Home Qoraallo DUULAANKA AF-CARABIGA IYO DABAR-GO’A AF-KA SOOMAALIGA Q1AAD

DUULAANKA AF-CARABIGA IYO DABAR-GO’A AF-KA SOOMAALIGA Q1AAD

0
SHARE

DUULAANKA AF-CARABIGA IYO DABAR-GO’A AF-KA SOOMAALIGA

Afku waa udub-dhaxaadka ama gundhiga ay ku taagnaato bulsho ama qaran, afka haddii uu baaba’ayo waxaa la galbada dadkii ku hadli jray kuwaas oo si quudhsi iyo hoosayn ah ugu biira dadyowga afkoodu ka adkaay afkii ay ku hadli jireen ee ay awoowayaashood ka dhaxleen.Haddaba waxaan doonayaa in aan wax yar qormadan gaaban oga yara faalloodo halka uu marayo afkeenna hooyo ee Soomaaliga iyo afafka qalaad ee duulaanka ku ah.

Gayiga Soomaaliyeed waxaa inka badan boqol gu’  soo maamulay oo ku soo amar-taagleeyay xooggagii saan-caddaalayaashii reer YURUB, kuwaasoo ay ugu tun waynaayeen dalalka: Ingiriiska, Faransiiska, Talyaaniga, waxaa sidoo kale guluf iyo colaad qoto dheer innagala dhaxaysay Abasiinayadii(Xabashi) shalay iyo itoobiyada maanta.

Colkan iyo nacabkan isu keen biirsaday wax ay dhammaantood ka midaysnaayeen in ay bulshada Soomaaliyeed kala dagaalan dhanka Diinta, Dhaqanka iyo afkooda-hooyo ee Soomaaliga.

Bulshaddda Soomaaliyeed waxa ay si isku duubnaani ku dheehan tahay ula dagaaleen, ganafkana ugu dhuftii dhammaan isku daygii shisheeyihii gaalka cad ahaa iyo kii madoobaaba ahaa ee aan kor ku soo xusay, waxa ayna bulshada Soomaaliyeed ku guulaysteen in ay ilaashadaan danahooda dad ahaaneed, taasna waxaa caddayn u ah, in Soomaalidu ay madax bannaanideeda qaataay ayadoo isku af, isku diin iyo isku dhaqan ah.

Maanta labada gobol ee ku hoosjira gumaysiga( S/galbeed, N.F.D.) iyo dowladda gaarka ah ee (Jabauuti) laftirkoodu way yartahay saamaynta ay afkooda iyo diintooda ku leeyihiin dalalka xoogga ku haysta, marka laga soo tago jabuuti oo uu afka faransiisku aad ugu xoogganyahay kolka la barbardhigo afarta gayiga_Soomaaliyeed ee kale( S/galbeed, N.F,D, Waqooyiga Soomaaliya iyo koonfurta Soomaaliya).

Balse waxaa jira halis wayn oo afka soomaaliga uga imaanaysa dhanka afka carabiga kaasi oo aysan soomaalidu ku baraarugsanayn.

Af-carbeedku waxa uu bulshada Soomaaliyeed ku soo gaaray faafinta iyo barashada diinteena islaamka ee suubban,waxaanna ku lamaansanaa dhaqanka iyo caadooyinka dadka ku hadla Af-carbeedka, taasi oo saamayntiisa laga dareemi karo soomaalida dhaxdeeda.

Baaris gaaban oo aan sameeyay waxaan ku soo ogaaday in afka carabigu uu gabi ahaanba ku habsaday oo duugay erayo af-soomaali ah kuwaasi oo ka baxay buugta iyo maskaxda Soomaalida, waana astaan ama tusaale muujinaya siiyaalka dhaw ama timaadada dhow in uu afka carabigu uu tirtiridoono afkeena hooyo ee Soomaaliga.

Sida dhabta ah afkastaai waxa uu ka soo burqadaa oo ku tiirsanyahay dadka reer miyyiga ah ee ku hadla, maxaa yeelay dadka magaalka ku dhaqan waxaa inta badan si’ tuuryo ah usoo gaara afafka qalaad. Hadiise afqalaadi gaaro oo uu samayn ku yeesho dadka reer miyiga waxay ka dhigan tahay in afkaasi lowgu galay god-gaanshaandhigeedkii ugu dambeeyay uuna gabi ka laadlaado.

CADDAYNTA 1AAD ERAYADA CARABIGA AH EE TIRTITAY ERAYADEENII AFKA SOOMAALIGA.

  • Rajo(Filasho)
  • Farxad(Obsi, Riyaaq) 
  • Laakiin(Balse, hase ahaate)
  • Hammi( Yididiilo
  • Fursad(Kansho)
  • Allbaab(Irid, Kadin, Afaaf)
  • Miisaan(Jimeyn,Mug)
  • Ceeb(Buyuur) 
  • Difaac( Is jirid)
  • Cowro,(Xun) 
  • Sharaf(Milge)
  • Cadaalad(Garsoor)
  • Xaaraan(Booli, Reeban)
  • Xalaal(Bannaan)
  • Fanaan(Hoobal)
  • Macalin(Bare)
  • Ustaad( Barbaariye)
  • Bakhiil(Dhabcaal ama muudal)
  • Madfac( Gantaal)
  • Xurmayn( Milgeyn ama weynayn)
  • Ciqaab(Ganaax)
  • Cadow(Nacab)
  • Fikrad(Aragti) 
  • Kufrin(Gaalnimo alla kood, Alle diidnimo)
  • Nasri(Gargaar)
  • Cawaaqib(Cidhib dambeed)
  • Sawir( Muuq, Mututuul)
  • Cunsuriyad(Midabtakoor midab sooc)
  • Taariikh( Sooyaal) 
  • Mustaqbal(Aayatiin, Siiyaal)
  • Khudbad( Hadal jeedin)
  • Maal( Hanti, marna waaba Af soomaali oo maal iyo mood, waa xoolaha nool ee la maalo iyo wixii kale ee ka soo hadha ee hanti ah.
  • Jaahil( Aqoondarro)
  • Abid(Weligeed)
  • Nuuc( Jaad ama cayn)
  • Dayn( Qaan)
  • Masuul(Xilside)
  • Qabiil (Beel)
  • Waji,(Fool)
  • Sannad( Gu’ ama Dabshid)
  • Xisbi( Urur, Koox)
  • Musiibo( Obolos, Mahadho) 
  • Maslaxad( Waanwaan ama heshiisiin)
  • Munaafaq( Laba galeyn ma midabyaale, jirjiroole)
  • Waddan(Dal, Gayi) 
  • Daacad(Hufnaan)
  • Barako(Badhaadhe)
  • Shar( Hoog) 
  • Nimco( Barwaaqo)
  • Khayr(Barkhad)
  • Musharax(Tartame)
  • Caqli(Garaad)
  • Aduun( Ifka)
  • Caam( Guud, dhan)
  • Cajiib( La yaab,Amakaag)
  • Ciyaal( Carruur, Dhallaan,  Ubad)
  • Jiil(Fac)
  • Qasaare( Hungo, Jab)  

Erayadaasi waa inyar oo kamid ah erayada afka carabiga ee aan sida joogtada ah u adeegsano kuwaasi oo aanan u dareemaynin ina ay yihiin af-qalaad, waxa ayna intooda badani tirtireen oo ku habsadeen erayo af-soomaali ah oo aan adeegsano jiray intii uusan afka carabigu sida daadka oo kale noo xaaqin, sida aan kor ku caddeynay eray walba oo Af carbeed ah waxa aan haysanaa dhigiisa oo Af soomaali ah, haddii aan dib loo noolayna, beri dhiman doona, kana bixi doona laabaha iyo maskaxda dadka ilaa la garan waayo wax uu ahaa.

La soco qaybaha kale.

W/Q: Cabdinaasir Xiddig.

SHARE