Home Maqal & Muuqaal AF-SOOMAALIGU WAA DHAQAN-SIDE

AF-SOOMAALIGU WAA DHAQAN-SIDE

0
SHARE
Bandhiga Manhajka cusub, 2019.

Maqaalkan kooban wuxuu ka jawaabayaa qormo uu qoray saaxiibkay Ahmed Abdihadi, kaas oo uu ku soo bandhigay dood xoog badan. Wuxuu qabaa in manhajka qaranka laga dhigo af-Ingiriis isaga oo u sababeeyey in afkaasi maanta sal iyo baar u yahay aqoonta dunida. Si kale u dhig, aqoonta waxay ku jirtaa barashada Ingiriiska, sidaas darteed waa in lagu bees gareeyaa manhajkeena qaranka. (Halkan ka fiiri: http://ahmedhadi.com/2019/12/16/dhowr-sababood-oo-ay-tahay-in-manhajka-dugsiyada-af-ingriis-looga-dhigo/?fbclid=IwAR065vP6dbXB3r0g1lwU9FZtNN3TULM9eF2irpxMni3Dt0CKaPNjElwGzHk ). Dooddiisa way dhaliilsan tahay.

Waxaan ku soo xusuustay buugga “Decolonising the Mind” ee uu qoray Ngugi wa Thiongo. Wuxuu kaga warramayaa walaaciisa ku aaddan sida gumeystuhu maskaxda uga qabsaday dadyowga madowga, Afrikaanka, isaga oo u maray leenka qabow ee waxbarashada iyo afka. Marka laga soo tego doodda wa Thiongo, igama gadmin tan dhahaysa ha la Ingiriiseeyo ama Carabiyeeyo guud ahaan manhajka qaranka dalka. Bal, waxaan u arkaa in ay tusaale u tahay dhaqan-beddelka ku dhacay bulshada gaar ahaan dhallinyarada heshay aqoonta galbeedka iyo carabta.

Barashada Af-Ingiriisiga mushkilad ma leh, waan soo dhoweynayaa laakiin manhaj qaran oo ku dhisan af-shisheeye waa ILA MEEREYSO. Tani waxaa ka dhalanaysa in ardaygu jaahwareero, mar waa isaga oo Iskuulka jooga oo af-Ingiriisi wax ku akhrisanaya marna wuxuu joogaa guriga hooyo oo Af-Soomaali wax ugu sharxeysa.

DOODDAYDA…

Waxaan dood ka qabaa in aynu sameyno sida Kenya sameysay oo kale; inta afkeena hooyo ka tegno, manhajka qaranka ka dhigano af-shisheeye sida Ingiriis, Carabi iwm marka ugu dambeysana la waayo haybta qofnimo, tariikhda bulshada iyo midnimo qaran.

Haddii hadafku waxbarasho yahay, waxaan ku doodayaa in Af-Soomaaliga la tixgeliyo, laga dhigo mid cilmiyeesan oo waxsoosaar aqoonneed leh. Midna ogaada, kama soo horjeedo in manhajka qaranka maaddo Ingiriis ah lagu daro si carruurteena ay ula socdaan waxa ka socda dunida. Sidoo kale, uga faa’ideystaan fursadaha adduunka. Waayo fursadaha waxa ay kaa soo xirmi karaan marka aadan aqoon u lahayn ku hadalka Af-Ingiriiska, ku hadalkiisuna waa la baran karaa.

Markasta oo waqti badan la geliyo afkeena hooyo, lana horumariyo wuxuu soosaarayaa dad tayo leh. Af-Soomaaligu wuu nagu filan yahay, aqoonta maaddigana wuu qaadi karaa. Xilligii kacaanka, ka soo bilow dugsi hoose ilaa dugsi sare wuxuu manhajka dalka ku qornaa afkeena hooyo, ardaydana isaga ayay cilmiga ku qaadan jireen. Dadkeena kuwa ugu aqoonta badan waa kuwa helay waxbarashadaas ka dibna bartay Af-Ingiriiska, dunidana sidaas kula qabsaday. Si kale u dheh, qofka isaga oo afkiisa hooyo wax ku baranaya ayuu baran karaa afaf kale ee shisheeye sida Ingiriis iwm, dunidana kula macaamili karaa, fursadaha adduunka yaalana kaga faa’ideysan karaa.

Si kastaba, waxaan ku doodayaa in manhajka dugsiyada hoose ilaa sare lagu qoro Af-Soomaali, waxaana u sababeynayaa arrimahan soosocda:

1. Af-ingiriisiga waxaa ku hadla dad yar oo magaalo joog ah, inta ugu badan bulshada waxay ku hadashaa afkooda hooyo, Af-Soomaaliga.
2. Af-Soomaaliga waa dhaqan-side xambaarsan taariikhda bulshada Soomaaliyeed. In afkaasi la ilaaliyo oo manhajka dalka lagu dejiyo waxay la mid tahay iyada oo la sharfay dhaqanka iyo taariikhda dalka iyo dadka.
3. Ilmaha yar ee iskuuleyda ah waxay ku fikiraan afkooda hooyo, af-Soomaali. Iyada ayay kaga dhergi karaan aqoonta.
4. Marka la joogo cilmiga “anthropology” ga, afku wuxuu ka mid yahay marinada ugu waaweyn ee dhaqanka la iskugu gudbiyo. Qofka u gacanhaadinaya Af-shisheeye sida af-Ingiriis ama af-carabi ee raba in manhajka qaranka lagu qoro wuxuu la mid yahay qof dalbanaya dhaqanka galbeedka. Waxaa lumaysa ruuxda qarannimo.
5. Af-Soomaliga waa dunta isku xirta dhaqanka iyo midnimada bulshada. Waa marinka aynu jiilka cusub ugu gudbino hiddaha, dhaqanka, taariikhda iyo ilbaxnimada. Haddii meesha laga saaro, oo aan Af-Ingiriis ku beddelano, waxaa soo bixi doona jiil cusub oo “Shakespeare” ‘role model’ u yahay.

Intaas kor ku xusan waxaan ku sii xoojinayaa codeyn ra’yi uruurinneed ah, oo ka dhacday bogayga Twitter ka. Boqolkiiba 71 waxaa loo codeeyey in manhajka qaranka lagu dejiyo Af-Soomaali halka Af-ingiriisku ka helay boqolkiiba 27 cod, Af-carabigana 2.

XIRIIR IYO DHAQAN-SIDE

Afku mar waa lagu xiriiraa marna waa dhaqan-side. Kan dambe ayaan diiddannahay in la inooga dhigo manhaj. Waayo meelaha bulshada laga beddelo waxaa ugu horreeyo waa manhajka, isaga ayaa loo maraa dhaqan-beddelka bulshada iyo adduunsiga maskaxda. Af-ingiriisigu wuxuu maanta dunida ka noqday furaha aqoonta, taasi waxay keentay in ay soo baxaan jiil dhallinyaro u badan oo la dhacsan barashadiisa; ilaa markii dambe ay ka rumaysteen in ku hadalkiisu uu yahay halbeega aqoonta iyo caqli-badnaanta. Haddii saaxiibkay Ahmed uu ka hadlaayey luuqadda dhankeeda xiriirka, taasi way sahlan tahay waayo maaddo ahaan ayaa loogu dari karaa manhajka. Halkaa waxaa ka soo bixi doona arday adeegsan kara af-ingiriisiga, aqoontii maaddigana leh.

KENYA vs SOMALIA

Kenya waxaa tusaale u soo qaata dadka rumaysan in horumarka iyo aqoonta ay ku jirto manhaj qaran oo af-Ingiriis ku qoran. Ma xuma dooddooda balse waxay hilmaamsan yihiin in Somalia aysan ahayn dal leh qabiilo afaf kaladduwan ku hadla, dhaqan, diin iwm sida qabiilada degan Ethiopia, Kenya, Nigeria iyo Cameroon iwm. Taa caksigeeda, waxaan nahay qabiilo leh astaamo kasta oo ay qaran ku noqon karaan. Astaanta ugu muhiimsan waa afka hooyo, Af-Soomaaliga. Isaga ayaa na mideeya, saldhigna u ah mashruuca qaran-dhisidda lagu raadinayo dowlad-qaran oo midnimo leh.

Ugu dambeyn, laba doodood waa muhiim ah in la kala fahmo: In afafka shisheeye sida af-ingiriiska maaddo ahaan loogu daro manhajka qaranka Soomaaliyeed ama in guud ahaan manhajka lagu dejiyo afkaas iyo in Af-Soomaaligu uu noqdo afka uu ku qoran yahay manhajka. Waxaan qabaa doodda ah in aan lagu bees gareyn af-shisheeye laakiin maaddo ahaan manhajka loogu daro, sidoo kale afkeena hooyo uu noqdo kan uu ku dhisan yahay manhajka qaranka.

Maanta adduunka waxaa la heli karaa dalal badan oo horumar sameeyey iyaga oo aan manhajkooda ka dhigan Af-sisheeye sida Ingiriis, Carabi iwm. Waxaa ka mida Norway, Sweden, Turkey, German, France, Japan, Russia iwm. Waan xaqiijin karnaa hadafkaas oo kale, annaga oo aan ka tanaasuleen afkeena, dhaqanka iyo hiddaha.

Bulshadani sideedaba waxaa isku haya waa luuqaddeeda u gaarka ah iyo dhaqankeeda, waana faktar ay kaga duwan tahay ummadaha kale ee adduunka ku nool.

Ha loo daayo afkeeda…

WQ: Hassan Mudane

Bare Jaamacadeed

Kala xiriir: mudanep5@gmail.com

SHARE