dhimatay, faqrigu ku xoogaystay, jahliguna bannaanada iska yaala, meel uu [qabiil dhan] dareemayo in uu ku dhex dulman yahay bulshada, kuma nabadgeli doonaan dad iyo duunyo.” -Fredrick Douglas

Hadalkaas kor ku xusan wuxuu ka tarjumayaa walaacayga ku aaddan quursiga, isir-takoorka iyo dulmiga joogtada ah ee lagu hayo qayb ka mida bulshada. Haykalka bulshadan waxaa ku xoog badan dhaqanka iyo caadada. Iyagaa qeexa wax kasta oo la xiriira nolosha, xitaa muwaaddinnimada iyo Soomaalinnimada. Si kale u dheh, in aad muwaaddin Soomaali ah noqoto waxaa ka horreysa in aad ka mid tahay qabiilada jira. (C Besteman, n.d).

Dhaqankaas badowga cunsuriga ah, ee dadka u kala saaraya dhalad iyo marti (Halkan ka daawo muuqaal yar oo ku saabsan arrinkaas: https://www.facebook.com/xasanmudane/videos/2505636703051590/?t=14) ayaynu xabsi ugu jirnaa. Isaga ayaa halbeeg u ah nolosheena siyaasiga maalinlaha ah.

Si kastaba, dooddaas kor ku xusan saxnimadeeda iyo naqdinteeda ma rabo in aan waqti badan kaaga lumiyo laakiin maqaalkan kooban waxaan diiradda ku saarayaa dowrka fanka ee ku aaddan in laga dhiidhiyo faquuqa, dulmiga iyo quursiga ka dhanka ah Midgaha (Gabooye; Boonta, iwm), Jareerweyne, yaxarta, eylaha, reerxamarka iwm.

HEESAHII “R&B”

Markaad maqasho heesta “Shake Rattle and Roll,” “Maybellen,” Earth angels” waxaa kugu soo dhacaya sida madowga maraykanku uga dhiidhiyeen faquuqii midab kalasooca iyaga oo isticmaalaya fanka. Keligood ma ahayn, waxaa ku wehliyey rag caddaan ah oo iyagana qayb ka ahaa halganka xaquddirrirka ah ee fanku waday. Sanadkii 1950, waxaa aad u faafay heesaha ka sheekeynaya nolosha quursiga, dulmiga, cunsurinnimada iwm.

Taa waxaa ka dhashay in dhallinyaro badan oo caddaan ah ay dhageystaan heesahaas ka dibna wax weyn iska beddelo mawqifkoodii hore ee midab takoorka. Si gaar ahaaneed, heesahii fannaan Little Richard, Fats Domino, Ray Charles, iyo Chuck Berry ayaa si ashqaraar leh u ruxay qalbiyada dhallinyaro badan oo markii dambe ku diiday waalidkooda aragtida cunsuriyeenta (racism) dadka madowga.

Inkasta oo heesahaasi aysan joojin midab-takoorkii Maraykanka, haddana ugu yaraan waxay keeneen isbeddel; waxay bulshada inteeda kale ku baraarujiyeen quursiga ka dhanka ah madowga.

MA GUURSAN LAHAYD GABAR JAREER AH?

Waa su’aal ka dhalatay dood na dhexmartay aniga iyo ardaydayda jaamacadda. Mid ka mida ardayda ayaa si cad u dhahay “Maya.” Wuxuu ahaa qof dhallinyar, timojilicsan, markiisii horana miyiga ka yimid. “Sabab?” ayaan ku dhahay. Wuxuu yiri “Soomaali ma aha!’ Islamarkiiba, dood kale ayaa halkaa ka furan tay, taas oo ku saabsanayd waxa go’aamiya Soomaalinnimada. Is-ma-dhibin!, faktarka qabiilka ayuu dooddiisa sal uga dhigay. “Iyaguba waa qabiil.” Jawaabtaas ayaan ku tuuray. Dhanka dhaqanka iyo qoyska ayuu ila aaday, laakiin taasi waxay u baahan tahay in laga sameeyo wacyigelin joogta ah iyada oo la adeegsanayo fanka. Si kale u dhig, in laga sameeyo heeso la mida heesahii Chuck Berry, Sam Cooke, Ray Charles iyo Little Richard. Yaa looga fadhiyaa?

Waan arkay dowrka aqoonyahanka iyo siyaasiga jareerweyne, midgaan (gabooye), reerxamar iwm laakiin waxaan tebayaa fannaanniintooda da’da yar. Adinka iyo fannaanniinta kale ee maya dhahay quursiga, faquuqa iyo dulmiga joogtada ah ee bulshada idin ku hayso waa in aydan ku mashquulin “Falaq Falaq,” “jacaylka u kac,” iwm laakiin masraxa fanka aad la timaaddaan heeso isbeddel ku sameeya mawqifka bulshada gaar ahaan dhallinyarada; heeso ka sheekeeya dhaqanka quursiga, laandheernimada iyo hayb-takoorka.

WQ: Hassan Mudane

Kala xiriir: mudanep5@gmail.com

SHARE