Home Qoraallo SUMADAHA QORAALKA Q4-AAD W/Q:- Xasan Cabdulle Calasow ”Shiribmaal”

SUMADAHA QORAALKA Q4-AAD W/Q:- Xasan Cabdulle Calasow ”Shiribmaal”

0
SHARE

SUMADAHA QORAALKA Q4-AAD

ASTAANTA DABARKA (:) LABA DHIBCOOD

Astaan guud ahaan waxa loo yaqaannaa: ”Laba dhibcood” afka qalaad ama ingiriiskana waxa lagu yiraahdaa: (COLON) halka afka carabigana lagu yiraahdo: ”Nudqateyn fowqa bacli” taas oo ka dhigan: dhibcihii is korsaarka ahaa ama is dulsaarnaa. Haddaba aniga oo tixgelinaya eraybixintaas ay soomaalidu intooda badan u taqaanno, haddana waxa ii muuqata ama aan is tusay inay weli wax ka dhimanyihiin eraybixintaas. Kolkaasna waxa waajib ah haddii aad si’ uun wax u saluugto inaad keentaa wadda aad uga maarmi karto walaxdaas aad saluugtay, waa inaad keentaa mid ka mudan walaxdaas aad qaadan weysay. Walaxdaas aad soo kordhisay in bulshadu ay qaadato oo ay hirgeliso ama ay diiddo, ma ahan waajib ku dulsaaran adiga, waxase waajib kugu raran ah inaad wax uun kusoo kordhiso afkaaga iyo hiraalkiisa guud.

Summadda DABARKA :

Astaan waxaan ku magac-bixiyey: ”Dabar” haddaba dabarku muxuu yahay? Dabarka asalkiisu wuxuu ka yimaad oo loo adeegsadaa geela, gaar ahaan kiisa lab ama ratiga la dhaansado lana rarto. Ratigaas kolka la doonayo inuusan lumin, sidoo kalena la rabo inuu si’ saani ah u daaqo, labada lugood ayaa xarig looga xiraa. Xariggaas ayaana la yiraahdaa: ”DABAR” haddaba xariggaasu wuxuu leeyahay qaabab badan oo ratiga loogu dabcaliyo. Qaababkaas waxaa ka mid ah:

  • 1. Seeto
  • 2. Dabar
  • 3. Qabbir
  • 4. luga-duub

Afartaas hab ayaa sida ay magaca ugu kala duwan-yihiin howl qadabkana ugu kala duwa. Tan koobaad: ”Seeto” waxay ka dhigan tahay; ratiga oo marka xarigga lagu xirayo lugihiisa aad loo kala fogeeyo, kolkaasna wuxuu la mid yahay; ratiga oo aan xariggu socod dheer ka baajineyn. Tan labaad: ee ”Dabarku” waa tan ugu badan looguna jecelyahay. Ratiga labadiisa lug ee hore marka la dabrayo aad looma kala fogeeyo, sidoo kalena laysma saaro, waa hab dhexdhexaad ah. Tan seddaxaad iyo tan afaraadba: waa isku mid waayoo, labadaba marka ratiga lagu sameeyo halkiisa kama dhaqaaqi karayo, waxaana qasab ku ah; inuu iska fadhiisto ama inuu kableeyo uu bootin ku socdaalo, meel dheerna kuma tegayo, waayoo masaafadii uu jari lahaa, waxa u diiday labadii lugood oo laysku qobtolay. Haddii aan intaas isla garannay, astaantaan waxaan dabar ugu bixiyey ayaa ah: ”inay aqristaha si deggan u tusto oraahyaha iyo walxaha uu aqrinayo. Waxay kansho u siisaa inuu aqriyuhu bejiino/nasiino uu helo.

Afku sidiisaba wuxuu u qeybsamaa; (3) seddax. Seddaxdaas oo kala ah: eray hore u jiray sidiisana ku saxan, (Dhalad). Eray hore loogu saameeyay eraybixin, balse, dhimaal ah marka dhinacyo badan laga fiiriyo, (dhimaal-eray). Eray aan sidiisaba la eraybixin oo dib loo dhigay ama sidii uu ku ahaa afkii laga soo ergday loo daayey ama loo hirgeliyay. (Dhimane, dhaqan-galay). Haddaba astaantaan 《:》 laba dhibcoodku; kama dhigna inay xaraf ama eray tahay, balse, waxaan looga maarmin bilcinta iyo berrin u yeelidda qoraalka dhexdiisa. Kolkaas waa in si’ maangal ah loola falgeliyaa sumadaha kale ee qoraalka. Anna ujeedka aan eraybixinta ugu raadinayo, sidoo kalena, u tilmaamayo adeegsigeeda saxan waa intaas oo qura.

Qoraal aan astaamo iyo sumado lahayn wuxuu la mid yahay; raashin aan iidaan iyo anfaaci lahayn. Si’ kale haddii aan u dhigo qoraal aan astaamo kala xadeeya iyo kuwa kala meeleeya lahayni waa beer aan bowd lahayn oo duurjoog iyo dab joogtuba ay daaqi-karaan, (beylah bannaan). Sumaduhu, qoraalka mar waa u bilcin marna waa u bowd, mar kalena waa u bejiino/nasiino. Qoraalku haddii uusan lahayn, summada lagu nasto oo aqristaha kansho u siiyaa inuu yara hawo qaato oo uu neefsado, hawo kale oo gudihiisa ku cabbursaneydna uu danta/debadda isaga saaro. Haddaba aqristuhu haddii uu waayo kansho uu ku neefsado waa uu dhimanayaa, kolkaasna waxaad noqotay qoraal ku dhiigle oo qof ayaad u dishay neefsi la’aan aad adigu sababteeda lahayd.

Haddii aan intaas isla garannay, waxa waajib kugu ah inaad barato maxaa saxan, maxaase qaldan? Habkee, sidee, ayaase loo barabixiyaa astaan qoraaleedka kala geddisan ee tirada-badan. Afka aad qorayso ummad baa leh; astaamaha aad xagal-daacineysona ummad baa leh oo isla qoraalka ayey ka mid yihiin ee haddii aad iska deyso ama meel aysan mudneyn dhigto ka waran? Cid kale iska daaye sow afkaagii hooyo ma dhagrin? Haah! Dhagarrow ayaad tahay! Afkana waa lagu la leeyahay oo inta kugu la hadasha ee ku af-garaneysa ayuu kaala dhaxeeyaa ee adiguna ha is dhagrin afkana ha dhantaalin oo baro qaab-dhismeedkiisa saxan qoraalka afkaaga hooyo iyo astaamihiisa.

Kama dhigna inaan dhaliil kuu soo jeedinayo, kamana marna, waayoo, waxaan doonayaa inaad dhankaaga ka soo dharaandhiriso aqoontaada iyo awooddaada qoraaleed, aniguna aan maskaxdeyda maalo si’ aan labadeynuba u helno aqoon-afeed ku saabsan astaan qoraaleedka, ka dibna, aan is barbardhigno. Goortii laysku jumeeyo dabadeedna aan hirgalinno kii saxnaada. “Kolkaas adigana waa kuu xasuus anigana waa ii xil-gudasho”. Nin laashin ah ayaa ku shirbay:-

  • Nin geel qabaa nin geel qaboow
  • Meel geed leh iila guur yiraa.

Waa runtiis, waayo kolba inta ay dantu mideyso ayaa si’ wax isula arka. Nin geel leh, wuxuu widaay iyo war-wadaagba uu la noqdaa nin kale oo geel leh, ka dibna, waxay isula guuraan meel geeloodu uu daaqmo iyo nagaar ka helayo, si’ ay darar uga maalaan caddiin iyo curubana ay ugu noqdaan. Qoraayow! Aniga iyo adigana waxa dan noo ah, astaan-qoraaleedkeenna oo himmo iyo heemaal lagu soo hirto yeesha. Haah! Waa intaas! Oo anigu dan taas ka durugsan ka ma lihi, adigana waan hubaa in aad habkaas ila dareensan-tahay. “dhinaceyga soo deg” oo “garabkeyga immaaw”. Aan meel isula guurno e.

Caannimada astaanta DABARKA:

Astaantaan laba dhibcoodka, aniguna aan ku magacbixiyey: DABAR waxay ku jirtaa astaamaha caanka ah ee bulshada qoraalku ay aad u adeegsadaan. Waa astaan milgo iyo maamuus gaar ahaaneed leh, maxaa yeelay, waxay hor-gale u tahay summadaha qoraalka bilciya ee haddana bila. Waa summad aan adeegsigeeda dhib badan laga la kulmeen oo aad ayey ugu sahlan-tahay adeegsadaha, waana sababta gayeysiisay inaan astaantaan dhimaal badan lagu sameyn goorta la adeegsanayo. Haddaba waxaan dhihi karnaa; waa summad ka nabad-gashay gef iyo meel ka dhac ku yimaada hab adeegsigeeda saxan.

Sumaddaan maxaa martabadaas sare gaarsiiyey?

Waa waydiin aan hubo inay wacan-tahay in si dhab ah looga jawaabo. Hadda aqristow! Aan daaha kaaga rogo ee ila dhuux milgaha ay leedahay, sumaddaanu? Aan dhowr qodob oo astaantaan milgeeyay kuu bidhaamiyo:1. Waa summad ay mamnuuc tahay inay ku dhammaato qoraal guud, qoraalka aan ka hadlayo waa mid dhammaaday oo qalinki iyo inqaastii lagu qorayey la laabay. Taasi waa ma dhacdo oo astaantaan (DABARKU) qoraal ma af jari karto. Waa qodob u baahan inaan marka hore dhug u yeelanno.

2. Waa astaan tilmaameed oo waxay kuu bidhaamisaa wax kuu dhiman iyo wax kugu soo socda. Haddii aad aragto astaantaanu booska ay dhacday; waxay hordhac u tahay warbixin kugu soo maqan. Warbixintu inay tahay mid ashqaraar leh iyo inay tahay mid iska caadi ah kama wado, balse, waa waajib in booska ay dhacdo lagu xejiyo warbixin. Kolkaas waxaan dhihi karnaa waa dige iyo tilmaame. Waa dige oo waxay hummaag ahaan kaaga digaysaa in qoraal kugu soo fool-leeyahay/maqan-yahay. Waa tilmaame oo markii aad aragto waxaad u diyaar garoobaysa aqriska walaxda ay hor-galaha u noqotay.

3. Waa astaan wakiil ka ah walax maqan oo laga hadalayo, maxaa yeelay, qoraalka marka la qorayo walaxda joogta oo kaliya lagama hadlo, waxana imaanaya inaad ka qisooto walax ama qof maqan, haddaba waxay, ”Naa’ib” ka noqotaa walaxdii maqneyd. Waa awood ay astaantaanu la gooni tahay oo aysan jirin summad la qeybsata habkaan yaabka leh! Tusaale: halkaasbeey gashay. Mar kale tusaale: Cali wuxuu yiri: waxaan aqriyey; buugga GODOB IYO GALLAD. Halkaan, Cali ayaa wuxuu noo sheegay: Inuu aqriyey buug…waa tabtaas sida aan kuugu sheegay; asataantaasu waxay wakiil ka noqotaa wax maqan oo ay waajib tahay in wax laga tilaamo ama la baahiyo.

4. Sumaddaanu waxaa kale oo ay ka hadashaa ama u hadashaa wax jooga, sida qofka qoraalka qoraya laftiisa. Sida ay walaxda maqan afayeen ugu tahay ayey kan joogana afayeen ugu tahay oo ay ugu hadashaa. Tusaale: khudbaddii aan jeediyay shalay waxaan ku sheegay: In Eebbe laga boqo iyo in la xoojiyo midnimada iyo wada jirka. Sow ma aragtid sida ay iigu hadashay? Haah! Waa afayeen kan maqan iyo kan jooga labadaba xambaari kara.

5. Qeybin. Astaantani, waa qeybiso, maxaa yeelay, waxay kala meeleysaa; laba qof wada sheekeysigooda, si’ ay xad ugu yeesho hadalka labada dhan ay is waydaarsanayaan. Kolkaasna waxaan dhihi karnaa hadalka ayey qeybisaa. Si’ ay taasi noogu dhabowdo aan qodobkaan ballaariyo ee ila soco. Tusaale:

  • Cali ayaa cumar ku yiri: magacaa walaal?
  • Cumar ayaa ku jawaabay: magaceygu waa: Cumar ee adna?
  • -Cali ayaa ku afti-deystay: Cali baa lay yiraahdaa.
  • -Cali oo hadalka sii wata ayaa yiri: Halkeebaad ka timid?
  • -Cumar ayaa ku jawaabay: waxan ka imid, Muqdisho ee adna?
  • -Cali ayaa ku tiraabay: waxan ka imid Gaalkacyo.

Haddaba sow ma arkin habka iyo sida ay hadalka u qeybisay? Waa astaan yaab leh! Waxay awood u leedahay; inay qoraalka goysmo u yeesho, ka dibna ay si’ habsami leh qofba mar ugu soo dhaweyso. Waa astaan xariiriye ah ama daadihiso. Cajiib!!

6. Astaaantaani waxay leedahay; oo la yaab iyo mucjiso ah, summadaha kale ee qoraalku, waxay leeyihiin qaybo badan oo erayada ama jumladaha dhammaadkooda ku bahoobi kara, sida asataanta wayddiinta (?) Oo ay gadaasheeda dhici karaan (4) afar astaamood oo kala duwan. Tusaale:

  • Wayddiin iyo yaab?!
  • – Wayddiin iyo joogsi?.
  • – Wayddiin iyo hakad?,
  • – Wayddiin iyo kolmo?”

Haddaba waxaa yaab iyo ashqaraar leh! In astaantaan aan xeerinayo aysan jirin summad kale oo bah-wadaag la noqon karta, marka laga reebo hal summad oo laba si’ ay xariir u wada leeyihiin. Sumaddaas xariirka wada shaqeyneed la leh; mar waa waajib iyo iyo daruuri inay midoobaan, balse, goorta ay midoobaan macnaha ay hadda u taagan-tahay ee kala xadeynta hadalka ah waa ay beddelmayaan, macno kale oo taas ka duwan ayeyna yeelanaysaa. Marka labaadna daruuri maahan in lagu lammaaniyo, balse, xeer ahaan way bannaantahay. Haddaba sumaddaas labada goorba la midoobi karta waa; astaanta ( – ) BARSHINTA. Haddii aan horreysiiyo kolka ay la midoobi karto, balse, aysan lama dhaafaanka ahayn waa marka loo dhigaaliyo sidaan:- ( :- ). Markaan inta badan waxa la adeegsadaa kolka laga hadlayo hadal la doonayo in la soo gaabiyo. Tusaale: waa marka la tilmaamayo, qoraalkaan waxa qoray oo laga dhigayo; W/Q:- Shiribmaal. Markaan qoraaga rabitaankiisa ayey ku xiran tahay, haddii uu doono waa iska deyn karyaa, haddii uu doonana waa uu qori karyaa sidaas. Kolkaasna waxay noqonaysaa xeer qoraha ku xiran ee aan adeegsigiisu waajib ahayn.

7. Sumaddaanu markaan labaad ee ay la bahoowday astaanta kale ee ( – ) barshinta, waxay dhammaantoodba isu rogayaan macno kale oo ka geddisan kii lagu yaqaannay sumaddaan…taas oo noqoneysa xisaab laysu qeybiyey. Dib u xasuuso ama dib ugu laabo qodobka (5-aad); ee aan ku tilmaamey in astaantaanu ay awood u leedahay inay hadalka qeybiso. Haddana waa tan iyada oo tiradiina kala qeybisay, kalana meeleeysay, cajiib!! Kolkaasna waxaan ogaannay inay astaantaanu tahay summad laandheere ah oo qoraalka dhexdiisa mudnaan gaar ahaaneed ku leh. Haddaba sidee ayey tiradana u qeybisay aan meel fudud kaa tuso ee ila soco aqriste.

Astaantii DABARKA (laba-dhibcoodka) ayaa waxaa dhexda ka galay astaanta kale ee barshinta. Sumadda BARSHINTA goorteeda ayaan bidhaamin-doonaa xeerarkeeda lama dhaafaanka ah, balse, waxaan hadda shin u tusaaleeyay; waa xariirka iyo jaalnimada ka dhaxeysa sumadda aan xeerinayo ee DABARKA. Haddaba ( 100÷2) = waxay la mid tahay; 50》. War cad. Haddii aan ugu magac-darno astaanta qeybinta toloow maxaa ku jaban? Waa waxbana waayoo, mar hadalkii ayey qeybisay iyada oo ridmo iyo goysmo u yeelaysa. Sidoo kalena u diidaysa inuu isku dhexyaaco oo cidda hadleysa iyo cidda ay la hadleyso la kala garan waayo. Marna waxay qeybisay tiradi iyo xisaabtii iyada oo isku dheririsay sumadda kale ee aan BARSHINTA ku magac-bixiyey. Astaantan qaybintu waxa kale oo ay diidday inay summadaha kale ee qoraal bilaha la ah ay qoraalka dhexdiisa kula shaqeyso ayna deris ku noqdaan habka kala sooca qoraalka, waxayna noqotay; astaan lug-tool ah oo kaligeed malafsata, markase ay xisaab iyo tiro joogto astaan kale isku dheririsa si ay isu kaalmeystaan iyaga oo aan kala saameyn yareyn. Cajiib!!

Kala reebid

Astaantaanu kolkaan waxay u taagan-tahay inay tirooyinka iyo wixii la mid ah ay kala reebto. Markaan waxay awood u leedahay; inay kuu warranto oo aad hadalka si’ dhug leh aad u dhuuxdo. Goortee ayey kala reebtaa qoraalka? Waa marka qoraalku uu yahay; mid lambarro iyo tiro leh oo inbadan la si daba tixayo ama walxo badan lays daba dhigayo. Tusaale:-

  • Koow: waxaad tagtaa xarunta aqriska.
  • Labo: waxaad ka soo qaadataa; dhiganaha Gacal iyo Gayaan.
  • Seddex: waxaad si’ dhug leh u aqrisaa hormooyinkiisa.
  • Afar: Kolka aad aqrinta ku idleyso ka dib, dheefta uu bulshada u leeyahay tilmaan, adiga oo sidoo kalena, sheegaya dhimaalkiisa, afeed, qoraaleed, sheekeed.
  • Shan: Intaas ka dib, adiguna qalin iyo waraaq soo qaado oo markaaga qor sheeko.
  • Lix: halkaas waxaa kaaga soo baxay; kolkii aad wax aqrisay inaad waxna qortay.

Haddaba halkaan waxaan is daba tixay warbixinno isku wada xiran, balse, haddii aan astaantaas qoraal bilaha ka mid ah aan loo heli leheyn, aqriskooda dhib weyn laga la kulmi lahaa. Aqristahaas kolka koobaad: waxaan siiyey tilmaan. Kolka labaadna waxaan u sheegay: walaxda uu soo qaadanayo. Marka seddaxaadna waxaan faray: inuu si deggan u dhugto walaxdii aan u tilmaamey. Marka afaraadna waxaan siiyey amar: ku saabsan walaxdii uu helay. Marka shanaadna waxaan u sheegay: inuu deynka lagu leeyahay uu iska gudo qofkaasi. Marka lixaadna qofkii waxa uu noqday: mid deyn baxay oo wixii lagu lahaa dib isaga celiyey.

Haddaba summaddaanu waxay leedahay; dheef badan oo qoraalka dhexdiisa ah. Waxa kale oo mararka qaar isku dhiririsa summaddaan aan hore uga soo hadlay ee gergodka ( ; )…marka aan afka qalaad ku eegnana isku magaca wata ama si’ uun xariir u leh.

Summadda [ ; ] GERGODKA afka qalaad waxa lagu yiraahdaa: ”Semicolon” halka sumaddaan DABARKA (Laba dhibcoodka), lagu yiraahdo: ”Colon” waxayna u dhigantaa astaanta hore oo qeyb laga jaray. Haddaba labadaan astaamood shaqo isku ma leh, isku meelna ma geli karaan, balse, qorayaasha aan xeerka astaamuhu u kala soocneyn waa ay isku qaldaan.

Meelo badan way iska shaabbahaan, waxayse ku kala duwan yihiin: astaanta DABARKU waa laba dhibcood, kolkaas waxay awood ahaan u dhigantaa laba joogsi.. taas oo la meel ah; haddii askari uu ku yiraa: ”Joogso! Ee uu mar labaad ku yiraa: joogso! Wixii ku soo xigi karaahi waa gacan ka hadal. Haddaba astaantaanu sidaas ayey ka dhigan-tahay. Waana joogsi laba dhacay. Astaanka kale ee gergodku; waxay ka kooban-tahay: joogsi. Iyo hakad, waxayna geli kartaa oo ay boos ku leedahay; ”halkii ka yara weyn ama ka adag in hakad, la dhigo, kana fudud inuu joogsi. Dhoco. Haddaba hakadna, way ka weyn tahay, joogsina way ka yar tahay. Sidaa aawgeed, marka labada astaamood laysku dhifto waxaa 3-jeer awood badan astaanka qabbirka ee qoraalka qeybisa…wixii aad isugu kahdaahina waa kuu aqoonyaro ee baro sida ay sumaduhu u kala mudan-yihiin.

GUNAANAD:

Qoraalkaan kooban ee aan ku bidhaaminayo milgaha iyo meel dhaca astaantaan, wuxuu gundhig iyo baarid labadaba u noqon karaa in si’ badan loogu dhugyeesho milgaha astaamaha qoraalka, mudnaantoodana la siiyo. Astaamaha qoraalku waa tilmaan iyo tusid kansho siinaya qoraha, sidoo kalena, hima gelinaya aqristaha. Waxay qeyb ka yihiin bilcinta iyo bilidda qoraalka, kolkaasna waxa waajibaysa in la barto, lana dhaqan-geliyo, ka dibna, la adeegsado. ”Af cilmi kama jiro carra-edeg, balse, bulsho afkeeda ka dhigta af cilmi”. Middaas waajibkeeduna annaga (soomaaliyeed) ee afka iska leh ayuu na saaran-yahay. Haddaba bidhaaminta astaamaha qoraal bilayaasha ah ee aan u bareeray, adigana waa kuu himma-gelin, anigana waa ii howlgudasho.

W/Q:- Xasan Cabdulle Calasow ”Shiribmaal”

Talo iyo tusaale; iigu soo hagaaji Imaylkaan:-

cuute23@hotmail.com

SHARE