Home Qoraallo IS ROGROGIDDA WAAYAHA W/Q: Cabdikariin Cabdulle Culusow ”Ugaas Jallaato”

IS ROGROGIDDA WAAYAHA W/Q: Cabdikariin Cabdulle Culusow ”Ugaas Jallaato”

0
SHARE

IS ROGROGIDDA WAAYAHA

Liibaan waxa uu ahaa wiil dhallinyaraa oo hooyo koris ah, aabbihiis kuma soo gaarin ifka waxa ka weyneyd Caa’isho oo ay isku mar ay ku geeriyoodeen shil gaari, ayada oo saddax jir ah mar uu aabbaheed dalxiis ugu waday reerkooda oo deggan baaddiyo, nasiib wanaag hooyo Caaliyo oo markaas uurka ku sidday Liibaan oo lix bilood ah waa ay ka badbaadeen shilkaas oo xagatini soo ma gaarin. Si kastaba arrinku ha ahaadee Liibaan waxa uu ku soo barbaaray nolol adag oo reer adeerkii garab kama helin kaddib markii ay hooyo Caaliyo u soo jeediyeen in marka ay kala timaado la dumaalo inta ka horreysana ay sii xannaaneyn doonaan, agab iyo agleyl wixii ay rabtana loo sameyn doono, arrintaas oo ay ka biyo diidday si cadna loo yiri: waa kugu kaligaa adiga iyo uurkaaga ee halkii aad doonto la aad.

Hooyo caaliyo oo xaamilo ah bil ka dib markii ay jir xumada u adkeysan weyday, waxay kas oo luudday reerkii ay u dhaxday markii horana ay dalxiiska ugu tageen. Sidaa loogama harin ee suuqa ayaa waxa loo galshay waa qumanyo wiilkeenna ayadaa dishay oo raalli kama ay aheyn booqashada waalidkiis iyo waxyaabo la mid ah. Halkii guri ee ay dagganaayeen waa la iibshay oo waa la dhaxlay, maxaa yeelay, Hooyo caaliyo ma heysan wax qarash ah oo ay u celiso si ay ugu sii noolaato gurigaas, sidaa darteed, ayadoo xaamilo ah geeridii ninkeedana bil aysan ka soo wareegin ayaa bannaanka lagu tuuray. Meel ay aaddo ma taqaanno cirka iyo dhulka ayaa la wareegay alaabteedii oo dhan bannaanka ayaa loo soo dhoobay sariir ha dhihin armaajo ha dhihin komaddiin ha dhihin kuraasta fadhiga oo mar dhaw Dubai looga keenay, dharkii gabarteeda saqiirtay, dharka ninkeeda ayagaaba kala qaatay oo kaas cidna waxba kama siin. Waxa dulmi iyo eed laga galay ma ahan wax qalin caraaddiis lagu dhigaalin karo ama hummaag iyo sawir guud laga bixin karo.

Waa awooddaa in ay baabuur kireysato, balse, intee ayey gayneysaa ma taqaan. Caaliyo waa isaga guurtay xaafaddaas, waxayna degtay xaafad aysan cidna ka aqoon, balse, uu deggan-yahay; nin abtigeed la ilmo adeer ah, waa dhibbane aan haysan cid uga kaalmeysa waayaha adduun ee ku soo fatahay, sidoo kalena, caloosha ayey uur ku siddaa oo ma awooddo inay xammaalato. Naftu orodbeey kugu aamintaabaa la yiriye, Caaliyo waxay dhabarka u ridatay noloshaas adag, iyada oo hilaadisay inay maalin uun ka sheekeyn doonto qaraarka waayaha.

Maalin ayaa waxa qaraabo salaan u soo aaday xaafaddii ay dagganeyd Caaliyo, Aay Faay. Aay Faay ku talagal uma soo aadin xaafaddaan, ujeedkeeduna wuxuu ahaa; booqasho iyo luga baxsi, waxayse si kedis ah u aragtay Hooyo Caaliyo oo jardiino fadhida, ilmadu ay dhabannadeeda ku qallaleen oo iska faruurya qaniineysa marna qosleysa oo xaalad waalli ku dhaw ku jirta. Caaliyo waxa ka oohinaya waa duruuf iyo xasuus adag oo ay soo gucatay, balse, ammin dheer ayaa ka soo wareegay goortii ay dhibtu soo gaartay. Is wareysi iyo sabarsiin kaddib waxa ay ku tiri: meel aad degto anaa kuu diyaarshay ee ha is murjin waa iska xaal adduun waana isa soo raaceen oo sidii ayey qol ku dajisay waliba aan wax ijaar ah laga rabin. Hooyo Caaliyo maxey ku muteysatay in dadkeedii waliba kuwii ay u dhaxday ay kobaha la gashtaan qof ay darisnimo beri ay wadaageenna ay guri aan waxba laga rabin ay siiso, sababtu wax kale ma ahan oo horaa loo yiri: ”Abaal ruux galaa badan, balse, qof gudo waa yar yahay” sidaa darteed, islaantaan deriska ay ahaan jireen Hooyo Caaliyo waxa la yiraahdaa: Aay Faay.

Aay Faay markii Caaliyo la soo guursaday ayey daris noqdeen waxa ayna ka mid aheyd dariskii ugu horreeyay ee ay Caaliyo is bartaan oo cusbada iyo Sonkorta ay kala qaadan jireen. Goortii ay si milgo iyo sharaf leh isu barteen isuna dhexgaleen, ka dib, ayaa madfac guriga Aay Faay ku dhacay, madfacaas oo aan la aqoon ciddii soo ridday, hase ahaatee, waxa uu agoonteeyay Aay Faay carruuteeda oo shan ahaa saddex gabdhood iyo laba wiil, Caaliyo waxa ay ka mid aheyd dadkii u gurmaday ilaa ugu danbeyn wiil iyo gabar ay dhaawicii u dhinteen. Tacsi wadareed ka dib waxaa isku soo haray Aay Faay iyo saddex carruur ah Caaliyo oo aheyd qofkii ugu danbeeyay ee ka tago 2dii habeenimo ayaa aheyd qofkii ugu horreeyay ee subaxnimadii u yimid goor aroornimo ah ayadoo ilmaha iyo Hooyadood quraac u wadda. Caaliyo naxdin awgeed waa ay hadli weyday waayo halkii ay uga tagtay ayey ugu timid ayadoo sideedii u fadhida Aay Faay, daqiiqado markii ay is hor taagnaayeen qofna aysan qofna la hadlin ayey Aay Faay ku tiri: Gabarteey ilmaha ii ogoow anigu ma ogi meel aan ku danbeyn doono e. Caaliyo ayaa ku tiri: ilmaha waa wada ogaaneynaa ee qaddarta Rabbi ku samir qof dhintay iyo roob galbeed maray sooma noqdaan baa la yiri: ee sidii aad saddexdaada carruura u korsan laheyd falankeed gal.

Aay faay ayaa tiri: Qaddarta lama yaabbani mana ka weyne ee intee ayaan ka billaabaa shilin dhaxda ka duleelo ma heysto dadkeygii geel, lo’ iyo Ari la soo dhoobayna waa la qalay oo waa lagu tacsiyo gutay, waa la cunay, waana lagu kala tegay, ka dibna, waa naloon duceeyay, waxa ayna igu dhaheen; waa isku soo noqoneynaa, nin tolka ka mid ah oo ku dummaala, si’ uu saddaxda cunug kuula koriyana waa lagugu darayaa, aniguna waxaan ugu halceliyey: ma ka waalni! Dummaal haddii aad wax igu siineysiin yaanan mar kale agtayda idinku arkin, anoo maqlaaya ayey hoos ugu yo’to’een iska dhaafa islaantaan weli laysma gaarin ee ha soo kululaato, kolka ay wayso wax ay ilmaha siiso iyadaa soo debci doonta, oggolaana doonta in la dummaalo. Ma inay ilmaheyna nin islaameed soo dhexjoojiso ayey dooneysaa, taasi waa ma dhacdo, ayey hoos isugu gaabsadeen, isla jeerkaasna iridda ayey ka baxeen iyaga oo aan soo nabadgala nagu oran. Waa; ”Col ku dhac oo tuug kuu ciidami”.

Caaliyo oo aad uga xumaatay ayaa tiri: ii sug wax yar inta gurigeeda ku laabatay ayey dahabkii arooskeeda oo ay hanti ka laheyd iyo lacag yar oo aan aad u buurneyn soo qaadday, ka dibna, inta siisay ku tiri: kani waa dahabkii arooskeyga deyna kuguma aha ee dhaxda xiro oo awlaaddaada korso, ha na u joojin tol kaa jeestay. ”Dhagarroow dhibka asaa ku dambeeya” ee ha u bixin aay Faay ayey ugu laabqaboojisay Caaliyo. Aay Faay waaga ayaa u baryay, gabar yar oo bil la qabo oo dahabkeedii ugu deeqday iyo dadkeedii oo meel cidlaa uga tagay, waxa ayna u naxday in caaliyo uu gurigu uga dumo, dahabkaan ay dhiibtay awgiis, balse, waxaa la yaab ku noqotay! Caaliyo ninkeedii oo bur, bariis ,sonkor, baasto, saliid iyo dhammaan cuntooyin saddax billood ka badan baabuur xaajiyo Khamsiin ah ku wada uu albaabka u soo garaacay una tacsiyeeyay, kuna yiri: waxba kaa hallaabi maayaan arrinkaaga oo dhanna Caaliyo ayaa ii sheegtay; in ay wehelkiina baqiileen.

Caaliyo odaygeedu ma oga dahabkeedii in ay siisay Aay Faay, balse, gurmad iyo u damqasho ayey ka tahay ayuu yiri: Eeddo Caaliyo dahabka gacantaada ku jira haddii ay Caaliyo keeda kuugu darto dukaan weyn baad ku furan kartaa, isla jeerkaasna intuu dhanka caaliyo soo eegay ayuu ku yiri: Caaliyooy! Aay Faay maanta ayey garab kaa rabtaa ee kaagana ugu soo dar meel ka qeyr badan baad ka heleysaa Eebbe idankiis, anigaana kuu ballan qaadaya inaan kuu iibiyo, mid kan ka qaalisan. Caaliyo ayaa tiri: waxba kama reeban far gashiba ha ahaatee, waana kan gacanteeda hadda ku jira gacaliye. Intuu labada daan ka shumiyay ayuu yiri: ‘ilmaheyga hooyadood waad ku bannaan tahay waana uu ka dhaqaajiyay.

Aay faay maalinkaas nolol cusub ayaa u billaabatay, balse, ay garab iyo gaashaan ka heysato Caaliyo iyo Saygeeda. Aay faay dahabkii ma gadin ee rahan bay u dhigatay lacag ay dukaan ku furato ayeyna ku soo qaadatay oo u dhiganta qiimaha uu dahabkaasi joogo, booskii ay deggeneydna waa iibisay oo mid raqiis ah ayey iibsatay, nasiib wanaag hal gu’ gudihiis ayey ku celisay dahabkiina mar kale ayey lacag kusoo qaadatay, ka dibna, ganacsigeedii ayaa u ballaartay oo u kala kacay, faa’iiido kasta ay hesho labo intay u qeybiso ayey qeyb meel ugu qori jirtay Caaliyo iyo odaygeeda. Aay faay iyo Caaliyo is araggoodu waa yaraaday, markii ay xaafadda ka guurtay oo ay xaafad ka dheer degtay, balse, xiriirkooda farriimaha iyo is wareysigu waxa uu u ahaa caadi oo isma moogaan jirin ilaa markii iskugu war danbeysay ee aheyd; Caaliyo oo u dalxiis tegeysa baaddiyo, masiibada dhacdayse war moog ayey ka aheyd aay Faay.

Aay Faay guriga Caaliyo ma aheyn deriskooda, meel kale oo ay u raadisona ma aqoonnin, markii ay telkeeda ka weyday dareen ayaa galay! sidaa darteed, subax walba waa soo mari jirtay muddo laba todobaad ah ilaa maalinkii danbo ay aragtay gurigii Caaliyo oo lagu soo qoray waa iib. Markii ay xog wareysatay ayaa loo sheegay; ninkii lahaa inuu dhintay lana dhaxlayo, sidaa awgeed, ciddii qiimo fiican u gaartana laga iibin doono. Markii ay intaas ogaatey ayey Aay Faay dallaaliin u soo dirsatay; in gurigaas qiimo kasta oo uu noqdo cid kale qaadan sidaas ayeyna kula wareegtay guriga, waxa ayna ku qortay Caaliyo.

Caaliyo aragtida Aay Faay caafimaad ayey ka qaadday war iyo wacaalna uma heyso Aay faay sida ay la damacsan tahay, waayo waligeed kalama sheekeysan, keydka ay u qoonddeysay, Caaliyana waligeed ma weyddiin halka uu xaal umarayo kor ayaa leyska wareystaa, sannadkiina waxaaba lays arki jiray hal mar ama labadii sano hal hal mar. Dantaa kala seeteysay labadoodaba ee isma necba. Caaliyo qol iyo fadhi horay loogu diyaarshay ayaa la dajiyay, wax yar ka dibna, dahabkii ay berigii siisay Aay Faay iyo lahaanshaha gurigii laga soo eryday oo magaceeda oo saddaxan ku qoran ayey Aay Faay farta ka saartay, waxayna ku tiri: kani waa dahabkaagi, kanna waa gurigaagi aad degganaan jiray, intaasna waxaa dhalay abaalkii aad ii gashay, aniguna ma noqon mid maalkeeda iyo maankeedaba ku ciyaarta. Aay Faay ayaa sidaasi ku aftideysatay. Caaliyo waxa ay soo xasuusatay; amminkii ay Aay Faay xaaladda maanta ay la nooshahay ku jirtay iyo sidii ay hiil iyo hooba ula garab istaagtay, marna ma filaneyn saacadaha wareega in ay ku imaan doonaan oo isla qofkii ay shalay ka badbaadisay hororkii ehelkeeda ahaa, ay maanta markeeda ka badbaadin doonto, ooyin ber loo aamusiyo laga quustay laga quustey ayeyna meel kula gorof-gaddoontay Caaliyo.

Maankeeda ayey dib u celisay Caaliyo, waxayna hilaadisay oo xasuusteeda hal mar ku soo dhacday, heestii oraneysay: ”horta yaa abaal gala, hadduu jirase yaa guda”. Caaliyo waxay cod dheer ku tiri: iyada oo kor u qeylinaysa: ”adigoo sammaan fali kara, waligaa xumo ha ku fikirin” nabsigii aad ku fasho dharaaraha aad ladan-tahay, wuxuu gondahaaga soo istaagi-doonaa, dharaaraha aad liidato. Wanaagguna waa sidaas ee maalmaha aad qof ka gacan sarreyso ha ku tuman ee u gargaar. Halkaasna waxaa ka billaabay: Oohin kalgaceyl dugsan, murugo iyo caloolyowna ka dheer oo ay isu jiibanayeen; Caaliyo iyo Aay Faay.

La soco qeybaha xiga. Haddii Eebbe idmo.

W/Q:- Cabdikariin Cabdulle Culusow ”Ugaas Jallaato”

SHARE